Home Blog Page 453

Ilhaan Cumar oo Jawaab kulul siisay Trump oo markale weerar afka ah ku qaaday Soomaaliya.

Arbaco 08, Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa markale weerar afka ah ku qaaday Soomaaliya isaga oo tusaale aan isku dhigmin ku dhinac dhigay Xisbiga Siyaasadda ay isku hayaan ee Dimuqraadiga, waxa uu durba la kulmay jawaab culus oo uga timid dhanka Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Trump ayaa tusaale usoo qaatay in Xisbiga Dimuqraadiga uu yahay mid aan hoggaamiye lahayn oo jahwareersan isla markaana xusuusiyo Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay, isaga oo yiri “Dimuqraadigu ma lahan Hoggaamiye, waxa ay I xusuusiyaan Soomaaliya”.

Intaas kaddib, Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa bartiisa X (Twitter) soo dhigtay qoraal ay uga jawaabayso Hadallada aan ka fiirsiga uusan u dhihin Madaxweynaha Donald Trump ee ugu gafay Soomaaliya, shaqsiyaddeeda iyo Xisbigeedaba.

“Maalin cusub, Sheeko been ah oo isla mid ah, Donald Trump waa nin aan xishoon, Cunsuri ah oo Musuqmaasuq iyo been sheegid isku darsaday, waad ku mahadsan tahay dareenka arrintaan” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Donald Trump ayaa dhowaan la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo u sheegay in uu Ilhaan Cumar u wado dalkeeda asalka ah balse wuu ka diiday, muddo oo sheekado dansanayd haatan ayuu dib usoo faagay Trump.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa horay isaga caabisay weerarro Afka ah oo uga yimid Donald Trump & xubno katirsan Xisbigiisa Jamhuuriga ah, waxa ay ku sheegtay in uu u baahan yahay in la baro shuruucda Dalkaas iyo kan caalamiga ah.

Iiran oo heshay kayd cusub oo gaaska dabicii ah, oo lagu qiyaasay 10 tirilyan

0

Talado 7, Oct 2025 {HMC} Iiraan ayaa heshay kayd cusub oo gaaska dabicii ah oo lagu qiyaasay 10 tirilyan oo cubic feet oo qiime ahaan ku dhow 50 bilyan oo dollar , taas oo si weyn u kordhinaysa kaydka tamarta dabiiciga ah ee Iiraan.

Iiraan hore ayay ugu jirtay kaalinta labaad ee adduunka ee dalalka heysta kaydka ugu badan ee gaaska dabiiciga ah , kaliya waxaa ka horreeya Ruushka,balse helitaankan cusub ayaa ka dhigan in awooddeeda tamareed ay sii ballaaratay, sida ay werisey RT.

Ku dhawaaqista inay Iiraan heshay kayd cusub oo gaaska daiicaga ah waa mid aan laga soo dhaweynayn Mareykanka iyo Israa|l oo ku qasban inay sameeyaan fallanqeyn, maadaama helitaankan uu kordhinayo awoodda dhaqaale, siyaasadeed iyo istiraatiijiyadeed ee Iiraan.

Israaiil oo Malaayiin Doolar ku Bixineyso Sidii ay u Maamulilaheyd Awooda Internetka Aduunka.

0

Talado 7, Oct 2025 {HMC} Israaiil ayaa 6 milyan oo dollar ku bixinaysa in la dhiso shabakaddo internet-ka oo lagu xirayo ChatGPT, Gemini iyo Gro, oo dhammaantood ah barnaamijyo Ai ah oo loo adeegsado xog baarista , iyadoo lagu shubayo macluumaad lagu taageerrayo Israaiil.

Qorshaha wuxuu yahay in isla marka ChatGPT, la waydiiyo macluumaad la xiriira dagaalka marinka Qasa ee ay xasuuqa ka wado Israaiil, waxay noqonaysaa warbixinta aad ka heleyso mid u xaglinaysa Isra|l, halkaa oo laga saarayo wax walba oo ka dhan ah Telaabiib.

