Home Blog Page 356

Qarax xoogan oo ka dhacay Mexico oo galaaftay nolosha dad badan

Axad 2, Nov 2025 {HMC} Dalka Mexico gaar ahaan Gobolka Sonora waxaa ka dhacay qarax sababay dhimashada ugu yaraan 23 qof halka ay ku dhaawacmeen 11 kale sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolkaas Alfonso Durazo oo Warbaahinta la hadlay

 

Dadka waxyeellada intooda badan soo gaartay waxa ay ahaayeen Carruur, waxaa la dhigay mid kamid ah goobaha Caafimaadka ee Gobolka Sonora si ay u helaan kaalmooyinka kala duwan ay u baahan yihiin Dadkaas sida hadalka loo dhigay

 

“Badi dadka waxyeellada gaartay waa Carruur, waxa aan magacawnay guddi madaxbannaan oo si daahfuran u baara waxa sababay qaraxaan si loo helo cid lagula xisaabtamo mas’uuliyadda wixii dhacay” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Sonora, Alfonso Durazo

 

Laamaha ammaanka ee Gobolkaan dhibaatadu ka dhacday ayaa meesha ka saaray in qaraxa uu ahaa weerar ama mid rabshado wata oo si bareer ah dadkaan loogu beegsaday, balse ma bixin macluumaad dheeraad ah oo xogta qaraxaas la xiriira

 

Qaar kamid ah Dadka goobta joogay ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxaan uu dhacay iyada oo Mexico ay ka socdaan dabbaaldegyo ay dhigayaan dadka masiixiyiin ah oo loo badinayo in waxyaabihii ay ku dabbaaldegayaan uu qaraxa sababay.

Madaxweyne xasan shiiq oo lagu wado in uu la kulmo dhiggiisa Dalka Masar

Axad 2, Nov 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Masar ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo dhiggiisa Cabdifitaax Al-Siisi, waxa ay kawada hadlayaan xoojinta xiriirka labadaan dal iyo adkaynta heshiisyo horay ay u wada galeen

 

Madaxweynaha Masar Cabdifitaax Siisi ayaa dhiggiisa Soomaaliya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku casuumay ka qaybgalka madxafka weyn ee jamhuuriyadda Carbeed Masar samaysay ee la daah-furayo

 

Siisi ayaa kulamo gaar ah oo kooban la qaadan doonna madaxda iyo mas’uuliyiinta kala duwan oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sida wararku sheegayaan

 

Madxafka Qaran ee cusub waxa ay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar ku maamuusi doontaa Injineer Axmed Maxamed Xuseen oo dhintay sanadkii 2017kii maadaama waqtigiisa uu u huray hagaajinta culuumta Injineeriyada.

Faah faahino laga helaayo Dagaal beeleed sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Gobolka Galgaduud

Axad 2, Nov 2025 {HMC} Deegaanka Guudoole Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug waxaa ka dhacay Dagaal beeleed sababay dhimashada ugu yaraan 4 qof iyo dhaawaca 9 kale kuwaas oo isugu jira Dad rayid ah Rayid ah & Maleeshiyaadkii dagaalamay

 

Odoyaal dhaqameedka deegaanka ah ayaa ku baaqay in lagu soo baxo daminta colaaddaan oo saamayn taban ku reebtay deegaankooda maadaama dilalka aanooyinka iyo iska hormaadka dhexmaraya maleeshiyaadka hubaysan ay kordheen

 

Dowlad-Goboleedka Galmudug oo aan weli si rasmi ah uga hadlin dagaallada iyo dilalka aanooyinka la xiriira ee kordhay ayaa ku howlan sidii ay u raadin lahaayeen xalka lagu soo afjarayo colaaddaas sida wararku sheegayaan

 

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa la sheegay in ay ku howlan yihiin sidii xal degdeg ah loogu heli lahaa colaadda taagan, waxaana socda qorshe lagu diyaarinayo ciidamo federaalka ah oo la geynayo deegaannadaas si xabbad-joojin loo dhaqangeliyo.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamo Cusub oo ku Wajahan Magaalada Garowe

0

Axad 2 November  2025 {HMC} Ciidamo Cusub oo ku Wajahan Magaalada Garowe

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Xiisad Dagaal oo ka taagan Gobolka Galgaduud.

0

Axad 2 November  2025 {HMC} FAAH FAAHIN Xiisad Dagaal oo ka taagan Gobolka Galgaduud.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUQAALKA} Weerar lagu qaaday Dad shacab ah oo ka dhacay Dalka UK

0

Axad 2 November  2025 {HMC} Weerar lagu qaaday Dad shacab ah oo ka dhacay Dalka UK

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUQAALKA} Trump oo Dalbaday in ilhaan Cumar laga Masaafuriyo Mareeykanka.

0

Axad 2 November  2025 {HMC} Trump oo Dalbaday in ilhaan Cumar laga Masaafuriyo Mareeykanka.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUQAALKA} Goormaa lasoo taagayaa Maxkamada ragii dilay Hooyo & Gabdhaheeda.?

0

Sabti 1 November  2025 {HMC} Goormaa lasoo taagayaa Maxkamada ragii dilay Hooyo & Gabdhaheeda.?

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 1-11-2025.

0

Sabti 1 November  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Midowga Afrika oo War ka soo saaray doorashadii ka dhacday dalka Tansaaniya.

0

Sabti 1, Nov 2025 {HMC} Ururka Midowga Afrika ayaa aqoonsaday doorashadii ka dhacday dalka Tansaaniya oo 98% cododka la dhiibtay la sheegay inay ku guuleysatay madaxweynaha xilka heysa, Samia Suluhu Hassan, iyadoo guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika , Maxamuud Cali Yuusuf uu hambalyo u diray Samia Suluhu.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Midowga Afrika , waxaa lagu yiri ; “Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa la socday natiijooyinka doorashada madaxtinimada ee ka dhacday Tansaaniya, wuxuuna hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Tansaaniya, Marwo Samia Suluhu Hassan, guusha ay ka gaartay doorashada.”

Warsaxaafadeedka wuxuu ka dhiganyahay inay si deg deg ah sharciyad u heshay natiijada doorashada Tansaaniya, oo mucaaradka dalkaa ay ku sheegeen doorasho lagu shubtay, xilli xataa isku soo baxyo natiijada doorashada looga soo horjeeda ay ka dhaceen magaalooyinka Tansaaniya, balse taasi waxba uma dhimin oo Samia Suluhu, waxay isku rogtay hoggaamiye awood leh.