Home Blog Page 49

Ciidamada Xooga Dalka oo Lagu Amaanay sida ay ugu shaqeeyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Jimco 6 March 2026 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Xildhibaan Cumar Cali Cabdi ayaa maanta la afuray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo ku bogaadiyay sida ay uga soo dhalaaleen gudashada waajibkooda ee sugidda amniga iyo sida ay u suurtageliyeen in shacabka Soomaaliyeed ku soomaan nabad iyo ammaan.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay ciidanka dadaalkooda iyo halgankooda joogtada ah ee lagu difaacayo qaranka, isaga oo faray inay sii wadaan dadaalkooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caqabadda ku ah nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.

“Dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed waxay ogyihiin qiimihiinna, waxayna garanayaan duruufaha aad ku shaqeynaysaan. Waxay sidoo kale ogyihiin inaad hormuud u tihiin sugidda amniga. Taas ayaana u nimid inaan idiinka mahadcelinno,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay in maanta ay ku beegan tahay maalinta 17-aad ee bisha Ramadaan, oo ah maalintii Ilaah ku kala saaray xaqa iyo baadilka, isaga oo caddeeyay in ciidamada qaranku ay ku jiraan jihaad xaq ah, isla markaana maalmihii la soo dhaafay lagu xoreeyay deegaannada Mubaarak iyo Daarusalaam ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga iyo qeybaha kale ee dowladda.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 06/3/ 2026.

0
Jimco  06-03-2026 {HMC) Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka Ee Warbaahinta HMC Soomali Tv.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka Ugu waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka 06-03-2026

0

Jimac  06-03-2026 {HMC) Wararka Ugu waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka 06-03-2026

 

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Sidee Ayuu Trump uu la socday weerarrada Iiraan.

0

Jimac  06-03-2026 {HMC)Sidee Ayuu Trump uu la socday weerarrada Iiraan.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} Weerarkii u dambeeyay ee Sacuudiga iyo talaabo ay qaadeen

0

Jimac  05-03-2026 {HMC)Weerarkii u dambeeyay ee Sacuudiga iyo talaabo ay qaadeen

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUUQAALKA} MW Somalia oo ku wajahan Tanzania

0

Jimac  05-03-2026 {HMC MW Somalia oo ku wajahan Tanzania

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

wakiilka Qaramada Midoobay oo loo Magacaabay James Swan.

0

Jimco 6 March 2026 {HMC}  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay diblomaasiga Mareykanka James Swan inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Hawlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee dalka Democratic Republic of the Congo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in James Swan uu hoggaamin doono howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Democratic Republic of the Congo (MONUSCO), isagoo xilka kala wareegaya Bintou Keita, oo Qaramada Midoobay uga mahadcelisay shaqadii ay ka qabatay hawlgalkaas.

Magacaabistan ayaa ka dhigan in Swan uu baneeyo xilkii uu ka hayay Soomaaliya, halkaas oo uu tan iyo Maarso 2025 ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud iyo madaxa United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS). Waxa uu sidoo kale hore u soo hoggaamiyay United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) intii u dhaxaysay 2019 ilaa 2022.

Bixitaanka Swan ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay kacsan tahay, iyadoo hoggaanka siyaasadda dalka ay isku khilaafsan yihiin arrimaha la xiriira wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka doorashooyinka.

Dhanka kale, hawlgalka MONUSCO ee uu Swan hoggaamin doono ayaa ah mid ay Qaramada Midoobay dhistay sanadkii 2010 si loo ilaaliyo rayidka, loo taageero dowladda Congo, loona xasiliyo gobollada ay ka jiraan colaadaha, gaar ahaan bariga dalka.

Gobolladaas waxaa weli ka jira dagaallo ay ku lug leeyihiin kooxo hubeysan oo ay ka mid tahay March 23 Movement (M23), taas oo gacanta ku haysa dhul ballaaran oo ay ku jiraan magaalooyinka Goma iyo Bukavu. Dowladda Congo iyo Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku eedeeya dalka Rwanda inuu taageero kooxda M23, inkastoo Kigali ay arrintaas si adag u beenisay.

U.N. chief appoints James Swan as new head of MONUSCO in DR Congo

0

Friday 6 March 2026 {HMC} U.N. Secretary-General António Guterres on Thursday announced the appointment of the U.S. diplomat James Swan as his new Special Representative for the United Nations Stabilization Mission in the Democratic Republic of the Congo (MONUSCO).

