Home Blog Page 467

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 04-10-2025

0

Sabti  4 October  2025 {HMC} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 04-10-2025

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} RW Xamse ” Muqdisho Waa Amni weeyna soo afjarantay Raadadkii Cabsida”

0

Sabti  4 October  2025 {HMC}  RW Xamse ” Muqdisho Waa Amni weeyna soo afjarantay Raadadkii Cabsida”

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Somali Government reopens over 50 roads in Mogadishu after years of security closures

Saturday 4 Oct , 2025 {HMC}   Somali government has announced the reopening of more than 50 roads in the capital, Mogadishu, which had been closed for years due to security concerns.

According to a statement from the Federal Government on Saturday, the decision follows a comprehensive security assessment and aims to ease severe traffic congestion and improve the daily lives of residents.

The government emphasized that the move seeks to strike a balance between maintaining public safety and restoring the free movement of people and goods across the city.

For years, the closure of key routes—particularly those near government buildings and diplomatic missions—has hampered urban mobility, restricting access to schools, hospitals, markets, and businesses.

Authorities said the reopening of these roads is expected to ease traffic flow, boost local economic activity, and help restore a sense of normalcy to city life.

The government also urged the public to cooperate with security forces to ensure the process is carried out safely and efficiently.

SOURCE HIIRAAAN  ONLINE

 

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye Muungaab ” Amnig muqdisho yaallo Waxaa Ahmiyada Koobaad siiyey MW Xasan sheekh”

0

Sabti  4 October  2025 {HMC} Gudoomiye Muungaab ” Amnig muqdisho yaallo Waxaa Ahmiyada Koobaad siiyey MW Xasan sheekh”

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay waddooyinka xirnaa

Sabti 4 Oct , 2025 {HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay qorshaha dib loogu furayo waddooyinka xiran ee , oo gaaraya 52 waddo, kuwaas oo 15-kii sano ee la soo dhaafay u xirnaa sababo amni.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay qorshaha furitaanka waddooyinka caasimadda in uu ku yimid isbeddel iyo horumar muuqda oo laga sameeyey amniga caasimadda, taas oo keentay in laga maarmo xirnaanshaha waddooyinka.
“Duruuf adag ayaa keentay 15kii sano ee la soo dhaafay in la xiro waddooyinka caasimadda, mushkiladda dhabta ah laguma xallin karo jid la xiro ee waa in lala dagaallamo argagixisada oo la iska dhiciyo, maadaama aysan ahayn bahallo jid gooyo ku istaagaya”.
Mudane Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal badan galisay sidii loo xaqiijin lahaa amniga caasimadda, iyada oo la sameeyey shuruucdii ilaalinaysay, kana hortagaysay wax walba oo khatar ku ah, sida hubka waaweyn iyo wax walba oo horseedaya amni darro.
Ra’iisul Wasaaraha, oo u mahadceliyey guud ahaan hey’adaha amniga, maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho, ayaa xusay in amnigu uu yahay mas’uuliyad wadareed ay tahay in cid walba ay doorkeeda ka qaadato sidii loo xaqiijin lahaa.

{DAAWO MUQAALKA} Diyaar Garowka Waddo Furista oo ka socota Magaalada Muqdisho

0

Sabti  4 October  2025 {HMC} Diyaar Garowka Waddo Furista oo ka socota Magaalada Muqdisho

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada Dowladda oo si Rasmi ah ula Wareegay Degmada Awdheegle

0

Sabti  4 October  2025 {HMC} Ciidamada Dowladda oo si Rasmi ah ula Wareegay Degmada Awdheegle

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

{DAAWO MUQAALKA} Sidee Ciidamada Dowladda ula wareegeen Degmada Awdheegle.?

0

Sabti  4 October  2025 {HMC} Sidee Ciidamada Dowladda ula wareegeen Degmada Awdheegle.?

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

 

Qaramada Midoobay oo jareysa gargaar muhiim u ahaa dadka nugul ee Soomaaliyeed.

