Home Blog Page 480

Itoobiya oo lagu soo gabagabeeyay shirweynaha heer gobol ee Maalgelinta Cimilada.

0

Arbaco 1 Oct, 2025 {HMC} Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo gabagabeeyay shirweynaha heer gobol ee Maalgelinta Cimilada, kaas oo ay ka qeybgaleen madax ka socotay Sanduuqa Cagaaran ee Maaliyadda Adduunka (GCF), hay’ado caalami ah, wasiirro maaliyadeed oo dalal Afrikaan ah iyo hey’ado dowladeed oo kala duwan.

Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada Soomaaliya (NCF), Mudane Libaan Aadan Cabsiiye, oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in kaliya isku-duwid, hoggaan iyo lahaansho qaran ay xaqiijin karaan guusha maalgelinta cimilada, isaga oo hadalkaan ka jeediyay kulan gaar ah oo ku saabsanaa madasha Cimilada Cagaaran (GCF Platforms).
Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Libaan Cabsiiye ayaa sharaxay nidaamka cusub ee Maalgelinta Cimilada Soomaaliya oo lagu aasaasay Wareegto Madaxweyne sanadkii hore, islamarkaana uu hoggaamiyo Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada (NCF) oo hoos taga Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

Waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso helitaanka hay’ad qaran oo la aqoonsan yahay si loo isticmaalo nidaamyada qaranka, loo xoojiyo hay’adaha iyo in lagu yareeyo kharashaadka hirgelinta. Waxa kale oo uu xusay muhiimadda dhismaha iyo xoojinta awoodda hay’adaha qaranka iyadoo si istiraatiiji ah loo adeegsanayo maalgelinta Cimilada Maaliyadda.

“xaaladdaheena nugul, doollar kasta oo maalgelin ah waa in uu ka dhasho saameyn wax ku ool ah oo dhisa adkaysiga dadka ugu nugul. Lahaanshaha, hoggaanka iyo isku-duwidda qaranku waa lama huraan si taas loo gaaro,” ayuu yiri Agaasimaha Sanduuqa Cimilada.

Wuxuu intaas ku daray in helitaanka maalgelinta cimilada weli caqabad ku tahay dalal badan oo Afrikaan ah, inkasta oo qaaradda ay tahay tan ugu badan ee maalgelinta cimilada aysan ka jirjn. Sidaas darteed, ayuu sheegay, in qorsheynta miisaaniyadda, kordhinta dakhliga gudaha iyo waxtarka kharashaadka dowladda ay yihiin kuwo asaasi ah si wax looga beddelo farqiga weyn ee maalgelinta cimilada. Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in dowladuhu khasab tahay in maalgelinta cimilada lagu daro istiraatiijiyadaha dhaqaalaha guud ee qaranka iyo qaab-dhismeedka maaliyadeed, maadaama ay saamayn weyn ku leedahay kharashaadka dadweynaha ee Afrika.

Intii uu shirku socday Agaasimaha Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada, ayaa shirar muhiim ah la qaatay madax ka tirsan Sanduuqa Cagaaran ee Maaliyadda Cimillada Adduunka iyo Hey’addo kale oo Maaliyadeed oo ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda Cimilada.

Soomaaliya dhawaan ayay aasaastay Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada si wax looga qabto saamaynta isbeddelka cimilada iyo in lagu taageero wax ka qabashada arrimaha khatarta leh sida abaaraha iyo roob la’aanta soo noqnoqday ee si weyn u saameeyay bulshada reer guuraaga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed uga faa’iideyn lahayd maalgelinta cimilada ee caalamiga ah.

Kulan looga hadlaayay miisaaniyadda Wasaaradda Gaashaandhigga oo Muqdisho Lagu qabtay

Arbaco 1 Oct 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan looga doodayay miisaaniyadda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee sanadka 2026.

Kulanka waxaa goob-joog ahaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Xoghayaha Joogtada ah, Agaasimayaasha Guud, Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo saraakiil ka socday Taliska CXD.

Intii uu socday kulanka, waxaa lagu falanqeeyay qodobbo ay ka mid ahaayeen qorshayaasha dhow iyo kuwa dhexe ee Wasaaradda, iyadoo la isku waafaqay in mudnaanta la siiyo hufnaanta iyo qorsheyn cad oo lagu fulinayo miisaaniyadda 2026.

Wasiirka Gaashaandhiggu waxa uu carrabka ku adkeeyay sida ay Wasaaradda uga go’an tahay isla-xisaabtanka, hufnaanta, iyo xoojinta hay’adaha difaaca. Waxa uu xusay in natiijooyinka kulankan ay hagi doonaan hirgelinta barnaamijyada iyo dib-u-habaynta sanadka soo socda.

 

Maxeey ka wada hadleen Wasiirka Amniga Soomaaliya, iyo Manual Pereira.?

Arbaco 1 Oct 2025 {HMC} Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda IOM ee Qaramada Midoobay, Manual Pereira.

Kulankaan ayaa laga hadlay wada shaqeynta Wasaaradda iyo IOM, xoojinta amniga iyo maamulka socdaalka, si loo horumariyo adeegyada la xiriira amniga iyo taageerada bulshada, xuduudaha dalka, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay sugidda iyo casriyeynta nidaamyada ilaalinta xuduudaha.

Sidoo kale, arrimaha la isla soo qaaday waxaa kamid ah Tahriibka iyo socdaalka sharci darrada ah, iyadoo IOM iyo Wasaaradda ay isku raaceen in la xoojiyo qorshayaasha ka hortagga tahriibka, iyo taageerada dadka ku soo laabta dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyey IOM doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga joogtada ahi uu gacan weyn ka geysan doono sugidda xasilloonida iyo horumarinta nidaamka socdaalka.

{DAAWO SAWIRADA} Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu soo kordhiyey dhismayaal cusub oo aad U quruxbadan.

0

Arbaco 1 Oct 2025 {HMC} Madaxtooyada JFS ayaa lagu soo kordhiyey dhismayaal cusub oo isugu jira Xafiiska uu Madaxweynuhu ku shaqeeyo oo muuqaalkiisa oo idil dib u dhis iyo casriyen lagu sameeyay, xafiiska Amniga, xafiiska Hab-maamuuska iyo Dhismayaal kale oo isagu jira hoy iyo xafiisyo aad u qurxoon.

Dib u dhiskaan lagu sameeyay Madaxtooyada Qaranka ayaa qayb ka ah horumarinta shaqooyinka baaxada leh ee ka socda dalka iyo in madaxda soo booqanaysa dalkeenna lagu soo dhaweeyo goobo qurxoon.

Saraakiil Ciidan oo Maanta Gaaray deegaanka Janaale iyo Guluf Dagaal oo socdo.

0

Arbaco 1 Oct 2025 {HMC} Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le dhexe Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa maanta gaaray deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Safarka Taliyaha ee deegaanka Janaale ayaa salka ku haya dardar-gelinta howlaha Guutada ee Aagga Magaalada Marka iyo howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee muddoyinkan si dardar leh uga socday Tuulooyinka howdka ah ee dhaca Janaale.

G/le dhexe Cabdiraxiin Munye, Taliyaha Guutada 14-ka October waxaa deegaanka Janaale ku soo dhaweeyay Saraakiisha Guutada ee deegaanka oo uu hoggaaminayay Kaaliyaha Guutada 14-ka October G/le Mustaf Cumar Caalin “Eji-cadde” Saaxiibada AUSSOM fadhigooda deegaankaas iyo Gudoomiyaha deegaanka Janaale Cabdiraxmaan Al-caddaala.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Hakisay Qeyb ka Mid ah Shaqooyinkii ay qaban jirtay.

0

Arbaco 1 Oct 2025 {HMC} Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday hakinta qayb ka mid ah howlgalkeeda caadiga ah, kadib markii dowladda Mareykanka ay gashay xaalad xirnaan dowladeed (government shutdown) oo saameynaysa adeegyada dowladda dhexe.

Bayaan ay safaaraddu ku daabacday barta X ee horey loogu yaqaanay Twitter ayaa lagu sheegay “Sababo la xiriira joojinta miisaaniyadeed, akoonkan X lama cusbooneysiin doono si joogto ah ilaa howlgalada buuxa ay dib u bilaabmaan, marka laga reebo macluumaadka degdegga ah ee la xiriira amniga iyo badbaadada.”

Tani waxay la micno tahay in safaaraddu aysan bixin doonin adeegyo badan oo ay caadiyan siiso muwaadiniinta iyo xiriirka diblomaasiyadeed, marka laga reebo arrimaha muhiimka ah sida amniga muwaadiniinta Mareykanka.

Xaaladdan ayaa sidoo kale saameysay safaarado kale oo Mareykan ah oo ku yaalla gobolka, sida kuwa ku yaalla Itoobiya iyo Jabuuti, kuwaas oo iyaguna hakiyay qaar ka mid ah adeegyadoodii sababo la xiriira isla arrintan.

