Home Blog Page 457

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay Qorshaha xiga kadib shirkii Fashilka kusoo dhamaaday ee Kismaayo.?

0

Talaado 7. October  2025 {HMC} Muxuu yahay Qorshaha xiga kadib shirkii Fashilka kusoo dhamaaday ee Kismaayo.?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 07-10-2025

0

Talaado  7. October  2025 {HMC} {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo : Abdimaajid Abdirahmaan Aadan

Farsamadii ::Yasin Ali Ahmed

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Dal wuxuu ku lumaa ficillada siyaasadda, Sida Soomaaliya Camal.

Talado 7, Oct 2025 {HMC} Mararka qaar dal wuxuu ku lumaa ficillada siyaasadda, sida markab aan lahayn jiheeye. Soomaaliya maanta waxay ku jirtaa marxalad noocaas ah.

Dawlad dhexe iyo dawlad-goboleedyo is khilaafsan, faragelin shisheeye oo sii hurineysa, iyo kalsooni dadweyne oo sii yaraanaysa.

Laakiin taariikhdu waxay na baraysaa in dal kasta oo sidaas u burbura uu dib isu dhisi karo,haddii hoggaankiisu yeesho niyad, dulqaad iyo waddaniyad.

Koonfur Afrika markii ay ka baxaysay nidaamkii midab-takoorka, dadku way kala fogaayeen, balse Nelson Mandela wuxuu doortay wadadii cafiska iyo isu keenidda. Wuxuu diiday aargoosi, wuxuuna dhisay dawlad ku saleysan run sheegis iyo bogsiin.

Bosnia dagaal sokeeye oo qoomiyado isku dileen ayey uga baxday heshiis, balse ma ahayn heshiiska mid waqtigaa loo arkayay mid wanaagsan, laakiin wuxuu joojiyey dhiig.

Indonesia markii ay burburtay dawladdii Suharto, dadku waxay oggaadeen in midnimada lagu ilaalin karo awood qaybsan oo cadaalad ah , gobollo helay qaybtooda ayaa lagu badbaadiyay qaranimada.

Colombia waxay dagaal 50 sano socday ku joojisay wadahadal. Dawladdii iyo kooxihii hubeysnaa waxay isku raaceen in dagaal aan lagu gaari karin guul qaran , waxayna dhiseen waddo cusub oo nabad iyo siyaasad xasilloon.

Casharka Soomaaliya ka baran karto dhacdooyinkan hore ayaa ah ,dawladnimadu ma aha dagaal iyo awood ee waa heshiis lagu wada noolaan karo. Madaxweynaha federaalka waa inuu noqdaa mideeye, ma aha tartame,

madaxda dawlad-gobolleedyadana waa in ay noqdaan tiirka dawladnimada, ma aha mucaarad. Xal kama yimaado shisheeye, wuxuu ku imaanayaa marka Soomaalidu isku miis fariisato, is maqasho, oo is aaminto.

Haddii waddaniyad dhab ah lagu dhaqmo, maanta khilaafkeennu wuxuu noqon karaa berri cashar ay Afrika iyo duniduba ku dayato!

W/Q Iman Jama.

Israaiil oo 45 milyan oo Dollar ku bixineyso ololaha internetka.

0

Talado 7, Oct 2025 {HMC Wargeyska Israaiil ka soo baxa ee Ynet, ayaa maanta ku warramay inay wasaaradda arrimaha dibadda Israiil u qoondeysay lacag gaaraysa 145 milyan oo dollar sannadkan 2025 in lagu bixiyo ololaha internetka ee lagu taageerrayo Israaiil, waxayna heshiis la gaartay shirkadda Clock Tower X LLC, oo uu hoggaamiyo Brad Parscale, oo horey u ahaa maamulihii ololaha doorashada ee Donald Trump.

Qorshahan oo loogu magac darray Project 545,wuxuu diirada saarayaa baraha bulshada iyo barnaamijyada Ai-ga si loo beegsado dhallinyarada jiilka loogu yeero Gen Z ee isticmaalaya baraha TikTok, YouTube, iyo Instagram.

Waxaana ujeedku yahay in la khiyaameeyo algorithms-ka baraha bulshada iyo in la saameeyo nidaamyo ChatGPT iyo Gemini, ka daadinaya xogaha ka dhanka ah Israaiil , taa beddelkeedana lagu abuuro warar iyo aragtiyo taageeraya Israaiil, si looga waayo xog iyo warbixinno ka dhan ah Isra|l.

{DAAWO MUQAALKA} Howlgal ka dhan ah A.S oo laga fuliyay deegaano badan oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.

0

Isniin  6 October  2025 {HMC} Howlgal ka dhan ah A.S oo laga fuliyay deegaano badan oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 06-10-2025.

0

Isniin  6 October  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Dowladda Fedaraalka oo abaal marin u balan qaaday askarigii Madaxtooyada ka celiyay Al-shabaabkii weeraray godka Jilicow?

Talado 6, Oct 2025 {HMC} Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cumar Cali Cabdi ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho kaga hadlay weerarkii maalin ka hor kooxda Al-shabaab ku qaaday godka Jilicow ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Cumar Cali ayaa ku tilmaamay weerarkii godka Jilicow Sabtidii ka dhacay inuu ahaa weerar caadi ah oo la mid ah kuwa ka dhaca caalamka.