Tan oo qeyb ka ah qorshe sannadkii lagu bixinayo in ka badan 140 milyan oo dollar oo lagu doonayo in muddo la yar shan sanno laga waayo internetka macluumaad kasta oo ka dhan ah Israaiil ama la xiriira dagaalka Qasa.

Israaiil waxay howshan u xilsaartay inuu kala shaqeeyo shirkad uu leeyahay Brad Parscale, oo ahaa maamulihii hore ee ololaha doorashada ee Donald Trump, kaddib markii ay jahwareer ka wajahday dareenka caalamka gaar ahaana dalalka galbeedka oo ay ka dhaceen wax aysan horey u xisaabin oo ah kacdoon bulsho oo lagu diidayo ficillada arxan-darrada ah ee Israaiil, waxaana ka dhacay dhammaan caasimaadaha reer galbeedka isku soo baxyo aan xad lahayn oo malaayiin qof ay ka qaybgaleen, taa oo argagax ku noqotay Israaiil.

Ma jirin banananbaxyada ka dhacay Yurub, Mareykanka iyo Australia, dal Carbeed marka laga soo tago Yemen oo ay ka dhaceen , sidoo kale ma jirin shaqsiyaad caan ah oo sameeyay abaabul bulsho oo ka dhan ah Israaiil , gudaha Carabta, halka dalalka galbeedka ay ka dhacday inay soo Islaamaan boqollaal ruux oo ay ku jiraan xubno caan ah, dabcan Israaiil waxay horey u qabatay shaqo taa oo lagu aamusiyay Carabta, laakin si aysan horey u xisaabin dhibaato weyn iyo codod ka dheer Carabta ayaa ka soo baxay galbeedka , taa oo ah waxa ay hadda doonayso inay raadiso habab lagu aamusin karo.

Netanyahu, wuxuu toddobaad ka hor yiri ; “ Bambooyinka Mareykanka waxaa ka xooggan oo saameyn iyo xanuun darran leh baraha bulshada oo ay ka socdaan wax naga dhan ah.”
Halka xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio oo ka mid ah shaqsiyaadka daacada u ah Israaiil uu qiray; “ Israaiil waxaa ay noqotay mid laga nacay dunidda.”

Putin ayaa isagana toddobaad ka hor yiri : “ Waxay wajahaysa Israaiil naceyb raacay xiddidada jiilka da’yarta ah, taa oo ah xaalad aan adkeysi loo yeelan karin… Waa in la dhageysto Falastiiniyiinta si arrintan looga baxo.”

Burcadda Dhinaca kombiyuutarrada oo ka soo jeedda kuuriyada waqooyi ayaa dhacay lacag aad u badan.

0

Talado 7, Oct 2025 {HMC} Burcadda kombiyuutarrada oo lala xiriirinayo maamulka Kuuriyada Waqooyi ayaa xaday in ka badan $2 bilyan (£1.49bn) sida ay sheegeen cilmi-baarayaal sheegay in 2025-ka uu yahay sannadka ay xatooyada jabin doonto rikoorada.

Xatooyada ayaa hadda ka dhigan qiyaastii 13% wax soo saarka guud ee dalka (GDP), sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Laamaha ammaanka ee reer galbeedka ayaa sheegay in lacagtan lagu maalgeliyo hubka Nukliyeerka ah ee Kuuriyada Waqooyi iyo barnaamijyada horumarinta gantaallada.

Sanadihii la soo dhaafay, kooxaha jabsada kombiyuutarrada sida Kooxda Lazarus ayaa bartilmaameedsanayay xaddi badan oo cryptocurrency ah.

Weerarradan oo ah kii ugu cuslaa ayaa dhacay bishii Febraayo ee sanadkan markaasoo tuugadu ay $1.4 bilyan ka xadeen shirkadda lacagta dhijitaalka ah ee ByBit.

Laakiin cilmi-baaris cusub oo ay sameeyeen cilmi-baarayaasha Elliptic ayaa ka digaya in dambiilayaasha internetka ay sii kordhinayaan beegsiga dadka haysta lacag badan oo dhijitaal ah.

Somaliland oo mar kale Shaacisay heshiiskii ay la galeen Puntland in uu yahay raadinta Aqoonsiga Somaliland.

0

Talado 7, Oct 2025 {HMC} Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay heshiiska ay xukuumaddu la gashay Dawladda Puntland uu leeyahay istaraatajiyad amni oo fog iyo miisaan diblomaasiyaddeed.

“Heshiiska ay Somaliland la gashay  Puntland, waxa uu leeyahay istaraatijiyado amni oo fog, iyo miisaan diblomaasiyadeed oo xoojinaya doodda aqoonsiga iyo garawshiiyaha qarannimada aynu dunida uga rabno,” ayuu yiri Wasiir Khadar.

Wasiirka madaxtooyaddu wuxuu sheegay in heshiiskani ka xeeldheer yahay inuu fahmo ruux aan wax badan ka aqoon istaraatijiyadaha dawladnimo, waxaana u yiri “Way ka xeeldheertay wax uu fahmi karo ruux aan wax badan ka aqoon istaraatiyadaha dawladnimo, siyaasaddana u yaqaanna naxli uu ka dhex abuuro dadkiisa iyo magaaladii uu Maayar ka u ahaa ee Burco iyo inuu hagardaamada gobolkiisa cid kale ku raalligeliyo.”

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- Dhismaha Jubaland Cusub iyo Caqabadaha uga imaan karo DF,

0

Talaado 7. October  2025 {HMC} FALANQEYN:- Dhismaha Jubaland Cusub iyo Caqabadaha uga imaan karo DF,

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Taliye Abdirashiid Janan “Shacabka Jubaland Ha U Diyaar Garoobaan Doorashada Madaxtinimad

0

Talaado 7. October  2025 {HMC} Taliye Abdirashiid Janan “Shacabka Jubaland Ha U Diyaar Garoobaan Doorashada Madaxtinimad

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Soomaliland oo gacanta kusoo dhigay Eedaysane dilk ka Geestay magalada Hargeysa.

0

Talaado 7. October  2025 {HMC} Booliska Soomaliland oo gacanta kusoo dhigay Eedaysane dilk ka Geestay magalada Hargeysa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 07-10-2025.

0

Talaado 7. October  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Kulanka oo ku saabsanaa Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Oo kulan yeeshay

Talaado 7, Oct 2025 {HMC}  Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare , oo gudanaya waajibaadkooda Dastuuriga ah ee ku saabsan korjoogtaynta iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda, ayaa maanta xafiiskooda ku martiqaaday masuuliyiinta Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame.
Kulanka oo ku saabsanaa kala warqaadasho iyo isla-xisaabtan la xiriira howlaha Wasaaradda, ayaa diiradda lagu saaray qorshaha guud ee Wasaaradda, xiriirka kala dhexeeya dowlad-goboleedyada, mashaariicda ay gacanta ku hayaan iyo habka loo maamulo, caqabadaha jira ee ku aaddan qiimaha korontada, halka uu marayo dhaqan-gelinta sharciga korontada, arrimaha biyaha dalka, iyo su’aalo kale oo muhiim ah.
Wasiirka, Wasiir-ku-xigeenka Marwo Suhuur Xaaji, iyo xubnaha kale ee la socday ayaa Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare si faahfaahsan uga jawaabay dhammaan su’aalihii la weydiiyay, iyagoo bixiyay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan howlaha iyo qorshayaasha Wasaaradda.
Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Senator Saynab Ismaaciil Maxamed, oo kulanka soo xiray, ayaa uga mahadcelisay Wasiirka iyo wafdigiisa sida ay warbixin cad uga bixiyeen howlaha Wasaaradda. Sidoo kale, waxay ku adkaysay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta sharciyada la ansixiyay iyo hirgelinta qorshayaasha adeegyada muhiimka ah ee ay Wasaaraddu u qabato shacabka Soomaaliyeed.