Home Blog Page 428

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- Madaxweyne Xasan oo soo Cusbooneysiiyay Kiiska bada, Safarka MW Ciro iyo Xogo kale.

0

Talaado 14. October 2025 {HMC} FALANQEYN:- Madaxweyne Xasan oo soo Cusbooneysiiyay Kiiska bada, Safarka MW Ciro iyo Xogo kale.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kulan la qaatay Hay’adda Lacagta (IMF) iyo Bangiga Adduunka.

0

Talaado ,Oct 14, 2025 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan gaaray magaalada Washington D.C., halkaas oo lagu qabanayo shirka sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.

Ka hor furitaanka kulamada guud, Wasiirka iyo wafdigiisu waxay kulamo gaar ah la yeesheen madaxda IMF, Bangiga Adduunka, iyo Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Ku-xigeenka Maamulaha Guud ee IMF, Mudane Nigel Clarke. Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dhinac ee ku dhisan horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta hannaanka maaliyadda dalka. IMF ayaa door muhiim ah ka qaadatay taageerada dib-u-habaynta maaliyadeed ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koonfurta iyo Bariga Afrika, Mudane Ndiamé Diop, oo ay weheliyaan madaxa gobolka Geeska Afrika iyo Wakiilka Soomaaliya ee Bangiga. Kulanka ayaa lagu falanqeeyay mashaariicda horumarineed ee uu Bangigu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa taageerada iyo mashaariicda mustaqbalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta, Mudane Fawzi Yousef Alhunaif, iyo madax kale oo ka tirsan hay’addaas. Kulanka waxaa lagu gorfeeyay qorsheyaasha dib-u-habaynta maaliyadda, fursadaha maalgelinta ee mustaqbalka dhow, iyo iskaashiga ku saabsan arrimaha deymaha.

The European Union Ambassador to Somalia met with the Heads of the AUSSOM Mission.

0

Tuesday ,Oct 14, 2025 {HMC} Today in Mogadishu, the Deputy SRCC Amb. Moukhtar Osman Kaire, met with a delegation from the European Union led by EU Ambassador to Somalia, Francesca Di Mauro.

Amb. Kaire briefed the delegation on the financial challenges affecting the African Union peace support mission and their impact on operations.

He also provided an update on the security situation and ongoing joint military operations against Al Shabaab and other armed groups.

Discussions also covered the extension of the AUSSOM Burundi Contingent’s deployment and its planned replacement by Egyptian forces, as well as AUSSOM’s phased planning and the respective roles of its military, police, and civilian components in advancing peacebuilding in Somalia.

Present at the meeting were AUSSOM Force Commander Lt. Gen. Sam Kavuma and Police Commissioner Hillary Sao Kanu.

Muwaadin Soomaaliyeed oo si qasab ah Looga soo tarxiili Sweden oo Fashilamay.

0

Talaado ,Oct 14, 2025 {HMC} Duulimaad gaar ah oo ay la socdaan 20 muwaadin oo Soomaali ah oo maanta si qasab ah ay Sweden usoo tarxiili lahayd Soomaaliya ayaa dib loo dhigay, kuwaasoo lagu hayo goobo gaar ah , saacado ka hor inta aysan ka soo duulin garoonka diyaaradaha Stockholm ee Arlanda, sida uu weriyey wargeyska Sweden ka soo baxa ee Dagens Nyheter (DN).

Wasiirka socdaalka Sweden, Johan Forssell ayaa sheegay in sababta duulimaadku u baaqday ay tahay arrimo farsamo oo ku meel gaar ah, balse wuxuu xaqiijiyay in xiriirka Sweden iyo Soomaaliya ee arrimaha tarxiilka Soomaalida uu wali socdo oo la celin doono dadka la qorsheeyay in laga saaro Sweden.

Wargeyska Dagens Nyheter , ayaa ku sharraxay ujeeddada duulimaadkan loo baajiyay inay la xiriirto fadeexad uu faafiyay barnaamijka Ekot oo lagu sheegay dawladda Sweden inay laaluush ku siinayso dawladda Soomaaliya si ay u ansixiyaan dib u celinta Soomaalida laga tarxiilayo Sweden, wallow Sweden iyo Soomaaliya ay labaduba diideen eedeyntan.

W/Q Iman Jamac

AUSSOM Marks KDF Day in Jubbaland Somalia.

0

Tuesday ,Oct 14, 2025 {HMC} AUSSOM Kenya Defence Forces troops in Sector II today marked KDFDay, observed annually on 14 October to commemorate the Kenya Defence Forces’ 2011 entry into Somalia under Operation Linda Nchi to combat Al-Shabaab.

Led by Sector II Commander Brig. Edward Banda, troops across the sector honoured fallen heroes through prayers, cultural performances, and sports.

Brig. Banda read a message from CDF Gen. Charles Kahariri, urging troops to remain steadfast in fulfilling the AUSSOM mandate.

A parallel event in Dhobley, led by Col. Maurice Wasomi, featured tree planting and calls for discipline, patriotism, and unity.