Xirnaanshaha dowladda Mareykanka ayaa ah mid dhacda marar badan marka ay Kongareeska iyo Aqalka Cad ku guuldareystaan in ay ku heshiiyaan miisaaniyadda dowladda, Saameynta arrintan waxay gaaraysaa shaqaalaha dowladda, safaaradaha, adeegyada bulshada, iyo guud ahaan xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanku la leeyahay caalamka.

{DAAWO MUQAALKA} Maxay yihiin Caqabadaha ku hor gudbnoon Howlgalka ciidamada Midowga afrika ee Soomaaliya.?

0

Arbaco 1 October  2025 {HMC} Maxay yihiin Caqabadaha ku hor gudbnoon Howlgalka ciidamada Midowga afrika ee Soomaaliya.?

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

RW Xamse Waa laba maalmood oo aad u kala duwan maanta iyo 14 maalmood ka hor oo aan halkaan imid,

Arbaco 1 October , 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka duulaya dhaqangalka amarkii uu dhawaan bixiyey ee hagaajinta adeegyada Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ayaa maanta mar kale kormeeray qeybaha garoonka iyo gaar ahaan goobihii uu amray in la hagaajiyo.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in maalintii uu Garoonka booqday 14 maalmood ka hor iyo maanta uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya isla markaana ay muuqato in shaqo la taaban karo laga qabtay.
“Waa laba maalmood oo aad u kala duwan maanta iyo 14 maalmood ka hor oo aan halkaan imid, isbeddel ayaa ka muuqda garoonka, waxaan imid maanta iyadoo mashiinadii ay shaqeynayaan qaarkood oo la beddelay inta kalena ay socoto shaqadeedu”. ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa mar kale amar ku bixiyey in sida ugu dhaqsiyaha badan looga shqqeeyo hagaajinta System-ka qabooojiyaha garoonka diyaaradaha, iyo in biya macaan ay helaan dadku, isagoo muddo hal toddobaad ah u qabtay Shirkadda garoonka maamusha.

Somalia Extends Congratulations to China on its 76th National Day

Wednesday  1 October , 2025 {HMC}  The Federal Republic of Somalia has extended heartfelt congratulations to the People’s Republic of China on the occasion of the 76th anniversary of its National Day, reaffirming the historic bonds of friendship and cooperation between the two nations.

In a statement issued on Wednesday, the Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, conveyed Somalia’s best wishes to the Government and people of China, praising the country’s remarkable progress over the past seven decades.

“I extend my warmest congratulations to the Government and people of the friendly People’s Republic of China on the 76th anniversary of the founding of the Republic. This commemoration honors China’s enduring achievements and steadfast progress over the past seven decades,” said the Minister.

The statement underscored the deep-rooted ties between Somalia and China, highlighting mutual respect, solidarity, and partnership as the foundation of their relationship. “Somalia cherishes its long-standing friendship with China, anchored in mutual respect and shared aspirations, guided by a spirit of cooperation and understanding, reinforced by solidarity and partnership, and committed to promoting the common good of our two peoples,” the Minister affirmed.

Looking ahead, Somalia expressed its commitment to enhancing bilateral relations through stronger cooperation, joint projects, and shared efforts in peace, development, and prosperity.

“As China celebrates this momentous day, Somalia looks forward to working closely with the Chinese Government to strengthen bilateral ties, develop partnerships, advance collaborative projects, and jointly promote peace, development, and shared prosperity between our two beloved countries,” the statement concluded.

China marks its National Day annually on October 1st, commemorating the founding of the People’s Republic in 1949.

 source sonna

Prime Minister Hamza Praises Improved Hajj Services, Calls for Early Assistance to Pilgrims

Wednesday  1 October , 2025 {HMC}  The Prime Minister of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hamza Abdi Barre, attended the launch of Hajj services for 1447/2026 and the conclusion of last year’s Hajj (1446). He highlighted significant improvements in service efficiency, noting Somalia’s leading role among countries providing excellent care to pilgrims.

The Prime Minister acknowledged initial challenges during the service reforms, including resistance from some quarters, and praised the government’s firm decisions to overcome them.

He called on Somali scholars to guide pilgrims on Hajj rituals and routes in advance, ensuring proper fulfillment of religious duties. He also instructed the Ministry of Endowments and Islamic Affairs to allow only qualified scholars and medical personnel to assist pilgrims.

Prime Minister Hamza commended the Ministry for the achievements, emphasizing that these successes reflect Somalia’s progress in governance, public service, and sustainable development.

 source sonna