Home Blog Page 357

Midowga Afrika oo War ka soo saaray doorashadii ka dhacday dalka Tansaaniya.

0

Sabti 1, Nov 2025 {HMC} Ururka Midowga Afrika ayaa aqoonsaday doorashadii ka dhacday dalka Tansaaniya oo 98% cododka la dhiibtay la sheegay inay ku guuleysatay madaxweynaha xilka heysa, Samia Suluhu Hassan, iyadoo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika , Maxamuud Cali Yuusuf uu hambalyo u diray Samia Suluhu.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Midowga Afrika , waxaa lagu yiri ; “Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa la socday natiijooyinka doorashada madaxtinimada ee ka dhacday Tansaaniya, wuxuuna hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tansaaniya, Marwo Samia Suluhu Hassan, guusha ay ka gaartay doorashada.”

Warsaxaafadeedka wuxuu ka dhiganyahay inay si deg deg ah sharciyad u heshay natiijada doorashada Tansaaniya, oo mucaaradka dalkaa ay ku sheegeen doorasho lagu shubtay, xilli xataa isku soo baxyo natiijada doorashada looga soo horjeeda ay ka dhaceen magaalooyinka Tansaaniya, balse taasi waxba uma dhimin oo Samia Suluhu, waxay isku rogtay hoggaamiye awood leh.

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud oo dib u furtay kiiska dilka hooyo iyo saddexdeeda gabdhood.

0

Sabti 1, Nov 2025 {HMC} Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqday in dib loo furo kiiska dilka naxdinta lahaa ee lagu eedeeyay saddex ruux oo loo haystay dilka hooyo Safiya Daahir Wehliye iyo saddexdeeda gabdhood, kuwaas oo lagu dilay deegaan hoostaga Qayib bishii hore.

Go’aankan ayaa lagu sheegay qoraal rasmi ah oo soo baxay 29-ka Oktoobar 2025, kaasi oo ay Maxkamaddu ku sheegtay in ay dib u eegis iyo racfaan cusub ku samayn doonto kiiskii hore ee lagu xukumay eedeysanayaasha kala ah, Cabdi Cusmaan Cabdulahi, Ayuub Maxamed Cabdi iyo Cali Aadan Xuseen.

Qoraalka Maxkamadda ayaa tilmaamay in dib-u-furista dacwadda ay timid kadib markii la soo gudbiyay cabasho rasmi ah oo ku saabsan sida ay u dhacday dhegeysiga hore ee kiiska, iyadoo la doonayo in dib loo qiimeeyo caddeymaha iyo marqaatiyaashii la hor keenay.

Sida lagu sheegay warqadda Maxkamadda Racfaanka Galgaduud, kiiskan dib loo furay ayaa la qorsheeyay in dib loo bilaabo 5-ta bishan Nofeembar 2025, waxaana lagu casuumay dhinacyada dacwadda, qareenadooda iyo saraakiisha amniga ee Dhusamareeb.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay doonayso cadaalad buuxda iyo dhegaysi caddaalad ah, iyadoo la xaqiijinayo in geerida hooyada iyo carruurteeda ay hesho garsoor dhab ah oo ku saleysan caddayn iyo shuruucda dalka.

Go’aankan ayaa si weyn u soo jiitay dareenka bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dad badan ku baaqeen in kiiska si hufan loo dhageysto loona helo cadaalad aan leexleexad lahayn.

Qoys Soomaaliyeed oo Boqol neef oo ari ah ku waayay roobab Xoogan oo Xalay Da ay.

0

Sabti 1, Nov 2025 {HMC} Daadad ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay Khamiistii deegaanno hoostaga degmada Balanbala ee Ismaamulka Gaarissa ayaa dhaliyay khasaaro soo gaaray dadka xoolo dhaqatada ah oo ku waayay xoolo badan iyo hooygii ay deggenaayeen.

Deegaanka Shimbireey ee hoostaga Sankuri oo ka tirsan Balanbal, ayaa ahaa halka ugu badan ee khasaaraha ay ka soo gaareen dadka xoolo dhaqatada daadadka soo rogmaday.

Deeqow Kuusow Maxamed oo kamid ah dadka uu khasaaraha ka soo gaaray daadku ayaa BBC u sheegay inuu ku waayay 100 neef oo ari ah iyo hooygii deegaanka u ahaa oo uu la soo baxsaday carruurtiisa.

”Meesha waxaa la dhahaa Guutooy oo ka tirsan Shimbireey, amin sagaal saac ah ayaa biyo iska socda i soo galeen, ari gacan kuma hayo, ilmihii ayaan la baxay, wixii raashin, dhar iyo ari ahaa wax haray ma leh, meeshii waan ka baxay oo waan ka cararay, raxmad illaahay keenay ayay ahayd alxamdulillaah,” Ayuu yiri.

Dadka deegaanka ee uu saamaynta ku yeeshay daadka oo aan la tirakoobin ayaan lagu ogaan karin tirada rasmiga ah ee waxyeellada ay gaysteen daadadkaasi ka dhashay roobkii ka da’ay deegaannada hoostaga Balanbala, Garissa.

Dhankiisa xildhibaankii hore golaha deegaanka Balanbala ka soo galayay deegaanka Sankuri, Cabdiwahaab Sulaymaan Baraki oo isna la hadlay BBC ayaa sheegay in inta uu ka war hayo dadka uu saameeyay daadka uu kamid yahay adeerkiis Buurow Colow oo ku waayay ku dhowaad 240 neef oo ari ah ayna ka soo hareen Ariggiisii 270 neef ahaa, 30 kali ah.

Dadka deegaanku ma helin wax gurmad ah oo uga yimid maamulka iyo hay’adaha marka laga yimaado inay dhexdooda isu gurmadeen, sida uu sheegay Cabdiwahaab.

Roobabkii da’ay Khamiista ayaa dadka deegaanku ku raysteen, xilli ay wajahayeen abaar muddo soo jiitamaysay.

Ismaamulka Garissa kahor roobabkan waxaa degdeg ugu baahnaa in cunto lala gaaro ku dhowaad 33,000 qoys, sida uu sheegay Maxamed Dhuubow oo qaybta gurmadka degdega ah u qaabilsan ismaamulka Garissa.

”Roobabka mar kasta oo ay yimaadeen waxa ay la imaadaan daadad xoog leh, jidadka ayay dhib u keenaan marka roobabkii xalay da’ay (Jimce) jidkan Nairobi iyo hadda u dhaxaysa Garissa biyo ayaa saameeyay, Maadaama roobab xoog leh ay ka da’ayaan Kenya-ada hoose waxaa ka da’aya roob xoog leh, marka webiga Garissa wuu biyo keeni doonaa, barkacna wuu keenaa badi, marka taasna waan isku diyaarinaynaa ka imaamul ahaan, fatahaad noocaas ahna waan filanaynaa. Dhinacna abaar ayaa naga haysa oo roobabka xilligan inay yaraadaan ayaa laga yaabaa ayay dheheen,” ayuu yiri.

XIGASHO BBC

15 qof oo ku dhimatay dhul-go’ ka dhacday Dalka Kenya.

Sabti 1, Nov 2025 {HMC} Tirada dadka ku dhintay dhul-go’ ka dhacday degmada Elgeyo Marakwet ee gobolka Rift Valley ee dalka Kenya ayaa gaartay 15 qof, iyadoo in ka badan 30 qof aan weli la ogeyn halka ay ku dambeeyeen, sida uu xaqiijiyay wasiirka arrimaha gudaha Kenya Kipchumba Murkomen.

Waxa uu sheegay in 25 qof ay ku dhaawacmeen oo laga daad gureeyay si gurmad caafimaad loogu sameeyo.

Hawlgallada baadi-goobidda iyo samatabixinta ee socda ayaa waxaa fulinaya koox ka kooban hay’ado badan oo ay ku jiraan militariga, booliiska, iyo hay’adaha samafalka.

Murkomen waxa uu sheegay in qoysaska halista ugu jira dhul go’o kale loo rarayo meelo nabdoon, waxaana la furay hannaan lagu soo sheego dadka maqan.

Roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay halkaas ayaa sababay in qeybo ka mid ah gobolka sare ay dumaan abbaare labadii habeennimo ee xilliga gudaha, taasoo keentay in dhoobo iyo khshin ay hareeyeen guryo dhowr ah.

Saciid Dani oo Badalay Astaanta Booliska Puntland.

0

Sabti 1, Nov 2025 {HMC} Puntland ayaa ciidamo Booliis ah oo cusub oo dhawaan la tababaray u soo saartay gaadiid cusub oo leh astaan faras & midabka calanka Puntland ee buluug, cagaar & caddaan.

Puntland waxaa ay badashay Asaantii ay lahaayeen Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ahyed Goodirka waxana ay ku badaleen astaan faras ah iyo midabka calanka Puntland.

Badalista Astaanta Booliska ayaa timid kadib markii Ciidamo Cusub lagu wareejiyay Amaanka Magaalooyinka Puntland.

Inkasta oo weli aan digreeto rasmi ah lagu soo saarin beddelista astaamaha Booliska, haaddana waxa ay saraakiisha dowladdu tilmaamayaan in laga guurayo astaantii Goodirka oo weligood ay lahaayeen guud ahaan ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Ukraine oo qarxisay saddex dhuumood oo shidaalka qaadayay oo Ruushka Leeyahay.

0

Sabti 1, Nov 2025 {HMC} Sirdoonka Dowladda Ukraine ayaa maanta shaaca ka qaaday inay mid ka mid ah howlgaladooda ugu muhiimsan ka fuliyeen gobolka Moscow ee ay ka tirsan tahay caasimadda Ruushka .

Dowladda Ukraine ayaa sheegeen inay qarxiyeen saddex dhuumood oo qaadayay shidaalka ay isticmaalaan diyaaradaha dagaalka iyo gaadiidka ciidanka Ruushka ee ka howlgalla furimaha dagaalka, weerarrana ka fuliya gudaha Ukraine , wallow ay goobtu ahayd meel xilli walba ay kormeeraan ciidanka Ruushka , hadana muuqaal ay baahiyeen sirdoonka Ukraine waxay ku muujiyeen inay ku guuleysteen qaraxyo lagu xiro tuubooyinkan oo ugu dambeyn lagu qarxiyay.

