Qamiis 2 October 2025 {HMC} Awdhiigle oo ku dhow in Laga saaro AS.
Qamiis 2 October 2025 {HMC} Awdhiigle oo ku dhow in Laga saaro AS.
Qamiis 2 October 2025 {HMC} Maleeshiyaad Dad ku dilay Sh.Hoose oo lasoo qabtay.
Qamiis 2 October 2025 {HMC} Turkiga oo helay mid kamid ah Maraakiibta awoodda u leh qodista Shidaalka
Khamis 2 Oct , 2025 {HMC} Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa la soo taagey Cabdisatar Ahmed Hassan, oo 23 jir ah oo ku eedeysana inuu taageeray Daacish iyo AS, sida uu sheegay ku-simaha Xeer-ilaaliyaha Federaalka ee Minnesota, Joseph H. Thompson.
Xeer-ilaaliyaha ayaa sheegay in Hassan uu ku caan baxay taageerada ISIS iyo Al Shabaab, isagoo baraha bulshada ku faafiyay muuqaalada iyo qoraalada dhiirrigeliya dagaal ISIS.
Hassan ayaa sidoo kale taageero u muujiyay weeraro argagixiso oo ka dhacay gudaha Maraykanka.
Baarayaasha FBI-da ayaa sheegay in Hassan labo jeer isku dayay inuu ka dhoofo Minnesota isagoo u socda Soomaaliya si uu ugu biiro ISIS, balse markii hore laga hor istaagay safarkiisa sababo la xiriiray dukumenti safar oo aan dhammaystirneyn.
Markii uu mar labaad isku dayay, ayaa Booliska Canshuuraha iyo Xuduudaha ee Chicago qabteen, iyagoo ka helay boorsadiisa dukumentiyo shakhsi ah iyo telefoonno ay ku jiraan qoraallo iyo fariimo uu la wadaagay xubno xiriir la lahaa ISIS.
Hassan ayaa xabsiga la dhigay bishii Febraayo 2025, iyadoo laga helay calan madow oo ISIS ah, mindi, iyo laba telefoon oo uu adeegsan jiray, wuxuu qirtay inuu taageero buuxda u hayo ISIS, islamarkaana doonayay in Soomaaliya laga dhiso khilaaf Islaami ah.
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Federaalka ee Minnesota ayaa sheegay in kiiskan uu tusaale cad u yahay sida aan Maraykanku u oggolaan doonin in Minnesota noqoto hoy ammaan u ah argagixisada.
Khamis 2 Oct , 2025 {HMC} Heshiis qarsoodi ah oo ay wada galeen Dowladaha Sweden iyo Soomaaliya ayaa sababay khilaaf xooggan oo dhexmaray hay’adaha dowladda Sweden iyo sidoo kale labada dal.
Baaritaan uu sameeyay Raadiyaha Sweden ayaa sheegay in khilaafkaasi ugu dambeyn ku dhammaaday markii Soomaaliya ay dalka ka masaafurisay madaxa gargaarka Sweden ee Muqdisho.
Heshiiskan qarsoodiga ah ayaa dhigayay in Sweden ay Soomaaliya ku taageerto lacag gargaar ah oo lagu maalgeliyo mashruuc ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, taas beddelkeedana Soomaaliya ay aqbasho in dib loogu soo celiyo muwaadiniinta ay Sweden doonayso inay masaafuriso.
Tan iyo markaas, musaafurinta Soomaalida laga celinayo Iswiidhan ayaa kor u kacday, iyadoo tirakoobka boolisku muujinayo in 28 qof si qasab ah dib loogu celiyey Soomaaliya sannadkii hore.
Wasiirka iskaashiga horumarinta caalamiga ah ee Sweden, Benjamin Dousa, ayaa sheegay in hay’adda Sida iyo safaaraduhu ay mas’uul ka yihiin fulinta mashaariicda gargaarka. Sida ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda Sweden ay go’aamisay in mashruucan lagu bixiyo iyada oo loo sii marayo UNDP, hay’aduna ay ku andacootay in mashruucu waafaqayo shuruudaha caadiga ah.
Haddii ay run tahay in dowladda Sweden ay heshiis qarsoodi ah la gashay dowladda Soomaaliya, arrintaasi waa mid aad u culus oo argagax leh, ayey tiri afhayeenka siyaasadda arrimaha dibadda ee xisbiga Center Party, Anna Lasses, oo la hadleysay SVT.
Raadiyaha Sweden ayaa sheegay inay isku dayeen inay faallo ka helaan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, balse aanay helin wax jawaab ah.
