Home Blog Page 459

{DAAWO MUQAALKA} Dr Koofi Dadka soomaaliyeed Dhibaatada ay Dowladda u Geeysatay waaka Bixi Doonaan.

0

Isniin  6 October  2025 {HMC}  Dr Koofi Dadka soomaaliyeed Dhibaatada ay Dowladda u Geeysatay waaka Bixi Doonaan.

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo Beenisay ineey ka shaqeeyneyso Aqoonsiga Somaliland

0

Isniin  6 October  2025 {HMC} Puntland oo Beenisay ineey ka shaqeeyneyso Aqoonsiga Somaliland

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 06-10-2025

0

Isniin  6 October  2025 {HMC} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 06-10-2025

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Kukamo leesku Mari la yahay oo Wali ka socda Magaalada Kismaayo

0

Isniin  6 October  2025 {HMC} Kukamo leesku Mari la yahay oo Wali ka socda Magaalada Kismaayo

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Wadahadalladii Kismaayo oo Natiijo La’aan Kusoo Dhammaaday?

Talado 6, Oct 2025 {HMC} Weftiga uu hoggaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kasoo dhoofay magaalada Kismaayo, kadib wadahadallo saacado badan qaatay oo uu la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), Madaxweyne Madoobe ayaa si shakhsi ah garoonka uga soo sagootiyay weftiga Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo ku dhow labada dhinac, wadahadallada ayaa kusoo dhammaaday iyada oo aan wax natiijo la taaban karo laga gaarin, iyadoo khilaafaadka u dhexeeya ay sidoodii u sii jiraan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya oo laga ilaaliyay in lagu soo hadal qaado Magaca Madaxweynaha Jubaland ayaa lagu sheegay in wadahadallada laga sameeyay horumar, iyadoo lagu heshiiyay in wadatashiyada la sii wado, laguna laabto kulammo kale oo lagu sii ambaqaado geeddi-socodka wadahadalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Jubbaland iyo shacabka Kismaayo soo dhoweyntii diirranayd iyo martigelinta, isagoo xusay in wadajirka iyo midnimada Soomaaliyeed muhiim u tahay horumarka dalka sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhaggay aragtida ah in doorashadii Kismaayo ka dhacday Noofeembar 2024 ee Axmed Madoobe loogu doortay madaxweynaha Jubaland ay waxba kama jiraan tahay, isla markaan uu ku soo laabto kulamada Golaha Wadatashiga Qaranka.

Axmed Madoobe ayaa isna ku dhagnaa in doorashadii dhacday Noofeembar 2024 aan wax gorgortan ah laga gali karin, iyo in laga laabto warqaddii waaranka ahayd ee loo jaray isaga si loo soo xiro, qodobadaas badalkoodadana uu dawladda federaalka kala shaqaynayo geedi socodka dawlad dhiska Soomaaliya.

Khilaafka u dhexeeya dowladda Federalka iyo Jubbaland ayaa muddo soo jiitamayay, wuxuuna soo billowday sanadkii hore markii maamulka Jubbaland ay soo saareen liiska xubnaha guddiga doorashada iyadoo dowladda federalkuna doonaysay in la mideeyo doorashooyinka heer federaal iyo maamul goboleed ee dalka oo dhan.

Markaa kaddib qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha guddaha ayey cambaareysay waxay ku sheegtay “tallaabo sharci darro ah” in Madaxweyne Axmed ku magaacabay guddiga doorashada ee Jubbaland.

Doorashada markii ay dhacday oo lagu doortay Madaxweyne Axmed ayey golaha wasiirrada xukuumada Federaalka sheegeen in doorashada ka dhacday Jubbaland ee dib loogu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay tahay mid sharci darro ah, isaga iyo xubnihii doortayba, waxay dowladdu ugu yeertay Axmed Madoobe “hoggaamiye hore”. Dhammaan tallaabooyinkii la xiriiray doorashadaas ayaa xukuumaddu federaalku ku tilmaantay kuwo aan sharciga waafaqsaneyn.

Wadahadallada Kismaayo ayaa loo arkayay fursad muhiim ah oo lagu dhisi lahaa iskaashi iyo kalsooni kadib sanado ay jireen xiisado siyaasadeed iyo khilaafaad soo noqnoqday oo u dhexeeya labada dhinac.

Somaliland oo sheegtay in ay Puntland ku heshiiyeen ka hor taga maamulka Waqooyi Bari?

Talado 6, Oct 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Maxamed Yuusuf, oo waraysi siiyay BBC Somali, ayaa sheegay in ay Puntland ku heshiiyeen sidii looga hortagi lahaa maamulka Waqooyi Bari ee dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Laascaanood.

Waxa uu sheegay in ay iska kaashanayaan la dagaalanka nabadgalyo darada isaga oo sheegay in ay jiraan kooxo maxali ah dhibaato wada iyo kuwa caalami ah, oo loo baahanyahay in layska kaashado, isaga oo si gaar ah u sheegay in ay iska kaashandoonaan ka hor taga Maamulka Waqooyi Bari.