“Weerarkii godka Jilicow ku qaaday Khawaarijta waxuu la mid yahay weerarada argagixiso ee dunida ka dhaca Muqdisho waa amni sanad gudaheed ayaa hal qarax dhacay” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Cumar Cali.

Wuxuu sidoo kale xusay Wasiiru dowlaha in dowladda ay abaal marin siineyso askarigii wadada Madaxtooyada ka celiyay maleeshiyaadka weeraray godka Jilicow.

“Waxaan balan qaadaya inaan abaal marin siin doonto dowladda askarigii Khawaarijta ka celiyay iney u soo gudbaan dhanka wadada Madaxtooyada, askariga iyo kuwa la mid ka ah waa la abaal marin doona” ayuu yiri Wasiir Cumar Cali.

Hadalka Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo Sabtigii la soo dhaafay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab weerar ku galeen godka Jilicow oo ah xabsi ay maamuusho hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, kaasoo ku yaala meel aan sidaa uga fogeyn xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

{DAAWO SAWIRADA} maareeyaha Dekadda Muqdisho oo maanta Dekadda weyn ee Caasimadda kusoo dhaweeyay ganacsato Soomaaliyeed

Isniin 6, Oct 2025 {HMC} Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) ayaa oo dhawaan Muqdisho uga qeyb galay Shirka Iskaashiga Ganacsiga, Maalgashiga ee Soomaaliya iyo Maraykanka.
Ganacsatadan Soomaaliyeed ee soo booqatay Dekadda Muqdisho ayaa ka kala socday Dekadda Garacad iyo sidoo kale Mareykanka, kuwaas oo kormeer socod ah ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Dekadda Caasimadda, xiligaas oo ay ka socotay shaqa baaxad leh oo loogu adeeyay umadda Soomaaliyeed, iyaga oo bogaadiyay horumarka muuqda ee ka jira Dekadda Magaalada Muqdisho.
Maareeyaha Dekadda Muqdisho Mudane Danjire Maxamed Cali Nuur (Americo) ayaa sheegay inay ka go’an tahay tallaaba kaste oo lagu horumarinaayo sidii Dekadda Muqdisho ay u noqon laheyd mida ugu wanaagsan Afrika.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Maalgashiga ayaa maanta furay shir .

Isniin 6, Oct 2025 {HMC}Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta furay kulanka dib-u-eegista iyo ansixinta Manhajka Qiimaynt a Qaranka iyo Habraaca Hagaha Qaranka, kaas oo lagu qabtay xarunta dhexe ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka ee Muqdisho.
Shirkan oo ay ka qaybgaleen wakiillo ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista aqoonta qiimaynta, dhismaha nidaam mideysan oo lagu hago hawlaha qiimaynta, iyo xoojinta hannaanka isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta dowladda.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga dooday Manhajka Qiimaynta Qaranka, oo lagu dhisayo awoodda aqooneed ee shaqaalaha dowladda iyo hay’adaha la shaqeeya, iyo Habraaca Hagaha Qaranka, oo dejinaya nidaam mideysan iyo heerar lagu hago dhammaan qiimaynta dowladeed. Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda ayaa wax ku daris iyo dhammeystir ku sameeyay labada dukumenti ee maanta si wanaagsan looga dooday.
Wasiir Ku-xigeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay labada dukumenti u leeyihiin dhismaha awood qaran oo lagu xaqiijinayo hufnaan, isla-xisaabtan iyo horumar waara. Sidoo kale, wuxuu xusay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay hirgelinta nidaam qiimayn hufan oo la jaanqaadaya Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), isla markaana taageeraya qorshayaasha horumarineed ee dalka.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay isfahan guud iyo go’aanno lagu adkaynayo wada-shaqaynta, tababarrada la xiriira manhajka qiimaynta, iyo hirgelinta Habraaca Hagaha Qaranka, si loo mideeyo hab-dhaqanka qiimaynta ee dowladda iyo la-hawlgalayaasheeda.

Safiirka JFS ee dalka Aljeeriya iyo Taliyaha Booliska Qaranka Aljeeriya Ayaa kahadlay xoojinta xiriirka iskaashi.

Isniin 6, Oct 2025 {HMC}Kulan dhexmaray Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego), iyo Taliyaha Guud ee Booliska Qaranka Aljeeriya, Mudane Cali Badaawi, ayaa ka dhacay xarunta guud ee Taliska Booliska dalka Aljeeriya.
Intii uu kulanku socday, labada masuul waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Sidoo kale, waxay diiradda saareen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada ciidan boolis, gaar ahaan dhinacyada dhismaha Booliska Soomaaliyeed, tababarada khaaska ah, iyo horumarinta xirfadaha ku saabsan ku dhaqanka hababka sayniska iyo farsamooyinka baaritaanka dambiyada madaniga ah, sida baarista faraha, baarista DNA-da, iyo baaritaanka goobaha dambiyadu ka dhacaan.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku afgartay in ay si buuxda uga wada shaqeeyaan la dagaallanka argagixisada iyo xoojinta amniga guud ee labada dal.