Sabti 4 October 2025 {HMC} iiraan Dil ku Fulisay Dad la shaqeeynayey Israa’iil.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Sabti 4 October 2025 {HMC} iiraan Dil ku Fulisay Dad la shaqeeynayey Israa’iil.
Sabti 4 October 2025 {HMC} {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::cabdi nuur caraboow
Sabti 4 October 2025 {HMC} Kulamo ka socda Magaalada Kismaayo iyo MW Xasan sheekh oo ku wajahan
Sabti 4 October 2025 {HMC} Trump oo Doonayo Dhibco siyaasadeed inuu ku qaato Soo Afjarida Dagaalka Qasa
Sabti 4 Oct , 2025 {HMC} Weerar uu fuliyay Ruushka ayaa maanta lagu dilay wariye Faransiis ah oo lagu magacaabo Antoni Lallican, isagoo ku sugnaa agagaarka magaalada Druzhkivka ee gobolka Donetsk, xilli uu la socday ciidanka Ukraine, sida laga soo xigtay France 24.
Lallican, wuxuu tan iyo sannadkii 2022 , soo gudbinayay wararka dagaalka Ukraine , isagoo tagayay goobaha dagaalka.
Waxay u muuqataa weerarkan in loo fuliyay ujeeddo gaar ah , waxaana laga fahmi karaa saxafigan inuu waqti dheer bartilmaameed u ahaa ciidanka Ruushka , balse dilkiisa waxaa lagu aadiyay maalin kaddib markii ciidanka Faransiiska ay xireen kabtanka markab uu Ruushka leeyahay oo qaada shidaalka oo ay toddobaadkan afduubeen ciidanka Faransiiska , iyagoo ku eedeynaya inuu markabkan fulinayay howlgallo milatariga oo dushiisa laga dirayay diyaaraddo aan duuliye lahayn oo la dul geeyay xarumo muhiim ah oo ku yaalla dalalka waqooyiga Yurub.
Dilkan oo loo tixgelinayo farriin ku socota Faransiiska oo loo sheegayo sida ay bartilmaameedyo u yihiin muwaadiniintiisa , wuxuu Ruushka u adeegsaday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo leh nidaamyo hagis aragtida ah oo lagu qarxiyay wariyahan isagoo ku dhex jira suxufiyiin kale ,waxaana geeriyooday kaligii, halka wariye kale oo Ukraine u dhashay uu dhaawacmay, taa oo loo qaadan karo inuu ahaa bartilmaameed toos ah.
Saturday 4 Oct , 2025 {HMC} Xamaas ayaa sheegtay in ay ogolaatay in la sii daayo dhamaan la haystayaasha Israa’iil, iyadoo la raacayo soo jeedinta Madaxweynaha Maraykanka Trump ee qorshaha Nabada Gaza.
Xamaas ayaa wareejindoonto dhamaan Maxaabiista kuwa dhintay iyo Kuwa nool sida ay Baahisay TV ga al jazeera.
Ururka Xamaas, ayaa gudbiyay mowqifkooda qorshaha Trump uu soo bandhigay ee dagaalka Qasa, iyagoo la wadaagay dhex dhexaadiyaasha, sida ay werisey Al Jazeera.
Lama helin faahfaahin, haddii ay Xamaas oggolaadeen qorshaha ama ay ku sameeyeen wax ka beddel, xilli Aqalka Cad hadal ka soo baxay waxyar ka hor lagu sheegay ; “ Haddii ay Xamaas diido inay ansixiso qorshaha nabadda Qasa, waxaa ku dhici doona cawaaqib xun oo aysan horey u qiyaasin.” Isla hadalkan waxaa ka horreyay hanjabaad uu Trump diray oo ah haddii Xamaas ay iska diido qorshaha uu soo jeediyay inay wajihi doonto xaalad burbur leh.
Saturday 4 Oct , 2025 {HMC} Hamas said on Friday it had agreed to release all Israeli hostages, alive or dead, under the terms of U.S. President Donald Trump’s Gaza proposal, and signalled readiness to immediately enter mediated negotiations to discuss the details.
jimaco 3 October 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan oo si kulul uga hadlay Arinta dhul boobka ee ka socda Muqdisho.
jimaco 3 October 2025 {HMC} Wali intaan Xafiiska Joogay Mucaarad ma weerarin”’MW Xasan””
jimaco 3 October 2025 {HMC} Booliska Joogay Saldhiga Warta nabada ee Mucaaradka ay weerareen waxay sameeyeen wax sax ah.