sabti , 25 Oct 2025 {HMC}Shir looga hadlaayo Awood Qeeybsiga Puntland oo lagu Qabanaayo Gobolka Bari
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
sabti , 25 Oct 2025 {HMC}Shir looga hadlaayo Awood Qeeybsiga Puntland oo lagu Qabanaayo Gobolka Bari
Jimco 24, Oct 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday in Puntland lagu wareejiyo agaasimihii hore ee Isbitaalka Qardho Jaamac Maxamuud Cabdi oo ku eedaysan kufsi iyo faafinta muuqaallo anshax xumo ah oo ka dhan ah gabdho Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Qardho.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa ka shaqeynaya in eedeysaneha lagu maxkamadeeyo Muqdisho, halkii loo qaadi lahaa Puntland, halkaas oo uu ka furan yahay eedda kiiskiisa, isla markaana ay ku jiraan dad kale oo kiiskaan u xiran.
Dowladda Federaalka ayaa markii hore qorsheynaysay in eedeysaneha, marka laga soo dajiyo Muqdisho, loo wareejiyo Puntland. Mas’uuliyiinta amniga ee labada dhinac ayaa arrintaan ka wada shaqeynayay.
Si kastaba ha noqotee, markii sarkaal ka tirsan hay’adda nabad sugidda Puntland oo kiiskan gacanta ku hayay lagu xiray Garowe sababa la xiriirta inuu wada-shaqeyn dhow la leeyahay Dowladda Federaalka, ayaa keentay in dowladda Federaalka ay ka laabato qorshaheeda.
Dowladda oo ka carootay xariga sarkaalkan ayaa sida aan xogaha ku helnay go’aansatay in eedeysanaha aan loo wareejin Puntland. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa dhawaan soo saaray bayaanka xaqiijinaya in Dowladda Federaalka ay la wareegtay kiiskan, taasoo macnaheedu yahay in eedeysanaha Muqdisho lagu maxkamadeynayo.
Xigasho Hiiraan Online
Jimco 24, Oct 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo toddobaadkan booqasho rasmi ah ku joogey Jamhuuriyadda Djibouti ayaa intii uu ku sugnaa Djbouti.
kulan booqasho ah ugu tagey Madaxweynaha Dalka Djibouti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Wasiirka Wasaaradda oo kulanka uu ku wheliieyey dhiggiisa Dalka Djibouti Mudane Muumiin Xasan Barre ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti ee aan walaalaha nahay uga mahadceliyey dadaalada iyo garab istaaga joogtada ah ee uu mar kasta u muujiyo Soomaaliya, wuxuuna ku suntahay badbaadiyaha Soomaaliya, kadib qaran jabkii ku dhacay Soomaaliya 1991, gaar ahaan shirkii nabada ee Carte ee uu qabatey sanadkii 2000, kaasoo ee dib loogu yegleeley Jamhuuriyadda 3aad ee Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa ugu mahad celiyey Madaxweynaha Djibouti mudane Ismaaciil cumar Geelle iyo dhigiisa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha islaamka iyo Awqaafta soo dhoweynta diiran ee ay walaaltinimadu ku dheehan tahay ee lagu soo dhoweeyey asaga iyo wefdiigiisa, wuxuuna xusey in waxyaabihii ay ka faaideysteen Wasaaradda Arrimaha Islaamka iyo Awqaafta ee jamhuuriyadda Djibouti ay ka hirgelin doonaan Soomaaliaya, sida dhisidda Awqaafta, Diiwaanka Sekada iyo Machadka Dhexdhexaadnimada iyo ee fidinta dhaqanka nabada ee Dalka DJibouti.
Jimco 24, Oct 2025 {HMC} Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saldhigga Garasbaaley, ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysanayaal lagu qabtay fal dhac ah oo ay ka geysanayeen degmada Garasbaaley, waaxda Siinka-dheer.
Eedeysanayaasha ayaa haatan ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.
Sida uu ku baahiyay bartiisa facebook Afayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Abdifatah Adan Hassan.

