Home Blog Page 433

DFS oo War ka soo saartay howlgal lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa AS.

0

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, kaasoo lagu dilay horjooge sare ka tirsana kooxda Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay horjooge sare oo lagu magacaabo Cali Axmed Guure Cali Qoyane, kasoo la sheegay inuu kooxda u qaabilsana dhinaca Sirdoonka magaalada Baledweyne.

Qoraalka kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in horjoogaha la dilay uu horey u maleegay qaraxyo iyo weeraro argagixiso oo lagu dilay masuuliyiin iyo dad kale oo rayid ah.

“Howlgalka xalay wuxuu muujinayaa geesinimada iyo dadaalka joogtada ah ee geesiyayaasha difaaca deegaanka ee macawiisleyda iyo taageerada dowladda, si loo xaqiijiyo amniga bulshada, loona hortago falalka argagixisada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Fedaraalka.

Ugu dambeyntii horjooge Cali Qoyane ayaa la tilmaamay inuu horay dhowr jeer uga badbaaday howlgalo lagu doonayay in lagu dilo, hayeshee ugu dambeyn xalay ciidanka deegaanka oo garab ka helaya kuwa dowladda ku guuleysteen iney dilaan.

Somali government sends condolences to Qatar over diplomats killed in Egypt car crash

Mondey , Oct 13, 2025 {HMC} Somali government has expressed deep sorrow and sincere condolences to the government and people of Qatar following the deaths of three Qatari officials in a car crash near the Egyptian Red Sea resort city of Sharm el-Sheikh.

The Qatari Embassy in Cairo said on Sunday that all three victims worked for the Amiri Diwan, the administrative office of Qatari Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani.

 

In a statement, the Somali government reaffirmed its solidarity with Qatar, praying for mercy upon the deceased and comfort for their families.

 

“The Federal Republic of Somalia affirms its full solidarity with the leadership, government, and people of the brotherly State of Qatar. We ask Almighty Allah to shower mercy upon the deceased, grant them a place in Paradise, and give patience and solace to their families, colleagues, and the people of Qatar,” the statement read.

According to the Qatari Embassy, two other officials were injured in the accident and are currently receiving medical treatment at a hospital in Sharm el-Sheikh.

SOURCE HIIRAAN ONLINe

Former President Sharif Sheikh Ahmed condemns arrest of Himilo TV executives

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Former President Sharif Sheikh Ahmed on Sunday strongly condemned the arrest of Himilo TV Director Ahmed Mohamed Aden and his Deputy Director Khadar Abdirahman Ibrahim.

The two journalists are being held at the Waabari District Police Station in Mogadishu.

 

In a statement posted on his Facebook page, Sharif Sheikh Ahmed expressed regret over the government’s arrest of the Himilo TV executives and called for their immediate release.

 

“I am deeply saddened by the constant attacks on local media outlets, which are documented every day in an attempt to silence Somali journalists operating in Mogadishu,” said the former president.

Sharif Sheikh Ahmed urged government leaders to uphold the country’s Constitution, which he said fully guarantees freedom of the press.

“The head of state and security agencies have a national responsibility, as our Constitution guarantees free media and the safety of journalists,” he added.

The arrest of the Himilo TV Director and his deputy has also been widely condemned by politicians opposed to the Federal Government of Somalia.

The motive behind the arrests remains unclear, as the federal government has yet to comment on the incident.

{DAAWO SAWIRADA} Maxaabiista Falastiin ee laga Daayay xabsiyada Israaiil oo gaaray Marinka Qasa.

0

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Marinka Qasa, waxaa waxyar ka hor gaaray maxaabiista Falastiiniyiinta laga soo furtay xabsiyada Israaiil iyadoo ay soo dhaweeyeen kumannaan qof, waxaana loo diyaariyay munaaabad gaar ah oo dadweynaha ay kula dabaal-deggayaan inay dib xorriyadooda u heleen, taa oo ku timid iska caabin iyo adkeysiga dadka Qasa.

WAR DEG DEG AH: Qarax Ka dhacay Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

0

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Qarax ayaa waxyar ka hor ka dhacay bariga magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, saacado kahor furitaanka shir-madaxeedka Sharma el-Sheikh ee loogu saxiixayo heshiiska nabadda Qasa, halkaa oo Trump iyo 20 hoggaamiyeyaal kale ay tagayaan, sida ay werisay Al-Qahera Al-Ekhbariya.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka Masar oo la hadlay Sky News Arabia, ayaa hoos u dhigay qaraxan, wuxuuna sheegay inaysan jirin wax weerar ah ama khatar amni, balse lama sharrixin wali waxa uu qaraxan ka dhashay.

Ciidamada Pakistan oo heegan buuxa la galiyay.

