Isniin 13. October 2025 {HMC} Senator Cabdi Cabdullahi ”Xamar sidaan Kuma sii fiirsan karno,Shacabka waa ay dhibanyihiin”
Isniin 13. October 2025 {HMC} Senator Cabdi Cabdullahi ”Xamar sidaan Kuma sii fiirsan karno,Shacabka waa ay dhibanyihiin”
Isniin 13. October 2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 13-10-2025
Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta lagu wadaa in ay doortaan xubin ka bannaan Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka 11aad, kursigaan waxa uu bannaan yahay muddo sanad ah kaddib markii uu iska casilay Xildhibaan Mowliid.
Labo Musharrax oo oo kala ah Xildhibaan Cumar Cali Isxaaq (Balash) & Xidlhibaanad Luul Ibraahim Cumar ayaa u tartamaya buuxinta kursigaan, waxa ay olole xooggan ka dhex wadaan Xildhibaannada Baarlamaanka ee codaynaya.
Xubintaan ayaa deegaan-doorashadoodu tahay Koofur Galbeed, Xildhibaanka ku guulaysta waxaa loo dhaarin doonnaa kursigaan, kaddib waxa uu la shaqayn doonnaa guddiga Baarlamaanka Federaalka gaar ahaan Golaha Shacabka u qaabilsan arrimaha Dastuurka.
Guddiga Dastuurka waxa uu howshiisu tahay la kulanka Hay’adaha kala duwan ee wadaagga ay ku yihiin arrimaha Dastuurka, marka loo baahdo in loo gudbiyo Baarlamaanka ayuu Guddigaan u gudbinayaa Golaha Shacabka oo marinaya habraacyada loogu talagalay.
La soco wixii kasoo kordha
Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya iyo Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta (IMF) ayaa ku heshiiyay in Soomaaliya la siiyo lacag dhan $30 milyan oo dollar, si loo yareeyo saameynta ka dhalatay jarista deeqaha shisheeye iyo isbeddelka cimilada oo saameeyay dhaqaalaha dalka.
Heshiiskan ayaa ku yimid wadahadallo u socday labada dhinac intii u dhaxeysay 16-kii Sebteembar ilaa 8-dii Oktoobar 2025, waxaana hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige iyo madaxa kooxda IMF ee Soomaaliya, Ran Bi.
Hay’adda IMF ayaa sheegtay in lacagtan cusub ee $30 milyan loo bixin doono laba qaybood, marka la dhameeyo dib-u-eegista afaraad iyo tan shanaad ee barnaamijka Extended Credit Facility (ECF). Tani waxay wadarta guud ee lacagta barnaamijka waxay ka dhigeysaa $100 milyan, oo IMF ku taageerayso dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo dhaqaalaha iyo maamulka maaliyadeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu ammaanay hagaajinta canshuur uruurinta, gaar ahaan kadib hirgelinta sharciga cusub ee canshuurta dakhliga, iyo ilaalinta xakamaynta kharashaadka.
IMF ayaa sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya uu weli u baahan yahay taageero si uu u adkeeyo horumarka laga gaaray dib-u-habaynta iyo inuu u adkeysto hoos u dhaca deeqaha shisheeye.
Inkasta oo dhaqaaluhu koray 4.1% sanadkii 2024, haddana IMF waxay saadaalisay in koboca sanadkan 2025 uu hoos ugu dhici doono 3%, halka 2026 uu noqon doono 3.3%, sababo la xiriira jarista deeqaha.
IMF waxay ku boorisay beesha caalamka inay sii wadaan taageerada Soomaaliya, si loo ilaaliyo horumarka la gaaray loona dardar geliyo dib-u-habaynta dhaqaale ee socda.
Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya iyo Hey’adda Lacagta Adduunka (IMF) ay isla meel dhigeen Heshiis Horudhac ah (Staff-Level Agreement) oo ku saabsan dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda Soomaaliya.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee X (horey u ahaan jirtay Twitter), ayuu ku sheegay in wada-tashiyada socday muddo laba toddobaad ah ay si guul leh ku soo dhammaadeen, isla markaana ay Soomaaliya si wanaagsan uga soo baxday dhammaan tilmaamayaasha dhaqaalaha iyo kobaca maaliyadeed.
“Waxaan si diirran u soo dhaweynayaa heshiiska horudhaca ah ee aan la gaarney IMF kadib geeddi-socod la-tashi oo laba toddobaad qaatay, Waxaa muuqata inaan si adag uga shaqeyneyno kobaca iyo xasilloonida dhaqaalaha, waana sii laba jibaari doonnaa dadaalladeenna,” ayuu yiri Wasiir Biixi.
Wasiirka ayaa xusay in xasilloonida maaliyadeed ay tahay tiirka ugu weyn ee lagu dhisayo dhaqaale kobca oo u abuura fursado shaqo iyo nolol wanaag shacabka Soomaaliyeed.
Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay Warbixinta dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda Soomaaliya kadib laba toddobaad kulan ah oo ay wada yeeeshaan qaar kamid ah hay’adaha Dowladda oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige iyo xubno sare oo ka socday IMF oo ay ugu sareysay Mrs. Ran Bi oo ah wakiilka arrimaha Soomaaliya ee IMF.
Warbixintan ay soo saartay IMF ayaa timid kadib markii ay ansixiyeen guddiga sare ee Hay’adda oo shir gaar ah ka yeeshay natiijadii ka soo baxday kulankii dhexmaray hey’adaha Dowladda iyo IMF, sida ay ka hor sheegtay Guddiga Mrs. Ran Bi oo tilmaamtay in ay la kulantay natiijo la taaban karo kadib kulankii ay la yeelatay Wasiirka Maaliyadda iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo Nairobi kulamo ku yeeshay 16-kii September ilaa iyo 8-da bisha October 2025.
Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya khilaafka siyaasadeed ee xoogan ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Ajendeyaasha loo diray Senatorada Aqalka sare ayaa waxaa ka mid ah
AJANDAHA KULANKA:
1.Akhrinta 3aad* ee Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed.
2..Sii wadista ka doodista Warbixin ku saabsan ka talo bixinta kaalinta Aqalka Sare ee Arrimaha Dowladaha Xubinta ka ah Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya,
3. IWK
Dooddan ayaa ku saabsan kaalinta Aqalka Sare ee xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka, iyadoo lagu saleeyay warbixin rasmi ah oo horyaalla golaha.
Senataro ka tirsan Aqalka Sare, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Puntland iyo Jubbaland, ayaa marar badan dowladda Federaalka ku eedeeyay faragelin iyo qorshe lagu wiiqayo maamulada ay matalaan.
Doodda maanta ayaa ku soo beegantay iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in dowladda Federaalka ay qorsheyneyso dhismaha maamul cusub oo ka hanaqaada gobolka Gedo — arrin uu maamulka Jubbaland si adag uga soo horjeedo.
Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa digniin ka bixiyay tallaabo kasta oo lagu dhisayo maamul ka dhan ah Jubbaland, isagoo ku tilmaamay mid dhaawacaya wada shaqeynta federaalka.
Khilaafka sii kordhaya ayaa la sheegay inuu wiiqay dadaallada dowladnimada iyo qorshayaasha horumarineed ee dalka, xilli Soomaaliya ay wajahayo xaalad siyaasadeed oo xasaasi ah.
Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Yemen, Sareeye Gaas Mohsen Al-Daari, ayaa magaalada Caden kula kulmay safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Yemen, Cabdulxakiim Maxamed iyagoo ka wada hadlay arrimo quseeya Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, iyadoo si gaar ah looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta la dagaallanka tahriibka sharci darrada ah iyo kooxaha argagixisada ee ka faa’iideysta dhaqdhaqaaqyadaas.
Wasiirka Gaashaandhigga Yemen ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loola tacaalo khataraha amni ee gobolka, si loo sugo xasilloonida iyo nabadgelyada waddooyinka badda ee istiraatiijiga ah.
Safiirka Soomaaliya ee Yemen ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Yemen taageerada ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo xusay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta wada shaqeynta labada dal ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo horumarka.
Kulankan ayaa u muuqda mid dhabbaha u xaaraya iskaashi amni oo cusub oo u dhexeeya Yemen iyo Soomaaliya, xilli labada dal ay wajahayaan caqabado la xiriira amniga badda iyo dhaqdhaqaaqa kooxaha xagjirka ah ee gobolka.
Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Duqa Magaalada Boosaaso Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa digniin u diray Dad uu sheegay in ay gacansiiyaan Daacish oo dagaal xooggan kula jirta Ciidamada Ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland sida uu hadalka u dhigay.
Cabdiraxmaan ayaa sheegay in lala xisaabtamayo Dadka caadaystay in ay la shaqeeyaan Daacish ama ku gacansiiyaan dhinaca Sahayda maadaama ay go’doon ku hayaan kana joojiyeen raashinkii u geli lahaa deegaannada ay joogaan.
Odoyaasha dhaqanka ee deegaannada uu howlgalka ka socda ayuu u soo jeediyay in ay gacan ka gaystaan soo qabashada Dadkaan oo uusan carabaabin halka ay joogaan, tiradooda iyo caddaymaha uu maamulka Magaalada Boosaaso uu ku caddaynayo eedeyntaan uu u jeediyay.
“Deegaannada uu ka socda howgalka Hilaac waxaa reeraha degen odoyaashooda ka rabnaa in ay gacan ka gaystaan soo qabashada firxadka Daacish, waxa aan digniin u diraynaa dadka kala shaqeeya sahayda oo gacan bir ah aan ku qaban doonno” Ayuu yiri Duqa Magaalada Boosaaso Dr Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali.
Hay’adaha Ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa si qarsoodi ah u xiray dad ay ku tuhmayaan in ay la shaqeeyaan ama gacansiinayaan Kooxda Daacish ee fadhigeedu yahay dhulka buuralayda ah ee Gobolka Bari, baaris ayaa ku socota.
Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa barqonimadii maanta waqtiga geeska Afrika gaaray Magaalada Tel Aviv, waxaa soo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo katirsan Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Nentayahu.
Soo dhaweynta Trump iyo sii daynta 7 Maxbuus oo Israa’iil ah ayaa isku waqti kusoo beegmay, Xamaas ayaa fasaxday Maxaabiistaan oo qayb ka ah kuwo badan oo weli gacantooda ku jira si ay ugu baddeshaan Falastiiniyiin badan oo xabsiyada ku jira.
Kahor inta uusan kasoo safrin dalkiisa waxa uu sheegay in uu jecel yahay booqashada Magaalada Gaza oo muhiimad gaar ah u leh, balse qorshaha uguma jirto maadaama Israa’iil iyo Masar uu tagayo ugana qaybgalayo shirar iyo kulamo gaargaar ah.
Trump ayaa marka ay kala dhammaadaan Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil u safraya Masar halkaas oo lagu qabanayo shir ay ka qaybgalayaan Madax ka kala socota in ka badan 20 Dal oo kawada xaajoon doonna qorshaha cusub ee Gaza, ilaalinta xabbad-joojinta, Dib u dhiskeeda & gargaarka bani aadamnimada.
La soco wixii kasoo kordha
Isniin, Oct 13, 2025 {HMC} Waxaan haatan war ka helnay milatariga Xamaas iyo sidoo kale dhanka Xamaas.
“Sida laga soo xigtay xogo laga helay hay’adda laanqeyrta cas, waxaa la siidaayay todoba maxaabiis ah.
Milatariga Israa’iil waxay isku diyaarinayaan inay la wareegaan maxaabiis kale oo Israa’iiliyiin ah oo la filayo in Xamaas ay ku wareejiso Red cross.
Xamaas dhankeeda oo hadashay, waxay xaqiijisay inay hadda siideysay 7 kamid ah maxaabiista Israa’iil, sida laga soo xigtay Reuters