Similar commemorations took place in Afmadhow, Hoosingow, Beles Qoqaani, Tabda, Kismayo New Airport, and the Seaport TOB — joined by the UN, Sierra Leone FPU, Somali Security Forces, and Jubaland Civil Aviation.

Madaxweynaha Dalka Suuriya oo ku wajahan Ruushka

0

Talaado, Oct 14, 2025 {HMC} Dowladda Suuriya oo Ruushka ka dalbatay in lagu soo wareejiyaan Madaxweynihii hore Bashaar Al-Asad si loo maxkamadeeyo

Madaxweynaha Dalka Suuriya, Axmed Al-sharac ayaa ku wajahan Dalka Ruushka isaga oo ka dalbanaya in lagu soo wareejiyo Bashaar Al-Asad si looga xisaabiyo dambiyadii uu ka galay Dalka suuriya oo la maxkamadeeyo. sida ay baahiso ArabNews.

{DAAWO MUQAALKA} Sanator Afcadeey ”si toos ah ayaa dagaalka u wada galeynaa”

0

Talaado 14. October 2025 {HMC} Sanator Afcadeey ”si toos ah ayaa dagaalka u wada galeynaa”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 14-10-2025.

0

Talaado 14. October 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Milatariga Madagascar oo ku dhawaaqay in ay la wareegay talada dalka.

0

Talaado, Oct 14, 2025 {HMC} Milatariga dalka Madagascar ayaa ku dhawaaqay inuu la wareegay talada dalka, wuxuuna hakiyay dhammaan hay’adihii dawliga ahaa, kadib markii baarlamaanka uu meel mariyay xil ka qaadis lagu sameeyay madaxweynaha Andry Rajoelina, oo dalka ka cararay.

Colonel Michael Randrianirina, oo hadal ka jeediyay qasriga madaxtooyada ee caasimadda Antananarivo, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ay si buuxda ula wareegeen maamulka dalka.

“Waxaan la wareegnay xukunka,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in ciidamadu ay kala direen dhammaan hay’adaha dawliga ah marka laga reebo golaha hoose ee baarlamaanka.

Randrianirina ayaa sheegay in la dhisi doono gole cusub oo ka kooban saraakiil ka kala socda Militariga iyo ciidamada gendarmerie-da, isla markaana la magacaabi doono ra’iisul wasaare si degdeg ah u soo dhisa dowlad rayid ah.

Wuxuu sidoo kale sheegay in la laalay dastuurka iyo awooddii maxkamadda dastuuriga ah ee ugu sarreysay dalka, isagoo ballan qaaday afti guud oo la qaban doono laba sano gudahood, inkastoo faahfaahinta arrintaas aysan weli caddayn.

Madaxweyne Rajoelina, oo hore u ahaan jiray duqa caasimadda Antananarivo, ayaa wajahayay mudaharaadyo waaweyn oo ay hogaaminayeen dhalinyaro, kuwaas oo toddobaadyadii la soo dhaafay si xooggan ugu baaqayay inuu iscasilo.

Isbeddelka ugu weyn ayaa dhacay Sabtidii, markii cutub ka tirsan ciidamada gaarka ah ee dalka uu ku biiray mudaaharaadayaasha, taasoo keentay in Rajoelina uu ku dhawaaqo in la isku dayay afgambi.

Rajoelina ayaa habeenkii Isniinta khudbad uu ku jeediyay baraha bulshada ku sheegay inuu dalka uga baxay cabsi uu soo wajahday noloshiisa, isla markaana uu ku sugan yahay meel ammaan ah.

Ilo sirdoon ayaa u sheegay wakaaladda Reuters in Rajoelina uu Axaddii kaga baxay dalka diyaaradda ciidamada Faransiiska, inkastoo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu diiday inuu xaqiijiyo arrintaas.

Saacado yar kadib, cutubka khaaska ah ee CAPSAT oo door muhiim ah ka ciyaaray afgambigii 2009 ee Rajoelina ku yimid talada ayaa sheegay inuu la wareegay talada ciidamada.

Waxay sheegeen inay “diideen amarrada lagu farayay in la toogto mudaaharaadayaasha.”

Maxaabiista Falastiin oo ka warramay tacadiyo loogu geystay xabsiyada Israel.

0

Talaado, Oct 14, 2025 {HMC} Maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ku laabtay Gaza iyo Daanta Galbeed ayaa ku eedeeyay maamulka Israa’iil in ay si xun ula dhaqmeen, iyagoo sheegay in la garaacay, la jirdilay oo la siiyay “cunto qudhuntay”.

Ku dhawaad ​​2,000 oo maxbuus – oo intooda badan la xiray dambi la’aan – ayaa la sii daayay taasoo qayb ka ah I sdhaafsiga la haystayaasha Israa’iil iyo Xamaas.

Eedeymaha ayaa la mid ah wararka kale ee Falastiiniyiinta ee sheegaya in tacadiyo iyo jirdil loogu geystay xabsiga Israa’iil, iyo sidoo kale natiijooyinkaas in ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Ku dhawaad ​​2,000 oo Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa Israa’iil ayaa dib ula midoobay qoysaskooda taas oo qeyb ka ahayd in lagu bedesho lahaysatayaasha ay Xamaas afduubka ugu haysatay Gaza.