Talaado 14. October 2025 {HMC} Askari ilaalinayey Madaxtooyda Kenya oo Fallaar lagu Dilay
Talaado 14. October 2025 {HMC} Askari ilaalinayey Madaxtooyda Kenya oo Fallaar lagu Dilay
Tuesday Oct 14, 2025 {HMC} Puntland Dervish forces on Monday captured a Turkish national identified as Feyzul Hashim Suleyman, a member of ISIS, during an operation in the Togga Balade area of the Bari region.
The arrest occurred during the fourth phase of Operation Hilac, a military campaign targeting ISIS militants hiding in the rugged Cal-Miskaad mountains.
Authorities revealed that two other Turkish nationals — Emre Kemal Yilmaz and Aylin Derya Kaya — remain at large, believed to be hiding in the Cal-Miskaad area.
Gen. Ahmed Abdilaahi Sheikh, a senior Puntland military officer, said the captured militants were Turkish fugitives who had fled their country after the failed 2016 coup attempt, some of whom were former members of the Turkish military.
“Intelligence reports indicate that these individuals first joined ISIS in Syria before being transferred to the Cal-Miskaad region of Puntland,” Gen. Ahmed said.
He added that investigations are ongoing to determine their links to international smuggling and terrorist networks, including the PKK.
Security experts warn that the presence of foreign fighters in Somalia underscores the growing threat of transnational terrorism, calling for stronger information sharing and international cooperation to combat extremist networks.
Puntland forces also captured a Somali fighter during clashes with ISIS militants in Togga Balade on Monday.
SOURCE HIIRAAN ONLINE
Talaado 14. October 2025 {HMC} Abuukaate Cali Xalane”Waxaan Filaa Xuriyadiisa inuu heli Doono Birito Wariyaha Xeran”
Talaado 14. October 2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 14-10-2025
Talaado, Oct 14, 2025 {HMC} Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariim Axmed Cali ayaa ku dhawaaqay in dhammaadka bisha Novembar ee sannadkan la qaban doono Doorashada Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiye Cabdikariim oo shir jaraa’id ku qabtay xarruunta guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay diyaar garow sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Doorashada.
“30 Bisha Novembar qof kasta oo ku nool Muqdisho waa inuu isku diyaarayaa sidii u coddeyn lahaa Doorashada qof iyo codka ah ee Golaha Deegaanka” ayuu yiri Guddoomiye Cabdikariim.
Sidoo kale, wuxuu ururada diiwaan gashan ugu baaqay in ay soo dhammeystiraan shuruudaha sharci ahaanshiyahooda, sida in ay si rasmi ah u soo gudbiyaan Summadooda.
Dhawaan ayuu guddiga doorashada sheegay in dhammaadka bisha October la qaban doono doorashooyinka golaha deegaanka, balse waxaa yimid dib u dhac aan la sheegin sababta.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa in Doorasho qof iyo cod ah laga qabto gudaha dalka gaar ahaan, doorashooyinka goleyaasha deegaanka.
Talaado, Oct 14, 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa sheegay in faa’iidada shidaalka laga soosaaro dhulka Dowlad-Deegaankaas ay kala bar qaadato Dowladda Dhexe ee Itoobiya halka qaybta kalena Dadka loogu adeego.
Mustafa Cagjar ayaa sheegay in Golayaasha xeer dejinta ay ansixiyeen saami qaybsigaas ku dhigan boqolleyda, waxa uu miiska soo dhigay in dadku ay ka doodi karaan haddii ay faa’iido u tahay iyo haddii kale sida uu hadalka u dhigay.
Cagjar oo u muuqday in uu ka falcelinayo Dadka dhaliilaya qaybsigaas ayaa dhaliilay dad uu sheegay in ay bannaan joog ka yihiin Maamulka Bulshada balse ka shaqaynaya in dadka la iska horkeenno sida uu yiri.
“Shidaalka deegaanka waxaan ku leenahay 50%, halka 50 ka kalena heer fadaraal ahaan qayb ayaa nagasoo gaadhaysa, golayaasha sharciyada ee dalkuna waa ay ansixiyeen, Niman dibadaha jooga wakiillo kama ahan ummadda, haddii ay ka yihiin ha u yimaadaan oo hala qaybsadaan” Ayuu yiri Madaxweynaha DDS Mustafa Muxumed Cagjar.
Falcelin xooggan ayaa ka dhalatay nidaamka loo maamulayo shidaalka Dowlad-Deegaanka Soomaalida kol hore laga helay, dadka dhaliisha jeediyay ayaa ku sheegay in nacfiga lala qaybsanayo iyada oo aanay waxba laga qaban dhibaatooyinka deegaanka ka jira.
Talaado, Oct 14, 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in codsiga Itoobiya ee ku saabsan helitaanka marin badeed uu saxyahay, isla markaana aan loo baahnayn in uu khilaaf horseedo, sida lagu sheegay warbaahinta dowladda Itoobiya ee EBC.
Warbixin lagu daabacay EBC ayaa lagu sheegay in Heshiiskii Ankara ee ay saxeexeen Itoobiya iyo Soomaaliya 12-kii December 2024, uu ahaa mid muhiim ah oo si weyn u xoojiyay xidhiidhka labada dal, isla markaana uu horseeday is-afgarad cusub oo ku saabsan arrimaha badda, nabadda iyo iskaashiga dhaqaale.
“Iyadoo Turkigu uu door weyn ka qaatay fududeynta heshiiska, labada dal ee deriska ah, oo uu ka dhexeeyo xidhiidh dhiig iyo taariikhi ah, ayaa u tallaabay waddo cusub oo iskaashi iyo nabad ku dhisan” ayaa lagu yidhi warbixinta.
Itoobiya ayaa ogolaatay in ay sii waddo dadaalkeeda ku aaddan marin badeed iyadoo ixtiraamaysa midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya, halka Soomaaliya-na ay muujisay diyaar garow buuxa oo ay ugu hiilinayso iskaashi dhaqaale iyo mid amni oo waara oo dhex mara labada dhinac. “Labada dal ayaa ku heshiiyay in ay xoojiyaan xidhiidhkooda taariikhiga ah, ayna si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta nabadda, horumarka, iyo xasilloonida gobolka.”
Warbixintu waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu booqashooyin isdaba joog ah ku tegay magaalada Addis Ababa, halka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, uu isna booqasho ku tegay Muqdisho iyada oo labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen in la xoojiyo iskaashiga amniga, lana iska kaashado la dagaallanka argagixisada.
Sidoo kale, ballaadhinta iyo isku xidhka kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta xidhiidhka ganacsiga iyo maalgashiga ayaa kamid ah qodobbada ay labada dal si dhow uga wada shaqeynayaan sida lagu sheegay warbixinta.
EBC waxay sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu kamid ahaa hoggaamiyeyaashii lagu casuumay xafladdii furitaanka biyo-xidheenka weyn ee GERD, isaga oo qayb ka qaatay xadhig ka jarkiisa, taasina loo arkay calaamad muujinaysa is-afgarad iyo kalsooni cusub oo labada dal u dhexaysa.
Warbixintan oo faallo uun ahayd ayaa lagu soo qaatay wareysigii uu Madaxweyne Xasan Sheekh siiyay Al-Arabiya, iyada oo lagu sheegay in uu waraysiga ku caddeeyay in biyo-xidheenka Itoobiya “aanu cidna waxyeellayn doonin,” isla markaana uu xusay in horumarka Itoobiya uu faa’iido u leeyahay Soomaaliya maadaama ay yihiin laba dal oo deris ah oo xuduud dheer wadaaga.
“Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in su’aasha Itoobiya ee ku saabsan marin badeed ay tahay mid sax ah oo aan loo baahnayn in dagaal lagu galo, balse lagu xallin karo wadahadal iyo iskaashi” ayaa lagu yidhi warbixinta oo wali xiganaysa waraysigii uu Madaxweynuhu siiyay Al Carabiya.
Booqashadii uu shalay ku tagay Itoobiya ayuu madaxweynaha Soomaaliya kula kulmay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, sida ay EBC sheegtay waxay labada hoggaamiye isla garteen in la xoojiyo iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, iyo nabadeynta gobolka, si loo xaqiijiyo barwaaqo iyo horumar wadajir ah.
Talaado 14. October 2025 {HMC} Afgambi laga Cabsi qabo inuu ka dhoco Dalka Madagascar iyo madaxweynihii oo Baxsaday
Talaado 14. October 2025 {HMC} Madaxweyne Cirro oo Safarkiisii ugu horeeyey ku tagaya Dalka Itoobiya.
Talaado 14 October 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Itoobiya Xaq u lee dahay ineey hesho Bad