Home Blog Page 478

Xamaas oo La shaacisay Qorshahooda ku aadan nabadda ee Qasa.

0

Arbaco 1 Oct , 2025 {HMC} Warbaahinta Sacuudiga ee Asharq News, ayaa soo bandhigtay mowqifka Xamaas ee ku aadan qorshaha nabadda ee Qasa , iyadoo xiganaysa ilo ka tirsan Xamaas.

Warbixinta waxaa lagu sheegay;Xamaas ayaa sheegtay inay soo jeedin doonto wax-ka-beddel ku saabsan qorshaha Trump ee Qasa.

Xamaas waxay ku doodday in Netanyahu uu horey wax uga beddelay qorshaha Trump, sidaas darteedna iyaguna ay xaq u leeyihiin inay wax ka beddelaan.

Xamaas waxay usoo jeedisay dhexdhexaadiyeyaasha inay keenaan dammaanad dhab ah oo dagaalka si buuxda loo joojiyo, isla markaana la xaqiijiyo inaysan mar kale dib usoo weerarri karin Israa|l , marinka Qasa.

Xamaas , waxay dalbatay dammaanad cad oo ka dhan ah Israa|l haddii ay jebiso heshiiska.

Xamaas , waxay codsatay in la kala saaro hubka weerarka iyo kan difaaca, iyagoo sheegay in hubka difaaca uu yahay xuquuq sharci ah.

Waxay ku adkaysatay Xamaas , in la helo jadwal waqtiyeed oo cad oo ku saabsan ka bixitaanka ciidamada Israa|l ee Qasa.

Waxay sidoo kale Xamaas, codsanaysa in maamulka Qasa loo dhiibo guddiga Falastiiniyiinta ah, halkii loo wareejin lahaa guddi caalami ah.

Israaiil oo hareereeyay tobannaan doomood oo ku sii jeeday Qasa.

0

Arbaco 1 Oct , 2025 {HMC} Ciidamada Israa|l ayaa hareereeyay tobannaan doomood oo ku sii jeeday Marinka Qasa.

Doomankaan waxaa la socdo 500 qof oo u kala dhashay 46 dal oo caalamka ah, waxaa ku jira xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Dalka Turkiga iyo shaqsiyaad kale oo caan ah.

Iraaiil ayaa la jaray isgaarsiintii ay ku wada xiriiriyeen doomahan, waxaana lagu qasbay in ay u weeciyeen doomaha dekedaha Israa|l.

Balse Dadkan doomaha saaran ayaa ayaa ku sii socon lahaayeen jihada xeebaha Qasa. sida ay ku warameyso Warbaahinta TRT.

Jaamacadda Puntland State ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay Tartan Qarameedka IHL

0

Arbaco 1 Oct , 2025 {HMC} Jaamacadda Puntland State (PSU) ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay tartanka sharciga caalamiga ah Soomaaliya ee sanadkan (IHL) iyada oo hubisay ka qeyb galkeeda kulamada tartanka All-Africa oo bishan Nofeembar lagu qabanayo Nairobi.

Jaamacadda PSU ayaa guul ka gaartay Jaamacadda Muqdisho daraasad kiis iyo dhageysi maxkamadeed matalaad ah oo lagu qabtay Muqdisho. Guud ahaan, lix jaamacado Soomaaliyeed ah ayaa ka qeyb qaatay tartanka, iyaga oo soo gudbiyay qoraallo ka kooban doodo ku saabsan xeerka colaadda hubeysan. Labada kooxood ee ugu sarreysa ayaa u soo gudbay kamadanbeysta maanta halkaa oo Jaamacadda PSU, oo jileysay difaac ayaa soo gudbisay doodo xiiso leh taa oo keentay in sadexda garsoore ay guusha guddoonsiiyaan.

