Home Blog Page 367

Uganda oo ciidamo cusub usoo diraysa howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya?

0

Arbaco, 29, Oct 2025 {HMC} Dowladda Uganda ayaa maalmaha soo socda ciidamo cusub u soo diraysa gudaha Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya (AUSSOM).

Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda, Jeneraal Sare Francis Takirwa, ayaa la hadlay guuto cusub oo askar Ugandha u dhalatay ah oo dhawaan loo diri doono Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Intii uu socday kulan wacyigelin ah oo loogu diyaarinayay ciidanka, ayaa Gen. Takirwa wuxuu ugu baaqay askarta in ay ilaaliyaan mabda’a midnimada Afrika, edebta, iyo waddaniyadda inta ay ku jiraan howlgalka nabad ilaalineed ee Soomaaliya.

“Waa in aad mar walba kor u qaadaan midnimada iyo akhlaaqda bulshooyinka Afrika, idinkoo diiradda saaraya waddaniyadda iyo difaaca danaha dalkiinna,” ayuu yiri Jeneraal Sare Francis Takirwa.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dirista ciidankan ay qayb ka tahay dadaalka lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo in laga hortago weerarrada argagixisada ee ay fuliyaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Uganda ayaa weli ah dalka ugu badan ee ciidamo ku biiriya AUSSOM, waxaana ciidankeedu inta badan ka howlgalaan koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay door muhiim ah ka ciyaaraan nabad ilaalinta, xasillinta iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Macdanta?

0

Arbaco, 29, Oct 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Shire Maxamed ayaa maalintii labaad ka qeyb galaya Shirka 10-aad ee Caalamiga ah ee Macdanta oo ka socda magaalada Fujairah ee Isutagga Imaaraadka Carabta.

Shirkan heerka Caalami ah ayaa Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya waxuu ka jeediyay khudbad uu ku faahfaahinaayay istiraatiijiyadda dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahan horumarinta iyo maareynta kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya.

Wasiir Daahir Shire ayaa sidoo kale Shirka ka jeediyay talooyin muhiim ah oo lagu dhiirigelinayo maalgashiga gudaha iyo dibadda, laguna xoojinaayo shuruucda iyo hanaanka hufan ee lagu maamulo kheyraadka Macdanta iyo Batroolka.

“Waxaan fursad u helay inaan ka hadlo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta kheyraadka dabiiciga ah iyo inaan dhiirigeliyo maalgashadayasha caalamiga ah inay tixgeliyaan fursadaha macdanta ee dalkeenna” ayuu yiri Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Daahir Shire Maxamed.

Wasiirka ayaa ku dhiirrigeliyay shirkadaha caalamiga ah ee ka qeyb galaya shirkan in ay tixgeliyaan fursadaha maalgashi ee balaaran ee ka jira Soomaaliya, isagoona tilmaamay in dalka uu leeyahay macdano kala duwan oo ay ka mid yihiin Gold Tin, Iron, Copper, Cobalt, Gold, Platinum iyo Yuraaniyam, kuwaas oo dhamaantood door weyn ka qaadan kara kobaca dhaqaalaha iyo shaqo abuurka Mustaqbalka dalka.

Ugu dambeyntii Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa booqday bandhigga shirkadaha iyo jaamacadaha ee ka socda dhinaca madasha shirka, halkaas oo lagu soo bandhigay tiknoolajiyo casri ah, qalab cilmi baaris iyo hal abuur cusub oo la xiriira sahminta iyo soo saarista macdanta.

{DAAWO MUQAALKA} RSF oo Xasuuq u Geeysatay Dadka ku Nool Magaalada Al-Faashir ee Suudaan

0

Arbaco 29, April  2025 {HMC} RSF oo Xasuuq u Geeysatay Dadka ku Nool Magaalada Al-Faashir ee Suudaan

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Koofur Galbeed oo Howlgalo ka dhan AS ka wado Gobolka Baay.

0

Arbaco 29, April  2025 {HMC} Ciidamada Koofur Galbeed oo Howlgalo ka dhan AS ka wado Gobolka Baay.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 29-10-2025.

0

Arbaco 29, April  2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 29-10-2025.

 

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Hooyo Soomaaliyeed oo safar lug ah oo 120 km u gashay si ay nafteeda iyo ilmaheeda u badbaadiso?

0

Arbaco, 29, Oct 2025 {HMC} Faadumo Cabdi Cali, oo ahayd hooyo uur leh oo ku noolayad xadka Ethiopia, ayaa gashay safar 120 km oo lug ah si iyada iyo ninkeeda ay u gaaraan Isbitaalka Gobolka Mudug ee Gaalkacyo, si ay u hesho daryeel caafimaad oo degdeg ah. Dhakhaatiirta hay’adda aan xadduuda lahayn ee MSF ayaa u sameeyay qalliinka dhalmada, kaas oo badbaadiyay nolosha Faaduma iyo ilmaheeda.