Swan succeeds Bintou Keita of Guinea, whom Guterres thanked for her leadership and service during a challenging period for the mission.

An experienced diplomat with decades of work in Africa, Swan most recently served as the Secretary-General’s Special Representative for Somalia and Head of the United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS), a post he formally assumed in March 2025 after previously serving in an acting capacity. He also led the earlier United Nations Mission in Somalia (UNSOM) from 2019 to 2022.
Prior to that, Mr. Swan had a 32-year career in the United States Government, with multiple assignments related to the Democratic Republic of the Congo, including as Ambassador (2013-2016), Deputy Chief of Mission (2001-2004), and Desk Officer (1996-1998).

During his bilateral career, Mr. Swan also served as Special Representative for Somalia (2011-2013), Ambassador to Djibouti (2008-2011), Deputy Assistant Secretary of State for African Affairs (2006-2008) and Director of African Analysis in the U.S. State Department’s Bureau of Intelligence and Research (2005-2006). Earlier assignments included the Republic of Congo, Somalia, Cameroon, Nicaragua and Haiti.

Swan holds a Bachelor of Science degree from Georgetown University’s School of Foreign Service, a Master of Arts from Johns Hopkins University’s School of Advanced International Studies, and a Master of Arts in Security Studies from the National War College. In addition to English, he is fluent in French.

MONUSCO operates in eastern Congo amid persistent armed conflict and political tensions, and Swan’s appointment comes at a critical time as the mission navigates security challenges and an evolving transition process with the Congolese government.

Source Hiiraan Online

Soomaaliyaayaa si rasmi ah u ansixisay heshiis caalami ah oo la xiriira isticmaalka nabadeed ee tamarta niyuukleerka.

0

Jimco 6 March 2026 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixisay heshiis caalami ah oo la xiriira isticmaalka nabadeed ee tamarta niyuukleerka, kaas oo lala galay International Atomic Energy Agency.

Heshiiskan ayaa la sheegay inuu diiradda saarayo xoojinta badbaadada iyo kormeerka isticmaalka tiknoolajiyadda niyuukleerka, iyadoo loo adeegsanayo ujeeddooyin nabadeed sida horumarinta caafimaadka, beeraha iyo ilaalinta deegaanka.

Soomaaliya ayaa sanadkii 2024 xubin ka noqotay hay’addan, balse hadda ayay si rasmi ah u ansixisay heshiiska muhiimka ah ee la xiriira ka-hortagga faafitaanka hubka niyuukleerka iyo hubinta in teknoolojiyaddan loo isticmaalo si mas’uuliyad leh.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in tallaabadan ay muhiim u tahay mustaqbalka dalka, isla markaana ay ka tarjumeyso dadaalka dowladda ee ku aaddan iskaashi caalami ah iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Xukuumadda ayaa sidoo kale sheegtay in heshiiskan uu Soomaaliya u sahli doono inay ka faa’iideysato tababarro iyo taageero farsamo oo ay bixiyaan khubaro caalami ah, taas oo gacan ka geysan karta horumarinta adeegyada caafimaadka, kor u qaadista wax soo saarka beeraha iyo maaraynta kheyraadka dabiiciga ah.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa xusay in heshiiskan uu sidoo kale Soomaaliya siinayo fursad ay kula shaqeyso dalal kale oo caalamka ah si loo helo tiknoolajiyad casri ah oo si nabad ah loogu adeegsan karo horumarinta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Tanzania.

0

Jimco 6 March 2026 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Caruusha ee xarunta Dalka Tanzania halkaas oo berri ka dhacayo Shir madaxeedka 25aad ee Dalladda Bulshada Afrika ee EAC.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan Caruusha waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonnaa Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika ku jira si ay uga wadahadlaan xaaladda Soomaaliya iyo Dalalkooda, kordhinta xiriirka ka dhaxeeya & Arrimo kale.

Shirka waxa uu ka jeedin doonnaa khudbad uu uga hadlayo qodobada miiska saaran sida kobaca dhaqaalaha, yaraynta caqabadaha Ganacsiga, hoos u dhigista Khashaadka Gaadiidka & dardargelinta Badeecadaha dalalka xubnaha ka ah Dalladda Bulshada Bariga Afrika.