Home Blog Page 389

President Ruto defends timing of signing 8 Bills on day Raila died

Saturday October 25, 2025 {HMC}  President William Ruto has defended his signing eight Bills into law when the country was mourning the death of former Prime Minister Raila Odinga.

President Ruto, who spoke at Thome Village in Laikipia County on Thursday, said the news of Mr Odinga’s death broke after he had arrived at the office, readying to sign the bills presented by the Speaker of the National Assembly and the Parliamentary leadership.

“There are those condemning me for assenting to the bill arguing that the country was in mourning. But that is the work I had planned for that particular day and I received the news of Mr Odinga’s death after I had arrived in my office for the day’s work,” said Dr Ruto.

The Head of State, who spoke during the burial ceremony of Mzee Weston Kirocho, the father of Inspector General of Police Douglas Kanja, said the bills had passed all the provisions of law.

Among the bills signed on the morning of October 15 was the Computer Misuse and Cybercrimes (Amendment Bill, 2024), which has generated controversy, while its implementation has been stopped by the High Court, pending hearing and determination of a suit opposing it.

Among those who have criticised the bill on grounds that it would limit the digital space freedom is former Chief Justice David Maraga. On Wednesday, he said that the law, if enforced, grants the government excessive power to access or shut down online platforms and that it poses a threat to free expression.

On Wednesday, the High Court suspended implementation of two sections of the law, in a case filed by gospel singer Reuben Kigame and the Kenya Human Rights Commission.

In the suit, Mr Kigame cited the amendment to Section 27, which criminalises the publication of “false, misleading or fictional data”, arguing that it is constitutionally vague. The case will be mentioned on November 5, 2025, for directions.

Before the President’s remarks, the leader of the Majority in the National Assembly, Kimani Ichung’wah, had defended the law, saying it is good for the country. He attributed the strong opposition against its implementation to “an emerging culture of misinformation”.

He explained that a bloggers’ lobby went to court in 2018 after the law was passed, but it was later restored, pointing out that in the recent court matter over the controversial bill, the Judiciary is being misled by the same bloggers.

The MP called for the church to support the government in disseminating truth, claiming that government critics have been spreading falsehoods.

“There has also been a lot of falsehoods on the recently assented National Land Commission Bill which is supposed to address issues of historical injustices. There are false claims that the government now plans to tax land with freehold titles. I humbly ask religious leaders to help us counter the lies,” said the Kikuyu MP.

Source NTV Kenya

Madaxweynaha Puntland oo Si Adag uga Hadlay Dalalka ku Taageray Dagaalka Daacish.

Sabti 24, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhiga 57aad ee Golaha Wakiillada Dowlad-Goboleedkaas ayaa Xildhibaannada Golahaas warbixin ka siiyay waxqabadka Maamulkiisa muddadii ay fasaxa ku maqnaayeen.

Deni ayaa diiradda saaray dagaallada ka dhanka ah Daacish, Waxbarashada, Caafimaadka, Horumarinta Puntland ee 2026-2030 oo ah qorshaha 4aad ee Dowlad-Goboleedkaas oo arrimo muhiim ah ay ku hoos jiraan.

Adkaynta Amniga waxa uu kasoo qaatay tababarka ciidamo cusub oo dhowaan tababar usoo xiray iyo kuwo kale oo tababar u xaraysan, xoojinta Hay’adaha Caddaaladda si wax looga qabto dhibaatooyinka Bulshadu qabto & Dhowrista Deegaanka oo looga hortagayo isbaddelka Cimillada.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay in dagaalka ka dhanka ah Daacish uu marayo heer gabogabo ah isla markaana loo dhow yahay waqtigii lasoo afjari lahaa, waxa uu tilmaamay in Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraatka ka gacansiiyeen howlgalladaan.

“Maraykanka & Imaaraatka ayaa nagu gacansiiyay howlgallada ka dhanka ah Daacish, Puntland waxaa ka go’an in ay soo afjarto Kooxaha Argagixisada ah, waxa aan soo dhaweyneynaa cid weliba oo gacan ka gaysaneysa” Ayuu yiri Madaxweynaha DG Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Amniga Caasimadda Dowlad-Goboleedka Puntland ee Garoowe ayuu sheegay Madaxweyne Siciid Deni in si casri ah looga shaqayn doonno, Shacabka ayuu ka codsaday in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka ee howshaas haya.