Jimco 24, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Ruushka Vladimir Putin
ayaa maanta uga digay Dowladda Mareykanka in uu Dowladda Ukraine ku wareejiyo gantaallada riddada dheer ee loo yaqaano Tomahawk.
Madaxweyne Putin waxaa uu sheegay haddii dhulka Ruushka gantaalka lagu weerarro inuu Ruushka ,markaa jawaabtiisa ay noqon doonto mid khatar badan oo wax baabi’isa.
Hadalka Putin waxaa uu u muuqadaa in uu u jawaabi doono Mareykanka taas oo Aduunyada ku keeni karto qatar weyn, madaama aan la ogeyn jawaabta Ruushka.
Jimco 24, Oct 2025 {HMC} Dowladda Turkiga oo qorsheynaya inuu ka iibsado nidaamyada difaaca ee lagama maarmaanka ah xulafadiisa NATO iyo dalal kale, illaa diyaaradda dagaalka ee gudaha lagu sameeyay ee KAAN ay diyaar u noqdaan in lasoo saaro, sida uu sheegay il-wareed ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga Khamiistii.
Warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee Reuters Arbacadii ayaa sheegtay in Ankara ay soo jeedisay talooyin ku saabsan siyaabaha ay si dhaqso ah ku heli karto diyaarado dagaal oo casri ah, iyadoo wadahadallo socda ay ku doonayso in ay iibsato 40 diyaaradood oo nooca Eurofighter Typhoon ah, iyo sidoo kale diyaaradaha F-16 iyo F-35 ee Mareykanka, xilli Madaxweyne Tayyip Erdogan uu socdaal goboleed ku tagayo Kuwait, Qatar, iyo Cumaan.
Qof xog ogaal ah ayaa sheegay in heshiis lagu dhow yahay in la gaadho kaas oo u dhexeeya Turkiga iyo Britain oo ku saabsan diyaaradaha Typhoon, uuna dhigayo in Turkiga si degdeg ah loo siiyo 12 diyaaradood, in kastoo horey loo isticmaalay, kuwaas oo laga keenayo Qatar iyo Cumaan, si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee ciidamadiisa.
Markii la weydiiyay warbixintaas xilliga socdaalka Erdogan, ishaasi waxay sheegtay in shaqada lagu dabooolayo baahida diyaaradaha Typhoon ay weli socoto, islamarkaana geeddi-socodka ay Ankara la waddo Britain la filayo inuu ku dhamaado “waqti ku habboon.”
“Ilaa marka ay bilaabmaan keenista diyaaraddeenna dagaal ee qaranka ah, KAAN, nidaamyada looga baahan yahay in lagu fuliyo hawlaha loo xilsaaray Ciidammada Qalabka Sida ee Turkiga waxaa la qorsheeyay in laga helo dalalka khuseeya, ugu horreyn xulafadeenna,” ayuu yidhi ishaasi oo la hadlay saxaafadda gudaha Ankara.
Xigasho BBC
Friday, Oct 2025 {HMC} The Federation of Somali Journalists (FESOJ) successfully conducted a one-day meeting in Baidoa on Monday, October 20, 2025, as part of its Youth Peace Club on Social Media initiative.
The session brought together 20 young men and women, who received training and awareness on how youth-led community peace clubs can promote harmony and stability through digital engagement.
The establishment of the Youth Peace Club aims to bring together a united network of young people dedicated to advancing peace within their communities—contributing to sustainable development and lasting stability across Somalia.
During the meeting, participants discussed strategies to promote peace narratives online and identified the social media platforms they will use to share positive, peace-oriented messages.
The session also marked the first gathering of the youth-led Peace Club in Baidoa, providing a space for participants to present their ideas and priorities for promoting peaceful coexistence.
In a symbolic expression of their commitment, the youth selected — a creative adaptation of the title of a Somali song “Nabadaa Naas la nuugo leh,” which literally translates to “Peace is like a breast to be suckled.” Figuratively, it means that peace is nurturing and life-sustaining, providing comfort, nourishment, and growth, much like a mother’s milk does for her child.
This initiative of broader peacebuilding and youth engagement programs; is part of a series of capacity-building activities funded by the EU, supported by BBC Media Action, and implemented by FESOJ.
Jimco 24, Oct 2025 {HMC} Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa muujisay walaac cusub oo ku saabsan korarka kiisaska tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah ee ka jira Geeska Afrika, iyadoo Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya lagu tilmaamay dalalka ugu waaweyn ee ay ka soo baxaan dadka u tahriiba waddamada Khaliijka iyo meelo kale oo halis ah.
“Waxaan aragnaa koror weyn oo socdaalka ah oo ka dhaca waddada Bariga, iyadoo kumannaan qof ay naftooda halis gelinayaan iyagoo sii maraya Jabuuti iyo Yemen si ay u gaaraan waddamada Yurub iyo Khaliijka,” ayay tiri.
Warbixin ay soo saartay IOM ayaa muujisay in socdaalka dadkaan ee sharci darrada ah ee Waddada Bariga Africa ka tagaya sida Itoobiya, Jabuuti, Soomaaliya uu si weyn u kordhay sannadka 2025, taasoo ay sabab u yihiin colaadaha, shaqo la’aanta iyo barakaca ay keentay isbeddelka cimilada.
Hay’addu waxay ku baaqday in dawladaha gobolka ay xoojiyaan maareynta xuduudaha, isla markaana la adkeeyo iskaashiga lagu la dagaallamayo shabakadaha tahriibka ee ka ganacsada dadka nugul.
Jimco 24, Oct 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa billowday qorshe cusub oo ay ku dooneyso in ay ka dhisto Marinka Gaza xarumo ‘dib u heshiisiin, taas oo dagaalyahannada ogolaanaysa in ay hubkooda dhiibaan fursad loo siiyo cafis iyo in ay si badbaado leh ugu laabtaan nolosha rayidka.
Si taas loo gaaro, xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa Khamiistii tagay Israa’iil si uu u fuliyo qorshaha nabadeed ee 20-ka qodob ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee marinka Gaza, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.
Imaatinka Rubio ayaa daba socda ka tegitaanka madaxweyne ku xigeenka JD Vance, iyadoo saraakiisha sarsare ee Aqalka Cad, oo uu ku jiro wiilka uu soddogga u yahay madaxweyne Trump, Jared Kushner, ay soo gabagabeeyeen booqashooyinkooda dalka.
Dhammaantood waxa ay ka qayb qaadanayaan dadaallada lagu doonayo in lagu joogteeyo xabbad-joojin 13 maalmood ah oo u dhaxaysa Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin, laba sano ka dib dagaal ruxay Bariga Dhexe.
Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in dowladdiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta guul laga gaaro heshiiskii Qaza, isagoo ugu baaqay Xamaas iyo Xarakada Jihaad Islaami in ay dagaalka joojiyaan oo ay hubka dhigaan.
Jimco 24, Oct 2025 {HMC} Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan ayaa sheegay in heer gabagabo ah ay marayaan howlihii ku aadanaa diiwaangalinta dadka ee doorashooyinka loo qorsheeyay qof iyo cod.
“waa in nala aamino oo la tijaabiyo qaabka aan u qabaneyno doorashooyinka golaha deegaanka Gobolka Banaadir”ayuu yiri guddoomiyaha oo sii wata hadaldiisa.
Mudane Cabdikariin Axmed ayaa xusay in la diiwaangaliyay 61 Urur siyaasadeed ,isla markaana la xaqiijiyay wax ku dhow hal milyan ruux oo dad ah,si ay qeyb uga noqdaan doorashooyinka soo socda.
Guddoomiyaha Guddigga Doorashooyinka Qaranka waxa uu qiray in haatan ay gabagabo marayaan howshii diiwaangalinta,sidaa daraadeedna waqti dhow la qaban doono doorashooyinka golaha deegaanka ee gobolka banaadir.