Talaado 7. October 2025 {HMC} Booliska Soomaliland oo gacanta kusoo dhigay Eedaysane dilk ka Geestay magalada Hargeysa.
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 07-10-2025.
Talaado 7. October 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Kulanka oo ku saabsanaa Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Oo kulan yeeshay





Madaxweyne Xasan oo soo jeediyey in la xoojiyo barashada luqadda Sawaaxiliga.
Talado 7, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweynaha urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha ee bariga Afrika – EACCON.
Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan boqolaal ergooyin ah ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku baaqay in la horumariyo luqadda Sawaaxiliga.
“Jaamacadaha dalka, gaar ahaan jaamacadda umadda Soomaaliyeed waa inay xoog badan geliso horumarinta luqadda sawaaxiligaoo ah luqadda ay Afrikada bari leedahay” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Talaabadan ayuu madaxweynuhu sheegay inay muhiim tahay maadaama ay Soomaaliya dhawaan ka mid noqotay bulshada Afrikada bari.
Kumanaan Soomaali ah ayaa ku hadla luqadda Sawaaxiliga oo ahayd mid Soomaalida ay aad u baranayeen tobanaankii sano ee u dambeeyey.
NISA oo war ka soo saartay howlgal ka dhacay Shabeellada Dhexe?
War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa waxaa looga hadlay howlgal lagu dilay saraakiil iyo xubno ka tirsan AS.
NISA ayaa sheegtay in howlgalka laga fuliyay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyadoo lagu dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa AS.
Hoos ka akhriso Bayaanka NISA
Taliye Cabdirashiid Janan oo kulamo la yeeshay Bulshada Beledxaawo?
Talado 7, Oct 2025 {HMC} Taliyaha Hay’adda iyo Nabad Sugida Qaranka NISA ee gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan ayaa maanta magaalada Beledxaawo kulan gaar ah kula yeeshay Bulshada rayidka iyo odoyaasha dhaqanka ee magaaladaasi.
Kulamadan ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Amniga iyo Nabadgalyada deegaannada gobolka Gedo oo toddobaadyadii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Jubbaland.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan Bulshada Rayidka ah kala hadlay qorshaha la doonayo in maamul cusub loogu sameeyo deegaannada Jubbaland.
Qoraal kooban oo uu baahiyay Taliye Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in bulshada degmada Beledxaawo isku afgarteen la shaqeynta maamulka iyo ilaalinta Nabadgalyada guud.
Tan iyo markii ay natiijo la’aan ku soo dhammaadeen wada hadalladii Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Axmed Madoobe waxaa socday dhaqdhaaqyo lagu doonayo in lagu dhiso Maamul cusub oo Jubbaland ah.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda wafdi sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka gaaraan magaalada Garbahaarey ee xarruunta gobolka Gedo, kuwaasi oo qiimeyn doona Xaaladda gobolkaasi.
Qorshaha Maamul u sameynta Jubbaland ayaa waxaa la hadal hayay saacadihii la soo dhaafay, markii uu Madaxweyne Xasan Shiikh dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
MW Xasan Sheekh “Maanta Soomaaliya Shaqaalaha ka shaqeeya ee aan Soomaalida ahayn waxa ay ka yimaadeen Dalalka Bariga Afrika”?
Talado 7, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay dahfurka shirka iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee Dalladda Bulshada Afrika uu yahay isku Milan dhan weliba ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in shaqaalaha Dalka ka shaqeeya ee ajaanibta ah intooda badan in ay kasoo jeedaan Dalalka xubnaha ah Bulshada Bariga Afrika, tani ayuu tilmaamay in ay fursad usoo hoyatay EAC.
Waxa uu bogaadiyay Ganacsatada Soomaaliyeed sida ay uga shaqeeyeen waxqabadka muuqda sida maalgelinta ay ku sameeyeen Dhinaca Waxbarashada iyo adeegyada kale Bulshadu u baahan tahay, waxaana uu ku dhiirrageliyay in ay sii horumariyaan ganacsigooda.
“Maanta Soomaaliya Shaqaalaha ka shaqeeya ee aan Soomaalida ahayn waxa ay ka yimaadeen Dalalka Bariga Afrika, maanta in ay Soomaaliya kasii mid noqoto adduunyada sii socota waa u muhiim” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirka looga hadlayo Iskaashiga Ganacsiga Dalalka Bariga Afrika ayaa markii labaad Magaalada Muqdisho martigelisay, waxaa ka qaybgalay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, wakiillada dalalka EAC & marti kale oo lagu casuumay.
Wasiirka Gaashaandhigga Sweden oo Muqdisho u yimid si uu u Xoojiyo Iskaashiga Difaaca ee Soomaaliya iyo Sweden?
Talado 7, Oct 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Boqortooyada Sweden, Pål Jonson, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo ku yimid booqasho rasmi ah oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga milatari iyo xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden.
Wasiir Pål Jonson ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo uu ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Sheekh Cali, iyadoo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).
Bayaan rasmi ah oo laga soo saaray booqashada ayaa lagu sheegay in uu la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay dhiggiisa Boqortooyada Sweden, Pål Jonson oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.
Kulanka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, gaar ahaan dhinacyada ammaanka, iyo taageerada dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.
Warka kasoo baxay Wasaaradda Gaashandhiga ayaa shaaca looga qaaday in Wasiir Fiqi uga mahadceliyay Dowladda Sweden dhinacyada kala duwan ee ay Soomaaliya ka caawiyaan, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu ku saleysan yahay iskaashi saaxiibtinimo iyo dan guud oo ku wajahan xasillinta gobolka.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Sweden ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixineyso sugidda nabadda iyo guulaha ay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, isagoo ballan qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada iyo horumarinta xirfadda ciidamada Soomaaliyeed.
NISA claims to have killed US leaders and militias.
Tuesday 7, Oct 2025 {HMC} The Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) said in a press release that it had neutralized 7 Al Shabaab fighters, including “leaders and militias”.
The agency said in a press release that the operation took place last night in the Basra area of the Middle Shabelle region, where they were attacked after receiving information about them.
NISA added that the area between Mogadishu and Balad was being prepared for up to 40 fighters, and the agency said that their tent was targeted.
The agency added that “international partners” participated in the operation. International partners are a term used to refer to countries that support Somalia in its fight against Al Shabaab and ISIS.
President Hassan Sheikh Opens Second East African Community Conference (EACON 2025) in Mogadishu
Tuesday 7, Oct 2025 {HMC} he President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, today inaugurated the Second East African Community Conference (EACON 2025) in Mogadishu, marking Somalia’s continued commitment to economic, political, and social integration in the region.
“Somalia has come a long way to be one of the members of the EAC. After more than ten years, Somalia now celebrates its role in developing its economy and engaging with other member states,” President Mohamud said. “The 2060 Vision of Somalia is a signpost for the Somali people.”
He added that Somalia has adopted a private-driven economic system to enhance all sectors of the economy and highlighted the importance of technology: “Artificial intelligence is not the future — it is already here, and if used correctly, it can guide us toward progress.”
On education, the President emphasized: “Education without financial support cannot be achieved. Our universities must begin teaching Arabic, as Somalia has joined the Arab League, and Swahili, as we are now part of the East African Community.”
The event was chaired by Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, Rector of the Somali National University and Chairperson of the EACON 2025 Organizing Committee, who welcomed participants and underscored the importance of regional collaboration for sustainable development.
Deputy Foreign Minister Ali Mohamed Omar (Ali Balcad) noted that the conference focuses on knowledge sharing, agricultural productivity, and leveraging modern technology, expressing optimism that it will produce tangible results.
Minister of Education Farah Sheikh Abdikadir highlighted the need for education to guide production and innovation, ensuring strong links between education, trade, and agriculture across the region.
Minister of Agriculture Mohamed Abdi Hayir Maareeye stated: “For a long time, our people depended on imported goods, but now, with increased domestic production, we are exporting Somali crops to the world. This is a key priority for boosting the economies of EAC member states.”
Dr. Mathew emphasized that regional communities have multiple avenues to benefit, making development and everyday life easier and more productive.
Kamaal Guutaale, Permanent Secretary in the Prime Minister’s Office, said Somalia is investing in economic infrastructure and that educational institutions play a central role in EAC cooperation.
Dr. Cabdikariin Muxudiin Axmed, Rector of SIMAD University, welcomed Somalia’s integration into the regional market, describing it as a milestone for the country.
Björn Richter, representing the German Development Agency, reaffirmed Germany’s support: “Somalia is making remarkable strides, having recently joined the East African Community. We are ready to stand with Somalia.”
Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, as Chairperson of the organizing committee, reiterated that EACON 2025 provides a platform for dialogue on accelerating economic integration, strengthening trade, and promoting political cooperation across East Africa.
The conference brought together business leaders, academics, regional experts, and international stakeholders, who engaged in discussions on practical steps to advance regional development and collaboration.
source sonna