 

Itoobiya oo ka carootay arrin ay sameeyeen Masar iyo Midowga Yurub

Sabti 24, Oct 2025 {HMC} Safaaradda Itoobiya ee Brussels ayaa cambaareysay Midowga Yurub iyo Masar, sababo la xiriira bayaan ay soo saareen oo Itoobiya ay ku sheegtay “gumeysi iyo xuquuq gaar ah oo lagu xakameynayo” Wabiga Niil.

Waxa ay sidoo kale muujisy sida ay uga soo horjeeddo war-murtiyeedka wadajirka ah ee ay soo saareen Midowga Yurub iyo Masar, iyadoo sheegtay in uu muujinayo mowqif khaldan, eex iyo gardarro ka dhan ah Itoobiya.

Bayaankan oo ah sii socoshada wada-hadallada Addis Ababa iyo Qaahira ee sii xoogaysanaya tan iyo markii la furay biyo-xidheenka weyn ee Renaissance Dam, ayaa la soo saaray Jimcihii.

Safaaradda Itoobiya ee magaalada Brussels ee xarunta dalka Biljam-ka, ayaa soo saartay war-murtiyeed ay kaga jawaabayso war-murtiyeedkii Arbacadii lasoo saaray.

War murtiyeedka laga soo saaray shirkii ugu horeeyay ee ay yeeshaan Midowga Yurub iyo Masar ayaa waxaa lagu faahfaahiyay dhinacyada danta guud ee labada dhinac.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub iyo Masar “ay ku heshiiyeen inay sii xoojiyaan iskaashigooda” ku saabsan “amniga cuntada iyo biyaha.”

13 sanno kaddib Turkiga oo Safiir u Magacaabay Suuriya

Sabti 24, Oct 2025 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa 13 sanno kaddib waxa ay magacawday Danjire u joogi doonna Dalka Suuriya ee kasoo kabanaya Dagaalladii ka dhacay Dalkaas, Nuh Yilmaz oo ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dalkaas ayaa noqonaya Danjiraha howshaan qabanaya.

Sidoo kale waxa uu horay usoo noqday Madaxa fallanqaynta iyo ka hortagga Basaasiinta ee Hay’adda Sirdoonka Turkiga loona soo gaabiyo MiT, Ninkaan oo awood buuxda u leh howlaha diblumaasiyadda iyo sirdoonka ayaa shaqadaan loo igmaday si uu isugu xiro Dalalkaan xad-wadaagga ah ee Suuriya & Turkiga.

Turkiga ayaa safka hore uga jira Dalalka garab istaagay Dowladda cusub ee soo afjartay nidaamkii waqtiga dheer ee qoyska Reer Asad oo ay isaga kala dambeeyeen Xaafid iyo Bishaar oo ugu dambeyn Deseembar 2024 lasoo gabagabeeyay awoodooda Maamulka.

Xukuumadda Ankara ayaa xoogga saaraysa sidii Dalal badan ay ugu dhiiran lahaayeen la shaqaynta Dowladda sharciyadda haysata ee Madaxweynaha uu ka yahay Axmed Al-Sharci si looga caawiyo dib u dhiska, Diblumaasiyadda iyo Siyaasadda.

Itoobiya iyo Soomaaliya oo Mar Kale Xaqiijiyay Dadaalladooda Nabadeed ee geeska Afrika?

0

Sabti 24, Oct 2025 {HMC} Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika, iyadoo shirkii 11-aad ee Madasha Sare ee Tana ee Amniga Afrika uu diiradda saaray doorka istiraatiijiga ah ee gobolkaasi ku leeyahay arrimaha amniga iyo horumarka qaaradda.

Maalintii ugu horraysay ee shirka, oo lagu qabtay magaalada Bahir Dar ee waqooyiga Itoobiya, ayaa lagu falanqeeyay arrimaha amniga iyo iskaashiga dalalka gobolka, iyadoo hoggaamiyeyaashu ku baaqeen in la dardar geliyo tallaabooyinka wadareed ee lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka.

Aqoonyahano iyo mas’uuliyiin heer sare ah ayaa ka qeyb galay shirka, waxaana madasha ka hadlay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Ambassador Hadera Abera, oo sheegay in Itoobiya ay door muuqda ka ciyaartay ilaalinta amniga iyo nabadda gobolka.

Ambassador Hadera ayaa hoosta ka xarriiqay in Itoobiya ay sii wadi doonto doorkeeda muhiimka ah ee ku aaddan dhiirrigelinta nabadda iyo iskaashiga dalalka deriska ah.

“Itoobiya waxay sii xoojin doontaa kaalinteeda muhiimka ah ee nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika,” ayuu yiri Hadera.

Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Ali Mohamed Omar, ayaa faahfaahiyay dadaallada ay Soomaaliya waddo ee dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah iyo sugidda nabadda kaddib sanado badan oo colaado ah.

