Home Blog Page 37

{DAAWO MUQAALKA} Qalabka Difaaca Mareykanka iyo Israaiil oo ku Xakameyn waayay Gantaalada Iiraan.

Jimco 13 March 2026 {HMC} Qalabka Difaaca Dowladda Mareykanka iyo Israaiil ayaa ku guuldareystay in uu Xakameyo Gantaalada Dowladda iiraan ay ku garaaceeyso Saldhigyada  mareykanka uu ku lee yahay bariga dhaxe iyo Israaiil.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA FALANQEYNTA BARIGA DHAXE.

 

DFS oo ka hadashay kororka qiimaha Shidaalka.

0

Khamiis 12 March 2026 {HMC}Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujisay kororka ku yimid qiimaha shidaalka ee dalka, waxayna baaq u dirtay ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS, Cabdiwahaab Cabdi Caanuug, oo ka hadlayay xaaladda taagan, ayaa xusay in Soomaaliya ay 90% shidaalkeeda ka keensato dibadda, gaar ahaan dalka Iiraan, balse ay muhiim tahay inaan dhibaatada caalamiga ah ee jirta loo adeegsan in culays dheeraad ah lagu saaro shacabka.

“Ganacsatada shidaalka waxaan ugu baaqeynaa inaysan macaash aan xalaal ahayn ka raadin bulshada Soomaaliyeed ee xilligan wajahaya xaaladaha isbiirsaday ee isugu jira bisha barakaysan ee Ramadaan iyo abaarta baahsan ee ka jirta dalka. Ma ahan wax la aqbali karo in maalinta dhibaatadu jirto laga faa’iideysto muwaadiniinta tabaalaysan.” ayuu yiri Wasiir ku xigeen Caana-nuug.

Wasiir ku xigeenka ayaa qiray inuu la socdo duruufaha ay wajahayaan ganacsatada, isagoo xusay in qiimaha shidaalka laga soo iibiyo suuqyada caalamiga ah uu sare u kacay, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in muwaadiniinta aan dusha laga saarin wax ka badan inta ay xaqqa u leeyihiin iyo faa’iido xad-dhaaf ah.

Hadalkan ka soo yeeray dowladda ayaa ku soo beegmaya xilli ay maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho iyo qaybo kale oo dalka ah ka dhacayeen bannaanbaxyo ay dhigayeen darawallada gaadiidka Bajaajta, kuwaas oo ka cabanaya in qiimaha shidaalka uu gaaray heerkii ugu sarreeyay.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo lootaba barayo dhinaca Baarashuutka .

0

Khamiis 12 March 2026 {HMC}  Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin, ayaa sagootiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo la soo bari doono sida loogu duulo Baarashuutka.

“Waa markii ugu horreysay ee aan tababar noocan ah u dirno ciidanka, waxaana la idiinka fadhiyaa inaad soo barataan farsamooyinka ugu casrisan ee dagaalka iyo qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee ay bixiyaan saaxiibada caalamiga ah, si aad dalka ugu soo laabataan idinkoo diyaar u ah fulinta waajibaadka adag ee sugidda amniga,” ayuu yiri Taliye Ibraahim.

Marka ay soo dhammaystaan tababarkan, cutubyadan takhasuska leh ayaa lagu biirin doonaa howlgallada, si ay u xoojiyaan dagaalka AS iyo Daacish.

Maalmihii la soo dhaafay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waday casriyeyn ay ku sameynayso Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, si sare loogu qaado amniga dalka.

Dalalka Islaamka iyo Carabtayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil .

0

Khamiis 12 March 2026 {HMC} Dalalka Qatar, Urdun, Indonesia, Turkiga, Pakistan, Sacuudi Carabiya, Masar, iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil ku xirtay Masjidka Al-Aqsa muddo 12 maalmood oo xiriir ah inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

War-murtiyeed ay soo saareen dalalkaan ayay ku sheegeen in tillaabada Israa’iil ay ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah, isla markaasna lagu cunaqabateynayo dadka Muslimiinta ah ee ku sugan Qudus.

Dalalkaan waxay hoosta ka xariiqeen in Israa’iil aysan xaq u laheyn maamulka Masjidka Barakeysan ee Al-aqsa iyo goobaha kale ee cibaadada, isla markaasna ay si degdeg ah xayiraada kaga qaado Masjidka.

Waxay caddeeyeen in guud ahaan aagga Masjidka Al-Aqsa uu yahay goob u gaar ah Muslimiinta, maamulkiisuna uu si gaar ah u khuseeyo waaxda Awqafta ee hoostagta dalka Urdun.

Dalalkan ayaa ugu baaqay Israa’iil inay si degdeg ah u furto albaabbada masjidka, meeshana ka saarto xannibaadaha culus ee ay saartay dadka cibaadaysanaya.

Israa’iil ayaa dhankeeda xanibaada ay saartay masjidka ku tilmaamtay mid amni oo la xiriirta dagaalka ay kula jirto Iiraan, balse hadalkaasi ayaa loo arkaa mid runta ka fog oo aan sax aheyn.