Arbaco 1 Oct , 2025 {HMC} Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, ayaa guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee saraakiisha Booliska Caasimadda.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan howlgaladii toddobaadkii la soo dhaafay, iyadoo sidoo kale lagu gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa amniga caasimadda loona dar-dargelin lahaa howlaha looga hortagayo khataraha amniga iyo la dagaallanka burcadda.
Taliyaha ayaa saraakiisha ku adkeeyay inay sii laba-jibbaaraan dadaalladooda, si loo xaqiijiyo amniga shacabka loona xoojiyo wada shaqaynta guud ee Hay’addaha Amniga.
Arbaco 1 Oct , 2025 {HMC} Taliyaha Qaybta 3-aad ee AUSSOM, S/Guuto Teklu Hurisa Janka, ayaa maanta Xarunta Hawlgallada Wadajirka ah ee Baydhabo ku martigeliyay mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan amniga Koonfur Galbeed, oo uu hoggaaminayay Wasiir Ku Xigeenka Amniga, Maxamed Yuusuf.
Kulanka oo qayb ka ah qorshaha wadajirka ah ee lagu xoojinayo wada-shaqeynta ayaa dib u eegis ku sameeyey xaaladda amniga, wuxuuna diiradda saaray sare u qaadista hawlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Mas’uuliyiinta ayaa qiray iskaashiga xooggan ee u dhaxeeya AUSSOM, madaxda Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed & bulshooyinka deegaanka.
Waxaa wafdiga qayb ka ahaa Taliyaha Qaybta 670-aad ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Yariis, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay, G/Sare Maxamed Amiin iyo Taliyaha Daraawiishta Koonfur Galbeed, Gaashaanle Isaaq Cali
Arbaco 1 Oct , 2025 {HMC} Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Garasbaaley, ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Dable (XDS) Ibraahim Xasan Nuur Cabdi oo ku eedeeyaysan inuu dhac iyo dhaawac u geystay muwaadin Soomaaliyeed, kaddib markii uu rasaas ku furay xilliga uu falkaas geysanayay.
Eedeysanaha ayaa hadda ku jira gacanta Booliska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.
Booliska Soomaaliyeed waxay bulshada ugu baaqayaan inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana soo sheegaan cid kasta oo ku hawlan burcadnimo ama falal khalkhal ku ah amniga iyo xasilloonida.
Wed 1 Oct , 2025 {HMC} AUSSOM Sector 3 Commander Brig. Gen. Teklu Hurisa Janka hosted senior South West State security officials, led by Internal Security Deputy Minister Mohamed Yussuf, at the Joint Operations Centre in Baidoa today.
The meeting, part of a coordinated strategy to strengthen cooperation, reviewed the security situation and focused on enhancing joint operations against Al-Shabaab. Officials acknowledged the strong collaboration among AUSSOM, South West State leaders & local communities.
The delegation included SNA’s 60th Division Commander Maj. Mohamed Yariis, Bay Regional Police Commander Col. Mohamed Amin, and South West Darawish Commander Maj. Issack Ali.
Arbaco 1 Oct , 2025 {HMC} Telefishinka Ruushka ee RT, ayaa ku warramay in waxyar ka hor shan gantaal laga ridday marinka Qasa, kuwaasoo lagu weerarray bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Israaiil, iyadoo warbixinta ay sheegtay ugu yaraan mid ka mid ah inuu ka gudbay nidaamyada difaaca oo bartilmaameedkiisa ku dhacay.
Gantaalladan waxaa Qasa laga tuuray, xilli maanta ay Xamaas sii deysay muuqaal argagax ka dhaliyay gudaha Israa|l oo laga arkay dagaalyahannada Qasaam oo toogasho ku dilaya askarta Israaiil.
Waxay u muuqataa in weerarradan loogu talagalay in lagu muujinayo iska caabinta inay wali leedahay awood ay ku gorgortanto oo ka dhalanaysa labo sanno iyo bar oo Israaiil dagaal ka wado gudaha Qasa , in wali Xamaas ay awood u leedahay weerar gantaallo ka dhaca meelo ka fog Qasa iyo toogashada askarta Israa|l , tan oo loo qaadanayo inay ku socdaan cid kasta oo u arkaysa in la joogo marxalad la daciifiyay iska caabinta ama lagu soo rogi karo shuruudo hal dhinac ah , xilli qorshe uu diyaariyay Trump la sugayo inay go’aan ka soo saarto Xamaas.