Arbaco 15. October 2025 {HMC} Kulan looga hadlayey Howlgalka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdusho
{DAAWO MUQAALKA} Sidee hubka u sameeysataa Kooxda Xamaas.?
Arbaco 15. October 2025 {HMC} Sidee hubka u sameeysataa Kooxda Xamaas.?
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} kulan looga hadlayey Doorashada Koofur Galbeed oo lagu qabtay Muqdisho.
Arbaco 15. October 2025 {HMC} kulan looga hadlayey Doorashada Koofur Galbeed oo lagu qabtay Muqdisho.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Raila Odinga oo ku Geeriyooday Dalka Hindiya
Arbaco 15. October 2025 {HMC} Raila Odinga oo ku Geeriyooday Dalka Hindiya
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo geeriyooday isagoo socod jimicsi ah ku jiray?
Arbaco ,Oct 15, 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga ayaa ku geeriyooday magaalada Koothattukulam ee gobolka Ernakulam ee Kerala, kaddib markii wadne istaag ku haleelay intii uu ku jiray socodkiisa subaxnimo, sida ay sheegeen booliska iyo maamulka isbitaalka.
Odinga, oo 80 jir ahaa, ayaa wadnuhu istaagay isagoo socod ku marayay gudaha xarunta daawaynta dhaqameed ee Ayurvedic, waxaana si degdeg ah loogu qaaday Isbitaalka iyo Xarunta Cilmi-baarista Indhaha ee Sreedhareeyam Ayurvedic ee Koothattukulam, halkaas oo lagu dhawaaqay inuu geeriyooday saacaddu markay ahayd 9:52 subaxnimo waqtiga dalkaas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay isbitaalka.
Odinga waxa uu Koothattukulam yimid lix maalmood ka hor, isagoo ay la socdeen gabadhiisa iyo xubno kale oo qoyskiisa ah. Maalmihii u dambeeyay waxa uu ku jiray jadwal maalinle ah oo uu ku socon jiray subaxdii iyo daawayn uu ku qaadan jiray isbitaalka.
Boolisku waxay sheegeen in meydkiisa lagu hayo Isbitaalka Deva Matha Afhayeenka isbitaalka ayaa sheegay in Odinga iyo qoyskiisu ay horey isbitaalka u booqdeen, kaas oo gabadhiisa hore uga caawiyay dib u helidda aragga.
Odinga wuxuu Ra’iisul Wasaare ka ahaa Kenya intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2013. Waxa uu caan ku ahaa khudbadihiisa kulul iyo xiriirka uu la lahaa bulshada hoose, isagoo ahaa shakhsi saameyn weyn ku yeeshay dimuqraadiyadda casriga ah ee Kenya.
Odinga sidoo kale wuxuu muddo dheer ahaa hoggaamiyaha mucaaradka iyo madaxa xisbiga Orange Democratic Movement (ODM). Wuxuu u tartamay madaxweynenimo marar badan, isaga oo weligiis ahaa siyaasi si weyn looga yaqaan Kenya.
{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaannada Soomaaliya ku metalaya Baarlamaanka Afrika oo la dooranayo
Arbaco 15. October 2025 {HMC} Xildhibaannada Soomaaliya ku metalaya Baarlamaanka Afrika oo la dooranayo
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Ilhaan Cumar oo taageertay Cumar Faatax inuu noqdo duqa magaalada Minneapolis?
Arbaco ,Oct 15, 2025 {HMC} Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay taageerayso Senatarka gobolka Minnesota, Omar Fatah, oo u taagan xilka duqa Minneapolis.
Faatax ayaa helay taageeradan muhiimka ah ee kaga timid Ilhan Cumar, halka duqa hadda xilka haya, Jacob Frey, uu isna taageero ka helay Guddoomiyaha gobolka Tim Walz iyo Senatarka Amy Klobuchar.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan taageero Sen. Fatah si uu u noqdo duqa Minneapolis,” ayay tiri Ilhaan Cumar.
Faatax ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada Ilhaan, isagoo sheegay in magaalada Minneapolis ay noqotay magaalo laba qeybood u kala jabtay — mid ay leeyihiin dadka taajiriinta ah iyo midda dadka caadiga ah.”
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inay ku kalsoon tahay in Faatax uu hoggaan u noqon karo isbeddel iyo cadaalad bulsho.
Si kastaba ha ahaatee, ololaha Fatah ayaa wajahaya eedeymo la xiriira xadgudubyo ololahiisa ka dhashay kadib markii xisbiga DFL uu ka noqday taageeradiisii. Faatax ayaa sheegay in arrintaas ay keentay taageero cusub oo uu ka helay shacabka.
Waxa uu sidoo kale diiday eedeymo ku saabsan inuu taageeray sharci guryo-dhis ah oo la sheegay inuu dani ugu jirtay xaaskiisa, isagoo sheegay in sharcigu ujeeddadiisu ahayd daahfurnaan.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in Fatah uu yahay qofka ugu habboon ee mideyn kara dhinacyada isku haya ee maamulka magaalada, iyadoo tusaale u soo qaadatay shaqadiisa ku saabsan barnaamijyada waxbarasho ee lacag la’aanta ah iyo taageerada darawalada Uber iyo Lyft.
Doorashada duqa Minneapolis waxaa isku soo taagay 15 musharax, kuwa ugu waaweynna waa Jacob Frey, Omar Fatah, Rev. DeWayne Davis, iyo Jazz Hampton.
Midowga Afrika iyo Midowga Yurub oo ka wada hadlay mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM ee Soomaaliya?
Arbaco ,Oct 15, 2025 {HMC} Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabbilsan Soomaaliya, Danjire Moukhtar Osman Kaire, ayaa magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula yeeshay wafdi sare oo ka socday Midowga Yurub, oo uu hoggaaminaysay Safiirka Midowga Yurub u qaabbilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo la xiriira taageerada nabadda ee Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta Hawlgalka Taageerada Nabadda ee Midowga Afrika (AUSSOM), xaaladda amni ee dalka, iyo doorka beesha caalamka ee ku aaddan dib-u-dhiska nabadda iyo xasilloonida.
Danjire Kaire ayaa wafdiga uga warbixiyay caqabadaha dhaqaale ee haysta AUSSOM, isagoo tilmaamay in hoos u dhaca miisaaniyadda uu si toos ah u saameeyay howlgalka, gaar ahaan dhinacyada milatari, boolis iyo qeybaha rayidka.
Sidoo kale, wuxuu sharaxaad ka bixiyay hawlgallada socda ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo kooxaha hubeysan ee kale, iyo guulaha laga gaaray.
Intii uu socday wada-hadalku, waxaa si gaar ah loo falanqeeyay qorshaha dheeraynta joogitaanka ciidamada Burundi ee AUSSOM, iyo sidii ay ugu wareegi lahaayeen ciidan kale oo ka socda dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, gaar ahaan ciidamada laga sugayo dalka Masar.
Sidoo kale, labada dhinac waxay isla soo qaadeen qorshaha marxaladaha ah ee lagu horumarinayo hawlgalka AUSSOM, kaasoo lagu saleeyay kala-duwanaanshaha qeybaha howlgalka ee laga bilaabo hawlgallada milatari, boolis ilaa adeegyada rayidka, si loo xaqiijiyo nabad-dhisid waarta oo Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka AUSSOM S/Guud Sam Kavuma iyo Taliyaha Booliska AUSSOM Hillary Sao Kanu, kuwaasoo dhankooda warbixin ka siiyay wafdiga heerka hawlgalka iyo waxqabadka ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
{DAAWO MUQAALKA} Soomaali si qasab ah laga masaafurinayo Dalka Sweden.
Talaado 14. October 2025 {HMC} Soomaali si qasab ah laga masaafurinayo Dalka Sweden.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} 8 Sano ka hor Zoobe ayey joogeen AS maantana Mudug””W_Fiqi””
Talaado 14. October 2025 {HMC} 8 Sano ka hor Zoobe ayey joogeen AS maantana Mudug””W_Fiqi””



