Home Blog Page 432

Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo Sheegay Trump in uu Aduunka ka badbaadiyay Qatar badan.

0

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa khudbad shaki la’aan uu marar badan dib u dhageysan doono Trump , jeediyay isagoo ku ammaanaya inuu ka hortagay khatar badan.

Wuxuu yiri ; “Haddii ninkan ahaan lahayn, cidina ma ogaan lahayn waxa dhici lahaa.Hindiya iyo Pakistan waa laba dal oo leh hub nukliyeer ah,haddii uusan isaga iyo kooxdiisa cajiibka ahi soo faragelin afartii maalmood ee ugu halista badnayd, waxaa suuragal ahayd in uu qarxo dagaal ba’an oo burburiya labadeenna dal. Yaa ahaan lahaa midka nool si uu u sheego wixii dhacay? Taariikhdu waxay magaciisa ku xardhaysa xarfo dahab ah.”

 

Muxuu yahay Halka Arin uu Madaxweynaha Mareykanka ku Amaanay Madaxweyne el-Sisi.

0

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Sharm el-Sheikh, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku ammaanay Dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi inuu “door aad u muhiim ah” ka ciyaaray wadahadallada xabbad joojinta Gaza ee Xamaas.

Trump waxa uu sheegay in Maraykanku “uu garab taagan yahay isaga” wuxuuna xaqiijiyay in “wajigii labaad” ee wada xaajoodku uu bilaabmay.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 13-10-2025.

0

Isniin 13. October 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Wasiirka Wasaaradda Qoyska oo kulan la yeelatay Maxkamada Qoyska ee Dowlada Qatar.

0

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Marwo Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo wafdigeeda ayaa maanta waxay booqdeen Maxkamada Qoyska ee Dowladda Qatar.

Wasiiradda waxaa maxkamadda kusoo dhaweeyay Dr. Ghanem bin Thamer Al-Mutref Al-Humaidi oo kamid ah Gollaha Adeegga Garsoorka ee Qatar iyadoo Wasiiradda lala wadaagay sida ay u shaqeeyso maxkamadu iyo sidoo kale qeybaha ay ka kooban tahayba.

Wasiiradda iyo wafdigeeda ayaa waxay la yeesheen kulammo balaadhan qeybaha kala duwan ee Maxkamadda iyadoo wafdiga lala wadaagay caqabadaha ugu badan ee inta badan la kulmaan maamulka maxkamaddu iyo sida ay u wajahaan markeey timaado xalinteedu.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Marwo Amb Khadiija Al-Makhzoumi ayaa la wadaagtay Maamulka maxkamadda caqabadaha ka jira dalkeena Soomaaliya iyo muhiimadda ay u leedahay in la askumo Maxkamad gaar u ah Arrimaha Qoyska, iyadoo bogaadisay sida diiran ee loo soo dhaweeyay iyo in Soomaaliya ay waxbadan kaga dayan doonto dalka aan walaalaha nahay ee Qatar oo aan isku mid ka nahay dhinacyo badan sida diinta iyo dhaqanka intiisa badan.

Wasiiradda ayaa gaba gabadii, soo booqatay goobaha lagu qabto dhageeysiga dacwadaha iyo sidoo kale qeyb gaar u ah dhex dhexaadinata qoysaska

Wadamo Carab ah oo kordhiyay xiriirkooda militari ee ay lalahaayeen Israa’iil.

0

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Waxaan idiin soo gudbineynaa warbixin uu daabacay wargeyska The Washington Post oo ka hadleysa xiriirka militari ee u dhaxeeyay dalalka Carabta iyo Israa’iil intii uu socday dagaalka Qasa, sida laga arkay dukumentiyo lasoo dusiyay. Sidoo kale wargeyska Financial Times, ayaa maqaalkiisa ku sheegay in heshiiska Qasa uu dagaalka soo afjaray balse uusan keenin nabad.

Ugu dambeyn, waxaan eegi doonnaa wargeyska Independent, oo ku doodaya in xaqiiqdu aysan u kala caddeyn dadka Qasa.

Waxaan ku bilaabeynaa warbixinta Washington Post ee weriyaha David Kenner, taas oo uu ku sheegay in dalalka Carabta ay xoojiyeen xiriirkooda militari ee Israa’iil muddadii bilaha ahayd ee uu dagaalka socday.

The Washington Post iyo International Consortium of Investigative Journalists ayaa isla qoray warbixintan. Dan Lamothe ayaa sidoo kale gacan ku lahaa.

Sida warbixinta laga soo xigtay, saraakiil militari oo Carab iyo Israa’iil ah ayaa yeeshay kulamo qabtayna tababarro, uu maalgeliyay Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), kaas oo diiradda saara khataraha gobolka, Iiraan, iyo godadka dhulka hoose.

“Billowga iskaashigani wuxuu soo bilowday saddex sano, iyadoo shirar qorshaysan lagu qabtay Baxreyn, Masar, Urdun, iyo Qadar, oo ay ka qaybgaleen saraakiil sarsare oo labada dhinac ah, dukumeentiyadu waxay muujiyeen in xiriirkan ay soo wajahday dhibaato ka dib weerarkii Israa’iil ee Dooxa bishii Sebtembar, laakiin waxaa laga yaabaa inay door muhiim ah ka ciyaaraan kormeerka heshiiskii xabbad joojinta ee dhawaan lagu gaaray Qasa,” sida lagu sheegay wargeyska.

Wargeyska Washington Post ayaa qoray in “in kasta oo iskaashigan qarsoodiga ah uu jiro, haddana hoggaamiyeyaasha Carbeed waxay sii wadeen inay si cad u dhaleeceeyaan Israa’iil, iyadoo hoggaamiyeyaasha Masar, Qadar, Sacuudi Carabiya, iyo Urdun ay dagaalka Qasa ku tilmaameen ‘xasuuq,’ halka Amiirka Qadar uu ku eedeeyay Israa’iil mar uu shirka Qaramada Midoobay ka hadlayay inay tahay ‘dowlad deegaan cadow ku ah oo dhisaysa nidaamka midab-takoorka’.

Sida ku cad dukumentiyadan, saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Israa’iil iyo kuwa Carabta ayaa ku kulmay saldhigga ciidamada cirka ee Maraykanka ee Al Udeid ee dalka Qadar bishii May 2024, waftiga Israa’iil ayaa si toos ah u tagay saldhigga Maraykanka iyaga oo aan Qadar soo galin garoomada diyaaradaha si aan loo ogaan.

Dukumeentiyadu waxay muujinayaan in khatarta Iiraan ay tahay dhiirrigelinta ka dambeysa xoojinta xiriirka, hoos yimaada CENTCOM.

Wargayska Washington Post ayaa sheegay in dukumentiyada sirta ah ee ay dib u eegista ku sameeyeen ay heleen ururka caalamiga ah ee saxafiyiinta wax baara oo ka kooban shan bog oo PowerPoint ah kana yimid Taliska Dhexe ee Maraykanka.

Dukumeentiyadu waxay ka hadlayaan aasaasidda waxa ay millatariga Maraykanku ku tilmaameen “qaab-dhismeedka amniga gobolka.”

“Nashqadda amniga gobolka” waxaa ka mid ah Israa’iil, Qadar, Baxreyn, Masar, Urdun, Sacuudi Carabiya, iyo Imaaraadka Carabta, iyada oo Kuwait iyo Cumaan loo tixgeliyo “la-hawlgalayaasha suurtagalka ah,” sida laga soo xigtay Washington Post.

Wargeysku waxa kale oo uu xusay in bandhigyada aan la kala saarin oo loo qaybiyey shuraako Carbeed, iyo xaaladaha qaarkood sidoo kale isbahaysiga sirdoon ee “Shanta Indho” oo ka kooban Australia, Canada, New Zealand, Britain, iyo Maraykanka. Waxaa la diyaariyey intii u dhaxaysay 2022 iyo 2025, ka hor Dagaalkii Qasa oo uuna sii socday ka dib markii uu qarxay Oktoobar 2023.

Marka la eego tafaasiisha iskaashiga, Maraykanku wuxuu ku dhawaaqay inuu 200 oo askari ah u dirayo Israa’iil si ay u taageeraan hirgelinta heshiiska xabbad joojinta, oo ay weheliyaan ciidamo ka socda dhowr waddan oo Carbeed oo ka qaybqaadanaya iskaashiga amniga.

Arrintan ayaa timid kadib markii dalalkan ay ku dhawaaqeen inay taageersan yihiin qorshaha 20-ka qodob ee madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku doonayo in lagu soo afjaro dagaalka, waxaana ay ku baaqeen in la sameeyo ciidamo caalami ah oo ka howlgala Qasa si ay u tababaraan boolis cusub oo Falastiiniyiin ah.

Warbixintu waxay intaa ku dartay in leyliga wadajirka ah ee tababarka lagu qabtay Fort Campbell ee Kentucky lagu qabtay koorso ku saabsan sida loo ogaado loogana takhaluso tunnel-ka, taasoo ah tabaha ay isticmaalaan Xamaas ee Qasa.

Taliska Dhexe ayaa sidoo kale ka shaqeeyay horumarinta qorshayaasha warbaahinta si looga hortago sheekada Iiraan.

Dalladda caalamiga ah ee saxafiyiinta wax baara iyo The Washington Post waxay xaqiijiyeen xaqiiqada dukumeentiyada iyagoo isbarbar dhigay tafaasiisha muhiimka ah diiwaanka rasmiga ah ee Wasaaradda Difaaca, dukumentiyada milatari ee kaydsan, iyo ilo kale oo furan.

Taariikhaha iyo goobaha lagu dhawaaqay dhoollatuska iyo shirarka militariga ayaa isbarbar socday bayaan rasmi ah oo ay soo saareen ciidamada Mareykanka, waxaana magacyada, darajooyinka iyo xilalka ciidamada Mareykanka iyo kuwa ajnabiga ah ay isbarbar dhigeen xogta guud.

Sida uu wargeysku sheegay saraakiisha Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan warbixinta.

Israa’iil iyo lixda waddan ee Carabta ah ee ka qaybgalaya mashruuca ayaan ka jawaabin codsiyada faallooyinka.

Marka la eego dareenka siyaasadeed ee iskaashigan, dukumeentiyadu waxay muujinayaan in iskaashiga “uusan sameyneyn isbahaysi cusub” iyo in dhammaan shirarka “lagu qaban doono kalsooni adag.”

Dukumentiyadan ayaa sidoo kale daaha ka qaaday hirgelinta qorshaha difaaca hawada ee looga hortagayo gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan, kaas oo Israa’iil iyo dalalka Carabta ay ku kala saxiixdeen shir amniga 2022-ka.

Waxay ku heshiiyeen in la isku dubbarido dhoolatusyada milateri iyo in la soo iibiyo agabka lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo guulahooda. Si kastaba ha ahaatee, nidaamka difaaca hawadu waxba kama aysan badbaadin Qadar weerarka Israa’il, ayuu yiri wargeysku.

Wargeysku waxa uu sheegay in Qatar iyo Sucuudigu ay daaha gadaashiisa ka ciyaareen door muuqda oo wada shaqayneed oo curdin ah.

Dukumeentiyadu waxay xaqiijiyeen in shirkii amniga ee lagu qabtay May 2024 ee saldhigga hawada ee Al Udeid uu muujiyay iskaashiga sii kordhaya, iyadoo mas’uuliyiinta Israel ay wadahadalo laba geesood ah la yeesheen wakiillo ka socda waddan kasta oo Carbeed oo ka qayb galaya.

Sacuudiga ayaa sidoo kale isweydaarsaday xog sirdoon oo ay la sameeyeen Israa’iil iyo saaxiibbada Carabta ah oo ku saabsan arrimo badan oo dhanka ammaanka ah.

Kulan la qabtay 2025, sarkaal Sacuudiyaan ah iyo sarkaal ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa la-hawlgalayaashooda siiyay “dulmar sirdoon” oo ku saabsan horumarka siyaasadeed ee Suuriya iyo doorarka ay ciyaaraan Ruushka, Turkiga, iyo xoogagga Kurdiyiinta.