0

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Ciidamada Pakistan ayaa heegan buuxa la galiyay xadka uu la wadaago Dalka Afgaanistaan ​​kadib dagaaladii dhawaan halkaas ka dhacayn

Dhaq dhaqaaqii Ganacsiga ee ka jiray Xaduuda ay wadaan Afgaanistaan iyo Bakistaan ayaan durbababa istaagay istaagay, sida ay warisay Wakaalada Wararka ee Reuters.

Xildhibaan Cumar Cali oo loo doortay xubin ka mid ah Guddiga Dastuurka?

0

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa afaraad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ajendaha kulanka oo kooramkiisa ku furmay 156-Xildhibaan ayaa waxa uu ahaa doorashada xubin ka banaaneyd Guddiga Dib U Eegista iyo Lasocodka Hirgelinta Dastuurka oo ay ku tartamayeen Xildhibaan Cumar Cali Isaaq (Balash) Iyo Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar

Tartanka oo u dhacay hab codeyn ah, islamarkaana sanduuq lagu codeynayay, waxaa ugu dambeyn ku guuleystay Xildhibaan Cumar Cali Isaaq (Balash) oo helay 92-cod, halka Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar oo heshay 68-cod, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhowaaqay.

Guddiga Dastuurka ee Golaha Shacabka ayaa ah mid door ku leh geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka, waxaana howshiisa ka mid ah la-tashiyada hay’adaha qaranka iyo dowlad-goboleedyada, soo gudbinta talooyin iyo warbixinno lagu horgeeyo Golaha Shacabka si go’aan looga gaaro.

Puntland oo weerar ku qaadday meel lagu tuhunsan yahay inuu ku sugan yahay ku xigeenka horjoogaha Daacish iyo dagaal culus oo haatan socda?

0

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa ururka Daacish ayaa haatan ka socda Ceelka Il-Abbal, oo ka mid ah talisyada ugu muhiimsan ururka Daacish ee buuraha Calmiskaad.

Saraakiil dhinaca amniga ah oo aanu xog ka helnay ayaa inoo sheegay, in ciidamada Puntland ay saakay weerar qorsheysan ku qaadeen Ceelka Il-Abbal, halkaas oo si weyn loogu tuhunsan yahay inuu ku sugan yahay ku-xigeenka horjoogaha kooxda Daacish ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Faahiye Ciise Maxamuud.

Ceelka Il-Abbal waa goob difaacyo dabiici ah ay ka sameysan yihiin, waxaana loo arkaa talisyada ugu weyn ee kooxda Daacish ee haatan isugu urureen. Ceelkan wuxuu ku yaalaa togga Qansaxdheere, wuxuuna u dhow tuulo xeebeedka Buruc iyo Bacaad, oo katirsan degmada Boosaaso.

Sababta ay goobtaan istaraatiijiga ah Daacish u doorteen ayaa loo arkaa, inay horjoogayaasha iyo xubnaha ee muhiimka ah ee kooxda ay ka caawin karta inay u baxsadaan dhinaca badda haddii ay ku adkaato dagaalka ka socda Calmiskaad.

Ilo amni ayaa sheegaya in ilaa hadda khasaarooyin laga soo wariyay dagaalkan, iyadoo maydadyo xubno ka tirsan Daacish lagu arkay goobaha la dagaalamayo. Welise Puntland ma bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan dagaalkan.

Wixii warar ah oo kusoo kordha kala socda wararkeenna dambe.

Erdogan, oo amray diyaaraddii uu la socday inaysan ka degin garoonka diyaaradaha Sharma El-Sheikh.

0

Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Erdogan, ayaa la sheegay inuu ku amray diyaaraddii uu la socday inaysan ka degin garoonka diyaaradaha Sharma El-Sheikh, oo ay ka gudubtay, kaddib markii xilliga uu halkaa ka degi lahaa Erdogan ay soo baxday wararka la xiriira Netanyahu inuu sidoo kale imaanayo shirka nabadda Qasa ee saacado kaddib ka furmaya Sharma El-Sheikh, isla markiiba inta aysan diyaaradda Erdogan ka bixin hawada Sharma El-Sheikh, waxaa dhacay wada-hadallo, illaa markii dambe la xaqiijiyay in laga joojiyay Netanyahu ka qeybgalka shirka, markaa oo diyaarada Erdogan ay dib uga degtay garoonka diyaaradaha Sharma El-Sheikh, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Waxaa kale oo la xaqiijiyay in Erdogan uu u sheegay madaxda kale ee ka qeybgelaya shir-madaxeedka in uusan ka qeybgelin doonin shirka haddii Netanyahu joogo, isla markaana uu si toos ah dib ugu laaban doono Turkiga haddii uu yimaado.

{DAAWO MUQAALKA} Sanater Afcadeey ”AS khasaaro xoogan ayaa gaaray ee madaxda furinta haatagaan”

0

Isniin 13. October 2025 {HMC} Sanater Afcadeey ”AS khasaaro xoogan ayaa gaaray ee madaxda furinta haatagaan”

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA