Arbaco 15. October 2025 {HMC} Ragii Dhawaan Haweenka ku Dilay Galgaduud oo Maxkamad lasoo taagay.
Arbaco 15. October 2025 {HMC} Ragii Dhawaan Haweenka ku Dilay Galgaduud oo Maxkamad lasoo taagay.
Arbaco 15. October 2025 {HMC} Abuukaate Carab “Sharciga qof ka sareeyo malahan u Hogaansama Xeerarka Dalka u yaallo”
Arbaco 15. October 2025 {HMC} 10 Sano kadib wadada Garoonka Aadan Cadde ee Mudisho oo dib loo furay.
Arbaco 15. October 2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 15-10-2025.
Arbaco 15. October 2025 {HMC} Qaabkee u dhaceeysaa Codbixinta Doorashada Baarlamaanka ”Xildhibaan Nuux”
Arbaco 15. October 2025 {HMC} FAAH FAAHIN Dhimasho iyo Dhaawac ka Dhashay Qarax Ka dhacay Baladweyne
Arbaco ,Oct 15, 2025 {HMC} Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooganaa oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Baledweyne, kasoo ka dhacay barqanimadii maanta xaafada Buundoweyn ee magaaladaas.
Qaraxaan ayaa ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala xaafada Buundoweyn, gaar ahaan laanta Isbartiibo waxaana halka uu qaraxa ka dhacay fariisan jireen inta badan askar ka tirsan ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda.
Inta la xaqiijiyay qaraxaan waxaa ku dhintay sadax ruux midi haweeney tahay, waxayna hayeen dhamaantood dad shacab ah oo goobta ku sugna, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ilaa afar ruux oo kale oo iyagana shacab ah.
Wali si rasmi ah looma oga nooca uu yahay qaraxaan ka dhacay goobta maqaaxida, mana jirin askar ku sugneyd goobta xiliga uu qaraxaani dhacaayay, kasoo loo maleynayo mid meesha lagu sii diyaariyay.
Qaraxyada noocaan oo kale ah waxaa inta badan fuliya kooxda Al-shabaab, hayeeshee wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan masuuliyada qaraxaan khasaaraha kala duwan geystay ee maanta ka dhacay magaalada Baledweyne.
Ma jirto wax war ah oo kasoo dhanka laamaha amaanka degmada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku aadan ku aadan qaraxaan sababay dhimashada iyo dhaawaca dadka shacabka ah.
Arbaco ,Oct 15, 2025 {HMC} Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa sheegay in 49% shacabka Soomaaliyeed aysan helin wax koronto ah, taas oo tilmaamaysa baahida weyn ee dalka ka jirta dhanka tamarta.
Hadalkaan ayuu ka jeediyay furitaanka rasmiga ah ee Shirweynaha Tamarta Soomaaliya ee BGS25, kaas oo maanta si rasmi ah looga daah-furay caasimadda Muqdisho, Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo kaalinta uu ciyaarayo ganacsiga gaarka loo leeyahay si loo hormariyo helitaanka koronto ku filan oo tayo leh.
“Waqtigan xaadirka ah, celcelis ahaan shacabka Soomaaliyeed waxa ay helaan qiyaastii lix saacadood oo koronto ah maalintii,” ayuu yiri Wasiir Bidhaan, isaga oo xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in kor loo qaado helitaanka koronto la isku halleyn karo oo laga dhaxlo ilo tamar waara oo dib loo cusboonaysiin karo sida cadceedda iyo dabaysha.
Shirweynahan oo ay ka qaybgalayaan mas’uuliyiin, khubaro iyo ganacsato, ayaa diiradda saaraya sidii loo horumarin lahaa nidaamka tamarta dalka, iyada oo la dhiirrigelinayo maalgeshiga gaarka loo leeyahay iyo iskaashiga caalamiga ah.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku booriyay ganacsatada iyo hay’adaha caalamiga ah inay ka qayb qaataan dadaallada lagu ballaarinayo adeegyada korontada si loo gaaro himilada horumarka tamarta Soomaaliya.
Arbaco 15. October 2025 {HMC} Ciidamada Dowladda oo Gargaar gaarsiiyey Shacabka ku sugan Degmada Awdhegle.
Arbaco 15. October 2025 {HMC} Guddoomiye Aadan Madoobe” Qudbado masiin karno Musharixiinta”