Home Blog Page 373

Safiirka Turkiga u fadhiya Suudaan Hoggaamiyaha milatariga Suudaan.

0

Isniin, 27, Oct 2025 {HMC} Hoggaamiyaha milatariga Suudaan, Cabdel Fataax Al-Burhaan ayaa qaabbilay safiirka Turkiga u fadhiya Suudaan, Faatix Yildiz iyo madaxa xiriirka milatariga ee safaaradda Turkiga, xilli milatariga Suudaan lagu jebiyay dagaallada ka socda waqooyiga gobollada Daarfuur iyo Kordofan oo ay ku jirto magaalada istaraatijiga ah ee El Fasher oo ay la wareegtay RSF.

Turkiga , wuxuu milatariga Suudaan siiya taageerro milatari, taa ka dhigaysa kulankan mid muhiimad u leh milatariga oo doonaya taageerro dheeraad , si ay dib ugu laabtaan deegaannada laga saaray ee waqooyiga gobollada Daarfuur iyo Kordofan.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 27-10-2025.

0

Isniin 27, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Sidee ayuu u dhacay weerarkii Qorsheeysna ee lagu qaaday AS

0

Isniin 27, April  2025 {HMC}  Sidee ayuu u dhacay weerarkii Qorsheeysna ee lagu qaaday AS

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Saameynta wararka khaldan ee xilliyada doorashada

0

Isniin 27, April  2025 {HMC} Saameynta wararka khaldan ee xilliyada doorashada

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Dhaqaale intee la’eg ayaa ka hortaagan DFS in la daabaco lacagta shiling Soomaaliga?

0

Isniin 27, April  2025 {HMC} Dhaqaale intee la’eg ayaa ka hortaagan DFS in la daabaco lacagta shiling Soomaaliga?

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

Hantidhowraha guud ee JFS oo ka qaybgalay Madasha 3aad ee Horumarinta Daahfurnaanta .

Isniin, 27, Oct 2025 {HMC} Axmed Ciise Guutaale, Hantidhowraha guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Qaahira xarunta Dalka Masar uga qaybgalay Madasha 3aad ee horumarinta daahfurnaanta iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa ee Dowladaha Carabta.

Shirkaan waxaa ka qaybgalay saraakiil sare oo ka kala socotay hay’ado Caalami ah iyo Dalal, waxaa wehliyay Khubarro ku xeel-dheer dowlad wanaagga iyo la dagaalanka musuqa si ay isaga isaga kaashadaan dhaqangelinta ajandaha shirkaan.

Madasha ayaa bidhaamisay kaalinta teknolojiyadda iyo dhijitaalka ee ku aaddan xoojinta hufnaanta iyo daahfurnaanta la xiriirta dejinta siyaasado ama qorshooyin dadweyne oo wax weyn ku kordhiya dowladnimada sida hadalka loo dhigay.

Dalalka Carabta iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa is weydaarsanaya waaya-aragnimadooda iyo dhaqamada maamul wanaagga sida looga hortago musuqmaasuqa loona gaaro yoolka laga leeyahay shirkaan sida lagu sheegay warka kasoo baxay gunaanadkiisa.

Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya Axmed Guutaale oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa sheegay in Soomaaliya ay billowday dhijitaaleynta isla-xisaabtanka, iyada oo laga faa’iideysanayo teknoloojiyadda. Waxa uu xoojiyey muhiimadda ay leedahay in dalalka Carabta ay iska kaashadaan horumarinta hufnaanta iyo kobcinta kalsoonida dadweynaha.

Madashan Saddexaad ee Dowladaha Carabta waa fadhi ay Dowladaha Carabtu isku weydaarsadaan waaya-aragnimadooda ayna ku horumariyaan hal-abuurka ah in xal dhijitaaleysan loo helo isla-xisaabtanka, si loo adkeeyo dowladnimada.

Saddex Askari oo katirsan ciidanka Puntland oo ku dhaawacmay Qarax kadhacay Calmiskaad

Isniin, 27, Oct 2025 {HMC}  Saddex askari oo kamid ah ciidamada Puntland ayaa ku dhaawacmay qarax lagula eegtay degaanka Dhasaan oo katirsan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Qaraxaan ayaa lala eegtay gaari ciidan oo ku safrayay waddada kasoo baxda tuulada Dhasaan oo kamid degaanada Daacish laga xoreeyay lix bilood ka hor.

Ciidamada lala eegay qaraxa ayaa ka tirsan guutada Duufaan oo uu taliye u ahaan jiray Gen. Cabdi Cali Qalyare, kasoo bishii September lagu dilay qarax lagula eegay Daraymadoobe oo u dhaxaysa degaanada Gaatir-Oodan iyo Qurac oo ku jeedsadan buuraha Calmiskaad.

Lama sheegin wax dhimasho ah oo uu geystay qaraxaan, hase ahaatee, Darawalka gaariga waday ayaa la sheegay inuu qabo dhaawac culus , waxaana loo qaaday magaalada Boosaaso.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay labo maalin kaddib markii madaxweynaha Puntland uu sheegay in la wiiqay awooddii kooxda Daacish, isagoo ku dhawaaqay inay ciidamadu soo afjareen Daacishtii buuraha ka dagaalamaysay marka laga reebo tiro yar oo ku jirta togga Baallade ee buuraha Calmiskaad.

Weli waxaa muuqata in ay Daacish saamayn ku leeyihiin degaanadii horey looga saaray horraantii sanadkan. Hay’adaha amniga Puntland ayaa aaminsan in qaar kamid ah dadka degaanka ay wada shaqayn dhow la leeyihiin Daacish, una fududeeyaan qaraxyda ciidamada lala beegsado.

 

Djibouti lifts presidential age limit, paving way for sixth Guelleh term

Monday 27,October 2025 {HMC} –Djibouti’s parliament has removed the constitutional age ceiling for presidential candidates, opening the door for Ismail Omar Guelleh to seek a sixth term despite being 77 years old.

All 65 lawmakers present voted on Sunday to eliminate the age restriction of 75 years, a move that would allow the veteran leader to contest elections scheduled for April 2026. The decision requires either presidential approval followed by a second parliamentary vote on November 2, or a national referendum.

Guelleh, known widely as IOG, has governed the Horn of Africa nation since 1999, when he succeeded Hassan Gouled Aptidon, the country’s founding president.

The constitutional barrier was introduced by Guelleh himself in 2010 alongside reforms that scrapped presidential term limits, but reduced each term from six to five years.

National Assembly Speaker Dileita Mohamed Dileita defended the change as essential for maintaining stability in a turbulent region. He said public support exceeded 80 percent for the measure, though Al Jazeera is not able to verify this claim.

Earlier this year, in an interview with the Jeune Afrique magazine, Guelleh gave an important indication that he had no plans to relinquish power. “All I can tell you is that I love my country too much to embark on an irresponsible adventure and be the cause of divisions,” he said.

Rights advocates condemned the move as a step toward permanent rule. “This revision prepares a presidency for life,” said Omar Ali Ewado, who heads the Djiboutian League for Human Rights, calling instead for a peaceful democratic transition.

Daher Ahmed Farah, a leader in the Movement for Democratic Renewal and Development, told Al Jazeera that international partners should reconsider their priorities. “The country is in a strategic position and hosts many bases, but these interests lie with the Djiboutian people, not with a single man,” he said.

Guelleh won his fifth term in 2021 with more than 98 percent of votes after opposition groups boycotted the election. At the time, the United States welcomed the result but encouraged the government “to further strengthen its democratic institutions and processes in line with recommendations from the observer missions”.

Guelleh is East Africa’s third-longest-serving leader behind Uganda’s Yoweri Museveni, in power for nearly four decades, and Eritrea’s Isaias Afwerki, with a tenure reaching 27 years.

Despite its small population of one million, Djibouti wields outsized geopolitical influence. The country hosts the only permanent US military base in Africa, alongside installations operated by France, China, Japan and Italy. Its position overlooking the Bab al-Mandab Strait makes it vital for global shipping between Asia and Europe.

That strategic value has kept Djibouti stable while neighbouring states face mounting crises, including Sudan’s civil war and Somalia’s fragmentation.

 

Source Hiiraan Online-

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Badroolka oo ka warbixiyay sharciga macdanta Soomaaliya oo la horkeenay Golaha Shacabka

0

Isniin 27, April  2025 {HMC} Wasiirka Badroolka oo ka warbixiyay sharciga macdanta Soomaaliya oo la horkeenay Golaha Shacabka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 27-10-2025.

0

Isniin 27, April  2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 27-10-2025.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA