Home Blog Page 380

Somali State Minister for Foreign Affairs Meets AU Chair in Addis Ababa.

0

Addis Ababa, 25, Oct  2025 {HMC} – The State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation, Hon. Ali Mohamed Omar, met on Saturday in Addis Ababa with the Chairperson of the African Union Commission, H.E. Mahmoud Ali Youssouf, on the sidelines of the Tana High-Level Forum.

The discussions centred on strengthening regional peace and security and reaffirming the African Union’s continued commitment to supporting Somalia’s stabilisation and development initiatives.

The AU Commission Chairperson commended Somalia’s constructive engagement at the United Nations Security Council as part of the A3 group, noting its efforts in promoting Africa’s collective interests at the global level.

The meeting reinforced the partnership between Somalia and the African Union in advancing peace, security, and regional cooperation across the continent.

{DAAWO MUQAALKA} Xasuus xanuun badan oo Wiil soomaaliyeed ku soo maray Dalka K/Africa. WQ Abdirizak Jidhi

Sabti 25 Oct 2025 {HMC} Tuulo halis badan oo Philippi la dhaho ayaan ka shaqeynayay. Waa intii aysan taleefannadaan waaweyn soo bixin. Berigaas qofkii Koofur Afrika taga way adkayd in xiriirkiisa la helo.

Saddexdii jimco mid ayaan fasax lahaa oo waxaan tookeysan jirnay laba nin oo kale oo aan dukaan wada lahayn.

Maalintaas jimcada ah waxay iiga dhignayd ciid. Dibadda ayaan uga bixi doonaa shabaqa dukaanka ee xabsiga igu noqday. Waxaan soo arki doonaa dabaqyadii dhaadheeraa ee Bellville.

Si xornimo ah ayaan laammiyada u dhex lugeyn doonaa anigoo jeebkayga lacag ku og. Reerihii dalka jiray ayaan wici doonaa. Tan ugu qurxan waa codka hooyo oo i leh ” lacagtii aad ii soo dirtay waan helay”.

Marka aan tago goobta taleefannada, ma jecli in ay dad badan iga horreeyaan oo aan saf galo.

Haddii ay taas dhacdo waxaan maqli doonaa codad argagax leh iyo sheekooyin quus ah. Nin walba wuxuu reerkiisii dalka jiray u tebinayaa war dhiillo leh. Hebel waa la dilay, hebel kalana nolosha ayaa lagu gubay.

Marar waxaan la kulmi jiray rag xaasaskoodii hawada ku dalaaqaya. Waa iska caadi in qofka kaaga horreeyay qaanaddaas taleefannada uu soo baxo isagoo ilmeynaya.

Dhaawacyada mindida iyo shilalka fudud in reerkii dalka jiray loo sheego ceeb ayay ahayd.

Goobtaas waxay kulmin jirtay rag sidii jabhaddii furin ka soo wada baxay. Marka ay tookadaada soo gaarto, waxaad wici kartay qof ama laba uun. Lacagta dalka lagu soo waco qaali ayay ahayd. Isbariidin iyo in lacagtii aad soo dirtay la helay ayaa ugu muhiimsanayd.

Xitaa dadka Soomaaliya jooga waxay u baahnaayeen shan doollar lacag ka badan si ay noo soo wacaan. Sidaas darteed, lacag badan oo shaxaad nooga bixi lahayd waa noo baaqan jirtay.

Ragga tuulooyinka Koofur Afrika ka xamaasha laba magac ayay kala lahaayeen. Qolo la dhaho Make Money oo shaqada sida ay tahay u wajaha, iyo kuwo kale oo loo bixiyay Make Up.

Nolol sideeda u qallafsan oo u dhaxaysa lacag, sigaar, dhimasho, tuugo iyo boolis ayay ahayd. Qofku wuxuu ku qasbanaa in uu noqdo bir aanan daxalaysan. Cudurrada iyagu liiska iyo qorshahaba kuma jirin.

Haddii uu qofku maalin xanuunsado, way adkayd in maalin labaad oo fasax ah loogu daro.

Casarka jimcada ayaan tuulada ku soo laaban jiray anigoo culaysyadii biilka iska soo xalliyay.

Shabaqii dukaanka ee wax walba isku ahaa ayaan dhex geli doonaa. Halkaas maalmuhu waa isku mid.

Shaqadii aad maanta qabatay oo labajibbaaran ayaa berrina kuu taalla. Baastooladdaada cabbayso, rootigana waqtigiisa ku deji.

Halkaan saaxiib kuma lihi, hadana tuugga i dili raba xitaa wuxuu iigu yeeraa My Friend!

Sawirka iyo maanta oo jimco ahayd ayaa xusuusta i geliyay.

WQ Abdirizak Jidhi

Ruushka oo si dhaw ula socdo Weerarada uu Mareykanka ka Fuliyo Soomaaliya.

0

Sabti 25 Oct 2025 {HMC} Dowladda Ruushka ayaa baahisay muqaalo u muuqda in uu si dhow ula socdo weerarrada ay Dowladda Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya.

Telefishinka Wadanka Ruushka ee loo yaqaano RT, ayaa waxa uu baahiyay muqaalo Mareykanka weerarradii ugu badnaa oo duqeyn hawada ah ka fuliyay Soomaaliya.

Weerarada uu fuliyay Mareykanka ayaa gaaraya 84 weerar , tiradaas oo dhaaftay muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Trump oo ahayd 63 weerar.

Trump oo ku qaabbilay Amiirka Qatar gudaha diyaaradda Air Force One.

0

Sabti 25 Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump ayaa waxyar ka hor ku qaabbilay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim Al Thani iyo Ra’iisul wasaaraha Qatar ,Sheikh Mohammed Al Thani gudaha diyaaradda Air Force One oo taagan garoonka diyaaradaha magaalada Dooxa, wuxuuna Trump ku sheegay qaabka uu kulanka u dhacayo inay sharaf u tahay , isagoo ku ammaanay Qatar doorka ay ka qaadatay nabadeynta bariga dhexe.

Trump ayaa ku sii jeeda Malaysia , waxaana si deg deg loo qorsheeyay kulanka uu Air Force One kula qaadanayo Amiirka iyo ra’iisul wasaaraha Qatar, balse lama sharrixiin waxa qasbay kulankan inuu si deg deg ah u dhaco.

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- MW Deni oo banaanka keenay waxa ay isku hayaa MW Xasan Diidmadiisa MWB iyo Isbaheyga SLN

0

Sabti  , 25 Oct 2025 {HMC} FALANQEYN:- MW Deni oo banaanka keenay waxa ay isku hayaa MW Xasan Diidmadiisa MWB iyo Isbaheyga SLN

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Xaaska Madaxweynaha Faransiiska oo lagu diiwaangeliyay in ay nin tahay.

0

Sabti 25 Oct 2025 {HMC} Waaxda canshuuraha Faransiiska ayaa laga helay magaca xaaska Madaxweynaha Faransiiska oo lagu diiwaangeliyay inay tahay nin, waxaana la adeegsaday magaca Jean Michel , halkii uu ka ahaan lahaa magac haweenay oo ah Brigitte Macron.

Dhacdadan ayaa argagax ka dhalisay qasriga madaxtooyadda Faransiiska ee Elysée, halka ay warbaahinta Faransiiska ku warrantay in Macron uu galay xaalad dhul-gariir ah, wuxuuna isla markiiba amar ku bixiyay in baaritaan rasmi ah la furo si loo ogaado sababta magaca nin loogu qoray xaaskiisa mareeg dawladeed oo rasmi ah.

Dhankeeda, Brigitte Macron ayaa dacwad ka gudbisay waaxda canshuuraha, iyadoo sheegtay in ay isbeddel ku sameeyeen magaceeda si ay u abuuraan buuq iyo shakiyo la xiriira jinsigeeda.

Lacagtii la siin jirtay diyaaradaha gargaarka bani’aadamnimo Keeno Soomaaliya oo Laga Joojiyay.

0

Sabti 25 Oct 2025 {HMC} Taageeradii dhaqaalo oo ay siin jirtay Shirkadda ugu weyn ee soo saarta hubka ee Dalka UK ayaa ka joojisay diyaarado qaada gargaarka bani’aadamnimo oo u kala gooshi jiray Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.

Taasi waxay ka dhigan tahay in shirkaddii ugu dambeysay ee adeegsan jirtay diyaaraddan, oo ah shirkadda EnComm Aviation ee Kenya, ay khasab ku noqotay inay dhulka dhigto dhammaan diyaaradeheeda.

EnComm Aviation ayaa ku takhasustay gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo, waxaana mid ka mid ah heshiisyadeeda kamid ahaa inay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP), kala shaqeyso inay gargaar gaarsiiso 12 goobood oo ku yaalla Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 4.6 milyan oo qof oo Soomaaliyeed ay halis ugu jiraan macluul, halka 1.8 milyan oo caruur ah oo ka yar 5 sano ay la ildaran yihiin nafaqo-darro. Sida uu daabacay wargeyska The Guardian, heshiiska u dhexeeya EnComm iyo WFP ee Soomaaliya, oo la qorsheeyay inuu socdo ilaa Ogosto 2026, ayaa hadda la joojiyay.

Jackton Obuola, agaasimaha EnComm Aviation, ayaa yiri: “Gargaarka ay diyaaradahayadu gaarsiin jireen wuxuu ahaa xarig badbaado u ah dadka Koonfurta Suudaan, Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, xilli uu aduunka wajahayay qalalaase weyn.”

“Go’aanka lama filaanka ah ee BAE wuxuu sababay in dhulka la dhigo diyaaradaha oo dhan, taasoo jaraysa sahay muhiim ah oo ay ku tiirsanaayeen dadka ugu nugul. Dadka Bariga Afrika hadda waxay wajahayaan xaalad sii xumaanaysa, halka BAE ay dooratay inay mudnaanta siiso danahooda ganacsi.”

Diyaaradda ATP ayaa ahayd mid ku habboon gaarsiinta gargaar, maaddaama ay ka duuli karto garoomo yaryar oo ku badan meelaha fog, iyadoo sidda ilaa 8 tan oo cunto ah.

Intii u dhaxaysay Maarso 2023 ilaa Sebtembar 2025, EnComm ayaa gaarsiisay 18,677 tan oo raashin gargaar ah dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan — iyadoo hal tan ay quudin karto ilaa 1,660 qof maalintii.

Qoraal ay qareennada EnComm u direen BAE ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu joojiyay diyaaradaha lagu gaaray iyada oo aan wax talo ah laga galin ama ogeysiis rasmi ah la siin EnComm,” iyadoo shirkaddu horey u fahamsanayd in BAE ay ballanqaaday in taageerada diyaaradaha ATP ay socon doonto ugu yaraan shan sano kale.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 25-10-2025.

0

Sabti  , 25 Oct 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Trump oo gudaha diyaaradda Air Force One kulan deg deg ah kula qaadan doono Amiirka Qatar.

0

Sabti 24, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump ayaa saacadaha soo socda gudaha diyaaradda Air Force One , kulan deg deg loo qorsheeyay kula yeelan doona Amiirka Dalka Qatar, Tamim bin Hamad iyo ra’iisul wasaarihiisa Mohammed bin Abdulrahman, ka hor inta uusan gaarin dalka Malaysia oo Trump uga qeybgalayo shir madaxeedka iskaashiga dalalka koonfur-bari Aasiya.

Diyaaradda madaxweynaha Mareykanka Air Force One, ayaa la sheegay inay waqti kooban ku sugnaan doonto garoonka diyaaradaha ee Dooxa, xilligaa oo kulanka uu dhacayo, waxaana Trump ku wehelinaya xoghayaha arrimaha dibadda ahna la taliyaha amniga qaranka Mareykanka, Marco Rubio — kaasoo la sheegay in diiradda lagu saarayo xaaladihii u dambeeyay ee bariga dhexe iyo heshiiska nabadda ee Qasa, wallow warbaahintu sheegtay in kulanka u muuqdo mid go’aamo lagu qaadanayo, sida ay weriyeen Reuters iyo warbaahinta Imaaraadka Carabta ka soo baxda ee Al Arabiya iyo wargeyska The National News.

Ruushka oo maraakiibta quusta ee gujiska oo xambaara nukliyeerka geeyay Meel u dhow xeebaha Ingiriiska.

0

Sabti 24, Oct 2025 {HMC} Dowladda Ruushka ayaa maraakiibta quusta ee gujiska oo qaarkood xambaara nukliyeerka wuxuu geeyay goobo ku dhow xeebaha Ingiriiska , taa oo ka yaabisay Ingiriiska oo ah taageerraha ugu weyn ee Ukraine , mar kastana ku adkeysta sii socoshada dagaalka.

Wasiirka difaaca Wadanka Ingiriiska , John Healey ayaa sheegay inay ku jiraan marxalad aysan aamusi karin , isagoo digniin u diray madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, wuxuuna yiri ; “ Waad na tijaabinaysa balse waad na arki doontaa, waxaan u gaarsan doonaa maraakiibtaada.”