Talaado 14. October 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo : Abdimaajid Abdirahmaan Aadan
Farsamadii ::Yasin Ali Ahmed
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Talaado 14. October 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo : Abdimaajid Abdirahmaan Aadan
Farsamadii ::Yasin Ali Ahmed
Talaado, Oct 14, 2025 {HMC} Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo dalka Itoobiya, sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Safarka Madaxweynaha ayaa yimid kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay Dowladda Federaalka Itoobiya, waxaana lagu sheegay inuu qayb ka yahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliland iyo Itoobiya.
Booqashadan, oo ah tii ugu horreysay ee Madaxweyne Cirro ku tago Itoobiya tan iyo doorashadiisii 13-kii November 2024, ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha siyaasadda, amniga iyo ganacsiga ee labada dhinac.
Inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa, Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu kulan rasmi ah la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed, si ay uga wada hadlaan xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliland iyo fursadaha iskaashi ee cusub.
Safarkan ayaa loo arkaa mid muhiim ah oo dib u xoojinaya xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya
Talaado, Oct 14, 2025 {HMC} Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegtay in ay go’doon gelisay xubno katirsan Daacish oo ku sugan God ku yaalla Ceelka Abbal ee Deegaanka Burac sida ay sheegeen saraakiil katirsan hoggaanka ciidanka howlgallada kawada Gobolka Bari.
Puntland ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay xubno katirsan Daacish oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo la geeyay mid kamid ah xarumaha loogu talagalay in lagu baaro laguna hayo xubnaha is dhiiba iyo maxaabiista la qabta sida hadalka loo dhigay.
Dhanka kale, Puntland ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Nin u dhashay Dalka Turkiga oo katirsanaa Daacish kuna sugnaa Deegaanka Carabiya ee Togga Baallade waxaana ka baxsaday labo ajani oo aan dhalashooda la aqoonsan.
Puntland ayaa sheegtay in ay waraysatay mid kamid ah Dadka Soomaalida ah ee Daacish ka qabsadeen, waxa ay sheegeen in uu u sheegay in xiriirka telefoonkooda uu go’ay iska markaana aanay jirin wax hadal ah ama internet sida warka loo dhigay.
Talaado, Oct 14, 2025 {HMC}. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in “Ducadii malaayiin qof la aqbalay” ka dib markii heshiis nabadeed oo Gaza laga gaaray lagu saxiixay shir caalami ah oo ka dhacay dalka Masar.
Mr Trump oo ah shaqsiga ugu mudnaa shirka ka dhacay Sharm el-Sheikh isaga iyo hoggaamiyeyaasha Masar, Qadar, iyo Turkiga – oo dhamaantood gacan ka geystay dhexdhexaadinta heshiiska xabbad-joojinta, ayaa saxiixay heshiiska.
Hoggaamiyaha Mareykanka ayaa sheegay in wejiga labaad ee qorshaha wadahadallada nabadeed ee Gaza uu hadda socdo.
Dhanka kale, dabaaldegyo ayaa ka dhacay guud ahaan Israel iyo dhulka Falastiin ka dib is-weydaarsigii maxaabiista iyo dadkii la haystay ee Isniintii.
Sii dayntu waxay u dhacday sida qorshuhu ahaa, laakiin qaar ka mid ah dadka Israa’iil ayaa muujiyay caro ka dib markii Xamaas ay soo celisay meydadka afar qof oo kaliya oo ka mid ah dadkii dhintay ee la haystay.
Isniin 13. October 2025 {HMC} Saamiga ay Soomaalidu ka helayso shidaalka Ay itoobiya ka soo saarayo DDS.
Isniin 13. October 2025 {HMC} Cali jeyte””Dilka Cali Qoyane Waa guuldarada AS””
Isniin 13. October 2025 {HMC} FALANQEYN:- Macawisleyda Hiiraan oo billaabay qorsho lagu soo Afjarayo Madaxda AS.
Isniin 13. October 2025 {HMC} Cali Jeyte Muxuu ka yiri Dilka Cali Qoyane.
Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Madaxweynaha Indonesia , Prabowo Subianto ayaa laga sheegay inuu berri booqasho ku tagi doono Israaiil, taas oo noqon doonta booqashadiisii u horreysay abid iyo dhacdo taariikhi ah oo aan horey u dhicin, sida ay werisey warbaahinta Israaiil oo ay ka mid yihiin Channel 12 iyo Times of Israel.
Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Muslim ah uu booqdo Israa’iil tan iyo booqashadii madaxweynaha Chad dhowr sano ka hor.
Taariikh ahaan, laba madaxweyne oo Muslimiin ah oo keliya ayaa hore u booqday Israaiil:
•Madaxweynihii hore ee Masar, Anwar al-Sadaat ayaa sanadkii 1977, booqasho taariikhi ah oo horseeday heshiiskii Camp David ku tagay Israaiil.
•Madaxweynihii hore ee Turkiga, Süleyman Demirel oo booqday Israaiil sanadkii 1996, xilli Ankara xiriir militari iyo ganacsi la gaartay Telaabiib.
Dhanka kale, Recep Tayyip Erdoğan ayaa booqday Israaiil sanadkii 2005 isagoo ahaa ra’iisul wasaare,balse tan iyo marka uu noqday madaxweynaha Turkiga ma uusan booqan Israaiil.
Haddii booqashada madaxweynaha Indonesia , Prabowo Subianto ay dhacdo, waxay noqon doontaa dhacdo aan caadi ahayn marka loo eego marxaladda lagu jiro iyo in hoggaamiyaha Telaabiib tagaya uu yahay mid ka socda dalka ay ku noolyihiin muslimiinta ugu badan caalamka oo aan xiriir rasmi ah la yeelan Israaiil, tan iyo markii la dhisay sannadkii 1948.
Monday Oct 13, 2025 {HMC} Egypt, Qatar and Türkiye have signed with US President Donald Trump a document on the Gaza ceasefire deal.
The document was signed on Monday during the international summit hosted by Egypt in the Red Sea resort of Sharm el-Sheikh on the deal.
Trump hailed a “tremendous day for the Middle East” as he and regional leaders signed a declaration meant to cement a ceasefire in Gaza, hours after Israel and Hamas exchanged prisoners.
“This is a tremendous day for the world, it’s a tremendous day for the Middle East,” Trump said as more than two dozen world leaders sat down to talk in the summit.
“The document is going to spell out rules and regulations and lots of other things,” Trump said before signing, repeating twice that “it’s going to hold up.”
Gaza reconstruction conference
Egyptian President Abdel Fattah el Sisi said that his country would host a conference on the reconstruction of Gaza.
“Egypt will work with the United States in coordination with partners in the coming days to lay the foundation for the reconstruction of Gaza, and we intend to host an early recovery, reconstruction and development conference,” he said.
Sisi also said that the Gaza deal “closes a painful chapter in human history and opens a new era of peace and stability” for the Middle East.
He added that it marked a “historic day” for peace that set the stage for a two-state solution.
SOURCE Trtafrika