Warbixintan kooban ayaa sidoo kale looga hadlay “khatarta ka imaanaysa kooxda Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ee Yemen iyo hawlgallada Daacish ee Suuriya iyo Ciraaq.

XIGASHO BBC

 

Madaxweyne Erdogan oo si cad u diiday in uu Netanyahu ka qeyb galo Shirka nabada Qasa.

0

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Wargeyska Israel Hayom , ayaa ku warramay Netanyahu inuu si weyn xiiso ugu qabay ka qeybgalka shirka nabadda Qasa ee Sharma el-Sheikh,balse waxaa si cad u diiday madaxweynaha Turkiga ,

Madaxweyne Erdogan oo ku hanjabay inuusan halkaa tagi doonin haddii Netanyahu uu yimaado, halka uu wargeysku sheegay inaysan waxba ka jirin cududaarka uu baahiyay xafiiska Netanyahu ee lagu baajiyay socdaalka.

Wargeyska wuxuu sheegay , in Erdogan uu wacay madaxweynaha Masar , Al-Sisi xilli uu ku jiray duulimaadkii uu ku tagayay Masar, isagoo ku wargeliyay in diyaaraddiisu aysan degi doonin haddii Netanyahu ka qayb galo shirka.

Mas’uuliyiinta Turkiga ayaa sidoo kale u sheegay Mareykanka in ay ka caroodeen sababta aan looga wada tashan arrintaas oo aan Turkiga lagu wargelin go’aanka lagu casuumay Netanyahu.

Kaddib wadatashi ay yeesheen saraakiil Mareykan iyo Israa|l ah, Netanyahu wuxuu go’aansaday inuu ka laabto safarkiisa, waxaana markaas kadib diyaaraddii Erdogan si caadi ah ugu degtay Sharma el-Sheikh.

Madaxweyne Cagjar oo shaaca ka qaaday saamiga ay Soomaalidu ka helayso shidaalka laga soo saarayo deegaanka

0

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar ayaa shaaca ka qaaday saamiga ay dawlad deegaanka Soomaalidu ka helayaan shidaalka deegaankaas laga soo saarayo.

Mustafe oo maanta ka hadlayey munaasabadda xuska maalinta calanka ee Itoobiya ayaa sheegay in boqolkiiba konton ay Soomaalidu ka heli doonaan dakhliga ka soo xarooda Shidaalka, halka faa’iidada dakhliyada kalena loo heli doono sidii caadiga ahayd. Mustafe ayaa hadalka ku durayey dadka ay siyaasad ahaan dhaliilaha qorshayaasha DDS.

“Shidaalka iyo Khayraadka ka soo baxaya iyo ganacsiga iyo shaqo abuurka laga helayo iyo dakhliga laga helayo oo si cad loogu ansixiyey golayaasha iyo sharciyada dalka in boqolkiiba konton la siinayo deegaanka Soomaalida oo ay leeyihiin, wixii kale ee dawladda dhexe u xaroodana uu yahay waxa aan haddaba ka faa’iideyno ee meel walba lagu dhisayo ee ah lacagaha dawladda federaalka ay miisaaniyadda ku darayso in haddana dano siyaasadeed iyo kuwo shaqsi awgood dadka six un loogu sawiro waa nasiib darro” ayuu yiri Mustafa.

Xigasho BBC

Madaxweynaha dalka Madagascar oo iskaga Cararay Dalkiisa Kadib Marki,,

0

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Madaxweynaha dalka Madagascar oo dal dhaca xeebaha bari ee Afrika , Andry Rajoelina ayaa dalkaa isaga cararay, wuxuuna u baxsaday Faransiiska , kaddib markii dhallinyarada (Gen Z Madagascar) ay dhigeen dibadbaxyo isku xiran oo ugu dambeyntii isku rogay isbeddel doon ay ku baaqeen inuu xilka isaga tago madaxweynaha, iyadoo hadda xilka madaxweynaha si kumeelgaarka ah uu u qabtay Jean André Ndremanjary, oo horey usoo noqday ra’iisul wasaare muddadii u dhaxeysay 1993 ilaa 1994,xilligaa oo uu ku guuleystay inuu la dagaallamo musuq maasuqa oo sare u qaado adeegga bulshada iyo midnimada dadka Madagascar, wuxuuna xilkan ku qabtay markii ay dhallinyarada soo jeediyeen, si dalka uu doorasho rasmi ah u gaarsiiyo.