Somali President arrives in Cairo, Egypt,

0

Saturday 1, Nov 2025 {HMC} The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan Sheikh Mohamud, has arrived in Cairo, Egypt, where he will participate in the opening of the National Museum of Egyptian Culture and History.

The President is accompanied on the trip by members of the Council of Ministers, including the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, His Excellency Abdisalam Abdi Ali. This visit is part of efforts to strengthen the historical ties between Somalia and Egypt, with a focus on cooperation in the areas of culture, history, and diplomatic relations between the two countries.

Afrika oo Dhaxdeeda Dhiig iska daadineyso.

0

Sabti 1, Nov 2025 {HMC} Afrika ayaa wajahaysa xaalad qalalaase darran, gobol kasta oo qaaradda ah wuxuu ku jira marxalad colaadeed , rabshado ka dhalanaya siyaasadda iyo xaalad hubaanti la’aan ah, kaliya 24 saac ee u dambeysay ; Burkina Faso iyo Mali kooxo ka soo horjeeda nidaamka ay milatariga hoggaamiyaan ayaa weerarro ay dad ku dhinteen fuliyay , waxaa kaloo galbeedka Afrika uu wajahaysa xaalad aan horey usoo marin oo ah afduubka ajaanibta iyo Afrikanka dhaqaalaha lagu tuhmayo si looga qaato lacago madax furasho ah, Toddobaadkan keliya $500 illaa $50 milyan lacag u dhaxeysa ayaa laga qaatay shaqsiyaad ay kooxahan ku afduubeen galbeedka Afrika.

Marka la soo gaaro bartamaha qaaradda dalka hodonka ku ah khayraadka dabiiciga ah ee DR Congo , waxaa ku dhintay tobannaan qof , markii weerar ay fuliyeen Daacish iyo M23 ay ka dhaceen gobollo dalkaa ka tirsan , halka Tansaaniya in ka badan 700 oo ruux lagu dilay toddobaayo gudahood, marka laga baxayo bartamaha oo galbeedka qaaradda la socdo, waxaa ka dhacaya xasuuq aan horey loo arag oo ka socda Suudaan.

Xataa gobolka galbeedka qaaradda waxaa ka billaabmay xiisad u dhaxeysa Morocco iyo Algeria , markii golaha ammaanka u aqoonsaday gobolka saxaraha galbeedka inuu hoos tago Morocco, kaddib 50 sanno oo gobolkaa oo halgan lagu raadinayay madax bannaani uu ka socday.

Ma jirto cid usoo jeeda Afrika , waxay quwadaha galbeedka iyo bariga doonayaan in Afrika lagu kala adkaado ama ay dalalka dhexda u galaan qalalaase aan dhammaad lahayn , taa oo fursad u siinayaa inay faragelin ku sameeyaan si loo helo khayraadka ay ku fadhiyaan kuwa baahan.

Waxaa meel kasta oo ku burburaya sharciyadii bani’aadamka ay ku heshiiyeen dagaalkii labaad ee dunidda , markii laga soo baxay.

Dhinac kastana dano istaraatiji ah ayaa ku jeex-jeexmaya, cid kasta oo awood lehna waxay fidineysa gacanteeda si ay awood ugu gaarto , waxayna dalalka taagta darran ku jiraan marxalad kala doorasho quwadaha ay ku tartansiinayaan ; “Anniga mise isaga, haddii kale waan ku burburin doonaa.”

Quwadaha galbeedka iyo bariga ayaanna raadinaya goobo faa’iido u leh oo ay ku tijaabinayaan awoodooda, iyagoo dhulalkooda ka fogeynaya colaadaha ayay sidoo kale isku tijaabinayaan meelo ka fog dhulkooda.

Ma jirto cid dambe oo fursad ay dib isugu qaabeyso la siinayo , cidna looma oggolaan doono inay madaxa kor usoo qaadaan, meel kasta oo khayraadka dabiiciga ah iyo marinada istaraatijiga ah laga helayo oo ay ku yaalaan waa bartilmaameedka quwadaha awoodda is bidaya! Ummad kasta oo huraday markii qarnigii u dambeeyay ay dunidda isku diyaarinaysay marxaladda maanta la joogo , waxay hurdada ka kacayaan iyadoo ay dhinac taal mididii lagu bireyn lahaa..!

 

Iman Jamac

President Hassan Sheikh Arrives in Cairo for the Opening of the Grand Egyptian Museum

Saturday 1,Nov 2025 {HMC} The President of the Federal Republic of Somalia, H.E Hassan Sheikh Mohamud, received a warm welcome upon his arrival in Cairo, where he is attending the opening ceremony of Grand Egyptian National Museum of Culture and History.

President Mohamud is among several heads of state invited to the event. During his visit, he is expected to emphasize the strengthening of the historic and brotherly relations between the peoples of Somalia and Egypt.

SOURCE SONNA