Sidoo kale, Wakiilka Ururka IGAD ee Midowga Afrika, Maureen Achieng, ayaa soo bandhigtay kaalinta sii kordheysa ee IGAD ee ku aaddan fududeynta wadahadallada, xallinta khilaafaadka iyo kor u qaadidda midnimada dalalka Geeska Afrika.

Isimada Gobolka Bari oo soo saaray war murtiyeed ku saabsan xaaladda Puntland?

0

Sabti 24, Oct 2025 {HMC} Shir maalmo u socday isimada dhaqanka ee Gobolka Bari ee magaalada Boosaaso ayaa lagu soo gabagabeeyay war murtiyeed ay kaga hadlayeen xaaladda guud ee Puntland iyo tan gaarka ah ee gobolka Bari.

Isimada ayaa kulankooda diiradda ku saaray midnimada ummadda Soomaaliyeed, xaaladda siyaasadeed ee Puntland, howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad, cabashada kaluumaysatada iyo adeegyada bulshada ee magaalada Boosaaso.

Warmurtiyeed kasoo baxay shirkooda ayay ugu baaqeen madaxda heer federaal iyo heer dowlad-goboleedba in la ilaaliyo midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed, isla markaana la hormariyo danaha guud ee dadka iyo dalka.

Isimadu waxay sheegeen inay si dhow ula socdaan isbeddellada siyaasadeed ee ka socda Puntland, ayna muhiim tahay in isimada dhaqanka Puntland ay isugu yimaadaan shir degdeg ah si loogu gogol xaaro shirweynaha saamileyda Puntland, maaddaama uu isbeddel ku yimid nidaamkii Puntland lagu dhisay 1998-kii.

Dhinaca amniga, isimadu waxay bogaadiyeen howlgalka uu maamulka Puntland ka wado buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, iyagoo Alle uga baryay naxariis intii ku dhimatay iyo caafimaad degdeg ah dhaawacyada, iyagoo maamulka ugu baaqay in la daryeelo askarta ku dhaawacantay iyo agoomaha askarta geeriyootay.

Isimadu waxay ka hadleen cabashooyinka kasoo yeeraya kaluumaysatada xeebaha Puntland, kuwaas oo sheegay in ay dhibaato ku hayaan jirriif sharci darro ah oo halis geliyay noloshooda iyo hantidooda. Waxay ugu baaqeen Puntland in ay si degdeg ah wax uga qabato arrintaas.

Ugu dambayn, waxay madaxda sare ee Puntland ku booriyeen inay wax ka qabtaan cabashooyinka shacabka Boosaaso ee la xiriira qiimaha sare ee biyaha iyo korontada, isla markaana ay magaalada Boosaaso siiyaan qeyb kamid ah dakhliga dekedda Boosaaso si loogu adeegsado horumarinta kaabayaasheeda dhaqaalaha.

Dhanka kale, Xasan Shire Abgaal, oo kamid ah mucaaradka Puntland, ayaa soo dhoweeyay bayaanka ay soo saareen isimada dhaqanka ee gobolka Bari. Wuxuu sheegay in uu bogaadinayo war murtiyeedka isimada oo ka hadlayay xaaladda Puntland iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Wuxuu intaas ku daray inuu ka codsanayo isimada dhaqanka ee Puntland inay taageeraan qabsoomidda shir weyn oo la isku imanayo, maadaama uu isbeddel ku yimid heshiiskii aas-aaska Puntland ee 1998-kii.

{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliya iyo Naajeeriya oo ka wada hadlay Dagaalka AS iyo Booko Xaraam.

0

sabti  , 25 Oct 2025 {HMC} Soomaaliya iyo Naajeeriya oo ka wada hadlay Dagaalka AS iyo Booko Xaraam.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Mareeykanka oo weerar ku Dilay 43 qof.

0

sabti  , 25 Oct 2025 {HMC} Mareeykanka oo weerar ku Dilay 43 qof.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Dagaal khasaaro Geeystay oo dhaxmaray Ciidamada Kenya iyo AS.

0

sabti  , 25 Oct 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Dagaal khasaaro Geeystay oo dhaxmaray Ciidamada Kenya iyo AS.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

 

{DAAWO MUQAALKA} Shir looga hadlaayo Awood Qeeybsiga Puntland oo lagu Qabanaayo Gobolka Bari

0

sabti  , 25 Oct 2025 {HMC}Shir looga hadlaayo Awood Qeeybsiga Puntland oo lagu Qabanaayo Gobolka Bari

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA