Jimc, 17 Oct 2025 {HMC} Taliyaha Saldhiga Booliska magaalada Jowhar Dhamme Cabdifataax Arwaax Aadan ayaa ka warbixiyey weerar koox burcad oo looga shakisan yahay argagixisada ay maanta ku qaadeen gaari Cabdi-Bile uu leeyahay saldhiga.
Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay Nin qorsheynayay in uu miino aaso.
Khamiis, 16 Oct 2025 {HMC} Ciidamada ammaanka ee degmada Beledxaawo ayaa gacanta ku dhigay nin qorsheynayay inuu miinooyin ku aaso waddo muhiim ah oo ay si joogto ah u isticmaalaan shacabka iyo ciidamada ammaanka ee degmadaasi.
Howlgal qorshaysan oo ay sameeyeen ciidamada Qaranka ayaa lagu qabtay ninkan xilli uu ku howlanaa aasidda labo xabo oo miinooyin ah, kuwaas oo uu damacsanaa in lagu waxyeelleeyo shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddadaas.
Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa sheegay in ninkan lagu soo qabtay isagoo sita qalabkii uu u adeegsan lahaa miinooyinka, islamarkaana baaritaan dheeri ah lagu hayo si loo ogaado cidda kale ee ku lug leh falkaas argagixisanimo.
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 16-10-2025.
Qamiis 16. October 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
President Hassan Sheikh meets with new EAC Parliament members.
Mogadishu, 16, Oct 2025, the President of the Federal Republic of Somalia, His Excellency Hassan Sheikh Mohamud, received at the Presidential Palace the new Members of Parliament who will represent Somalia in the East African Economic Cooperation (EAC) Parliament, accompanied by the Minister of Foreign Affairs, His Excellency Abdisalam Abdi Ali.
The President commended the national responsibility they have taken, noting the importance of defending Somalia’s interests and vision for regional cooperation. He encouraged them to demonstrate leadership, patriotism and professionalism, so as to effectively serve the interests of the Somali people and strengthen Somalia’s role and voice in the EAC.
Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay tartanka Shiinaha iyo Mareykanka ee mowqifka Soomaaliya
Khamiis, 16 Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay nabadda Bariga Dhexe ee heshiiska uu garwadeenka ka ahaa Trump iyo isku dheelitirka xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka Shiinaha iyo Mareykanka.
Wareysi uu Madaxweynaha siiyay Warbaahinta Newsmax ayuu ku sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka xooggeystay, isla markaasna ay iska taageeraan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo siyaasadda.
“Soomaaliya waxaa ay la dagaalameysa ISIS iyo Alqaacida, waxaana garab siinaya Mareykanka, dhinaca cirka iyo dhulka ayay naga taageerayaan, khatarta ururadaasi waa yaraatay, weeraradii Muqdisho ma jiraan, sidoo kale labadii sano ee la soo dhaafay dalalka Dariska ma weerarin” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.
Madaxweynaha oo su’aal laga waydiiyay dadaallada Nabadeynta ee Trump ka sameeyay Bariga Dhexe ayaa yiri “Dadaalka lagu nabadeeyay Bariga dhexe waa mid boggaadin mudan, waxaa muhiim in nabadda la adkeeyo dunida sidii hore hadda waa ka xasilooni badantahay”
Mar Madaxweynaha wax laga waydiiyay sida ay isugu dheeli tirayaan tartanka ganacsi iyo difaac ee Shiinaha iyo Mareykanka ayuu sheegay in markasta ay ilaalinayaan danaha Soomaaliya.
“Waa caddahay in Soomaaliya xiriir wanaagsan la leedahay Shiinaha muddo dheer, balse waxaan caddeynaya in gudaha dalkeena uusan ka socon Maalgashi ay garwadeen ka yihiin Shiinaha, balse Mareykanka wuxuu ka wadaa mashaariic, shir saddex cisho socday ayaan ku qabanay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.
Madaxweyne Xasan oo Qaabilay Xildhibaanada Soomaaliya ku Meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)
Khamiis, 16 Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha cusub ee la doortay ee Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Xildhibaabada cusub ay dusha u riteen masuuliyad qaran oo culus oo lagu difaacayo danaha iyo aragtida Soomaaliya ee ku aaddan Iskaashiga dhaqaale iyo wax wadaqabsi ee dalalka Bariga Afrika.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Xildhibaanada in ay muujiyaan hoggaan, xirfad iyo wadaniyad sare, isla markaana ay si dhab ah ugu adeegaan danta guud ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo marwalba ka shaqeynaya in codka iyo mowqifka Soomaaliya si muuqda uga dhex muuqdo Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.
{DAAWO MUQAALKA} Dr Cabdisamad oo maanta dib ugu soo laabtay isbitaalka Hilaal ee Baladweyne.
Qamiis 16. October 2025 {HMC} Dr Cabdisamad oo maanta dib ugu soo laabtay isbitaalka Hilaal ee Baladweyne.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Maxkamad Soo Saartay Go’aan Ka farxiyay dadka Bidaarta leh.
Qamiis 16. October 2025 {HMC} Maxkamad Soo Saartay Go’aan Ka farxiyay dadka Bidaarta leh.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA}ilaa intee ayey sii socon doonaan dilalka ganacsatada Soomaalida ee S/Africa.?
Qamiis 16. October 2025 {HMC} ilaa intee ayey sii socon doonaan dilalka ganacsatada Soomaalida ee S/Africa.?
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Somali Police Seize Container of Illicit Drugs at Mogadishu Port
Thursday 16, Oct 2025 {HMC} The Somali Police Force has seized a container filled with illicit drugs disguised as medicine at the Port of Mogadishu.
In a press conference held at the port, Somali Police Spokesperson Abdi Fatah Adan Hassan said the operation was based on intelligence that enabled the police to intercept the illegal shipment.
The Director of the Port of Mogadishu, Ambassador Mohamed Ali Nur (Americo), confirmed that the merchants behind the shipment have been apprehended. Both the Port Director and the Police Spokesperson issued a joint warning to individuals involved in importing expired food and counterfeit drugs into the country, stating that those responsible would be held accountable.
Source sonna



