Home Blog Page 420

Wiil Soomaaliyeed oo Loo Qabtay Geerida muwaadin Ukrain u dhashay.

Jimc, 17 Oct 2025 {HMC}   Booliska Ireland (Gardaí) ayaa baaritaan ballaaran ku haya dhacdo naxdin leh oo ka dhacday xarun lagu hayo carruurta magangalyo-doonka ah oo ku taalla deegaanka Donaghmede ee magaalada Dublin, halkaas oo uu ku dhintay wiil 17-jir ah oo u dhashay Ukraine kadib weerar toorey ah.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Vadym Davydenko, waxaana la xaqiijiyay inuu si halis ah ugu dhaawacmay dagaal tooreyadeysan oo la sheegay inuu ka dhex qarxay isaga iyo wiil kale oo Soomaaliyeed oo isla xaruntaas ku noolaa.

Davydenko ayaa si degdeg ah loola cararay isbitaal balse dhaawacyadii uu qabay darteed ayuu u geeriyooday.

Wararka hordhaca ah ee ay boolisku bixiyeen ayaa muujinaya in dagaalku uu salka ku hayo khilaaf gaar ah oo dhex maray labada dhallinyaro.

Inta lagu guda jiray is-maandhaafka, haweeney ka tirsan shaqaalaha xarunta iyo wiil kale ayaa sidoo kale dhaawacyo fudud soo gaaray, iyadoo xaaladdooda lagu sheegay mid deggan oo aan halis ahayn.

Wiilka Soomaaliyeed ee lagu tuhunsan yahay falka ayaa isna gaaray dhaawac yar, waxaana haatan lagu daweynayaa isbitaal ay ilaalinayaan booliska.

Weli lama shaacin magaciisa sababo la xiriira da’diisa iyo xaaladda baaritaanka oo wali socda.

Afhayeen u hadlay Booliska Ireland ayaa sheegay in la bilaabay baaritaan dhammeystiran oo lagu ogaanayo sababaha keenay falkan foosha xun, wuxuuna intaas ku daray in dadkii goobta ku sugnaa laga qaaday warbixino si loo helo sawir buuxa oo ku saabsan dhacdada.

Dhanka kale, Safaaradda Ukraine ee Dublin ayaa la shaqeyneysa hay’adaha Ireland si loogu fududeeyo dib u celinta maydka Davydenko looguna taageero qoyskiisa tacsi iyo caawimaad sharci ah.

Dhacdadan ayaa si weyn u gilgishay bulshada deegaanka iyo hay’adaha u dooda xuquuqda carruurta magangalyo-doonka ah, iyadoo dad badan ay isweydiinayaan su’aalo la xiriira amniga xarumaha lagu hayo carruurta aan la socon waalidkood.

Booliska ayaa ku booriyay qof kasta oo hayya xog dheeraad ah in uu la soo xiriiro saldhigga Garda ee Raheny si ay uga caawiyaan baaritaanka socda.

dalka Koonfur Afrika oo kordhiyay beegsiga Muwaadiniinta Soomaaliyeed

Jimc, 17 Oct 2025 {HMC} – Waxaa aad u sii kordhaya beegsiga lagu haya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan deegaanada hoostaga magaalada Cape town.

48 saacadood gudahood ayaa muwaadinkii labaad lagu dilay Koonfur Afrika, gaar ahaan deegaanka Khayelitsha oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalo xeebeedka Cape town.

Nuur Maxamed Mahdi oo loo yaqiinay Faroole ayaa burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ku dileen gudaha goobtiisa ganacsi oo ku taalay deegaanka Khayelitsha.

Habeen hore ayay aheyd markii burcadan hubeysan ay ku dileen deegaanka Philippi muwaadin lagu magacaabi jiray Shool Maxamed Cadde oo ka mid ah dhalinyarada sida weyn looga yaqiinay gobolka Western Cape

Dilka muwaadinkan Soomaaliyeed ayaa imaanaya, iyadoo 48 saacadood ee lasoo dhaafay burcada hubeeysan Koonfur Afrikanka ah ay kordhiyeen weerarada ay ku beegsanayaan ganacsiyada Soomaalida ku leeyihiin magaalooyinka kala duwan ee dalkaasi Koonfur Afrika.

Shalay galinkii dambe ayay aheyd markii burcada hubeysan ay weerar ku dhaawaceen laba ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Tuulada Nyanga oo ka tirsan Magaalada Cape town ee dalka Koonfur Afrika.

 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka cusub kiiska gabadha Soomaaliyeed ee Maya Jaamac.

0

Jimc, 17 Oct 2025 {HMC} Maxaa ka cusub kiiska gabadha Soomaaliyeed ee Maya Jaamac.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan oo ka degaya Laas-Caanood.?

0

Jimc, 17 Oct 2025 {HMC}  Madaxweyne Xasan oo ka degaya Laas-Caanood.?

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA}Maxaa u diidan gaadiidleyda Baladweyne in ay dhisaan Wadooyinka Magaalada?

0

Jimc, 17 Oct 2025 {HMC} Maxaa u diidan gaadiidleyda Baladweyne in ay dhisaan Wadooyinka Magaalada?

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Taliyaha Saldhiga Booliska oo ka warbixiyey Dagaalkii maanta ka dhacay Duleedka Jowhar.

0

Jimc, 17 Oct 2025 {HMC} Taliyaha Saldhiga Booliska magaalada Jowhar Dhamme Cabdifataax Arwaax Aadan ayaa ka warbixiyey weerar koox burcad oo looga shakisan yahay argagixisada ay maanta ku qaadeen gaari Cabdi-Bile uu leeyahay saldhiga.

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay Nin qorsheynayay in uu miino aaso.

0

Khamiis, 16 Oct 2025 {HMC} Ciidamada ammaanka ee degmada Beledxaawo ayaa gacanta ku dhigay nin  qorsheynayay inuu miinooyin ku aaso waddo muhiim ah oo ay si joogto ah u isticmaalaan shacabka iyo ciidamada ammaanka ee degmadaasi.

Howlgal qorshaysan oo ay sameeyeen ciidamada Qaranka ayaa lagu qabtay ninkan xilli uu ku howlanaa aasidda labo xabo oo miinooyin ah, kuwaas oo uu damacsanaa in lagu waxyeelleeyo shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddadaas.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa sheegay in ninkan lagu soo qabtay isagoo sita qalabkii uu u adeegsan lahaa miinooyinka, islamarkaana baaritaan dheeri ah lagu hayo si loo ogaado cidda kale ee ku lug leh falkaas argagixisanimo.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 16-10-2025.

0

Qamiis 16. October 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

President Hassan Sheikh meets with new EAC Parliament members.

0

Mogadishu, 16, Oct 2025, the President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan Sheikh Mohamud, received at the Presidential Palace the new Members of Parliament who will represent Somalia in the East African Economic Cooperation (EAC) Parliament, accompanied by the Minister of Foreign Affairs, His Excellency Abdisalam Abdi Ali.

The President commended the national responsibility they have taken, noting the importance of defending Somalia’s interests and vision for regional cooperation. He encouraged them to demonstrate leadership, patriotism and professionalism, so as to effectively serve the interests of the Somali people and strengthen Somalia’s role and voice in the EAC.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay tartanka Shiinaha iyo Mareykanka ee mowqifka Soomaaliya

0

Khamiis, 16 Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay nabadda Bariga Dhexe ee heshiiska uu garwadeenka ka ahaa Trump iyo isku dheelitirka xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka Shiinaha iyo Mareykanka.

Wareysi uu Madaxweynaha siiyay Warbaahinta Newsmax ayuu ku sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka xooggeystay, isla markaasna ay iska taageeraan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo siyaasadda.

“Soomaaliya waxaa ay la dagaalameysa ISIS iyo Alqaacida, waxaana garab siinaya Mareykanka, dhinaca cirka iyo dhulka ayay naga taageerayaan, khatarta ururadaasi waa yaraatay, weeraradii Muqdisho ma jiraan, sidoo kale labadii sano ee la soo dhaafay dalalka Dariska ma weerarin” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweynaha oo su’aal laga waydiiyay dadaallada Nabadeynta ee Trump ka sameeyay Bariga Dhexe ayaa yiri “Dadaalka lagu nabadeeyay Bariga dhexe waa mid boggaadin mudan, waxaa muhiim in nabadda la adkeeyo dunida sidii hore hadda waa ka xasilooni badantahay”

Mar Madaxweynaha wax laga waydiiyay sida ay isugu dheeli tirayaan tartanka ganacsi iyo difaac ee Shiinaha iyo Mareykanka ayuu sheegay in markasta ay ilaalinayaan danaha Soomaaliya.

“Waa caddahay in Soomaaliya xiriir wanaagsan la leedahay Shiinaha muddo dheer, balse waxaan caddeynaya in gudaha dalkeena uusan ka socon Maalgashi ay garwadeen ka yihiin Shiinaha, balse Mareykanka wuxuu ka wadaa mashaariic, shir saddex cisho socday ayaan ku qabanay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.