Home Blog Page 422

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay tartanka Shiinaha iyo Mareykanka ee mowqifka Soomaaliya

0

Khamiis, 16 Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay nabadda Bariga Dhexe ee heshiiska uu garwadeenka ka ahaa Trump iyo isku dheelitirka xiriirka Soomaaliya la leedahay dalalka Shiinaha iyo Mareykanka.

Wareysi uu Madaxweynaha siiyay Warbaahinta Newsmax ayuu ku sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka xooggeystay, isla markaasna ay iska taageeraan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo siyaasadda.

“Soomaaliya waxaa ay la dagaalameysa ISIS iyo Alqaacida, waxaana garab siinaya Mareykanka, dhinaca cirka iyo dhulka ayay naga taageerayaan, khatarta ururadaasi waa yaraatay, weeraradii Muqdisho ma jiraan, sidoo kale labadii sano ee la soo dhaafay dalalka Dariska ma weerarin” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweynaha oo su’aal laga waydiiyay dadaallada Nabadeynta ee Trump ka sameeyay Bariga Dhexe ayaa yiri “Dadaalka lagu nabadeeyay Bariga dhexe waa mid boggaadin mudan, waxaa muhiim in nabadda la adkeeyo dunida sidii hore hadda waa ka xasilooni badantahay”

Mar Madaxweynaha wax laga waydiiyay sida ay isugu dheeli tirayaan tartanka ganacsi iyo difaac ee Shiinaha iyo Mareykanka ayuu sheegay in markasta ay ilaalinayaan danaha Soomaaliya.

“Waa caddahay in Soomaaliya xiriir wanaagsan la leedahay Shiinaha muddo dheer, balse waxaan caddeynaya in gudaha dalkeena uusan ka socon Maalgashi ay garwadeen ka yihiin Shiinaha, balse Mareykanka wuxuu ka wadaa mashaariic, shir saddex cisho socday ayaan ku qabanay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlay iskaashiga Soomaaliya iyo Mareykanka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweyne Xasan oo Qaabilay Xildhibaanada Soomaaliya ku Meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC)

0

Khamiis, 16 Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha cusub ee la doortay ee Soomaaliya ku metelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in Xildhibaabada cusub ay dusha u riteen masuuliyad qaran oo culus oo lagu difaacayo danaha iyo aragtida Soomaaliya ee ku aaddan Iskaashiga dhaqaale iyo wax wadaqabsi ee dalalka Bariga Afrika.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Xildhibaanada in ay muujiyaan hoggaan, xirfad iyo wadaniyad sare, isla markaana ay si dhab ah ugu adeegaan danta guud ee shacabka Soomaaliyeed, iyagoo marwalba ka shaqeynaya in codka iyo mowqifka Soomaaliya si muuqda uga dhex muuqdo Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika.

 

{DAAWO MUQAALKA} Dr Cabdisamad oo maanta dib ugu soo laabtay isbitaalka Hilaal ee Baladweyne.

0

Qamiis 16. October 2025 {HMC}  Dr Cabdisamad oo maanta dib ugu soo laabtay isbitaalka Hilaal ee Baladweyne.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamad Soo Saartay Go’aan Ka farxiyay dadka Bidaarta leh.

0

Qamiis 16. October 2025 {HMC} Maxkamad Soo Saartay Go’aan Ka farxiyay dadka Bidaarta leh.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA}ilaa intee ayey sii socon doonaan dilalka ganacsatada Soomaalida ee S/Africa.?

0

Qamiis 16. October 2025 {HMC} ilaa intee ayey sii socon doonaan dilalka ganacsatada Soomaalida ee S/Africa.?

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Somali Police Seize Container of Illicit Drugs at Mogadishu Port

Thursday   16, Oct 2025 {HMC} The Somali Police Force has seized a container filled with illicit drugs disguised as medicine at the Port of Mogadishu.

In a press conference held at the port, Somali Police Spokesperson Abdi Fatah Adan Hassan said the operation was based on intelligence that enabled the police to intercept the illegal shipment.