“Waxaan marka hore guushan u mahadnaqeynaa Allah SW, ka dibna waxaan u mahadcelineynaa hormuudkeena iyo jaamacadeena. Habeennadii hurdo la’aanta ahaa ayaan ugu danbeyn mirahoodii guranay,” ayuu yiri Mohamed Awad Hussein.

Sadexda arday oo sharciga ka barata Jaamacadda PSU ayaa hadda Soomaaliya ku matali doona tartanka All-Africa oo ka qabsoomi doona Nairobi, Kenya, halkaa oo ay ku tijaabi doonaan awooddooda dhanka sharciga kooxo sare oo ka kala socda sideed dal oo kale oo qaaradda oo dhan ah.

Abaalmarinta shaqsiga ah ee Af-hayeenka ugu fiiican ayaa waxaa helay Abdihafid Mohamed Ali ka socda Jaamacadda Muqdisho.

Tartanka IHL ee Soomaaliya iyo kulamada All-Africa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga Caalamaiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC), oo kafaala qaadi doona sedexda arday ee sharciga ka barata Jaamacadda PSU marka ay u gudbaan heer qaaradeed.

“Xiisaha sharciga ee aan maanta ku aragnay ardeydan ayaa ah mid aan aad ula dhacnay innaga oo ah ilaaliyeyaasha IHL-ka,” ayuu yiri Alexandre Formisano, oo ah Madaxa Barnaamijyada iyo ka Hortagga ICRC-da Soomaaliya. “Waxaan taageeri doonaa Jaamacadda PSU marka ay u gudbaan kulamada All-Africa.”

Tartankan qaran ee sanadlaha ah ayaa ujeedkiisu yahay in jiilka soo socda ee qareennada Soomaaliyeed lagu baro doorka muhiimka ah ee xeerka colaadda hubeysan (IHL), adeegsigiisa dhabta ah, iyo ka sii socoshadiisa Soomaaliya iyo Adduunka oo dhan.

Somalia: Puntland State University Wins National IHL Competition for the First Time.

0

Wed 1 Oct , 2025 {HMC} Mogadishu (ICRC): Puntland State University (PSU) has won this year’s Somali international humanitarian law (IHL) competition for the first time securing a place at the All-Africa Finals to be held in Nairobi this November.

PSU clinched victory against Mogadishu University in a simulated case study and moot court hearing held in Mogadishu. In total, six Somali universities took part in the competition, submitting written memorials containing arguments on the basis of the law of armed conflict. The two top teams advanced to today’s final where PSU, acting as defense delivered compelling arguments that saw the three-bench judge award them the victory.

“We thank the Almighty for this win. Grateful to our dean and university too. The sleepless nights have finally paid off,” said Mohamed Awad Hussein, one of the winning students from PSU.

The three law students from PSU will now represent Somalia at the All-Africa competition in Nairobi, Kenya, where they will test their legal prowess against top teams from eight other nations across the continent.

The individual award for Best Speaker went to Abdihafid Mohamed Ali from Mogadishu University.

Both the Somali IHL competition and the All-Africa Finals are organized by the International Committee of the Red Cross (ICRC), which will be sponsoring the three winning law students as they advance to continental stage.

“The passion for the law we have seen in these students today is humbling even for us as custodians of IHL,” said Alexandre Formisano, ICRC Head of Programs and Prevention in Somalia. “We will be cheering PSU on as they proceed to the All-Africa finals.”

This annual national competition aims to educate the next generation of Somali lawyers on the crucial role of law of armed conflict (IHL), its practical application, and its continued relevance to Somalia and the entire world.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 01-10-2025.

0

Arbaco 1 October  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Ballanqaadka amniga ee Mareykanka uu siinayo Dowladda Qatar oo Sarre loo qaaday.

0

Arbaco 1 Oct, 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump, wuxuu saxiixay amar madaxweyne oo sare lagu qaadayo ballanqaadka amniga ee Mareykanka uu siinayo Qatar, iyadoo ujeeddadu ahayd in Trump uu ku qanciyo Qatar , sidii ay uga shaqeyn lahayd qorsha uu watay ee nabadda Qasa.

