Home Blog Page 405

Soomaali ku lug yeelatay weeraro Kadhacy dalka Mozambique

Talaado 21 Act 2025 {HMC} Dowladda Mozambique ayaa shaacisay in dad lagu tuhunsan yahay weerarrada argagixiso ee ka dhacay gobolka Cabo Delgado muddo siddeed sano ah ay ku jiraan qaar ka yimid dalka Soomaaliya.

Mozambique ayaa sheegtay in ay furtay 918 dacwadood, iyadoo 724 qof lagu eedeeyay ka qaybgalka weerarrada. Dadkaasi waxaa ka mid ah 105 shisheeye, kuwaas oo u badan muwaadiniin ka yimid Soomaaliya, Tanzania, Burundi, Malawi, Kenya iyo Koonfur Afrika.

Ilaa hadda, 462 qof ayaa lagu helay dambiyo laguna xukumay xabsi u dhexeeya 2 ilaa 30 sano.

Gobolka Cabo Delgado ayaa muddo siddeed sano ah la kulmayay weerarro argagixiso, iyadoo tirada dhimashada ay gaartay 6,257 qof, sida ay ururka ACLED u sheegay, ku dhowaad 2,631 oo ka mid ahna yihiin rayid.

Dagaalada iyo weerarrada ayaa sababay barakaca in ka badan 93,000 qof oo u guuray gobollada kale, sida Balama, Mocímboa da Praia, Montepuez, Chiúre iyo Memba.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in weerarrada ay wadaan kooxo xiriir la leh ururka Daacish, taas oo kor u qaadaysa xasilooni-darrada gobolka. Dowladda Mozambique waxay sheegtay inay weli dadaal ugu jirto sugidda amniga iyo ilaalinta dadka iyo hantidooda.

Dowladda Mozambique iyo hay’adaha caalamiga ah ayaa wadaan dadaallo lagu taageerayo dadka barakacay, iyadoo la raadinayo xalka lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

 

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay qorshaha dirista ciidamada Masar ee hawlgalka AUSSOM?

0

Talaado 21 Act 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisaalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa Masar, Badr Abdelatty oo ku kulmay shirweynaha shanaad ee Aswan ee Nabadda iyo Horumarka Joogtada ah, ayaa ka wada hadlay diyaarinta qorshaha lagu soo dirayo ciidamo Masar ah oo qayb ka noqon doona Hawlgalka AUSSOM.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa lagu sheegay in Abdelatty uu soo dhoweeyay horumarka laga gaaray qorshaha dirista ciidamada Masar ee ku wajahan Soomaaliya, isla markaana uu mar kale xaqiijiyay sida Qaahira uga go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ayaa sheegay inuu rajeynayo in si dhow loo dhammeystiro habraacyada dirista ciidamada Masar, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo maalgelin caalami ah oo joogto ah si loo xaqiijiyo waxtarka hawlgalka.

Masar ayaa ku dhawaaqday ka qaybgalkeeda AUSSOM bishii Diseembar 2024, afar bilood kadib markii ay la saxiixatay Soomaaliya heshiis iskaashi ciidan ah. Abdelatty ayaa hore u sheegay in dirista ciidamada Masar ay timid “codsi ka yimid dowladda Soomaaliya iyo oggolaanshaha Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.”

Intii uu socday kulanka Isniinta, wasiirka arrimaha dibadda ee Masar ayaa ku celiyay taageerada Qaahira ee ku aaddan dhismaha dowladnimada, midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, isagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga gobolka si loola dagaallamo argagixisada iyo xagjirnimada oo ah khataraha ugu waaweyn ee Geeska Afrika.

Labada wasiir waxay sidoo kale ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, horumarka iyo caafimaadka.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisaalaam Cabdi Cali ayaa uga mahadceliyay Masar taageerada siyaasadeed iyo horumarineed, isagoo sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ay la leedahay Qaahira.

Labada dhinac ayaa isku raacay inay sii wadaan iskaashiga dhow ee ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee saameeya Geeska Afrika

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka iyo Xildhibaano kale oo laga hor istaagay safar ay ku tagi lahaayeen Baydhabo?

0

Talaado 21 Act 2025 {HMC} Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hoggaaminayay ayaa maanta laga hor istaagay iney u safraan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Arintaan ayaa salka ku hayso Khilaaf siyaasadeed u dhaxeeya Siyaasiyiintan kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Wafdiga uu hoggaaminayay guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaano kale oo kasoo jeeda deegaanka oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi, Xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed, Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed, Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed iyo Xildhibaan Xaawo Sokor Cali.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Frank oo kamid ahaa wafdiga masuuliyiinta laga celiyay iney u safraan Baydhabo ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu amar ku bixiyey in diyaaraddii ay saarnaayeen aysan qaadin xubnaha wafdigooda.

“Laftagareen ayaa diyaaradii aan raaci lahayn ku yiri dadkaas ma soo qaadi kartaan, amar ayuu siiyay diyaaradaha ka shaqeeya Baydhabo sidaas ayaa safarkeena loo hor istaagay” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Frank.

Xildhibaanadan maanta laga celiyay iney u safraan magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda shir jaraa’id u qabtaan Warbaahinta Muqdisho, islamarkaana ay ka hadlaan sababaha keenay in diido iney tagaan magaalada Baydhabo.

{DAAWO MUQAALKA} Mucaaradka Koofur Galbeed oo laga hor istaagay ineey tagaan Baydhabo

0

Talaado, 21 Oct 2025 {HMC} Mucaaradka Koofur Galbeed oo laga hor istaagay ineey tagaan Baydhabo

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Waa kuma wadaadkii ay geeridiisu gilgishay Itoobiya?

0

Talaado, 21 Oct 2025 {HMC} Waa kuma wadaadkii ay geeridiisu gilgishay Itoobiya?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Loolanka Madaxweynayaasha shiinaha iyo Mareeykanka oo Saameeyn ku yeelanaya wadamada qaar

0

Talaado, 21 Oct 2025 {HMC} Loolanka Madaxweynayaasha shiinaha iyo Mareeykanka oo Saameeyn ku yeelanaya wadamada qaar

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} FAAH FAAHIN Dil la xiriira aano qabiil oo ka dhacay Gobolka Hiiraan.

0

Talaado, 21 Oct 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Dil la xiriira aano qabiil oo ka dhacay Gobolka Hiiraan.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Loolanka Madaxweynayaasha shiinaha iyo Mareeykanka oo Saameeyn ku yeelanaya wadamada qaar

Talaado, 21 Oct 2025 {HMC} Loolanka Madaxweynayaasha shiinaha iyo Mareeykanka oo Saameeyn ku yeelanaya wadamada qaar

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

FESOJ iyo kulan lagu dhisayo Naadiga dhallinyarada nabadda ee baraha bulshada.

Isniin 20 Act 2025 {HMC} Ururka saxafiyiinta soomaaliyeed ee FESOJ ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay kulan maalin ah oo qayb ka ah Naadiga dhalinyarada nabadda ee baraha bulshada.

Labaatan dhallinyaro oo wiilal iyo gabdho isugu jira ayaa heley tababar iyo wacyi ku saabsan sida uu naadiga dhallinyarada nabadda ee baaraha bulshada u shaqaynayo.

Ujeeddada dhisidda naadiga dhallinyarada nabadda ayaa ah in la helo xoog dhallinyaro oo isku xiran oo ka shaqeeya nabada deegaanada ay ku nool yihiin, horseedna u noqda horumarka dhinaca deganaanshaha dalka.

Dhallinyarada baraha bulshada adeegsada ee magaalada Baydhabo ayaa nasiib u heley kulankii kowaad ee asaaska naadiga Nabadda ee ay dhalinyarada hogaaminayaan. Waxay soo bandhigeen dhalinyaradaas waxyaabo caawina kara ka shaqaynta nabadda naadiga uu ku dhismaayo. Waxay kaloo soo bandhigeen noocyda baraha ay bulshada ay adeegsadaan.

Heesta nabadaa naas la nuugo leh oo astaan nabad tilmaamaysa ayay dhalinyarada dareenkooda ku muujiyeen.

Ururka FESOJ oo kaashanaya BBC Media Action ayaa kulano kan xiga dhowaan ku qaban doona qaar ka mid ah magaalooyinka waawayn ee dalka.

Bandow lagu soo rogay Magaalada Ceerigaabo.

0

Isniin 20 Act 2025 {HMC} Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliland Sareeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan ayaa sheegay in gabi ahaanba la joojinayo isu socodka gaadiidka ee magaalada gudaheeda wixii ka billowda makhribnimada Isniinta ee 20ka Oktoobar.

“Wixii ka billowda 6da makhribnimo ee 20ka Oktoobar, waxaa ilaa amar dambe reeban dhaqdhaqaaqa gaadiidka ee aan ku soconin si waafaqsan ruqsadda dhaqdhaqaaqa ee barasaabka gobolka” ayuu yiri jeneraalku.

Berri ayaa lagu wadaa inuu magaalada soo gaaro madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed cabdulaahi Cirro, ayadoo la qaban doono shir nabadeed inuu halkaa ka furmo, waxaana sidoo kale la filayaa in uu Ceerigaabo soo gaaro Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.

Ilaa 400 oo ergo oo beelaha deegaanka ka socda ayaa la filayaa inay gaaraan Ceerigaabo si ay uga qayb galaan gogol uu madaxweyne Cirro dhigay.