{DAAWO MUQAALKA} Howlgal Cusub oo Manta ka socda Sh/dhaxe.

0

Qamiis 13 March 2026 {HMC}Howlgal Cusub oo Manta ka socda Sh/dhaxe.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA DAGAALKA IIRAAN.

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka jiro in la bilaabay dhismaha saldhiga militari ee Israa’iil Somaliland ka dhiseeyso.?

0

Qamiis 13 March 2026 {HMC} Maxaa ka jiro in la bilaabay dhismaha saldhiga militari ee Israa’iil Somaliland ka dhiseeyso.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA DAGAALKA IIRAAN.

{DAAWO MUQAALKA} ISraa’iil oo burburisay Qalab Ruushka leeyahay iyo Ciidamada Waqooyiga Kuuriya oo Heegan la galiyay.

0

Qamiis 13 March 2026 {HMC} ISraa’iil oo burburisay Qalab Ruushka leeyahay iyo Ciidamada Waqooyiga Kuuriya oo Heegan la galiyay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA DAGAALKA IIRAAN.

Booliska Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen ku soo qabtay oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay.

0

Khamiis 12 March 2026 {HMC} Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah oo ay fuliyeen ku soo qabtay khamri tiro badan, hub iyo gaadiidkii lagu waday.

Hawlgalka ayaa Inta lagu guda jiray hawlgalka ayaa lagu qabtay laba gaari oo nooca Probox ah, laba eedeysane, laba qori, labo boosh, 16 kartoon iyo 10 dhalo oo khamri ah.

 

Taliyaha saldhigga Buurtinle Axmed Saandal, Taliyaha Kastamka Botaan Cawl iyo Taliye ku-xigeenka Kastamka Saalax Maxamed ayaa warbaahinta u soo bandhigay khamriga iyo agabka kale ee la qabtay.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale warbixin siiyay maamulka degmada oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada Axmed Dheereeye iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka.

Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in eedeysanayaasha iyo agabka la qabtay loo gudbin doono hay’adaha caddaaladda si sharciga loo mariyo.

Howlgalkan ayaa imaanaya xilli maalmihii ugu dambeeyay degmada Buurtinle ay ka socdeen baaritaano iyo hawlgallo lagula dagaallamayo waxyaabaha maanka dooriya iyo dadka hubka sharci darrada ku wata gudaha degmada.

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka wada deegaanno hoos yimaada gobolka Shabeellada Dhexe .

0

Khamiis 12 March 2026 {HMC}  Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga gaar ahaan Kumaandoosta Danab ay howlgallo ka wadaan deegaannada hoos yimaada magaalada Jowhar ee Caasimadda Kumeel Gaarka ah ee Maamulka Hirshabeelle.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Danab ayaa xaqiijiyay in ay howlgalladan ka sameeyeen deegannada Jirirow, Cali Deer iyo Dabeeyley oo hoos yimaada magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saraakiisha ayaa xusay in howlgalka ujeedkiisa yahay sidii looga hortagi lahaa falalka amniga lidka ku ah gaar ahaan AS oo xilliyada qaar si qarsoodi ah ku yimaada deegaannada hoos yimaada Magaalada Jowhar.

Sidoo kale, Howlgalkan ayaa la tilmaamay inuu sii socon doono, isla markaasna ay ciidanka Danab si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqyada xubnaha ka tirsan AS ee ku sugan gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalkan ay sameeyeen Ciidanka Danab ayaa ku soo aadaya xilli shalay ay Ciidamada Dowladda la wareegeen deegaanka Xawaadley oo isku xira magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Madaxda Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya oo kulan yeeshay.

0

Khamiis 12 March 2026 {HMC}  Kulan gaar ah oo saddex geesood ah ayaa dhexmaray Madaxda sare ee dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya, xilli dagaal iyo colaado taagan yihiin gobolka Bariga Dhexe.

Shirkaan oo si gaar uga qabsoomay Hoyga Madaxweynaha Jabuuti ayaa ahaa mid saacado socday oo la xiriiray wadatashi ku saabsan caqabadaha wadajirka ah ee ka jira gobolka iyo gaar ahaan xoojinta Iskaashigooda.

Intii uu socday kulanka, madaxdu waxay ka doodeen xaaladda nabadgelyo iyo amni ee gobolka, horumarinta is-dhexgalka dhaqaalaha ee dalalka Geeska Afrika, iyo arrimo wadajir ah oo muhiim u ah saddexda dal.

Sidoo kale waxaa laga wada hadlay xaaladda guud ee ka taagan gobolka iyo sida dalalku isaga kaashan karaan xallinta caqabadaha jira.

Qoddobada miiska saarna ee laga dooday ayaa waxaa kamid ahaa colaadda ka socota Bariga Dhexe iyo saameynta dhaqaale ee ay ku yeelan karto gobolka, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, amniga iyo dhaqaalaha.

Sida ay baahiyeen Soomaaliya, Itoobiya iyo Jabuuti kulanka ayaa lagu gaarey isfahan, iyadoo lagu dajiyay jihada cusub ee istiraatiijiyadeed ee mustaqbalka dalalka Geeska Afrika.