Home Blog Page 377

Baarlamaanka Jabuuti oo ansixiyay wax ka beddelka dastuurka si uu Madaxweyne Geelle .

Axad, 26,October 2025 {HMC}– Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa maanta si aqlabiyad buuxda u ansixiyay wax ka beddel lagu sameeyay dastuurka dalka, taas oo meesha ka saartay xayiraaddii da’da ee horay u jirtay, taasoo qof ka weyn 75 sano ka hor istaageysay inuu u tartamo xilka madaxweynenimada.

Isbeddelkan ayaa u sahlaya Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, oo haatan 77 jir ah, inuu mar kale isu soo taago doorashada madaxtinimo ee dalkaasi, taas oo la qorsheeyay in ay qabsoonto bisha Abriil ee sanadka 2026.

Wararka ay faafisay wakaaladda AFP ee Faransiiska ayaa sheegaya in isbeddelka dastuurka uu qayb ka yahay qorshe siyaasadeed oo ballaaran oo ay xukuumadda Jabuuti ku doonayso in ay “cusboonaysiiso” nidaamka doorashooyinka, inkastoo mucaaradka iyo ururrada xuquuqda aadanaha ay ku tilmaameen tallaabadan mid lagu sii adkaynayo xukunka Geelle oo talada haya tan iyo 1999.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa dhowaan sheegay in isbeddelka dastuurka uu muhiim u yahay “xasilloonida iyo horumarka qaranka,” balse dhaleeceyn xooggan ayaa kasoo yeertay dhinacyada mucaaradka oo ku doodaya in arrintani ay meesha ka saarayso tartan siyaasadeed oo xor ah.

Tallaabadan ayaa la rumeysan yahay inay dhabbaha u xaareyso muddo xileed lixaad oo uu Madaxweyne Geelle u tartamo, taasoo sii xoojineysa doodda ku saabsan sii jiritaanka hoggaankiisa muddada dheer ee dalka yar ee istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika.

 

 

Soomaaliya iyo Itoobiya oo yeeshay wada hadallo lagu sii xoojinayo xiriirkooda

Axad, 26,October 2025 {HMC}– Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa yeeshay wado wadahadallo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah, kaddib markii ay soo afjareen colaaddii u dhaxaysay muddo sanad iyo wax ka badan ka hor, taas oo lagu guuleystay kaddib dhexdhexaadin uu sameeyay Turkiga, taasoo horseeday Heshiiskii Ankara ee la gaaray bishii December 2024.

Wada hadalladan ayaa dhexmaray Gedion Timoteos, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, iyo Cali Maxamed Cumar, wasiir kuxigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo ku sugan Itoobiya si uu uga qayb galo Shirweynaha Tana, kaas oo looga hadlayo “amniga Afrika.”

“Labada dhinac waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyagoo ku heshiiyay in la sii wado wada shaqeynta joogtada ah. Sidoo kale waxay ka wada xaajooden istiraatiijiyadaha iskaashiga ee ku aaddan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), waxayna mar kale adkeeyeen go’aankooda ah inay iska kaashadaan dagaalka lagula jiro argagixisada gobolka,” ayaa lagu yiri warsaxafaadeed kooban oo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Waxaa xusid mudan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu todobaad iyo wax yar ka hor booqday Itoobiya, taas oo qeyb ka ahayd dadaallada labada dal ay ku doonayaan in lagu xoojiyo xiriirkooda.

Intii lagu jiray sanadkii 2024, Itoobiya iyo Soomaaliya ayuu xiriirkoodu aad u xumaaday sababa la xiriira is-fahamka dhinaca badda (MoU) oo ay Itoobiya la saxiixatay maamulka Somaliland 1-dii Janaayo 2024.

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 26-10-2025.

0

Axad 26 Oct 2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 26-10-2025.

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Ciidanka Badda Kenya oo qabtay Doon la sheegay in lagu waday Daroogo

Axad, 26,October 2025 {HMC} Ciidamada Badda Kenya ayaa oo helay xog la xiriirta Doon waday Daroogo oo ku sugnayd Badweynta Hindiya ayaa ku guulaystay in ay soo qabtaan, Doontaan ayaa soo qabashadeeda qaadatay waqti sida uu sheegay Taliye ku xigeenka Ciidanka Badda Dalkaas.

Daroogada la qabtay ayaa qiimaheeda lagu sheegay in ay tahay 8.2 Bilyan oo Shilinka Kenya oo u dhiganta $63,467, waxaa ku socda baaris la xiriirta halka laga keenay, meesha ay sida gaarka ah ugu socotay iyo cidda leh mas’uuliyadda fal dambiyeedkaan.

Sarreeye Gaas Sankale Kiswaa, Taliye ku xigeenka Ciidanka Badda Kenya ayaa sheegay in ay waqti ku qaadatay soo qabashada Doontaan oo ay ku raad-joogeen qiyaastii 630 Kiilomitir bariga Magaalada Xeebta leh ee Mombasa.

Maxamed Amiin oo ah Agaasimaha Waaxda Dambi Baarista ee DCI ayaa sheegay in Maxkamad lasoo taagi doonno Doonta iyo Dadkii ku lugta lahaa waa marka lasoo gabagabeeyo baarista ay wadaan iyo diyaarinta Gal-dacwadeedka Xafiiska Xeer Ilaalinta kenya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay gacanta ku hayaan 6 ruux oo la filayo in berri oo Isniin ah lasoo taagi doonno Maxkamad inkasta oo aanay si dhab ah loo xaqiijin warkaan maadaama baaritaanka lagu wado waqti kale qaadan karo.

 

Khubarro Militari oo Masar ka socday oo qiimeeyay goobaha Soomaaliya .

Axad, 26,October 2025 {HMC}Khubarro Militari oo ka socda Dalka Masar ayaa kormeeray xeryaha loogu talagalay in la dejiyo ciidanka ka socda dalkaas ee qaybta ka noqonaya howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya loona soo gaabiyo AUSSOM.

Waxa ay sheegeen in la diyaariyay ciidamada ka socda dalkaas ee ku biiraya howlgalkaan AUSSOM iyaga oo raacaya shuruucda nabad ilaalinta ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay iyo kan Midowga Afrika.

Jamhuuriyadda Carabta Masar ayaa horay u sheegtay in ay diyaarisay qayb kamid ah ciidankaas oo tababar loosoo xiray, weli si dhab ah Xukuumadda Qaahira ma aysan sheegin xiliga ay ciidamadaan imaanaya Soomaaliya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Bishii April ee sanadkaan waxa uu ansixiyay in Masar ay qayb ka noqoto howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, waxaa loo ogolaaday 1,100 askari oo sida ugu dhaqsiyadaha badan loo geynayo Soomaaliya.

Ambassador Ilyas Ali Hassan Engages Haut-Katanga Leadership on Enhancing Services for Somali Diaspora in DRC

Sunday October 26, 2025 {HMC}    The Ambassador of the Federal Republic of Somalia to Tanzania and the Democratic Republic of Congo (DRC), Mr. Ilyas Ali Hassa, has held a high-level meeting with the leadership of Haut-Katanga province in the DRC.

The Ambassador met with the Governor of the province, Mr. Martin Kazembe Shula. Haut-Katanga is a commercially significant region and is home to the largest Somali diaspora community in the DRC.

The meeting, which aimed to strengthen cooperation and address the needs of the Somali community, was also attended by other senior regional officials. These included the Speaker of the Haut-Katanga provincial parliament, Mr. Michel Kabwe Mwamba, and the Mayor of Lubumbashi, Hon. Patrick Afwimbi Mumamba.

Discussions between Ambassador Hassan and the provincial leaders focused on several key issues. The primary topic was ensuring that Somali nationals residing and conducting business in the province receive all necessary government services and administrative support.

Ambassador Hassan advocated for the interests of the Somali community, highlighting their contributions to the local economy and the importance of facilitating their access to public services.

This diplomatic engagement is part of the Somali government’s ongoing efforts to support its diaspora communities, protect their rights, and enhance bilateral relations with host nations.

Source hiiraan online

Somali and Nigerian army commanders meet in Kigali to boost counterterrorism cooperation

Sunday October 26, 2025 {HMC}  – Somalia’s Land Forces Commander, Major General Sahal Abdullahi Omar, commonly known as General Khalid, met with the Commander of the Nigerian Infantry, Major General Usman Abdulmumin Yusuf, in Kigali, Rwanda, on Saturday.

The meeting focused on strengthening military cooperation between Somalia and Nigeria, particularly in the joint fight against terrorism.

 

Both commanders agreed to enhance collaboration through the exchange of combat experience, joint military training, and the expansion of cooperation between the two national armies. The two sides underscored their shared commitment to combating extremist groups that threaten regional peace and security.

 

“This meeting is part of the Somali National Army’s efforts to strengthen international cooperation in the fields of security and counter-terrorism,” a statement from the Somali government said.

The engagement aligns with the Federal Government’s broader initiative to build and equip the Somali National Army, reinforcing its capability to safeguard the nation and sustain regional stability through international partnerships.

 

Source hiiraan online

Six killed in head-on collision along Nakuru–Gilgil highway

Sunday October 26, 2025 {HMC} Nairobi  – At least six people were killed on Saturday morning following a head-on collision along the Nakuru–Gilgil Highway.

The accident involved a saloon car and a bus at the Soysambu area in Mbaruk.

The deceased, all men, were travelling in the smaller vehicle when it collided head-on with a bus near the Soysambu stretch of the busy highway.

 

According to police, preliminary investigations indicate that the driver of the saloon car was attempting to overtake when the vehicle rammed into an oncoming bus belonging to Promise Company, which was en route to Nakuru.

The men were reportedly travelling from Kisumu, where they had attended a burial ceremony, and were heading back to Nairobi at the time of the accident.

The impact of the collision killed all six occupants of the saloon car on the spot. Their bodies were taken to the Gilgil Sub-County Hospital Mortuary awaiting identification by family members.

 

Source hiiraan online

{DAAWO MUQAALKA} Dowlad Goboleedyada oo loogu Baaqay si deg deg ah ineey u qabtaan Doorasho.

0

axad 26 Oct 2025 {HMC} Dowlad Goboleedyada oo loogu Baaqay si deg deg ah ineey u qabtaan Doorasho.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Masar ee loo soo Dirayo Soomaaliya oo la Diyaariyey

0

axad 26 Oct 2025 {HMC} Ciidamada Masar ee loo soo Dirayo Soomaaliya oo la Diyaariyey

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY