Home Blog Page 381

Lacagtii la siin jirtay diyaaradaha gargaarka bani’aadamnimo Keeno Soomaaliya oo Laga Joojiyay.

0

Sabti 25 Oct 2025 {HMC} Taageeradii dhaqaalo oo ay siin jirtay Shirkadda ugu weyn ee soo saarta hubka ee Dalka UK ayaa ka joojisay diyaarado qaada gargaarka bani’aadamnimo oo u kala gooshi jiray Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.

Taasi waxay ka dhigan tahay in shirkaddii ugu dambeysay ee adeegsan jirtay diyaaraddan, oo ah shirkadda EnComm Aviation ee Kenya, ay khasab ku noqotay inay dhulka dhigto dhammaan diyaaradeheeda.

EnComm Aviation ayaa ku takhasustay gaarsiinta gargaarka bani’aadamnimo, waxaana mid ka mid ah heshiisyadeeda kamid ahaa inay Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP), kala shaqeyso inay gargaar gaarsiiso 12 goobood oo ku yaalla Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 4.6 milyan oo qof oo Soomaaliyeed ay halis ugu jiraan macluul, halka 1.8 milyan oo caruur ah oo ka yar 5 sano ay la ildaran yihiin nafaqo-darro. Sida uu daabacay wargeyska The Guardian, heshiiska u dhexeeya EnComm iyo WFP ee Soomaaliya, oo la qorsheeyay inuu socdo ilaa Ogosto 2026, ayaa hadda la joojiyay.

Jackton Obuola, agaasimaha EnComm Aviation, ayaa yiri: “Gargaarka ay diyaaradahayadu gaarsiin jireen wuxuu ahaa xarig badbaado u ah dadka Koonfurta Suudaan, Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, xilli uu aduunka wajahayay qalalaase weyn.”

“Go’aanka lama filaanka ah ee BAE wuxuu sababay in dhulka la dhigo diyaaradaha oo dhan, taasoo jaraysa sahay muhiim ah oo ay ku tiirsanaayeen dadka ugu nugul. Dadka Bariga Afrika hadda waxay wajahayaan xaalad sii xumaanaysa, halka BAE ay dooratay inay mudnaanta siiso danahooda ganacsi.”

Diyaaradda ATP ayaa ahayd mid ku habboon gaarsiinta gargaar, maaddaama ay ka duuli karto garoomo yaryar oo ku badan meelaha fog, iyadoo sidda ilaa 8 tan oo cunto ah.

Intii u dhaxaysay Maarso 2023 ilaa Sebtembar 2025, EnComm ayaa gaarsiisay 18,677 tan oo raashin gargaar ah dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan — iyadoo hal tan ay quudin karto ilaa 1,660 qof maalintii.

Qoraal ay qareennada EnComm u direen BAE ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu joojiyay diyaaradaha lagu gaaray iyada oo aan wax talo ah laga galin ama ogeysiis rasmi ah la siin EnComm,” iyadoo shirkaddu horey u fahamsanayd in BAE ay ballanqaaday in taageerada diyaaradaha ATP ay socon doonto ugu yaraan shan sano kale.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 25-10-2025.

0

Sabti  , 25 Oct 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Trump oo gudaha diyaaradda Air Force One kulan deg deg ah kula qaadan doono Amiirka Qatar.

0

Sabti 24, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump ayaa saacadaha soo socda gudaha diyaaradda Air Force One , kulan deg deg loo qorsheeyay kula yeelan doona Amiirka Dalka Qatar, Tamim bin Hamad iyo ra’iisul wasaarihiisa Mohammed bin Abdulrahman, ka hor inta uusan gaarin dalka Malaysia oo Trump uga qeybgalayo shir madaxeedka iskaashiga dalalka koonfur-bari Aasiya.

Diyaaradda madaxweynaha Mareykanka Air Force One, ayaa la sheegay inay waqti kooban ku sugnaan doonto garoonka diyaaradaha ee Dooxa, xilligaa oo kulanka uu dhacayo, waxaana Trump ku wehelinaya xoghayaha arrimaha dibadda ahna la taliyaha amniga qaranka Mareykanka, Marco Rubio — kaasoo la sheegay in diiradda lagu saarayo xaaladihii u dambeeyay ee bariga dhexe iyo heshiiska nabadda ee Qasa, wallow warbaahintu sheegtay in kulanka u muuqdo mid go’aamo lagu qaadanayo, sida ay weriyeen Reuters iyo warbaahinta Imaaraadka Carabta ka soo baxda ee Al Arabiya iyo wargeyska The National News.

Ruushka oo maraakiibta quusta ee gujiska oo xambaara nukliyeerka geeyay Meel u dhow xeebaha Ingiriiska.

0

Sabti 24, Oct 2025 {HMC} Dowladda Ruushka ayaa maraakiibta quusta ee gujiska oo qaarkood xambaara nukliyeerka wuxuu geeyay goobo ku dhow xeebaha Ingiriiska , taa oo ka yaabisay Ingiriiska oo ah taageerraha ugu weyn ee Ukraine , mar kastana ku adkeysta sii socoshada dagaalka.

Wasiirka difaaca Wadanka Ingiriiska , John Healey ayaa sheegay inay ku jiraan marxalad aysan aamusi karin , isagoo digniin u diray madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, wuxuuna yiri ; “ Waad na tijaabinaysa balse waad na arki doontaa, waxaan u gaarsan doonaa maraakiibtaada.”

President Hassan Sheikh launches the E-visa System.

0

Saturday, Oct 24, 2025 {HMC} President Hassan Sheikh launched the E-visa System, while today he heard reports from the Heads of the Somali Immigration and Citizenship Authority.

The President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan Sheikh Mohamud, inspected the headquarters of the Somali Immigration and Citizenship Authority, to observe the important ongoing activities.

The President heard a comprehensive report on the modernization of the agency’s services, the mobilization of citizens and the development of work, from the Minister of Internal Security, His Excellency Abdullahi Sheikh Ismail Fartaag, and the Director General of the Somali Immigration Authority, His Excellency Mustafa Sheikh Ali Dhuxulow.

President Hassan Sheikh, who spoke to the heads and staff of the agency, stressed the implementation of laws, ensuring the efficiency of services to citizens and combating smuggling, terrorism, illegal immigration and the easy entry of criminals into our country.

“The Immigration and Nationality Authority is central to ensuring the security and borders of the country, and this depends on how you serve Somali citizens and verify the information of those entering the country.”

The President of the Republic praised the achievements made, especially the modernization of the visa issuance process (e-Visa), the new PISCES system, a modern system for managing borders and identifying people, which uses biometric data such as fingerprints and facial recognition.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xasan Shiikh oo boggaadiyay Nidaamka E-visa.

0

Sabti 24, Oct 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa boggaadiyay Nidaamka E-visa, xilli maanta uu warbixinno ka dhageystay Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta dhexe ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, si uu ugu kuur galo howlaha muhiimka ah ee socda.

Madaxweynaha ayaa warbixin dhammeystiran oo ku saabsan casriyeynta adeegyadaa hay’adda, u daadejinta muwaadininta iyo horumarinta shaqada, waxa uu ka dhageystay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay madaxda iyo howlwadeennada hay’adda ayaa ku adkeeyey hirgelinta shuruucda, xaqiijinta hufnaanta adeegyada muwaadiniinta iyo la dagaallanka tahriibka, argagixisada, socdaalka sharci darrada iyo in si fudud ay ku soogalan danbileyaasha dalkeenna.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxa ay u dub dhexaad u tahay sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, taasna waxay ku xiran tahay sidaad ugu adeegtaan muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xogta qofka dalka soo gelaya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa bogaadiyey guulaha la gaaray, gaar ahaan hannaanka casriyeynta bixinta dal-ku-galka (e-Visa), nidaamka cusub ee PISCES oo ah nidaam casri ah oo lagu maamulo xuduudaha iyo aqoonsiga dadka, kaas oo adeegsanaya xogta biometric-ga sida faraha iyo aqoonsiga wejiga.

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan maxamed wali oo kahadlay hanaanka lacag bixinta qaranka

0

sabti  , 25 Oct 2025 {HMC} Xildhibaan maxamed wali oo kahadlay hanaanka lacag bixinta qaranka

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 25-10-2025.

0

sabti  , 25 Oct 2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 25-10-2025.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir ”14 Oktober Waa maalin la Xasuuqay shacabka Soomaaliyeed

0

sabti  , 25 Oct 2025 {HMC} Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir ”14 Oktober Waa maalin la Xasuuqay shacabka Soomaaliyeed

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Dani ”Puntland waxay badbaadin Doontaa Dowladnimada Soomaaliya”

0

sabti  , 25 Oct 2025 {HMC} Madaxweyne Dani ”Puntland waxay badbaadin Doontaa Dowladnimada Soomaaliya”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA