Isniin 13. October 2025 {HMC} {HMC} Dowladaha Soomaaliya iyo Yaman oo kala saxiixday hishiis Amni
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Isniin 13. October 2025 {HMC} {HMC} Dowladaha Soomaaliya iyo Yaman oo kala saxiixday hishiis Amni
Isniin 13. October 2025 {HMC} {HMC} Madaxweye Erdogan oo Masar uga qaybgalaya shir looga hadlayo nabadda & Mustaqbalka Qasa
Isniin 13. October 2025 {HMC} {HMC} Dagaal Culus oo markale ka qarxay Magalaada Qasa.
Axad, Oct 12, 2025 {HMC} Xamaas, ayaa soo gabagabeysay howlgalladii ay ka waday koonfurta Qasa, halkaa oo ay ku xoogganayeen kooxaha ay taageerto Israa|l, kuwaasoo la sheegay in laga nadiifiyay marinka oo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaashooda la xiray, kuwa kale la dilay , halkaa qaar ka mid ah la sheegay inay u baxsadeen dhinaca Israa|l.
Telefishinka Al Jazeera, ayaa waxyar ka hor sii daayay warbixin uu ku sheegay inay Xamaas , dib usoo ceshatay awoodeeda maamul ee guud ahaan marinka Qasa, kaddib dagaallo tan iyo shalay gudaha Qasa ka dhacay oo u dhaxeeyay Xamaas iyo kooxo ay taageerto Israa|l, iyadoo warbixinta lagu sheegay in 60 xubnood oo kooxahan ka tirsan la xiray , halka boqollaal kale lagu dilay dagaallada dhacay labadii maalin ee u dambeysay.
Warbixinta , waxaa kaloo lagu xaqiijiyay inay Xamaas ka sameysay gudaha Qasa, baro koontarool oo lagu xaqiijinayo ammaanka marinka, si loo jebiyo iskudayga Israa|l ay ku doonayso dagaal sokeeye inuu ka dhaco gudaha Qasa.
Axad, Oct 12, 2025 {HMC} Saleh Al Jafarawi, oo ka mid ahaa suxufiyiinta Qasa iyo mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu caansanaa internetka ee ka warrami jiray xasuuqa Qasa, ayaa la xaqiijiyay inay toogasho ku dileen kooxo hubeysay oo Falastiiniyiin reer Qasa ah oo ay taageerto Israa|l, kuwaasoo tan iyo shalay weerarro ka fulinaya qeybo ka mid ah marinka Qasa, dagaallo toos ahna la galay ciidanka ammaanka ee Xamaas.
Jafarawi, wuxuu ahaa codkii ugu dheera ee ku haray Qasa, kana badbaaday weerarradii Israa|l ay ku beegsanaysay suxufiyiinta,balse kooxo ay taageerto Israa|l ayaa si toos ah u beegsaday.
W/Q Iman Jamac
Axad, Oct 12, 2025 {HMC} Waxaa sii xoogeysanaya dagaal ka dhex qarxay magaalada Qasa, kaasoo tan iyo shalay u dhexeeya ciidamada Xamaas iyo kooxo hubeysan oo la sheegay in ay yihiin maleeshiyaad taageero ka helaya Israaiil.
Sida ay sheegeen ilo sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Xamaas, dagaalka ayaa dhacay kaddib markii maleeshiyaadku weerareen kooxo dad ah oo kasoo laabtay koonfurta Qasa, halkaas oo ay hore ugu barakaceen intii uu socday duullaankii Israaiil.
Weeraradaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawacyo badan, waxaana la xaqiijiyay in tiro ka mid ah ciidamada ammaanka ee Xamaas la dilay.
Warbaahinta Israa|l ayaa sheegtay in ciidamada Israa|l ay sii wadi doonaan bixinta taageero iyo ilaalin kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Xamaas, xitaa kaddib marka ay ciidamadoodu si rasmi ah uga baxaan Qasa.
Tani waxay muujinaysaa in Israaiil ay weli dooneyso inay gacanta ku hayso xaaladda gudaha Qasa, iyadoo adeegsanaysa kooxo maxalli ah oo ujeedkoodu yahay in ay wiiqaan awoodda iyo xukunka Xamaas.
Ilo amni ayaa sheegay in dagaallada qaarkood ay maanta ka dhaceen deegaanno ku dhow xarumaha maamulka Xamaas ee magaalada Qasa, halkaas oo la sheegay in rasaas culus iyo madaafiic la isku adeegsaday.
Dadka degaanka qaarkood ayaa sheegay in ay maqleen duqeymo iyo dhawaqyo xabbado culus ah oo aan hore looga baran gudaha magaalada, taas oo muujineysa in dagaalka uu ka dhan yahay in Xamaas sii ilaaliso gacanta ay ku hayso magaalada.
Falanqeeyeyaasha ayaa tilmaamaya in dhacdadani ay calaamad u tahay wejiga cusub ee dagaalka Qasa kaddib bixitaanka Israaiil,wejiyo ay calaamad u tahay isku dhac gudaha ah oo laga yaabo in uu Qasa u horseedo fowdo cusub.
Dhanka kale, Xamaas ayaa lagu wadaa inay soo saarto bayaan rasmi ah oo ay kaga hadleyso dhacdooyinkan, iyadoo la filayo inay ku eedeyso Israa|l inay ku sii hurineyso dagaal sokeeye gudaha Qasa.
Waxaa muuqata in Qasa ay markale u gashay marxalad cusub oo khatar ah ,dagaal aan ahayn mid Israaiil toos u wado, balse ay gacan hoose ku leedahay, iyadoo adeegsaneysa maleeshiyaad ka soo jeeda Qasa ah oo u adeega danaha Israaiil.
W/Q Iman Jamac
Axad, Oct 12, 2025 {HMC} Xamaas ayaa ku adkaysatay in la sii daayo hoggaamiyeyaashooda ugu sarreeya Falastiiniyiinta ee ku jira xabsiyada Israaiil.
Hogaamiyayaasha ay dooneyso Xamaas in la siidaayo waxaa kamid ah Marwaan al-Barghuuthi iyo Axmad Sa’daat.
Go aanka Xamaas ayaa waxa uu imaanayaa xilli ay saacado ka dhiman tahay waqtiga la filayo in la saxiixo heshiiska nabadda Qasa, sida ay warisay Wakaaladda wararka ee AFP.
Sunday Oct 12, 2025 {HMC} Prime Minister Abiy Ahmed (Dr.) discussed with the president of the federal republic of Somalia Hassan Sheikh Mohammed.
Prime Minister Abiy Ahmed (Dr) in the message he sent on his social media page, today he has discussed with the president of the Federal Republic of Somalia Hassan Sheikh Mohammed.
In their discussion, they announced that they have consulted on bilateral and continual issues.

Axad 12. October 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Axad 12. October 2025 {HMC} Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Abiy.?