Sabti 4 Oct , 2025 {HMC} Hay’adda QM ee Cunnada Adduunka ayaa ku dhawaaqday inay jarayso kaalmooyinka cunnada ee boqollaal kun oo qof oo ku sugan Soomaaliya, halkaas oo malaayiin qof ay la tacaalayaan saameyn ba’an oo ka dhalatay isbedelka cimilada iyo heerar daran oo gaajo ah, sida ay ku warrantay wakaaalada warrarka ee AP.

WFP ayaa sheegay in tirada dadka helaya gargaar degdeg ah oo cunto ah ay hoos uga dhici doonto 1.1 milyan bisha Agoosto ilaa 350,000 bisha Nofeembar, sababo la xiriira “xaalado aad u darran oo dhanka maalgelinta ah.”

“Waxaan arkeynaa koror khatar ah oo ku yimid heerarka degdegga ah ee gaajada, awooddeena aan uga jawaabno arrintan ayaana si maalinle ah u yaraanaysa,” ayuu yiri Ross Smith, agaasimaha hay’adda WFP u qaabilsan diyaarinta iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah.

Wuxuu intaa raaciyay in haddii aysan helin maalgelin deg deg ah ay qosysaska horreyba u tag darnaa ay hadda yihiin ugu ugu darran, xilli ay yihiin kuwa ugu baahida badan.

Sida laga soo xigtay warbixintii ugu dambeysay ee Qaramada Midoobay, 4.6 milyan oo qof oo ku sugan Soomaaliya ayaa wajahaya heerar adag oo gaajo ah, waxaana la saadaalinayaa in 1.8 milyan oo carruur ah ay la kulmi doonaan nafaqo-xumo ba’an sannadkan. Qaar carruurtaas ka mid ah, oo dhan 421,000 ayaa wajahayaan nafaqo-darro halis ah, halka hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay ay kaliya ku guuleysatay inay caawiso qiyaastii 180,000 oo ka mid ah.

Soomaaliya waxay la tacaaleysaa kaliya maaha saameynta ba’an ee isbeddelka cimilada, oo ay ka mid yihiin abaar iyo fatahaado, balse sidoo kale colaado iyo amni darro muddo tobanaan sano ah dalka ka jiray. Kooxda mintidiinta ah ee Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa wali gacanta ku haysa qaybo ka mid ah dalka.

Yaraynta gargaarka dibadda ee Mareykanka ayaa uga sii daray jawaabtii hay’adaha bini’aadantinimo ee horeyba uga u dareemay dhibaato culus si ay u daboolaan baahiyaha sii kordhaya ee dadka nugul.

Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) ayaa sheegay inuu u baahan yahay $98 milyan si uu “u sii wado ugu yaraan hawlgallada badbaadinta nolosha ee loogu talagalay 800,000 oo qof inta lagu jiro xilli adag ilaa bisha Maarso 2026.”

WFP ayaa ka mida hay’addaha Qaramada Midoobay ee la dhibaatoonayey dhaqaale la,aanta darran ka dib markii dowlado badan oo Maraykanku ka mid yahay ay dhimeen kaalmadii dhaqaale ee ay ku bixin jireen arrimaha gargaarka gaar ahaana dalalka xaaladaha adag ay ka jiraan ee Afrika.

Soomaaliya oo ka mida dalalka dadkooda nugul si weyn ugu tiirsan yihiin gargaarka hay’addahu bixiyaan ayaa sanadihii dembe la kulmayey jaris ama dhimis gargaarka ah ka dib markii dowladdo badan oo caawin jiray hay’addahaas ay joojiyeen.

BBC-da oo xiriir la samaysay hay’adda qaran ee maareynta masiibooyinka ee SODMA si ay ugu jawaabto saamaynta tallaabadan iyo haddii WFP ku wargelisay dhimista gargaarkeeda Soomaaliya ayeysan noo suuragelin inaan jawaab ka helno.

XIGASHO BBC

{DAAWO MUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo maanta qaadeeyso Tallaabo Farxad Galinaya Shacabka Gobolka Benaadir

0

Sabti  4 October  2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo maanta qaadeeyso Tallaabo Farxad Galinaya Shacabka Gobolka Benaadir

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY