Home Blog Page 490

Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay haween iyo dhalinyaro lagu xiray Muqdisho.

0

Axad  28 Sep 2025 {HMC} Qoraal kasoo baxay Gudoomiyaha madasha samatabixinta mucaaradka Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu yiri”

“Waxaa nasiib darro ah inay wali sii socdaan xariga sharci darrada ah iyo cabburinta bulshada caasimadda, waxaana codkeyga ku biirinayaa in si deg-deg ah loo sii daayo haweenka iyo dhalinyarada Ciidamada Boolisku maanta ay ka xireen xaafada Horseed ee Degmada Hodan xili ay muujinayeen dareenkooda ku aadan barakicinta sharci darrada ah.

Cabashada shacabku waa dareen bulsho oo ay tahay in si dhab ah ay dowladu u wajahdo mana ahan wax u wanaagsan dowlanimada, xasilloonida iyo ammaanka in looga jawaabo codka shacabka xarig iyo cabburin waana arrinta mar walba aan ka digayno”

Mareykanka oo Turkiga Ka codsaday in Xarumo lagu sameeyo Diyaarada Baykar Laga furo Mareykanka.

0

Axad  28 Sep 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa Dowladda wadanka Turkiga u gudbiyay codsi la xiriira in shirkadda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Baykar ay xarumo wax soo saar ka furato gudaha Mareykanka , si Mareykanka uga faa’iideysto tiknoolajiyada Turkiga ,sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Turkiga ,Hakan Fidan.

Maxeey tahay waxa ay Dowladda Mareykanka uga baahanyahay Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn Turkiga ee Baykar.?

Mareykanka wuxuu leeyahay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo loo arko kuwa ugu sarreeya caalamka , balse waa kuwo ku fadhiya dhaqaale badan si ka duwan kuwa Turkiga oo leh tiknooliyad iyo awood casri ah, balse toban jibbaar qiimo ka hooseeya kuwa Mareykanka lagu soo saaray.

Wuxuu ka walaacsanyahay Mareykanka , wax soosaarka Shiinaha ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo xarga goostay, taa oo Mareykanka uusan sameyn karin , sabab la xiriirta qiimaha badan ee ku baxaya diyaaradahiisa, si taa meesha looga saaro iskaashiga wax soosaarka ee Turkiga ayaa u suragelin kara inuu qeyb ka noqdo tartankaa.

Si fudud , waa wax la mid ah tallaabada uu Ruushka ku adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan, isagoo heysta kuwa leh awood sare, hadana qiimaha hoose ee ay ku kacayaan diyaaradaha Iiraan ayaa ku qasbay inuu adeegsado diyaaradaha Shahed, si uu ugu adkeyso dhaqaale ahaan dagaalka waqtiga dheer socda ee Ukraine.

Conflict Causes Deaths and Injuries in Baladweyne

0

Sunday 28 Sep 2025 {HMC} More details are available on the brief gunfight that took place in the city today

People dressed as Somali military forces clashed in the center of Beledweyne, especially around the Daraawshta Market where some of the people of Beledweyne have various businesses

At least 2 people, including the Head of Finance at Beledweyne Airport Abdullahi Diirow, were injured in the gunfight that took place in Beledweyne city, and their medical conditions are currently being treated in some of the city’s hospitals

There is no news from the administration of Beledweyne city or Hiiraan region about the brief gunfight in the city,

In recent times, people carrying various types of weapons have been increasing in Beledweyne, which has caused problems for the people. No action has been taken in this matter.

{DAAWO MUQAALKA} Gudomiyaha Golaha Wakilada Dowlad Goboledka Waqoyi Bari Soomaliya oo si wayn lagu soo dhaweyay Muqdisho.

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC} Gudomiyaha Golaha Wakilada Dowlad Goboledka Waqoyi Bari Soomaliya oo si wayn lagu soo dhaweyay Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 27-09-2025.

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 28-09-2025

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC}  Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 28-09-2025

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Maxay ka wada hadleen Madaxda Qaramada Midoobay iyo kuwa soomaaliya ee Muqdisho ku kulmay?

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC}   Maxay ka wada hadleen Madaxda Qaramada Midoobay iyo kuwa soomaaliya ee Muqdisho ku kulmay?

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Maxkamada Ciidamada oo Xukun ku RidayAskar Dil Geeysatay

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC}  Maxkamada Ciidamada oo Xukun ku RidayAskar Dil Geeysatay

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Ganacsatada Gaalkacyo oo lagu amray ineey Xertaan Kaa

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC}  Ganacsatada Gaalkacyo oo lagu amray ineey Xertaan Kaa

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

FAAH_FAAHIN Isrisaaseyn Sababatay dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacday Baladweyne.

Axad  28 Sep 2025 {HMC} Faah faahino Dheeraad ah ayaa laga helayaa is risaaseeyn kooban oo Maanta ka Dhacday Magaalada

Dad ku larisa Dareeska Ciidamada Millatariga Soomaaliya ayaa is risaaseeyntaan waxaa ay ku Dhax martay Bartamaha Magaalada Baladweyne Gaar ahaan Agagaarka Suuqa Daraawshta halkaasi oo ay Ganacsiyo kala Duwan ay ku lee yihiin Qaar kamid ah Shacabka Baladweyne

Ugu yaraan 2 Qofood oo uu ku jiro Madixii Maaliyada Garoonka Diyaaradaha Baladweyne Cabdullaahi Diiroow ayaa ku Dhawaacmay is rasaaseeyntan ka Dhacday Magaalada Baladweyne kuwaasi oo haatan Xaaladooda Caafimaad lagula tacaalayo Qaar kamid Isbitaalada Magaalada

Majirto wax war ah oo kasoo Baxaay Maamulka Magaalada Baladweyne iyo Kan Gobolka Hiiraan oo ay kaga hadlayaan Dagaalkii koobnaa ee Magaalada,

Mudooyinkii ugu Dambeeyey Baladweyne waxaa kusoo badanayey Dadka Sita Hubka Nuucyadiisa kala Duwan kuwaas oo Dhibaatooyin ay ku qabaan Shacabka Majirto wax tallaabo ah oo Arintaas laga Qaaday.