Home Blog Page 406

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan oo War ka soo Saaray Magacaabistiisa.

0

Isniin 20 Act 2025 {HMC} Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Maxamed Carab Xuseen ayaa qoraalkan hoose ku baahiyay bartiisa Facebooga ah.

Ugu horayn waxaan u mahad celinayaa Allaah subxaanahu watacaalaa.

Marka xiga waxaan u mahadcelinaa Madaxweynaha Dowladda Hirshabeele mudane Cali Cabdullaahi xuseen (guudlaawe) iyo Madaxwayne ku-xigeenka Dowladda Hirshabelle mudane Yuusuf Axmed hagar (dabageed) Oo igu aaminay masuuliyadda culus oo ah guddoomiyaha maamulka gobalka Hiiraan.

Waxaan idiin balanqaadayaa in aan ku shaqayn doono taladiina iyo aragtida Dowladda Hirshabelle haddii alle idmo Sidoo kale waxaan u mahadcelinaa dhammaan asxaabta,ehelka iyo dhamaan bulshada reer Hiiraan oo iisoo hambalyeeyay qaarka isoo wacay oo aan u jawaabi waayay Waxaan uga cudur-daaranayaa in uu igu badnaa wixcitcitaaka saxiibada qoorkoodna aan ka qaban waayay telfoonka

Walaalayaal iga raali noqda .

Walaalayaal waxaan idinka codsanayaa in aad igala shaqaysaan sidii aan ku hormarin lahayn gobalkeenna Anigoo had iyo goor ku shaqayn doona taladiinna.

Bulshada reer Hiiraan waxaan yeelan doonna kulamo iyo wada tashiyo ku salaysan sidii aan u hormarin lahayn Gobolka Hiiraan.

Waxaan ugu baaqayaa hay,adaha samafalka in ay gar-gaar deg -deg ah gaarsiiyaan bulshada reer Hiiraan ee kasoo barakacay Colaada.

Wabilaahi towfiiq.

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay diyaar garowga ciidanka Masar ee Dalka la keenaayo.

0

Isniin 20 Act 2025 {HMC} Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, H.E. Abdel Salaam Abdi Ali, ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Aswan kula kulmay dhiggiisa Masar, H.E Dr. Badr Abdel-Atty, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Arrimaha Dibadda ee Masar, oo uu dhinac socday shirka shanaad ee Madasha Nabadda iyo Horumarka Waara ee Aswan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, sida amniga, ganacsiga, maalgashiga, caafimaadka iyo horumarinta.

Wasiirradu waxay xaqiijiyeen inay si wadajir ah uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka qotoda dheer iyo horumarinta danaha wadaagga ah ee labada dal ee walaalaha ah.

Tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale, waxay labada dhinac ku heshiiyeen in dhawaan la qabto shirka labaad ee ganacsiga Soomaaliya iyo Masar si kor loogu qaado fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee labada dal ee walaalaha ah.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii ciidamada Masar loo geyn lahaa qaab dhismeedka howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (OSSOM).

Intii uu socday kulanka, wasiir Abdel Salaam Cabdi ayaa muujiyay sida dalkiisu uu uga mahadcelinayo taageerada joogtada ah ee Masar, isagoo caddeeyay in Muqdisho ay ka go’an tahay horumarinta iskaashiga ku salaysan qiyamka la wadaago iyo xiriirka taariikhiga ah.

Dhankiisa, Wasiir Abdel Atty ayaa bogaadiyay dardargelinta wanaagsan ee xiriirka Masar iyo Soomaaliya, isagoo caddeeyay sida ay Masar uga go’an tahay horumarinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee taageeraya xasilloonida iyo barwaaqada gobolka Qarnigii Afrika.

Wuxuu soo dhoweeyay horumarka laga gaaray ka qeybgalka Masar ee howlgalka Midowga Afrika ee lagu taageerayo iyo xasilinta Soomaaliya (OSSOM), wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay maalgelin joogta ah oo caalami ah si loo xaqiijiyo guusha howlgalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada uu siinayo dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo dadaallada nabadda iyo dib u heshiisiinta ee Soomaaliya, isagoo dhanka kale ka dhawaajiyay in la xoojiyo midnimada madaxda Soomaalida si ay u wajahaan caqabadaha amni ee jira.

Labada dhinac ayaa isla gartay baahida loo qabo in la xoojiyo iskaashiga dhanka la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada, iyagoo carabka ku adkeeyay in nabadda iyo xasiloonida gobolka ay ku xiran tahay wada shaqeyn iyo wadajir.

Wasiirradu waxay soo gebagebeeyeen kulanka sida dhabta ah ee ku saabsan ilaalinta isku xidhka dhow ee heer gobol iyo heer caalami si wax looga qabto caqabadaha guud iyo horumarinta nabadda, horumarka iyo xasilloonida gobolka qarniga Afrika.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 20-10-2025.

0

Isniin 20 Act 2025 {HMC} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

Madaxweynaha Soomaaliya, oo qaabilay Guddoomiyaha Wakiilada Waqooyi Bari Soomaaliya.

0

Isniin 20 Act 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Dr. Aadan Cabdullaahi Aw-xasan.

Madaxweynaha ayaa warbixin ku saabsan xaaladda guud ee deegaannada Waqooyi Bari Soomaaliya, ka dhageystay Guddoomiyaha, Isaga oo kula dardaarmay in Madaxda la doortay ee Maamulku ay xoogga saaraan sidii loo ilaalin lahaa nabadda, wada-noolaanshaha bulsho, xasilloonida iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Kulanka, waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha XFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Faarax iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Somali FM Discusses Strengthening Ties with Egyptian Counterpart at Aswan Forum.

0

Monday, Oct 20, 2025 {HMC} The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, met on Monday with his Egyptian counterpart, H.E. Dr. Badr Abdelatty, Minister of Foreign Affairs, Immigration, and Egyptian Expatriates Affairs, on the sidelines of the Fifth Aswan Forum for Sustainable Peace and Development.

The meeting focused on strengthening bilateral relations and expanding cooperation across key sectors, including security, trade, investment, health, and development. Both ministers emphasized their shared commitment to deepening ties and advancing mutual interests.

In a significant step toward enhancing economic relations, the two sides agreed to convene the Second Somalia–Egypt Business Forum soon to boost trade and investment opportunities between the two brotherly countries.

Discussions also addressed the deployment of Egyptian forces under the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM).

During the meeting, Minister Abdisalam expressed Somalia’s gratitude for Egypt’s longstanding support and reaffirmed Mogadishu’s commitment to strengthening cooperation based on shared values and historical bonds.

For his part, Minister Abdelatty commended the positive momentum in Egypt–Somalia relations, reiterating Egypt’s dedication to advancing a strategic partnership that supports stability and prosperity in the Horn of Africa. He welcomed progress toward Egypt’s participation in AUSSOM and underscored the importance of sustainable international funding to ensure the mission’s success.

The Egyptian foreign minister also reaffirmed Cairo’s continued support for Somalia’s institution-building, peacebuilding, and reconciliation efforts, while urging greater unity among Somali leaders in addressing current security challenges.

Both sides agreed on the need for intensified cooperation in counterterrorism and the fight against extremism, stressing that regional peace and stability depend on joint action and solidarity.

The ministers concluded by pledging to maintain close coordination at the regional and international levels to address common challenges and promote peace, development, and stability across the Horn of Africa.

Xukunka Maxkamadda Galgaduud ee Dilkii Hooyada iyo Carruurteeda .

Isniin 20 Act 2025 {HMC}Maxkamadda Gobolka Galgaduud ayaa xukun ku riday saddex nin oo loo haystay inay ka dambeeyeen dil arxan darro ah oo lagu laayay hooyo Soomaaliyeed iyo saddex carruur ah oo ay dhashay, Falkaasi naxdinta leh ayaa dhacay bilo ka hor, wuxuuna gilgilay shacabka deegaanka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Maxkamaddu waxay ku xukuntay laba kamid ah raggaasi 5 sano oo xabsi ah, halka ninka saddexaad lagu xukumay 3 sano,  Xukunkaas ayaa dhaliyay caro badan iyo dood ka dhex aloosantay bulshada, iyadoo dad badan ay u arkaan inuu yahay xukun aad u hooseeya marka loo eego dembiga la galay.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya, Xildhibaan Omar Ali Abdi, ayaa si cad u diiday xukunka maxkamadda, isagoo sheegay in xukuumad ahaan aysan aqbalaynin, “Waa sharci-darro, waana wax aan la aqbali karin, Ragga dilay hooyada iyo carruurta ay dhashay waa inay helaan ciqaabta ay mudan yihiin,” ayuu yiri xildhibaanku.

Muuqaallo laga duubay maxkamadda ayaa muujinaya aabaha qoyska la laayay oo si weyn uga naxay go’aanka maxkamadda, kanaa baxay hoolka isagoo aan la dhicin xukunka la riday.

Qaar kamid ah dadka deegaanka iyo kuwa baraha bulshada ka hadla ayaa sheegay in xukunka uu dhaawacayo kalsoonida shacabka ee hay’adaha garsoorka, Dad badan ayaa isweydiinaya: Sidee ku suurtagashay in dilka hooyo iyo saddex carruur ah lagu xukumo 3 iyo 5 sano oo keliya?

Xukunka ayaa sidoo kale dhalin kara dalabyo lagu doonayo in dib loo furo kiiska, ama in racfaan laga qaato go’aanka maxkamadda, Dhibaatadan waxay iftiimisay baahida loo qabo in dib loo eego nidaamka caddaaladda dalka, gaar ahaan marka ay timaado dambiyada culus ee lidka ku ah nolosha bani’aadamka.

 

Deputy Prime Minister Inspects Ministry of Information, Commends National Media’s Role

Monday 20 Act 2025 {HMC} The Deputy Prime Minister of the Federal Government of Somalia, Salah Ahmed Jama, conducted an inspection tour today of the Ministry of Information, Culture and Tourism headquarters.

The Deputy Prime Minister visited the various departments of the Ministry, observing the daily work being carried out across the media and administrative sections. He was welcomed by the Deputy Minister of Information, Culture and Tourism, Abdirahman Yusuf Al-Adala.

Following the inspection, Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama stated that the Ministry of Information is the central hub connecting government activities with the public. He highlighted its critical function in disseminating government messaging and facilitating public awareness.

Finally, Mr. Jama commended the Ministry’s leadership and the entire staff of the National Media for their persistent efforts in the fight against the Khawaarij extremist group and their crucial work in public awareness campaigns. The visit showed the government’s recognition of the National Media’s vital role in both national security and public service.

SOUCE SONNA

 

Maxaa looga Hadlay Kulankii Aqalka Sarre ee Maanta.?

0

Isniin 20 Act 2025 {HMC} Guddoomiye ku xigeenka labaad Aqalka Sareee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta shir gudddoomiyay kalfadhiga 7-aad kulankiisa afaraad oo ay maanta soo xaadireen 28-Sanatar.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa akhrinta koowaad ee Hindise-sharciyeedka Dad-dhigista iyo Xaaladaha Madaniga ah iyo sii wadista ka doodista warbixin ku saabsan ka talo bixinta kaalinta Aqalka Sare ee Arrimaha Dowladaha Xubinta ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ugu horrayn Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, Mudane Sadad Caliyow, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare ka hor jeediyay akhrinta koowaad ee Sharciga Dad-dhigista iyo Xaaladaha Madaniga ah, isagoo si faahfaahsan uga hadlay qodobada sharciga iyo muhiimadda uu dalka u leeyahay.

Intaasi ka dib Sanatarrada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa gudagalay doodda sii wadista warbixin ku saabsan ka talo bixinta kaalinta Aqalka Sare ee Arrimaha Dowladaha Xubinta ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya, iyagoo soo jeediyay talooyin iyo aragtiyo maangal ah oo ku aaddan doorka matadaadda Aqalka Sare ee dowlad Goboleedyada.

DHAMMAAD

Dozens missing after migrant boat capsizes off Lampedusa

Monday 20 Act 2025 {HMC} A migrant boat carrying around 35 people sailing from Libya capsized in the central Mediterranean, leaving one confirmed dead and about two dozen missing, UNICEF’s country coordinator for Italy said on Sunday.

The Italian Coast Guard carried out the rescue operation on Friday off the coast of Lampedusa island, saving 11 migrants — including four unaccompanied children — and recovering the body of a pregnant woman, according to UNICEF’s Nicola Dell’Arciprete.

 

The survivors and the recovered body were brought to Lampedusa, while the remaining passengers remain unaccounted for. The boat reportedly capsized after spending two days at sea, Dell’Arciprete added.

 

In a separate incident on Sunday, two migrants were found dead and 14 others were in critical condition after Italian tax police intercepted a vessel carrying 85 people from Pakistan, Eritrea, and Somalia, the AGI news agency reported.

The critically ill migrants and the bodies were transferred onto Coast Guard units about 16 nautical miles off Lampedusa and taken ashore for medical treatment.

The waters off Lampedusa have seen a series of migrant tragedies in recent days. On Friday, about 20 people were reported missing following another shipwreck.

More than 32,700 migrants have died attempting to cross the Mediterranean since 2014 — including an estimated one in five who were children — according to data from United Nations agencies cited by Dell’Arciprete.

SOURCE HIIAAN ONLINE

Nearly one million voters registered in Benadir region ahead of Somalia’s upcoming election

Monday 20 Act 2025 {HMC}  Somalia’s National Independent Electoral Commission announced on Sunday that nearly one million people have registered to vote in the Benadir region, marking a significant milestone ahead of the country’s upcoming election.

According to the commission, 923,220 citizens registered through 56 voter registration centers established across the region’s 16 districts, an effort aimed at ensuring broad participation.

“The registration process in Benadir has been smooth, and the turnout demonstrates the growing public interest in shaping the country’s future,” said Chairman Abdikarin Ahmed, who also confirmed that the elections are scheduled to take place next month.

 

The chairman urged authorities to allow political organizations to conduct their campaigns freely and transparently in preparation for the polls.

However, opposition groups and two federal member states Puntland and Jubbaland have declared they will boycott the elections, accusing the federal government of managing the process unilaterally and undermining consensus-based electoral principles.

The upcoming election is expected to be a critical test for Somalia’s democratic process as it seeks to expand political participation and strengthen national institutions.

SOURCE HIIAAN ONLINE