Sida ay werisay Axiso, wuxuu u dhignaa amarka Trump ee kordhinaya ballanqaadka amni ee Maraykanka u siinayo Qatar; “Maraykanku wuxuu u tixgelin doonaa weerar hubaysan oo lagu qaado dhulka Qatar, madaxbannaanideeda ama kaabeyaasha muhiimka ah ee dalkaas inuu yahay hanjabaad ku wajahan nabadda iyo amniga Maraykanka.Haddii weerar noocaas ah dhaco,

Maraykanku wuxuu qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka sharci iyo siyaasad ahaan ku habboon, oo ay ku jiraan kuwo diblomaasiyadeed, dhaqaale, iyo haddii loo baahdo kuwo militari, si loo ilaaliyo danaha Maraykanka iyo Qatar loona soo celiyo nabadda iyo xasilloonida.”

Waddamada ay ka soo jeedaan dadka la socda doomo ku sii jeeda Qasa oo La shaaciyay.

0

Arbaco 1 Oct, 2025 {HMC} Waddamada ay ka soo jeedaan dadka la socda doomo ku sii jeeda Magaalada Qasa oo doonaya inay jebiyaan go’doominta Qasa ay israaiil ku soo rogtay.

Dadka ayaa Waxa ay iskugu jiraan xildhibaanno iyo shaqsiyaad kale oo caan oo halis ugu jira inay gacanta ku dhigto Israa|l oo bilowday dhaqdhaqaaqyo ay doomahan ku xakameynayso.

Liiska , wuxuu muujiyay inaysan carabtu wax dan ah ka lahayn dhaqdhaqaaqan ;
🇹🇷 Türkiye: 56
🇪🇸 Spain: 49
🇮🇹 Italy: 48
🇫🇷 France: 33
🇹🇳 Tunisia: 28
🇲🇾 Malaysia: 27
🇬🇷 Greece: 26
🇺🇸 United States: 22
🇩🇪 Germany: 19
🇨🇭 Switzerland: 19
🇩🇿 Algeria: 17
🇮🇪 Ireland: 16
🇬🇧 United Kingdom: 15
🇧🇷 Brazil: 14
🇸🇪 Sweden: 10
🇳🇱 Netherlands: 10

Itoobiya oo lagu soo gabagabeeyay shirweynaha heer gobol ee Maalgelinta Cimilada.

0

Arbaco 1 Oct, 2025 {HMC} Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo gabagabeeyay shirweynaha heer gobol ee Maalgelinta Cimilada, kaas oo ay ka qeybgaleen madax ka socotay Sanduuqa Cagaaran ee Maaliyadda Adduunka (GCF), hay’ado caalami ah, wasiirro maaliyadeed oo dalal Afrikaan ah iyo hey’ado dowladeed oo kala duwan.

Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada Soomaaliya (NCF), Mudane Libaan Aadan Cabsiiye, oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in kaliya isku-duwid, hoggaan iyo lahaansho qaran ay xaqiijin karaan guusha maalgelinta cimilada, isaga oo hadalkaan ka jeediyay kulan gaar ah oo ku saabsanaa madasha Cimilada Cagaaran (GCF Platforms).
Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Libaan Cabsiiye ayaa sharaxay nidaamka cusub ee Maalgelinta Cimilada Soomaaliya oo lagu aasaasay Wareegto Madaxweyne sanadkii hore, islamarkaana uu hoggaamiyo Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada (NCF) oo hoos taga Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso helitaanka hay’ad qaran oo la aqoonsan yahay si loo isticmaalo nidaamyada qaranka, loo xoojiyo hay’adaha iyo in lagu yareeyo kharashaadka hirgelinta. Waxa kale oo uu xusay muhiimadda dhismaha iyo xoojinta awoodda hay’adaha qaranka iyadoo si istiraatiiji ah loo adeegsanayo maalgelinta Cimilada Maaliyadda.