Labo arrin ayaa lahayd sababta ay dhallinyarada xilka uga tuureen madaxweynahooda;
Adeeg xumo baahsan oo dawladiisa ay ku kacday, markii waxba laga qaban waayay korontada iyo biyaha oo saacado badan magaalooyinka dalkaa si joogta u go’ayay.
Musuq maasuq uu qoyskiisa iyo saaxiibbadii ugu eexday khayraadka iyo dhaqaalaha uu dalkaa lahaa.

Masar oo u adeegsanaysa nidaamyada difaaca Ruushka xaqiijinta amniga goobta uu ka socdo shir madaxeedka nabadda Qasa.

0

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Masar ayaa u adeegsanaysa nidaamyada difaaca Ruushka xaqiijinta amniga goobta uu ka socdo shir madaxeedka nabadda Qasa ee ka socda Sharma el-Sheikh , kaa oo ay ka qeybgalayaan illaa 20 hoggaamiye oo Trump uu ku jiro.

Sida ay werisey The New Arab, waxaa yaalla goobta shirka uu ka socdo nidaamka difaaca Buk-M2E oo Ruushka uu soo saaro oo ah nidaam difaac dhex dhexaad ah oo lagu ammaano feejignaan iyo ka jawaabida khatarta si deg deg ah, waxayna gantaalada uu rido saddex mar ka dheerayaan inta uu is gaarayo codka labada qof ee is horfadhiya.

Masar, waxay heysata nidaamyada difaaca Mareykanka , balse adeegsiga nidaamka difaaca Ruushka ayaa u muuqata inay tahay digniin la xiriirta inay Masar awood u leedahay joojinta haddii dhinacyo xiriir la leh Israa|l ay iskudayaan inay weerarraan goobta uu shirka ka socdo, kaddib markii la oggaaday inay Israa|l damisay nidaamyada difaaca Mareykanka inta uu socday weerarkii ay Dooxa ka geysatay.

Somalia launches consultation workshop to validate Digital Transformation Strategy (2025–2030)

Mondey , Oct 13, 2025 {HMC} Somalia’s National Communications Authority (NCA) and the Ministry of Communications and Technology (MoCT), in collaboration with the International Telecommunication Union (ITU), on Sunday launched a two-day National Multi-Stakeholder Consultation Workshop to validate the country’s Digital Transformation Strategy (2025–2030).

The workshop brings together representatives from key government institutions, regulatory agencies, and licensed telecom operators to review and refine Somalia’s digital roadmap aimed at fostering inclusive growth and innovation.

 

Speaking at the opening session, Mustafa Almahdi, Program Officer at the ITU Arab Regional Office, reaffirmed the ITU’s support for Somalia’s digital vision and emphasized the importance of collaboration in advancing national development through technology.

 

NCA Director General Mustafa Yasin Sheikh said the strategy represents a major milestone in Somalia’s digital journey, reflecting the nation’s commitment to building a resilient and inclusive digital ecosystem.

“It highlights the power of strong partnerships between government, the private sector, and development partners in driving this change and ensuring sustainability,” he added.

Minister of Communications and Technology Mohamed Adan Moallim Ali noted that the Digital Transformation Strategy will serve as a national framework guiding all ICT-related initiatives across sectors.

He reaffirmed the government’s commitment to policy coordination, investment in digital infrastructure, and capacity development to accelerate service delivery and economic growth.

During the two-day workshop, participants will discuss Somalia’s digital vision, strategic pillars, and implementation roadmap — focusing on governance structures, funding mechanisms, and regional alignment with African Union and East African Community frameworks.

SOURCE HIIRAAN ONLINE