Markii Faadumo gaartay isbitaalka Gaalkacyo, dhakhaatiirta ayaa ogaaday in xaaladdeeda ay khatar ku jirto, waxayna isla markiiba ku sameeyeen qalliinka dhalmada. Ilmaheeda ayaa dhashay isagoo caafimaad qaba.

Gobolka Mudug ayaa muddo dheer la daalaa dhacay colaado iyo abaaro, waxaana aad u xaddidan adeegyada caafimaad ee halkaas. Hooyooyin badan iyo carruurtood ayaa saacado badan ku safra waddooyin halis ah si ay u helaan adeeg caafimaad, halka qaar kalena aysan helin daryeel ku filan.

MSF iyo Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxay bixiyaan adeegyo ay ka mid yihiin dhalmada, nafaqada hooyada iyo dhallaanka, xaaladaha degdegga ah, iyo cudurka qaaxada (TB).

Laakiin baahida caafimaad iyo nafaqo-darro ayaa sii kordhaysa sababo la xiriira yaraanta kaalmooyinka cuntada. Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa muujisay in ilaa 3.4 milyan oo qof ay la kulmayaan cunto yari halis ah, tiradaasina laga cabsi qabo inay gaarto 4.4 milyan dhammaadka sanadkan.

Fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta u baaqday sanadguurada 25aad ee kasoo wareegtay shirkii Carta?

0

Arbaco, 29, Oct 2025 {HMC} Waxaa baaqday fadhigii maanta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu lahaa kaddib markii la sheegay in Xildhibaannada iyo Guddoonkooda ay safar u yihiin Jamhuuriyadda Jabuuti oo berri lagu maamuusayo 25 sano guurada kasoo wareegtay shirkii Carta.

Warar ay heshay Mustaqbal ayaa sheegaya in guddoonka Baarlamaanka uu kamid yahay mas’uuliyiinta ka qaybgalaysa munaasabadda, waxaa Jamhuuriyadda Jabuuti kusii qulqulaya madax & xubno kale duwan oo munaasabaddaas xusuusta ah ka qaybgalaya.

Xubno ka socda Bulshada Rayidka oo qaarkood dalka dibaddiisa ka tagay ayaa qayb ka ah madasha dib loogu xusuusanayo Shirkii Carta ee sanadkii 2000 lagu qabtay Tuuladaas si Jamhuuriyadda Jabuuti dunida inteeda kale ay u tusto dedaalka ay gelisay Soomaaliya.

Magaalada Carta, waa halkii ay kasoo billaabatay silsiladda isku dhiibka Dowladda Soomaaliya, tan iyo xiligaas waxaa dalka soo maray 6 Madaxweyne oo uu ku jiro Madaxweynihii lagu doortay doorashadii ka dhacday dalkaas.

Kenya oo fashilisay weerar oo AS qorsheynayeen inay ka fuliyaan gobolka Garissa?

0

Arbaco, 29, Oct 2025 {HMC} Cutubka gaarka ah ee Special Operations Group (SOG) ee dalka Kenya ayaa guul weyn ka gaaray howlgal ay ku fashiliyeen weerar argagixiso oo ay maleeshiyada Al-Shabaab qorsheynayeen inay ka fuliyaan deegaanka u dhexeeya Welmerer iyo Yumbis ee gobolka Garissa.

War kasoo baxay Xarunta Qaranka ee La-dagaalanka Argagixisada (NCTC) ayaa lagu sheegay in howlgalka la qaaday kadib markii bulshada deegaanka ay soo sheegeen dhaqdhaqaaqyo laga shakiyay, oo ay ku lug lahaayeen siddeed dagaalyahan oo ku hawlanaa diyaarinta qaraxyada la dhigo waddooyinka.

Ciidamada SOG ayaa si degdeg ah uga jawaabay xogtaas, waxaana ay la galeen is-rasaaseyn kooban kooxdii Al-Shabaab, iyagoo gacanta ku dhigay qaraxyo la soo ururiyay oo lagu waday in lagu weeraro shacabka iyo ciidamada amniga ee isticmaalayay wadadaas.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa ammaanay feejignaanta bulshada deegaanka, iyagoo tilmaamay in xogtooda waqtigeeda ku timid ay ka hortagtay masiibo weyn oo dhici lahayd.

“Ciidanka SOG waxay uga mahadcelinayaan bulshada deegaanka wada-shaqeynta wanaagsan, waxayna ku boorinayaan inay sii wadaan feejignaanta si loo joojiyo qorshayaasha argagixisada,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen saraakiisha amniga.

Ciidamada Kenya ayaa kordhiyay howlgalada ka-hortagga argagixisada ee gobollada waqooyi-bari, kaddib markii ay soo bateen isku dayo ay Al-Shabaab ku doonayaan inay gudaha ugu galaan Kenya iyagoo ka tagaya dhanka xadka Soomaaliya.

QM oo Imaaraatka ku eedeysay faragelin Militari uu ku sameeyay Sooamaliya, Suudaan & Liibiya?

0

Arbaco, 29, Oct 2025 {HMC} Qaramada Midoobay ayaa Warbixin ay soosaartay waxa ay Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ku eedeysay in qalab ciidan uu horay uga soo iibsaday Ingiriiska lagu arkay Dalalka Soomaaliya, Suudaan iyo Liibiya iyada oo aanay u marin dhabbaha sharciga ah.

Baarayaal katirsan Qaramada Midoobay ayaa xogtaan ku helay kaddib markii dabagal ay ku sameeyeen kuna ogaadeen caddaynta eedahaan loo jeedinayo Isutagga Imaaraatka Carabta sida lagu yihiinka warka kasoo baxay UN-ka.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa qalabkaan ciidan oo u badan Gaadiid waxa ay horay ugu wareejisay Isutagga Imaaraatka munaasabad ka dhacay Caasimadda Dalkaas, isla gaadiidkaas qaarkood ayaa lagu arkay Saddexdaan Dal muddo kaddib.

Sheekadaan waxa ay dhadhan sii yeelay kaddib markii ciidamada Suudaan ay gacanta ku dhigeen mid kamid ah xarumaha Kooxda RSF kuna arkeen hubka iyo Gaadiidka Gaashaaman ee Nimr Ajban sida warbixinta lagu xusay.

Imaaraatka ayaa sheegay in meelaha uu sida gaarka ah ugu xooggan yahay Soomaaliya in ay yihiin Magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari ee Dowlad-Goboleedka Puntland iyo Magaalo xeebeedka Berbera ee (Somaliland).

Soomaaliya inkasta oo sanadkii 2023 laga qaaday xayiraaddii cunaqabataynta hubka saarnayd muddo fog halkaasina lagu tirtiray qaraarkii 2713, balse waxaa weli jira qiimayn gaar ah oo kor lagala socdo si loo ogaado heerka xakamaynta hubkaas ee Soomaaliya.

Dowladda Suudaan ayaa Bishii May sanadkaan waxa ay Imaaraatka ku eedeysay in uu gacan toos ah siiyo Kooxda RSF isla markaana hubka iyo kaalmada Militari uu usoo mariyo Dalal kala duwan balse Xukuumadda Abu Dhabi ayaa beenisay eedeyntaas.

Soomaaliya 29 Agoosto 2025 waxa ay beenisay warar soo baxay oo la xiriira in booqashooyin isdaba-joog ah oo ay sameeyeen wufuud ka kala socota Suudaan & Imaaraatka Carabta ay xiriir la leedahay mid siyaasadeed.

Baaritaanno hore waxaa ka muuqday sawirro lagu qaaday Dayax-gacmeed waxaana lagu dhex arkay saldhigyo Isutagga Imaaraatka Carabta uu ka samaystay Berbera & Boosaaso isla markaana aanay fasax uga qaadan Dowladda Federaalka Soomaaliya sida hadalka loo dhigay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dagaalka ka socda Jamhuuriyadda Suudaan ay ku dhinteen dad ka badan 150,000 halka ay ku barakaceen 12 milyan oo kale, Magaalooyinka lagu dagaalamay weli waxaa ka muuqda raadadka colaaddaas.

Koofur Galbeed oo sheegtay in ay la xisaabtamayso Dadka hurinaya colaadaha Beelaha?

0

Arcaco, 28, Oct 2025 {HMC} Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegtay in ay la xisaabtamayso Dadka hurinaya colaadaha Beelaha kuwaas oo doonaya in ay si socdaan dagaallada iyo dilalka kale ee aanooyinka la xiriira ee loo gaysanayo Dadka birimageeda ah sida hadalka loo dhigay.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa u istaagay sidii la isugu keenni lahaa Odoyaasha dhaqanka si looga hadlo xal u helista colaadda u dhaxaysa beelaha dagaalamay.

Waxa ay digniin u direen Dad ay sheegeen in ay bannaanka ka joogaan goobaha dagaalladu saameeyeen balse sii hurinaya colaadda, Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ku hanjabtay in dadkaas ay gacan adag ku qaban doonto.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose & Dib u heshiisiinta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegtay in heshiis hordhac ah laga gaaray isku dhac dhexmaray beelo Maleeshiyaadkooda ku dagaalamay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wasaaraddu waxa ay intaas ku dartay in ay ku howlan tahay dabagalka Dadka ka shaqaynaya iska hor keenista Beelaha Walaalaha ah, waxa ay u digtay shakhsiyaadka sida khaldan Bulshada isaga hor keennayo sida ay hadalka u dhigtay.