The Director of the Port of Mogadishu, Ambassador Mohamed Ali Nur (Americo), confirmed that the merchants behind the shipment have been apprehended. Both the Port Director and the Police Spokesperson issued a joint warning to individuals involved in importing expired food and counterfeit drugs into the country, stating that those responsible would be held accountable.

Source sonna

President Hassan Sheikh Urges Stronger Governance, Chairs Weekly Cabinet Meeting

Thursday   16, Oct 2025 {HMC}  President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, today chaired the weekly meeting of the Council of Ministers, which focused on accelerating governance reform plans and improving the delivery of public services across the country.

During the session, the President urged cabinet members to strengthen cooperation, accountability, and transparency in the execution of government functions.

The meeting also reviewed significant progress achieved in the areas of security, economy, and state-building. It was highlighted that in the past six months, Somali security forces have eliminated a record number of AS  militants and enhanced the arming and training of national forces.

Furthermore, the Council discussed projections for the 2026 national budget, which is expected to increase, with the additional funds earmarked for key social sectors including healthcare, education, and other essential public services.

In his closing remarks, President Hassan Sheikh called on all ministers to actively participate in the ongoing democratization efforts, reaffirming the importance of strengthening public trust, consolidating state institutions, and promoting national unity.

Source Sonna

Tirada dadka Soomaaliyeed ee isticmaala internetka oo gaartay 10 milyan sanadkan 2025?

0

Khamiis, 16, Oct 2025 {HMC} Dadka isticmaala internetka ee gudaha Soomaaliya gudaheeda ayaa gaaray 10.7 milyan, taasoo ka dhigan 55% guud ahaan tirada dadka Soomaaliyeed. Adeegga Starlink ee la bilaabay Agoosto 2025 ayaa la filayaa inuu kordhiyo internet-ka guud ahaan dalka.

Inkasta oo horumar laga sameeyay, haddana adeegyada dijitaalka ah ee Soomaaliya ayaa weli la sheegay in ay yihiin kuwo xadidan. Soomaaliya ayaa gashay kaalinta 191-aad ee adeegyada dowladda ee internet-ka, halka kaalinteeda Afrika uu sarreeyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan diyaarisay Istaraatiijiyadda Dijitaalka 2025–2030 si loo ballaariyo internet-ka, loo hagaajiyo adeegyada dowladda ee onlaynka ah, islamarkaasna la dhiirrigeliyo hal-abuurka iyo shaqooyin cusub.

Qorshahan cusub ayaa xoogga saaraya sida au Dowladda Soomaaliya sheegtay, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, iyo maaliyadda.

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya, Maxamed Aadan Muxumed Cali, ayaa sheegay in qorshahan uu mideyn doono dhammaan mashaariicda dijitaalka ah ee dalka, taasoo uu sheegay in ay kor u qaadi doonto koboca dhaqaalaha dijitaalka ah.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 16-10-2025.

0

Qamiis 16. October 2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 16-10-2025.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir Guddoomiyay Golaha Wasiirrada, una Jeediyay Dardargelinta Dowlad-dhiska iyo Adeegyada Bulshada?

0

Khamiis, 16, Oct 2025 {HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta howlaha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku dhiirrigeliyay Wasiirrada in ay sare u qaadaan wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta maamulka, si loo xaqiijiyo dowladnimo ka tarjumeysa baahida shacabka.

Intii uu socday kulanka, waxaa Golaha Wasiirrada lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira amniga, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska. Waxaa si gaar ah loo xusay guulo laga gaaray la dagaallanka Khawaarijta, iyadoo lixdii bilood ee u dambeeyay ay ciidamada Qaranka dileen tiro badan oo ka tirsan kooxaha argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidanka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa la wadaagay qorshaha miisaaniyadda sanadka 2026, taasoo la filayo in ay kororto marka loo eego sanadkii hore.

Madaxweynuhu wuxuu caddeeyay in kororkaasi miisaaniyadeed loo adeegsan doono maalgelinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo kaabeyaasha kale ee nololeed.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku adkeeyay Golaha Wasiirrada in ay si dhab ah uga qeyb qaataan geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka, si loo dhiso kalsoonida shacabka, loona horumariyo muuqaalka dowladnimo ee Soomaaliya.