“xaaladdaheena nugul, doollar kasta oo maalgelin ah waa in uu ka dhasho saameyn wax ku ool ah oo dhisa adkaysiga dadka ugu nugul. Lahaanshaha, hoggaanka iyo isku-duwidda qaranku waa lama huraan si taas loo gaaro,” ayuu yiri Agaasimaha Sanduuqa Cimilada.

Wuxuu intaas ku daray in helitaanka maalgelinta cimilada weli caqabad ku tahay dalal badan oo Afrikaan ah, inkasta oo qaaradda ay tahay tan ugu badan ee maalgelinta cimilada aysan ka jirjn. Sidaas darteed, ayuu sheegay, in qorsheynta miisaaniyadda, kordhinta dakhliga gudaha iyo waxtarka kharashaadka dowladda ay yihiin kuwo asaasi ah si wax looga beddelo farqiga weyn ee maalgelinta cimilada. Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in dowladuhu khasab tahay in maalgelinta cimilada lagu daro istiraatiijiyadaha dhaqaalaha guud ee qaranka iyo qaab-dhismeedka maaliyadeed, maadaama ay saamayn weyn ku leedahay kharashaadka dadweynaha ee Afrika.

Intii uu shirku socday Agaasimaha Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada, ayaa shirar muhiim ah la qaatay madax ka tirsan Sanduuqa Cagaaran ee Maaliyadda Cimillada Adduunka iyo Hey’addo kale oo Maaliyadeed oo ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda Cimilada.

Soomaaliya dhawaan ayay aasaastay Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada si wax looga qabto saamaynta isbeddelka cimilada iyo in lagu taageero wax ka qabashada arrimaha khatarta leh sida abaaraha iyo roob la’aanta soo noqnoqday ee si weyn u saameeyay bulshada reer guuraaga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed uga faa’iideyn lahayd maalgelinta cimilada ee caalamiga ah.

Kulan looga hadlaayay miisaaniyadda Wasaaradda Gaashaandhigga oo Muqdisho Lagu qabtay

Arbaco 1 Oct 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan looga doodayay miisaaniyadda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee sanadka 2026.

Kulanka waxaa goob-joog ahaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Guud, Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo saraakiil ka socday Taliska CXD.

Intii uu socday kulanka, waxaa lagu falanqeeyay qodobbo ay ka mid ahaayeen qorshayaasha dhow iyo kuwa dhexe ee Wasaaradda, iyadoo la isku waafaqay in mudnaanta la siiyo hufnaanta iyo qorsheyn cad oo lagu fulinayo miisaaniyadda 2026.

Wasiirka Gaashaandhiggu waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay Wasaaradda uga go’an tahay isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo xoojinta hay’adaha difaaca. Waxa uu xusay in natiijooyinka kulankan ay hagi doonaan hirgelinta barnaamijyada iyo dib-u-habaynta sanadka soo socda.

 

Maxeey ka wada hadleen Wasiirka Amniga Soomaaliya, iyo Manual Pereira.?

Arbaco 1 Oct 2025 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay, Manual Pereira.

Kulankaan ayaa laga hadlay wada shaqeynta Wasaaradda iyo IOM, xoojinta amniga iyo maamulka socdaalka, si loo horumariyo adeegyada la xiriira amniga iyo taageerada bulshada, xuduudaha dalka, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay sugidda iyo casriyeynta nidaamyada ilaalinta xuduudaha.

Sidoo kale, arrimaha la isla soo qaaday waxaa kamid ah Tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah, iyadoo IOM iyo Wasaaradda ay isku raaceen in la xoojiyo qorshayaasha ka hortagga tahriibka, iyo taageerada dadka ku soo laabta dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyey IOM doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga joogtada ahi uu gacan weyn ka geysan doono sugidda xasilloonida iyo horumarinta nidaamka socdaalka.