“Xuduuda Somaliland waa meel la yaqaano, Jamhuuriyada Somaliland waxay ka qaadatay madaxnannaanida Ingiriiska 1960 kii, waana xad la yaqaano oo xadkii Talyaaniga iyo Ingiriiska u dhaxayn jiray, waxa meesha laga saarayaana waa xuudahan sanaaciga ah ee lasoo dhex galiyay, sida maamulka oo iyaguna ayna ogolayn anaguna anaan ogolayn” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa uu sheegay in Somaliland iyo Puntland labaduba ay maamulka Waqooyi Bari u arkaan dhibaato ay dowlada Soomaaliya ka abuurtay dhexdooda isaga oo sheegay in anay ogolayn, in maamulkaasi uu hano qaado oo uu dhexdooda ka samaysmo.

“Waa meelaha cadawga khaarajiga ahi uu ku dhuunto, waana meelaha aanu ka taxadarayno in ay noqoto gaboodyo naloo soo galo labadayada dhinacba, waana meelaha aanu iska kaashanayno” ayuu yidhi wasiirku.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay in laga wada shaqeeyo nabada magaalada Ceerigaabo, isla markaana in laga shaqeeyo in dadkii magaalada ka qaxay ay dib ugu soo noqdaan.

Waxyaabaha kale ee ay isla afgarteen waxa kamid ah in si wada jir ah loola dagaalamo argagixisada, iyo isku socodka dadka iyo ganacsiga in la xoojiyo

Kulankii koowaad ee Xasan Sheikh iyo Axmed Madoobe oo kusoo dhamaaday natiijo la’aan

Talado 6, Oct 2025 {HMC} Kulan xalay madaxtooyada Kismaayo ku dhexmaray madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madooe ayaa kusoo dhamaaday natiijo la’aan, iyadoo mar kale saakay lagu wado in kulankii labaad ay yeeshaan labada dhinac.

Qodobka ugu weyn ee la isku qabtay ayaa ah, in madaxweyne Axmed Madoobe uu ka laabto doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday magaalada Kismaayo, uuna kusoo laabto heshiiskii midaynayay doorashooyinka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday qodobkaas, isagoo sheegay in aan laga wadahadli Karin arrimaha ku saabsan doorashadiisa, balse ay ka xaajoon doonaan arrimaha kale ee la xiriira dastuurka iyo doorashooyinka dalka.

Haddii saakay lagu guul daraysto wada xaajoodka, waxaa laga yabaa in madaxweyne Xasan Sheikh uu dib ugu laabto magaalada Muqdisho, inkastoo dhinacyada shirka qeybta ka ah ay ku dadaalayaan in heshiis laga gaaro khilaafka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan madaxweyne u aqoonsanayn Axmed Madoobe. Warbixintii shalay kasoo baxday safarka madaxweyne Xasan Sheikh uu ku tagay Kismaayo laguma xusin magaca madaxweyne Axmed Madoobe iy guud ahaan maamulka Jubbaland.

Wasiir Fiqi “Weerarkii Jilicow wuxuu ahaa mid AS ku qarinayeen guul darooyin kasoo wajahay furimaha dagaalka”

Talado 6, Oct 2025 {HMC} Wasiirka Wasaararda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay guulaha ciidanka xoogga dalka kasoo hoyeen howlgalada ay ka wadaan gobolka Shabeellaha Hoose iyo weerarkii kooxdu ka geystay godka Jilicow.

Wasiir Fiqi ayaa ugu horeyn bogaadiyey guulaha ciidanka dowladdu ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee kooxda Al-shabaab looga xureeyay deegaanada kala ah Awdhiigle, Bariire, Sabiib, Canoole iyo deegaano kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sidoo kale xusay Wasiir Fiqi in howlgaladan loogu magac daray duufaanta aamusan ay qeyb ka yihiin dadaalo balaaran oo lagu xoreynayo dhamaan dhulka ay gacanta ku hayaaan Al-shabaab.

“Ciidamada xoogga dalka waxay muujinayaan geesinimo iyo karti ay ku xoreynayaan deegaanada ay cadowgu ku dhuumanayaan, waxaan xaqiijinaynaa in howlgaladan ay sii socon doonaan ilaa dalka laga ciribtiro kooxaha nabad-diidka ah” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi.

Dhanka kale Wasiir Fiqi ayaa weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday godka Jilicow ku tilmaamay mid muujinaya naf lacaariga maleshiyaadka Al-shabaab, islamarkaana ay ku qarinayaan guul darooyinka ay kala kulmeen howlgaladii ugu dambeeyay ee dhacay.

“Khawaarijta weerarkii Jilicow wuxuu ahaa mid ay ku qarinayeen guul darrooyinka ka soo wajahay furimaha dagaalka ee Sabiib, Caanoole, Bariire, Ceeldheer iyo xoreyntii ugu dambeysay ee Awdheegle, waxaan dhihi karnaa Al-shabaab waxay ku jiraan rafashadii ugu dambeysay” ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Ugu dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada dowladda si dalka looga xureeyo kooxda Al-shabaab ee dhibaatada daran ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

{DAAWO MUQAALKA} Yaa ka Dambeeyey Safarka MW xasan sheekh ku tagay Magaalada kismaayo.?

0

Isniin  6 October  2025 {HMC} Yaa ka Dambeeyey Safarka MW xasan sheekh ku tagay Magaalada kismaayo.?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Wadahadaladii dhaxmaray Axmed madoobe iyo Xasan sheekh oo Natiijo la’aan kusoo dhaamaday

0

Isniin  6 October  2025 {HMC} Wadahadaladii dhaxmaray Axmed madoobe iyo Xasan sheekh oo Natiijo la’aan kusoo dhaamaday

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA