Home Blog Page 371

Aabe iyo Wiilkiisa oo aano qabiil darteed loogu dilay gobolka Galgaduud?

0

Talaado, 28, Oct 2025 {HMC} Waxaa sii kordhaya dilalka ku saleysan aanooyinka qabiilka ee ka dhaca inta badan deegaanada gobolada Galgaduud iyo Mudug, iyadoo sacaadahii lasoo dhaafay deegaan hoostaga Balanbale lagu dilay Aabe iyo wiil uu dhalay.

Aabaha iyo wiilkiisa la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdullahi Maxamed Lugtii Jiic iyo Baashi Cabdullahi Maxamed Lugtii Jiic, kuwaas oo lagu dilay deegaanka Labi Kooraale oo hoostaga degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Dilka Aabaha iyo wiilkiisa ayaa waxaa geystay maleeshiyaad hubeysan oo la sheegay iney kasoo jeedaan degmada Balanbale, kuwaas oo u dilay aargoosi aano qabiil ah.

Dhacdadaan lagu dilay Aabaha iyo wiilkiisa ayaa qeyb ka noqoneysa dhacdooyin dilalka naxdinta leh ee salka ku haaya aanooyinka qabiilka oo marar badan ka dhacay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.

Xaalad kacsanaan ah ayaa si weyn looga dareemaya deegaanada hoostaga magaalooyinka Balanbale iyo Guriceel oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud, taasoo la xariirta xiisad ka dhalatay dilka aabaha iyo wiilkiisa loo geystay.

Ugu dambeyntii maamulka Galmudug ayaa ah mid u muuqda inuu ku fashilmay wax ka qabashada dilalka salka ku haaya aanoyinka qabiil ee kusoo noqnoqday deegaanada gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulkaas.

Madaxweynaha Puntland oo kala diray Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida?

0

Talaado, 28, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kala diray Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee maamulkaasi.

Wareegtadan ayaa lagu xusay in cabasho isdaba joog ay soo gaartay Madaxweynaha, taasi oo ay la kulmayaan dadka rayidka ah.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 09 ee 28-da Oktoobar 2025, kuna saabsan kala dirid Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland

Madaxweynaha Markuu arkay: Qodobka 80-aad, faqraddiisa 19-aad iyo Qodobka 87-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro ee ka imaanaya Guddoonka iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus.

Markuu tixgeliyey: Baahida dib-u-habeyn ee ka jirta Guddoonka iyo Xafiiska Xeer – ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus.

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa la kala diray Dhammaan Guddoomiyeyaasha, Garsoorayaasha iyo Xeer- ilaaliyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland
Go’aannada xabsi-xalaalaynta ah ee la xiriira denbiyada culus waxa gaaraya Maxkamadaha Racfaanka ee Dowladda Puntland, inta laga soo dhisayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus
Saraakiishii hore ee Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland waxay dib ugu laabanayaan talisyadoodii.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Dabageed ”Beesha Caalamka waxaan ka rabnaa dhismaha biyo Xireenka Saabuuni”

0

Talaado 28, April  2025 {HMC} Madaxweyne Dabageed ”Beesha Caalamka waxaan ka rabnaa dhismaha biyo Xireenka Saabuuni”

 

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Go’aano Adag oo laga soo saaray Dilal Aanooyinka Qabiilka ee ka dhaca Gobolka Mudug

0

Talaado 28, April  2025 {HMC} Go’aano Adag oo laga soo saaray Dilal Aanooyinka Qabiilka ee ka dhaca Gobolka Mudug

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Dani oo kala Diray maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Puntland

0

Talaado 28, April  2025 {HMC} Madaxweyne Dani oo kala Diray maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Puntland

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 28-10-2025.

0

Talaado 28, April  2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 28-10-2025.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Waa kuma Madaxweynaha Dunida ugu Da’da weeyn ee Doorasho aanan looga Guuleeysanin.?

0

Talaado 28, April  2025 {HMC} Waa kuma Madaxweynaha Dunida ugu Da’da weeyn ee Doorasho aanan looga Guuleeysanin.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Wiil iyo Aabihiis oo aano qabiil loogu Dilay Galgaduud.

0

Talaado 28, April  2025 {HMC} FAAH FAAHIN Wiil iyo Aabihiis oo aano qabiil loogu Dilay Galgaduud.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Somaliland oo Xal u Raadineeyso Nidaamka E-Visa ay soo kordhay Dowladda Soomaaliya

0

Talaado 28, April  2025 {HMC} Somaliland oo Xal u Raadineeyso Nidaamka E-Visa ay soo kordhay Dowladda Soomaaliya

HOOS KA DAAWO MUQAALKA

 

5,435 muhaajiriin Soomaali ah oo sanadkan tahriib ku galay qaaradda Yurub?

0

Talaado, 28, Oct 2025 {HMC} Warbixin cusub oo ay soo saartay hay’adda lagu magacaabo DTM (Displacement Tracking Matrix) ayaa muujisay in inta u dhaxaysay Janaayo ilaa Agoosto 2025, ay 5,435 muhaajiriin Soomaali ah gaareen Yurub, iyagoo u soo maray badda iyo dhulka.

Warbixintan ayaa waxay muujinaysaa koror gaaraya saddex jibbaar marka loo eego tiradii la diiwaangeliyey isla muddadaas sanadkii 2024.

Muhaajiriinta Soomaaliyeed ayaa lagu arkay dhammaan waddooyinka waaweyn ee ay dadka ku galaan Yurub, waxaana ugu badan kuwa u soo gudbay Talyaaniga iyagoo isticmaalay Badda Mediterranean-ka. Qayb kale oo badan ayaa iyaguna gaartay Isbaanish iyagoo u soo maray Galbeedka Mediterranean-ka, halka qaar kale ay tageen Giriigga iyo Qubrus oo ay u soo mareen Waddada Bari ee Mediterranean-ka. Qaar yar ayaa sidoo kale gaarey Jasiiradaha Canary ee Isbaanish iyagoo isticmaalay Waddada Atlantic ee Galbeedka Afrika.

Warbixinta ayaa tilmaamaysa in Soomaalidu hadda ka yihiin ku dhawaad afar boqolkiiba dhammaan muhaajiriinta soo gaaray Yurub sanadkan 2025, taasoo ka dhigaysa inay yihiin mid ka mid ah qowmiyadaha ugu badan ee Afrika ka yimaada.

Hay’adda DTM ayaa sheegtay in xogtan lagu salaynayo sahanno ay ka samaysay Spain iyo Talyaaniga, balse Giriigga weli laguma samayn sahanno rasmi ah. Sidaa darteed, xogta la xiriirta Waddada Bari ee Mediterranean-ka laguma darin warbixintan, balse waxaa lagu dari doonaa sida hay’addu sheegtay marka cilmi-baaristu sii socoto.

Khabiirro ku takhasusay arrimaha socdaalka ayaa sheegay in kororka tirada muhaajiriinta Soomaaliyeed ay la xiriirto sababo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin amni darrada ka jirta Soomaaliya, shaqo la’aanta, iyo rajo xumada mustaqbalka gudaha dalka. Qoysas badan ayaa sheegay in ay rajeynayaan nolol ka wanaagsan Yurub, inkastoo safarka badda uu khatar weyn ku yahay noloshooda.