Home Blog Page 372

Injineer Jaceyl awgiis u bixiyey sirta ugu weyneed ee hubka Nuclearka ee dalkiisa

Talaado, 28, Oct 2025 {HMC} Injineer la shaqeynayay Sheybaarka Cilmibaarista iyo Horumarinta Difaaca ee Hindiya ayaa lagu eedeeyay inuu xog sirdoon oo la xiriirta nukliyeerka dalkaas siiyay basaas u dhashay Pakistan. Arrintaas ayaa ka dambeysay markii loo dhigay dabin loogu ballan-qaadayo xiriir jaceyl iyo guur

 

Wargeyska Times oo Hindiya oo xiganaya ilo-wareedyo sarsare oo booliska Hindiya ah ayaa qoray in injineerka oo lagu magacaabo Mallikarjuna Reddy sidoo kale laga raadiyay macluumaadka ku saabsan gantaallada ballistic-ga ee qaaradaha isaga gudba ee qaniga ku ah nukliyeerka iyo gantaallada badda hoosteeda mara

 

Ninkan oo 29 jir ah ayaa Jimcihii laga soo xiray gurigiisa. Wuxuu qirtay eedeymaha basaasnimo, intii lagu jiray su’aalo-weydiinta. Booliisku wuxuu qorsheynayaa in uu sii xirnaado si ay xog dheeraad ah uga helaan

 

Wuxuu tan 2018-kii la shaqeynayay Nidaamka Casriga ah ee Badda ee Sheybaarka ee magaalada Hyderabad

 

Basaaska Bakistaaniga ah waxay isku magacawday Natasha Rao. Waxay Reddy saaxiib kula ahayd Facebook. Basaasiisaddan ayaa xog xasaasi ah oo la xiriirta barnaamijka Nukliyeerka ee Hindiya ka heshay Reddy iyadoo u ballan-qaaday guur

 

Sida uu warku sheegayo, shaqada eedaysane Reddy waxay ahayd inuu aado qaybaha wax-soo-saarka difaaca si uu u qiimeeyo halka ay howluhu marayaan iyo waqtiga kama dambaysta ah ee loo qorsheeyay

 

Taas ayaa la sheegay in ay tahay sababta uu u haystay macluumaadka ku saabsan nooca teknoolajiyada loo isticmaalo samaynta gantaallada. Sarkaal sare oo booliska ah ayaa wargeyska Times of Hindiya u sheegay in Reddy uu keli ku ahaa nolosha, isla markaana uu la qabsaday sheeko macaanida Natasha, sidaasna uu kula wadaagay xog sirdoon oo la xiriirta gantaalada K-Series

 

Injineerka iyo Natasha waxay xiriir lahaayeen muddo labo sano ah intii u dhaxeysay Janaayo 2020 iyo Diseembar 2021

 

Natasha waxay lahayd laba cinwaan oo kale oo Facebook ah oo lagu kala magacaabo Simran Chopra iyo Omisha Addi. Waxay had iyo jeer Reddy kula hadli jirtay Facebook Messenger iyo WhatsApp laakiin waligeed kama wicin muuqaal, inkastoo uu isagu marar badan ka codsaday inay sawirro u soo dirto

 

Booliska ayaa Reddy ku qabtay labo taleefan oo kuwa gacanta ah iyo Laptop, kuwaas oo ay ku jiraan caddeymo badan oo muhiim ah. Waxaa ku jira sawirro iyo macluumaad faahfaahsan oo la xiriira qaabka loo farsameeyay gantaallada. Xogtaas wuxuu Reddy la wadaagay Natasha

 

Boolisku wuxuu hadda isku dayayaa inuu tixraaco cinwaanka Reddy si loo ogaado in isaga kaliya uu ku lug lahaa arrintan ama inay jiraan dhinacyo kale

 

Labada dalba waxay haystaan hubka nukliyeerka oo cabbir ahaan la isbarbardhigi karo

 

Pakistan waxay haysataa ilaa 100 ilaa 120 hubka Nukliyeerka ah, kaas oo lagu keeni karo diyaarado iyo gantaallo dhinaca dhulka ah

 

Dhanka Hindiya wuxuu ku dhow yahay 90 ilaa 110 hubka ay haysato ee Nukliyeerka ah, marka loo eego qiyaasaha uu soo saaray Machadka Cilmi-baadhista Nabadda ee Stockholm

 

Marka la eego sagaalka waddan ee dunida ee haysta hubka Nukliyeerka ah, Hindiya iyo Pakistan waxay ku jiraan qaarka faro-ku-tiriska ah ee kordhiyay kaydkooda madaxyada nukliyeerka, sida uu sheegay ururka saynisyahannada Maraykanka {FAS}

Isha: BBC

Madaxweyne Trump oo saddex dal oo Carbeed ku cadaadinaya in ay dhisaan Qasa

Talaado, 28, Oct 2025 {HMC} Trump wuxuu cadaadis saaraya dalalka Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, iyo Qatar si ay u maalgelinayaan qorshaha dib u dhiska Qasa oo lagu qiyaasay $70 bilyan oo doolar, balse dhammaantood way ka labalabaynayaan

 

Dal kasta wuxuu doonayaa dammaanad ah in dagaalku uusan dib u soo noqon iyo in uu yeesho saameyn siyaasadeed mustaqbalka maamulka Qasa, sida ay sheegtay Bloomberg

 

Warbixinta oo lagu sharraxay shuruudaha saddexdam dal ay ku xireen maalgelinta Qasa, waxaa lagu sheegay

 

•Sacuudiga wuxuu wajahaya culays miisaaniyadeed oo ka dhashay hoos u dhaca qiimaha shidaalka, mana rabto inay bixiyo dhaqaale aan shuruud lahayn

 

•Imaaraadka Carabta wuxuu dalbanayaa dammaanad siyaasadeed oo qeexaysa cidda maamuleysa Qasa mustaqbalka, wuxuuna ku adkeysanayaa in Xamaas si buuxda hubka loo dhigo, iyo in maamulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed isbeddel lagu sameeyo

 

•Qatar iyaduna waxay rabtaa dammaanad ah inay Israa|l ixtiraami doonto heshiiska nabadda, isla markaana waxay doonaysaa door muuqda oo ay ku yeelato siyaasadda iyo maamulka Qasa ee mustaqbalka.

Xasan Shiikh oo Mareykanka kala hadlay dagaalka AS

Talaado, 28, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Lataliyaha Madaxweynaha Mareykanka ee Arrimaha Afrika, Massad Boulos, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dowlad-dhiska iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka iska kaashan karaan nabadda iyo xasilloonida gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay in la xoojiyo wada shaqeynta dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish

 

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo sii xoojin lahaa taageerada Mareykanka ee dhismaha hay’adaha dowladeed, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal

 

Intii lagu jiray wada-hadalka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyay dadaallada diblomaasiyadeed ee uu dhawaan qaaday Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo gacan ka geystay nabadda iyo xasiloonida caalamka.

Maxaa kala soctaa Xiriirka u dhaxeeya Raysalwasaarihii hore ee Canada iyo gabadh fannaanad ah?

Talaado, 28, Oct 2025 {HMC} Fanaanadda Katy Perry iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kanada Justin Trudeau ayaa u muuqda inay xaqiijiyeen xidhiidhkooda kadib markii lagu arkay iyagoo gacmaha is haysta xaflad lagu qabtay magaalada Paris

 

Bogga wararka dadka caanka ah ee TMZ ayaa daabacay sawirro iyo muuqaallo muujinaya labadaoda oo gacmaha is haysta ka hor inta aysan gaadhiga gelin. Trudeau ayaa lagu arkay isagoo caawinaya Perry inay gasho kursiga dambe ee gaariga, iyada oo sawir-qaadayaashu qaylinayaan

 

Midkoodna — Perry ama Trudeau — weli si rasmi ah ugama hadlin xidhiidhkooda. Si kastaba ha ahaatee, mala-awaalku wuxuu socday toddobaadyadii la soo dhaafay, iyadoo marar badan la arkay labadooda oo meelo wada jooga, una muuqda dad wakhti wada qaadanayey

 

Trudeau ayaa hore loogu arkay isagoo ka qeyb galaya bandhig faneedkii Perry ee sanadkan, taasoo sii xoojisay wararka sheegaya in xidhiidh jacayl uu ka dhaxeeyo labada xiddig.

Maamulka Puntland oo xal u raadinaysa dilalka aanooyinka la xiriira ee Gobolka Mudug

Talaado, 28, Oct 2025 {HMC} Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa xal u raadinaysa dilalka aanooyinka la xiriira ee Gobolka Mudug gaar ahaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, Madaxweyne Siciid Deni ayaa kulan arrintaas ku saabsan la qaatay Isimada Dhaqanka, hay’adaha amniga & mas’uuliyiin kale

 

Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa la faray in ay gacan adag ku qabtaan Maleeshiyaadka hubaysan ee dilalka aanooyinka ah ka gaysta Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug si looga hortago sii socoshada dilalkaas

 

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Isimada Dhaqanka, Xubnaha Golaha Deegaanka ee Gobolka Mudug, Xildhibaanno heer Federaal iyo xubno kale ayaa kasoo muuqday kulanka Madaxweynaha DG Puntland uu xalka ugu raadinayay dilalka aanooyinka

 

Puntland ayaa tilmaamtay in ay gacan adag ku qabanayso Dadka ka shaqaynaya falalka liddiga ku ah Amniga Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan beegsiga ka dhanka ah Ganacsatada, Dhaqaatiirta & Dadka kale ee haldoorka ah ee dilalka aanooyinka loo gaysto.

