Home Blog Page 376

Khasaarahii ka dhashay Weerarkii Macawisleeyda ay ku qaadeyn Deegaanka Goobo oo la Shaaciyay.

0

Isniin, 27, Oct 2025 {HMC} Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeeyso Weerar Gaadmo ah oo Ciidamada deegaanka ee loo yaqaano Macawisleeyda ay ku qaadeyn Xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku sugnaa deegaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Iska Hor-imaad kooban ayaa ka dhacay deegaanka goobo, waxaana Saraakiisha Ciidamada deegaanka ay sheegeyn in ay Weerarka ku dileeyn ku dhawaad 10-ruux oo ka tirsan Ururka Al-shabaab Cabdulllaahi Xuseen Axmed oo kamid ah Ciidamada deegaanka ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay shir ku lahaayeen deegaanka Goobo. Xogtaas oo ay heleeyn Ciidamada Macawisleeyda aya Sababtay in weerarkan uu dhaco.

Sidoo kale Waxaa ay sheegay Cabdullaahi in Al-shabaab ay Meeydad iyo dhawacyo badan ay geeyeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo gacanta kooxda ku jiro Mudo 3 Bilood ku dhow.

Ciidamada deegaanka ayaa bilaabay in Weerar gaadmo ah ay ku qaadan Xubnaha ka tirsan Al-shabaab eek u sugan degmooyinka Maxaas iyo Moqokori, Waxaana weeraradaas Al-shabaab looga dilay Saraakiil iyo Askar Sida uu sheegay Cabdullaahi Xuseen Axmed oo Ciidamada deegaanka kamid ah.

 

Kulan lagu soo bandhigayay fursadaha maalgashi dekedda Garacad oo lagu qabtay Magaalada Jigjiga.

0

Isniin, 27, Oct 2025 {HMC} Kulankan oo ka dhacay magaalada Jigjiga ayaa lagu soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dekedda Garacad, oo ku taalla Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin heer deegaan ah iyo ganacsato, ayaa diiradda lagu saaray sidii ganacsatada deegaanka ay uga faa’iidaysan lahaayeen adeegyada ganacsi ee dekedda garacad iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan.

Intii uu socday kulanka, masuuliyiin ka socday Shirkadda Wadaagsan oo ah shirkadda maamuleysa dekedda Garacad ayaa soo bandhigay warbixin iyo soo jeedin ku saabsan fursadaha maalgashi ee ka bannaan iyo sidoo kale adeegyada dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha ee ay bixiso dekeddu.

Maxamuud Qorane Maxamed, guddoomiye ku xigeenka shirkadda Wadaagsan, oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ujeeddada imaatinkooda deegaanka ay tahay in lagu dhiirrigeliyo ganacsatada deegaanka ka qaybgalka maalgashiyada iyo adeegyada ganacsi ee dekedda, si loo xoojiyo isdhexgalka ganacsi ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- Mucaraadka iyo DF oo Abaabul ka wada Muqdisho iyo MW Xasan oo Safar ah.

0

Axad 26 Oct 2025 {HMC} FALANQEYN:- Mucaraadka iyo DF oo Abaabul ka wada Muqdisho iyo MW Xasan oo Safar ah.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Howlgal lagu dilay AS badan oo laga fuliyay Goobo.

0

Axad 26 Oct 2025 {HMC} Howlgal lagu dilay AS badan oo laga fuliyay Goobo.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

PKK oo sheegtay inay ciidankeeda kala baxday Wadanka Turkiga.

0

Axad, 26,Oct 2025 {HMC}  Kooxda PKK ayaa ku dhawaaqday inay go’aansatay inay ciidamadeeda hubaysan kala baxdo dalka Turkiga.

Hadalkan ayaa lagu sheegay bayaan kaoso baxay Maamulka Dhaqdhaqaaqa Xoriyadda Kurdiyiinta kadib markii PKK ay burburtay bishii May.

Shirka jaraa’id ee lagu qabtay magaalada Qandiil, ayaa nuqulka Turkiga ka soo baxay bayaanka waxaa akhriyay Xildhibaan Sabri Ok oo ka tirsan Golaha Sare ee KCK.

PKK ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay “la baxayso dhammaan ciidamada ku sugan dalka Turkiga ee khatarta ku ah iska horimaadyada ka dhaca xudduudaha Turkiga, una nugul daandaansi suurtagal ah.”

Sidee u dhici karaa dagaal dhexmara Dowladdaha Mareykanka iyo Shiinaha?

0

Axad, 26,October 2025 {HMC} Dagaallada quwadaha waa weyn sida Mareykanka iyo Shiinaha , sida dadka caadiga ah ay xisaabinayaan ma noqonayo bilowgiisa rasaas ama nukliyeer, taa beddelkeeda marxaladaha uu ku billaaban karo ayaa ka argagax badan hubka, laakin sidee?

Taliyihii hore ee hay’adda sirdoonka amniga qaranka Mareykanka ee NSA , Jen. Tim Hawk ayaa waraysi uu bixiyay ku xaqiijiyay inuu Shiinaha ugu yaraan shan sanno ku dhex jiray kaabayaasha muhiimka ah ee Mareykanka, gaar ahaan biyaha, korontada, gaadiidka dad weynaha iyo adeegyada kale ee nolosha dadweynaha, taa oo loola jeedo inuu wax ka beddeli karay oo maamulkooda farageliyay.

Sidoo kale, shirkad yar oo bixisa adeegga biyaha oo ku taalla Littleton, gobolka Massachusetts ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in la jebsaday oo si dhab ah loo galay nidaamkeeda elektaroonigga ah ee guryaha gaarsiiya biyaha.

Laakin muxuu Shiinaha sidan u sameynaya?

Haddii uu dhaco dagaal Mareykanka iyo Shiinaha ama uu doonayo Shiinaha inuu tallaabo digniin ah u diro Mareykanka , ma uu ridayo gantaallo ama nukliyeer , taa beddelkeeda wuxuu guryaha iyo waddooyinka Mareykanka ku fasaxayaa koronto xad dhaaf ah oo joojinaysa qulqulka dhiiga bani’aamka iyo xayawaanka ku nool Mareykanka , taa oo suragal ka dhigaysa in wax ka yar saacad lagu dilo kala bar dad Mareykanka , waxa xiga waa in si lama filaan ah sun loo qaadsiiyo biyaha laga adeegsado Mareykanka , waa sababta xaaladan ay uga argagax badan tahay adeegsiga hubka caadiga ah.

Waa kan Jen. Hawk oo waraysigan isla xaaladan ka digaya ; “ Haddii ay gacanta ku hayaan nidaamyada biyaha, waxay awood u yeelan karaan inay sumeeyaan biyaha dadka isticmaalaan waana arrin khatar qaran ah oo halis gelin karta nolosha kumannaan qof.”

Madaxweyne Putin oo tagay jiidaha hore ee dagaalka ay kula Jiran Ukraine.

0

Axad, 26,October 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Ruushka , Vladimir Putin oo xiran dharka milatariga ayaa maanta tagay jiidaha hore ee dagaalka Ukraine ,

Vladimir Putin ayaa jiida hore wuxuu kula kulmay saraakiisha milatariga wadanka Ruushka oo tusay in ka badan toban kun oo askarta Ukraine oo ay ciidanka Ruushka ku go’doomiyeen labo aag oo dagaalka uu ka socdo , sida uu baahiyay telefishinka Dalka Ruushka ee RT.

Sergey Lavrov oo loo aqoonsanyahay diblomaasiga ugu khibrada badan Caalamka.

0

Axad, 26,October 2025 {HMC} Wasiirka arrimaha dibadda wadanka Ruushka,Sergey Lavrov oo loo aqoonsanyahay diblomaasiga ugu khibrada sarreeya oo xilkan haya 21 sanno, ayaa waraysi uu bixiyay wuxuu ku sharraxay waxa ay ka dhigantahay xabbad-joojin, isagoo ka hadlaya dagaalka Ukraine iyo soo jeedinta reer galbeedka ,wuxuu yiri”

“Marka dadku maanta yiraahdaan xabbad-joojin waan ognahay inay rabaan oo keliya inay mar kale waqti helaan. Fikraddan, oo si qoto dheer ugu jirta maskaxda Zelensky, waa mid uu qof kasta oo si daacad ah u fiirsada si fudud u fahmi karo.”

Dowladda Ruushka, wuxuu ku adkaysanaya heshiis dhammeystiran, mar kastana Putin ayaa diidda in bilowga la sameeyo xabbad-joojin si heshiis loo diyaariyo, tani waa sababta Qasa ay uga soo laabanayaan dagaallada..

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 26-10-2025.

0

Axad 26 Oct 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Mareykanka ayay qasab ku noqotay inuu dalka Mali shuruudaha lagu xiray dhowr dal oo Afrikan ah.

0

Axad, 26,October 2025 {HMC} Mareykanka ayay qasab ku noqotay inuu dalka Mali ee galbeedka Afrika ka saaro  oo muwaadiniintooda marka ay fiisaha dalxiiska iyo ganacsiga Mareykanka dalbanayaan looga baahnaa inay lacag 15 kun oo dollar ah bixiyaan, si loo xaqiijiyo inaysan Mareykanka iska dhiibeyn oo dib loogu celinayo marka ay safarkooda soo dhammeystaan.

Isla marka uu sharcigan soo saaray Mareykanka , waxay Mali ku dhaqaaqday tallaabo la mid ah iyadoo shuruud uga dhigtay muwaadiniinta Mareykanka haddii ay u safrayaan Mali inay bixiyaan 15 kun oo dollar , Mareykanka ayaase noqday midka ciyaartan ka baxay oo ka joojiyay muwaadiniinta Mali shuruuda lagu soo rogay.

Balse kuwa aan wax falcelinta ah sameyn oo ay ku jiraan ; Tanzania, Gambia, Malawi, iyo Zambia ayaa wali muwaadintooda waxay u baahanyihiin 15 kun oo dollar inay bixiyaan!