Axad, 26,October 2025 {HMC} Ciidamada Badda Kenya ayaa oo helay xog la xiriirta Doon waday Daroogo oo ku sugnayd Badweynta Hindiya ayaa ku guulaystay in ay soo qabtaan, Doontaan ayaa soo qabashadeeda qaadatay waqti sida uu sheegay Taliye ku xigeenka Ciidanka Badda Dalkaas.
Daroogada la qabtay ayaa qiimaheeda lagu sheegay in ay tahay 8.2 Bilyan oo Shilinka Kenya oo u dhiganta $63,467, waxaa ku socda baaris la xiriirta halka laga keenay, meesha ay sida gaarka ah ugu socotay iyo cidda leh mas’uuliyadda fal dambiyeedkaan.
Sarreeye Gaas Sankale Kiswaa, Taliye ku xigeenka Ciidanka Badda Kenya ayaa sheegay in ay waqti ku qaadatay soo qabashada Doontaan oo ay ku raad-joogeen qiyaastii 630 Kiilomitir bariga Magaalada Xeebta leh ee Mombasa.
Maxamed Amiin oo ah Agaasimaha Waaxda Dambi Baarista ee DCI ayaa sheegay in Maxkamad lasoo taagi doonno Doonta iyo Dadkii ku lugta lahaa waa marka lasoo gabagabeeyo baarista ay wadaan iyo diyaarinta Gal-dacwadeedka Xafiiska Xeer Ilaalinta kenya.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Kenya ay gacanta ku hayaan 6 ruux oo la filayo in berri oo Isniin ah lasoo taagi doonno Maxkamad inkasta oo aanay si dhab ah loo xaqiijin warkaan maadaama baaritaanka lagu wado waqti kale qaadan karo.
Axad, 26,October 2025 {HMC} Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgallo ka dhacay degmooyinka Gobolka Banaadir in ay kusoo qabteen kooxo burcad ah oo dadka rayidka ah dhac u gaysanaysay kuwaas oo loo gudbinayo Maxkamad.
Howlgalkaan oo si gaar ah u fuliyeen ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir waxaa howlgalka kaddib lasoo bandhigay Ragga la qabtay ee dhaca gaysanayay oo qaarkood hubaysnaa iyo waxyaabihii ay dhaceen.
Taliska qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa digniin u diray kooxaha dhaca ka gaysta Magaalada Muqdisho, waxa uu ku hanjabay in uu gacan adag ku qabanayo isla markaana la maxkamadayn doonno si loogu qaado ciqaabta dambiga ay gaysteen.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sare u qaadday adkaynta amniga, waxa ay kordhisay goobaha lagu hubiyo Gaadiidka iyo Dadka saaran, halka Xaafadaha Magaalada Muqdisho laga sameeyay goobo lagu baaro Gawaarida.
Axad, 26,October 2025 {HMC} Dowladda Masar ayaa dhamaystireysa diyaar garowga ay ciidamada ugu dirayso Soomaaliya, si ay uga qaybqaataan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSSOM).
Wafdi ciidan oo ka socday Masar ayaa toddobaadkan booqday magaalada Muqdisho, taasoo qayb ka ah qorshaha Qaahira ee ku aaddan ka-qaybgalka howlgalka.
Warbixin uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay soo saaray bishii Abriil 2025 ayaa muujisay in ku dhowaad 1,100 askari oo Masri ah ay ka qaybqaadan doonaan hawlgalka AUSSSOM.
Booqashada wafdiga ayaa timid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Masar iyo Itoobiya, kaddib markii bishii hore si rasmi ah loo furay mashruuca Biyaha Webiga Niil ee Itoobiya — Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) — kaas oo Qaahira ku tilmaantay inuu halis ku yahay sahayda biyaha ee dalka Masar.
Itoobiya lafteedu waxay hawlgalka AUSSSOM ku biirisay 2,500 askari. Hawlgalkan ayaa beddelay hawlgalka ATMIS ee Midowga Afrika horaantii sanadkan, waxaana la qorsheeyay inuu socdo ilaa sannadka 2028.
Waa markii ugu horraysay ee ciidamada Masar ay ka qaybqaataan howlgal nabad ilaalin ah oo ka socda Soomaaliya, iyadoo ATMIS ay hore uga koobnayd ciidamada Itoobiya, Kenya, Burundi, Jabuuti iyo Uganda.
Bishii Agoosto 2024, Masar ayaa qalab ciidan geysay Soomaaliya, taas oo dhalisay walaac ay muujiyeen falanqeeyayaasha, kuwaas oo ka cabsi qabay in khilaafka Itoobiya iyo Masar uu isu beddelo dagaal ay ku galaan gudaha Soomaaliya.
Suleyman Dedefo, safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, ayaa toddobaadkan u sheegay warbaahinta Soomaaliyeed in Itoobiya aanay ku faraxsanayn joogitaanka ciidamada Masar ee Soomaaliya.
Axad, 26,Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Brazil, Luiz da Silva ayaa ka carooday saxafiyiinta isla marka uu bilowday wada-hadal uu Malaysia kula qaadanayo Trump, markaa oo saxafiyiinta ay billaabeen inay su’aalo badan waydiiyaan, wuxuu yiri ;
“Waqti badan ma hayno , haddii aan hadda la hadalno suxufiyiinta, waqtigii wadahadallada ayaa naga lumi doona. Su’aalihiina dib u dhigta marka uu kulanka dhammaado.”
Trump oo isaga ah qofka inta badan saxafiyiinta ay la socdaan ayaa dhankiisa qosol ku falceliyay, wuxuuna yiri ; “Waa run, maanta su’aalaha saxaafaddu ma fiicna , waa kuwo caajis ah oo aan xiiso lahayn.”
Sabti 25, Oct 2025 {HMC} Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa caawa casho sharaf ku maamuusay qaar ka mid ah xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku metela beesha Hawiye.
Kulankan oo ka dhacay hoyga Duqa Muqdisho ayaa lagu bogaadiyay waxqabadka muuqda ee maamulka gobolka ee ku aaddan horumarinta caasimadda Muqdisho.
Xildhibaannadii iyo masuuliyiintii ka qaybgalay kulanka ayaa si wadajir ah u amaanay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku aaddan dowlad-dhisidda, nabadeynta, iyo horumarinta dalka.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu taageeray hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ee dalka ka dhacaya, taas oo loo arko tallaabo muhiim u ah xoojinta hannaanka dimoqraadiyadeed ee Soomaaliya, iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee si toos ah u metela shacabka.
Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa kaloo la isla qaatay in la xoojiyo midnimada umadda Soomaaliyeed, lana sii joogteeyo wadashaqeynta u dhaxeysa hay’adaha dowladda iyo shacabka, si dalka loogu hoggaamiyo nabad, cadaalad, iyo horumar waara.
Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa uga mahadceliyay xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta ka soo qaybgalay kulanka, isagoo ku boorriyay dhammaan mas’uuliyiinta dowladda in ay sii xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wadashaqeynta ku dhisan danta guud ee qaranka Soomaaliyeed.
Saturday 25, Oct 2025 {HMC} The State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation, Hon. Ali Mohamed Omar, met on Saturday with the Minister of Foreign Affairs of the Federal Democratic Republic of Ethiopia, H.E. Gedion Timothewos, on the sidelines of the Tana High-Level Forum.
The meeting dealt with strengthening relations between the two neighbouring countries, Somalia and Ethiopia, through continued diplomatic engagement while emphasizing commitment to peace, stability, and security in the region.
Both sides reaffirmed efforts to enhance cooperation in combating terrorism, promoting regional stability, and reinforcing the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM).
Addis Ababa, 25, Oct 2025 {HMC} – The State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation, Hon. Ali Mohamed Omar, met on Saturday in Addis Ababa with the Chairperson of the African Union Commission, H.E. Mahmoud Ali Youssouf, on the sidelines of the Tana High-Level Forum.
The discussions centred on strengthening regional peace and security and reaffirming the African Union’s continued commitment to supporting Somalia’s stabilisation and development initiatives.
The AU Commission Chairperson commended Somalia’s constructive engagement at the United Nations Security Council as part of the A3 group, noting its efforts in promoting Africa’s collective interests at the global level.
The meeting reinforced the partnership between Somalia and the African Union in advancing peace, security, and regional cooperation across the continent.
Sabti 25 Oct 2025 {HMC} Tuulo halis badan oo Philippi la dhaho ayaan ka shaqeynayay. Waa intii aysan taleefannadaan waaweyn soo bixin. Berigaas qofkii Koofur Afrika taga way adkayd in xiriirkiisa la helo.
Saddexdii jimco mid ayaan fasax lahaa oo waxaan tookeysan jirnay laba nin oo kale oo aan dukaan wada lahayn.
Maalintaas jimcada ah waxay iiga dhignayd ciid. Dibadda ayaan uga bixi doonaa shabaqa dukaanka ee xabsiga igu noqday. Waxaan soo arki doonaa dabaqyadii dhaadheeraa ee Bellville.
Si xornimo ah ayaan laammiyada u dhex lugeyn doonaa anigoo jeebkayga lacag ku og. Reerihii dalka jiray ayaan wici doonaa. Tan ugu qurxan waa codka hooyo oo i leh ” lacagtii aad ii soo dirtay waan helay”.
Marka aan tago goobta taleefannada, ma jecli in ay dad badan iga horreeyaan oo aan saf galo.
Haddii ay taas dhacdo waxaan maqli doonaa codad argagax leh iyo sheekooyin quus ah. Nin walba wuxuu reerkiisii dalka jiray u tebinayaa war dhiillo leh. Hebel waa la dilay, hebel kalana nolosha ayaa lagu gubay.
Marar waxaan la kulmi jiray rag xaasaskoodii hawada ku dalaaqaya. Waa iska caadi in qofka kaaga horreeyay qaanaddaas taleefannada uu soo baxo isagoo ilmeynaya.
Dhaawacyada mindida iyo shilalka fudud in reerkii dalka jiray loo sheego ceeb ayay ahayd.
Goobtaas waxay kulmin jirtay rag sidii jabhaddii furin ka soo wada baxay. Marka ay tookadaada soo gaarto, waxaad wici kartay qof ama laba uun. Lacagta dalka lagu soo waco qaali ayay ahayd. Isbariidin iyo in lacagtii aad soo dirtay la helay ayaa ugu muhiimsanayd.
Xitaa dadka Soomaaliya jooga waxay u baahnaayeen shan doollar lacag ka badan si ay noo soo wacaan. Sidaas darteed, lacag badan oo shaxaad nooga bixi lahayd waa noo baaqan jirtay.
Ragga tuulooyinka Koofur Afrika ka xamaasha laba magac ayay kala lahaayeen. Qolo la dhaho Make Money oo shaqada sida ay tahay u wajaha, iyo kuwo kale oo loo bixiyay Make Up.
Nolol sideeda u qallafsan oo u dhaxaysa lacag, sigaar, dhimasho, tuugo iyo boolis ayay ahayd. Qofku wuxuu ku qasbanaa in uu noqdo bir aanan daxalaysan. Cudurrada iyagu liiska iyo qorshahaba kuma jirin.
Haddii uu qofku maalin xanuunsado, way adkayd in maalin labaad oo fasax ah loogu daro.
Casarka jimcada ayaan tuulada ku soo laaban jiray anigoo culaysyadii biilka iska soo xalliyay.
Sabti 25 Oct 2025 {HMC} Dowladda Ruushka ayaa baahisay muqaalo u muuqda in uu si dhow ula socdo weerarrada ay Dowladda Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya.
Telefishinka Wadanka Ruushka ee loo yaqaano RT, ayaa waxa uu baahiyay muqaalo Mareykanka weerarradii ugu badnaa oo duqeyn hawada ah ka fuliyay Soomaaliya.