Duufaan xooggan oo ku dhufatay Qeybo kamid ah Dalka Jamaica

Talaado, 28, Oct 2025 {HMC} Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhimatay halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen duufaan xooggan oo ku dhufatay Dalka Jamaica ee dhaca marin biyoodka lagu magacaabo the Caribbean ee u dhaxeeya Koofurta & Waqooyiga Ameerika

 

Duufaantaan oo loogu magac daray Melissa waa duufaanta qaybta 5aad marka la eego duufaannada ugu daran caalamka soo maray ee saamaynta taban ku reebay dalalka ay ku dhacday sida ay sheegeen dadka ku takhusay cilmiga lagu ogaado

 

Xawaaraha dabayshu waa 175 mph {282KM/H}, Duufaantu waxaa laga cabsi qabaa in ay sii xooggaysto isla markaana ay gaarto Dalalka dhaca Jasiiradaha Biyaha ah ee u dhaxeeya Waqooyiga iyo Koofurta Ameerika

 

Duufaanta ayaa la sheegay in ay horay usoo martay Dalalka Haiti iyo Dominican Republic waxaana ku dhintay wadarta labadaas Dal 4 qof inkasta oo uu jiro dhaawacyo kale oo soo gaaray Dadka sida xogaha la helay ay muujinayaan.

Saalim Caliyow Ibroow oo Loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

0

Isniin, 27, Oct 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u magacaabay Prof. Saalim Caliyow Ibroow inuu noqdo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Go’aanka magacaabista ayaa yimid kadib markii Ra’iisul Wasaaruhu uu qiimeeyay baaxadda iyo muhiimadda howlaha horyaalla Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, taas oo ah mid laf-dhabar u ah qorshaha horumarinta bulshada iyo shaqo-abuurka dalka.

Prof. Saalim Caliyow Ibroow ayaa ah siyaasi iyo aqoonyahan khibrad dheer u leh maamulka iyo dowladnimada, isagoo horey u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen iyo Ra’iisul Wasaare Kumeel gaar ah xilligii Dowladda Kumeel Gaarka ahayd ee Soomaaliya.

Waa markii 18aad ee uu kasoo muuqdo Golaha Wasiirada Soomaaliya, laga soo bilaabo xukumaddii Cumar Carte Qaalib ee 1991 illaa tan maanta ee Xamse Cabdi Barre

Intii uu ku jiray xilalka kala duwan ee dowladeed, Prof. Ibroow ayaa soo qabtay wasaarado muhiim ah sida Wasaaradaha Maaliyadda, Xanaanada Xoolaha, Dhaqanka iyo Waxbarashada Sare.

Sidoo kale, waxa uu ka mid ahaa Xildhibaanadii u tartamayey xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka kadib markii xilka laga qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Prof. Saalim Caliyow Ibroow ayaa hadda sidoo kale ah Wakiilka Qaranka ee Soomaaliya u qaabilsan UNESCO, taas oo muujineysa kaalintiisa firfircoon ee dhinacyada aqoonta, dhaqanka iyo horumarinta bulshada.

Safiirka Turkiga u fadhiya Suudaan Hoggaamiyaha milatariga Suudaan.

0

Isniin, 27, Oct 2025 {HMC} Hoggaamiyaha milatariga Suudaan, Cabdel Fataax Al-Burhaan ayaa qaabbilay safiirka Turkiga u fadhiya Suudaan, Faatix Yildiz iyo madaxa xiriirka milatariga ee safaaradda Turkiga, xilli milatariga Suudaan lagu jebiyay dagaallada ka socda waqooyiga gobollada Daarfuur iyo Kordofan oo ay ku jirto magaalada istaraatijiga ah ee El Fasher oo ay la wareegtay RSF.

Turkiga , wuxuu milatariga Suudaan siiya taageerro milatari, taa ka dhigaysa kulankan mid muhiimad u leh milatariga oo doonaya taageerro dheeraad , si ay dib ugu laabtaan deegaannada laga saaray ee waqooyiga gobollada Daarfuur iyo Kordofan.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 27-10-2025.

0

Isniin 27, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Sidee ayuu u dhacay weerarkii Qorsheeysna ee lagu qaaday AS

0

Isniin 27, April  2025 {HMC}  Sidee ayuu u dhacay weerarkii Qorsheeysna ee lagu qaaday AS

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA