Home Blog Page 368

Koofur Galbeed oo sheegtay in ay la xisaabtamayso Dadka hurinaya colaadaha Beelaha?

0

Arcaco, 28, Oct 2025 {HMC} Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegtay in ay la xisaabtamayso Dadka hurinaya colaadaha Beelaha kuwaas oo doonaya in ay si socdaan dagaallada iyo dilalka kale ee aanooyinka la xiriira ee loo gaysanayo Dadka birimageeda ah sida hadalka loo dhigay.

Mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa u istaagay sidii la isugu keenni lahaa Odoyaasha dhaqanka si looga hadlo xal u helista colaadda u dhaxaysa beelaha dagaalamay.

Waxa ay digniin u direen Dad ay sheegeen in ay bannaanka ka joogaan goobaha dagaalladu saameeyeen balse sii hurinaya colaadda, Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ku hanjabtay in dadkaas ay gacan adag ku qaban doonto.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose & Dib u heshiisiinta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa sheegtay in heshiis hordhac ah laga gaaray isku dhac dhexmaray beelo Maleeshiyaadkooda ku dagaalamay Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Wasaaraddu waxa ay intaas ku dartay in ay ku howlan tahay dabagalka Dadka ka shaqaynaya iska hor keenista Beelaha Walaalaha ah, waxa ay u digtay shakhsiyaadka sida khaldan Bulshada isaga hor keennayo sida ay hadalka u dhigtay.

{DAAWO MUQAALKA} Ugand oo Ciidamo la dagaalamo AS usoo Direeyso Soomaaliya.

0

Arbaco 29, April  2025 {HMC} Ugand oo Ciidamo la dagaalamo AS usoo Direeyso Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUQAALKA} Israa’iil oo ku dhawaaqday ineey qaadi Doonto tallaabo kadib markii meyd khaldan lagu wareejiyey

0

Arbaco 29, April  2025 {HMC} Israa’iil oo ku dhawaaqday ineey qaadi Doonto tallaabo kadib markii meyd khaldan lagu wareejiyey

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUQAALKA} Koofur Galbeed oo Billowday la Xisaabtanka Dadka hurinaya Colaad Beeleedyada.

0

Arbaco 29, April  2025 {HMC} Koofur Galbeed oo Billowday la Xisaabtanka Dadka hurinaya Colaad Beeleedyada.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUQAALKA} Mareeykanka oo Fuliyey Duqeeyn uu 14 qof ku Dilay.

0

Arbaco 29, April  2025 {HMC}Mareeykanka oo Fuliyey Duqeeyn uu 14 qof ku Dilay.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

FALANQEYN. Kulumada ka dhacay boosaaso iyo Maxkamadda PL ee lakala diray

0

Talaado 28, April 2025 {HMC} FALANQEYN. Kulumada ka dhacay boosaaso iyo Maxkamadda PL ee lakala diray,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Netanyahu oo ku dhawaaqay in dagaalkii Qasa ay dib ugu laabanayaan.

0

Talaado, 28, Oct 2025 {HMC} Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in dagaalkii Qasa ay dib ugu laabanayaan, wuxuuna isla markiiba amar ku bixiyay in diyaaradaha Israa|l ay ku laabtaan hawada Qasa oo ay duqeymo culus fuliyaan, isagoo go’aankan ku sheegay inuu qaatay kadib la tashi uu la sameeyay saraakiishiisa amniga.

Al Jazeera ayaa dhankeeda werisey inay duqeymo ka socdaan Qasa oo goobaha la duqeeyay ay ku jiraan agagaarka isbitaalka ugu weyn Qasa ee Al-Shifa, oo hoy u ah kumannaan qoys oo guryahooda dagaalka lagu burburiyay.

Imaaraadka oo jebiyay xayiraadda hubka ee kooxaha hubaysan ee Soomaaliya iyo Liibiya.

0

Talaado, 28, Oct 2025 {HMC} Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa Lagu sheegay in Imaaraadka Carabta (UAE) horey u jebiyay xayiraadda hubka ee lagu soo rogay dalal ay ka mid tahay Soomaaliya, kadib markii la ogaaday in qalab miltari oo lagu sameeyay UK oo laga iibiyay Imaaraatka lagu arkay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gacanta u galay kooxaha hubeysan ee ka hawlgala Soomaaliya iyo Liibiya.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Imaaraadku uu qayb ka yahay shabakado ganacsi oo hubka si qarsoodi ah u gudbiya, taas oo marar badan lagu arkay gaadiidka dagaalka nooca Nimr Ajban oo ay soo saartay shirkad Imaaraad ah. Gaadiidkan ayaa la xaqiijiyay in lagu isticmaalay dalal ay ka jiraan dagaallo iyo cunaqabatayn hub oo Qaramada Midoobay saartay.

Warbixintan cusub, oo ay arkeen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale ku eedeysay Imaaraadka inuu hub British ah u gudbiyay kooxda RSF ee dagaalka kula jirta ciidanka dowladda Sudan, taas oo sababtay su’aalo cusub oo ku saabsan doorka Imaaraadka ee dagaallada gobolka Bariga Afrika iyo Saaxil.

Khabiirada QM ayaa sheegay in tallaabadan Imaaraadku ay halis ku tahay nabadda gobolka, isla markaana ay sii kordhinayso fursadda hubka sharci darrada ah uu ku galo Soomaaliya, halkaas oo weli ay ka jirto xaalad amni darro oo hubka lagu kala iibiyo si fudud.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si adag u diiday eedeymaha, balse dalal reer galbeed ah ayaa cadaadis lagu saaraya in la joojiyo dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro Imaaraadka, maaddaama ay suurtagal tahay in lagu isticmaalo meelo dagaallo ka socda, sida Sudan iyo Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 28-10-2025.

0

Talaado 28, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Aabo iyo Wiilkiisa oo aano qabiil loogu Dilay Galgaduud.

0

Talaado, 28, Oct 2025 {HMC} Aabo iyo Wiilkiisa ayaa aano qabiil loogu Dilay Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA