Home Blog Page 489

President Hassan Sheikh Mohamud opens 7th session of Somalia’s 11th parliament

Monday 29 Sep 2025 {HMC}   Somali President Hassan Sheikh Mohamud, who returned from the 80th United Nations General Assembly in New York, officially opened the 7th session of the country’s 11th Parliament on Monday.

In his address, President Mohamud commended lawmakers for passing key legislation focused on politics, security, elections, economic reforms, and army restructuring.

He praised the Somali National Army and international partners for recent military operations against al-Shabaab, pledging continued offensives to liberate remaining areas from the group.

“The government and its army fight militants on many frontlines. As you know, Somali pilots are now flying our planes in these operations, which is a big step for the army and the country,” the President said.

The President also welcomed the newly established Northeastern regional administration in Las Anod, describing it as the result of the people’s will. He called for strengthened security, reconciliation with neighboring administrations, and investment in basic services.

“The establishment of the Northeastern regional administration does not mean neighboring regions are no longer separate. The federal government will work to ensure coexistence and cooperation,” he added.

On the issue of prisoners, President Mohamud stated: “It is not Somali tradition to hold prisoners. Rather, it is our tradition to honor men captured in war and return them to their communities.”

The President further announced that Somalia will begin drilling its first oil well in the coming months, though he did not specify the date or location.

Addressing political divisions, President Mohamud reiterated his administration’s commitment to dialogue with federal member states that boycotted the recent National Consultative Council (NCC) meetings, namely Puntland and Jubbaland.

“We are working hard to talk to the brothers who rejected the National Consultative Council. Responsibility requires us to reach out to those with concerns, and we will continue to do so. We have chosen to resolve conflict through dialogue and consensus,” he said.

According to Article 90 of the Constitution, the President is mandated to open parliamentary sessions with a speech outlining the government’s performance during the recess.

The opening of the 7th session comes a day after President Mohamud returned from the UNGA, where he highlighted Somalia’s progress on security, governance, and constitutional reform.

source hiiraan online

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Shidaalka Soomaaliya Wuxuu Noqon Doonaa Iftiin Dhaqaale”?

0

Isnliin 29 Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu ka jeediyey Baarlamaanka ku sheegay in dowladda Federaalka ay si dhab ah u guda geli doonto ka faa’iidaysiga shidaalka dabiiciga ah ee dalka, kaas oo la xaqiijiyey inuu ka mid yahay keydadka ugu ballaaran ee shidaal ee laga heli karo caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in bilaha soo socda la bilaabi doono wax-soo-saarka ceelkii shidaalka ugu horreeyay, taas oo noqon doonta tallaabo weyn oo horumarineed oo dhinaca dhaqaalaha ah, Wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimada ay arrintani u leedahay koboca dhaqaale, shaqo-abuurka, iyo isku-filnaanshaha Soomaaliya.

“Waxaan ka faa’iideysan doonnaa shidaalka dalkeenna oo la hubiyay in uu ku jiro keydkii ugu badan shidaal ee adduunka laga heli karo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladda ay mushaar siiso ku dhawaad 100,000 oo qof oo isugu jira ciidamo, xildhibaano, macallimiin, iyo shaqaale rayid ah, mushaarkaas oo laga bixiyo canshuuraha gudaha laga ururiyo, Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee si daacad ah u bixiya canshuuraha, isagoo carrabka ku adkeeyay in horumarka dalka uu ku xiranyahay wadajir iyo isla xisaabtan dhab ah.

Qodista shidaalka iyo dardar-gelinta canshuur ururinta ayaa loo arkaa tallaabooyin istiraatiiji ah oo wax ka beddeli kara mustaqbalka Soomaaliya, haddii loo fuliyo si hufan, daahfuran, lana hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah uga faa’iideyso.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujinaya rajo weyn oo laga qabo in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysato khayraadkeeda dabiiciga ah, isla markaana ay u beddesho fursado wax ku ool ah oo wax ka beddela nolosha shacabka.

Puntland oo xaqiijisay in ay dishay kooxdii Daacish u qaabilsanayd miino dhigista?

0

Isnliin 29 Sep 2025 {HMC} Puntland ayaa sheegtay inay dishay kooxdii Daacish u qaabilsanayd miino dhigista, kuwaas oo la sheegay in ay ka dambeeyeen qaraxii dhawaan lagu dilay Taliyihii Guutada 2-aad ee Daraawiishta Puntland, Gen. Qalyare.

Howlgal shalay ka dhacay deegaanka Dhasaan oo katirsan buuraha Calmiskaad ayaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan kooxdan, mid kalena gacanta ayaa lagu dhigay, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay howlgalka “Hillaac.”

Ilo madax-bannaan oo la hadlay HOL ayaa xaqiijiyay in Puntland ay hal askari ku weyday howlgalkaas, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen. Waxaa la filayaa in maanta lasoo bandhigo maydadka xubnihii la dilay.

Afhayeenka howlgalka, Gen. Maxamuud Faadhig, ayaa sheegay in meel 60 km u jirta halkii qaraxa loogu dhigay Gen. Qalyare lagu helay kooxdii weerarka ka dambeysay, isagoo tilmaamay in dagaal culus oo dhacay lagu baabi’iyay kooxdii miino dhigayaasha Daacish.

Saddex kale oo ka tirsanaa Daacish ayuu sheegay in ay fakadeen, kuwaas oo uu sheegay in ciidamadu ku raad joogaan. Gen. Faadhig ayaa intaas ku daray in miino dhigistu ay mid kamid ah xeeladaha ay Daacish kula dagaalamayeen ciidamada Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta furaya Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya?

0

Isnliin 29 Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu in maanta oo Isniin ah uu si rasmi ah u furo kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka oo horay dhowr jeer u baaqday.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Golaha Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay iney soo xaadiraan furitaanka kalfadhigooda wadajirka ah ee maanta, waxaana si gaar ah looga Mudanayaasha labada Aqal inay fadhiga soo xaadiraan oo aysan dhicin in Xildhibaan ku sugan Muqdisho uu ka maqnaado Fadhiga.

Furmitaanka Kalfadhiga 7-aad ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kasoo laabtay shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee maalin ka hor lagu soo gabagabeeyay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Sida ku xusan qodobka 90-aad ee Dastuurka dalka, madaxweynaha ayaa si toos u fura Kalfadhiga isagoona ka jeediya khudbad uu uga hadlayo wax qabadka dowladda muddadii uu Baarlamaanka fasaxa ku maqnaa iyo dardaaran guud uu siiyo labada Gole.

Ugu dambeyntii Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya oo la dhaariyay bishii April ee sanadkii 2022-kii waxaa muddo xileedkiisa sharciga ah ka dhiman in ka yar 8 bilood, waxaana lagu wadaa in kalfadhigaan inta lagu jiro loo gudbiyo qodobo la xiriira doorashooyinka dalka iyo dhameystirka Dastuurka.

{DAAWO MUQAALKA} Somaliland oo Gacanta kusoo Dhigtay Ajaanib Dhoofinayey Xayawaanka Haramcadka.

0

Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Somaliland oo Gacanta kusoo Dhigtay Ajaanib Dhoofinayey Xayawaanka Haramcadka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo ku Baaqday in Caasimada Dalka loo wareejiyo Garowe.

0

Isniin 29 Sep 2025 {HMC}Puntland oo ku Baaqday in Caasimada Dalka loo wareejiyo Garowe.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

 

Soomaaliya oo dhinaca Dekadaha ka hormartay dalal badan oo caalamka ah.

0

Axad  28 Sep 2025 {HMC} Dekedaha Muqdisho iyo Berbera ayaa loo aqoonsaday Marsooyinka ugu wanaagsanaa Bariga Afrika sanadkii tagay 2024 sida lagu sheegay daraasad ay si wadajir ah usoo saareen Bangiga Adduunka & Hay’adda Xog uruurinta Suuqa Caalamiga ah.

Halbeegga Container Port Performance Index (CPPI) ayaa lagu sheegay in Dekedahaan Muqdisho & Berbera ay qabteen Shaqooyin badan marka la dhinac dhigo Dekedaha kale ee ku yaalla Bariga Qaaradda Afrika.

Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war ay soosaartay ku sheegtay in ay soo dhaweyneyso qiimayntaan oo guul muhiim ah dhaxalsiisay Dekedaha Muqdisho iyo Berbera.

Warbixinta Wasaaradda ayaa intaas lagu daray in daraasaddaan lagu qiimeeyay 407 Dekedood oo ku yaalla Adduunka oo dhan waxaana ku jira 47 Deked oo Afrika ah, waxaana laga eegay dhinaca waqtiga Markabka ku qaadanayo in uu yimaado Dekedda kana shiraacanayo.

“Warbixinta halbeegga CPPI ee la shaaciyay 24 Sebteember laguna qiimeeyay 407 dekadood oo adduunka oo dhan ah oo ay ku jiraan 47 dekadood oo Afrika ah, iyada oo laga eegayay waqtiga ay markabka ku qaadanayso in uu yimaado dekadda kana shiraacdo ayaa dekadda Muqdisho waxa ay noqotay midda ugu horreysa Bariga Afrika halka adduunka oo dhan ka gashay kaalinta 163-aad, sidoo kale Dekadda Berbera ay gashay kaalinta labaad ee Bariga Afrika iyo adduunka oo ay ka gashay kaalinta 243-aad, taas oo ka dhigan in ay labaduba ka waxqabad wanaagsanaadeen dekedaha facawayn ee gobolka.

” Ayaa lagu yiri warka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} FALAQEYN 28FALANQEYN:- Amarka AS looga Saarayo Awdhiigle oo la bixiyay.

0

Axad 28 Sep 2025 {HMC} FALAQEYN 28FALANQEYN:- Amarka AS looga Saarayo Awdhiigle oo la bixiyay.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo Trump ugu geeyeen Aqalka Cad sanduuq ay ku jiraan dhagaxyo qaali ah.

0

Axad  28 Sep 2025 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Dalka Pakistan,Shehbaz Sharif iyo taliyaha guud ee ciidanka Pakistan, Asim Munir ayaa Aqalka Cad , waxay Madaxweyne Trump ugu geeyeen sanduuq ay ku jiraan dhagaxyo qaali ah iyo macdanta dhifka ah ee laga helo Pakistan, oo ah waxa uu ugu doonista badan yahay Mareykanka, tallaabadan oo ay uga danleeyihiin inay ku muujiyaan awoodda khayraadka dabiici ah ee Pakistan.

Pakistan, ayaa horey ugu soo bandhigtay Trump heshiis macdan oo ay ku beddelanayso iskaashi dhaqaale iyo diblomaasiyadeed oo ay ka hesho Mareykanka,taa oo Trump uu soo dhaweeyay.

Pakistan waxay isku dayaysaa inay labada quwadood u isticmaasho si kaabayaheeda dhaqaale loo xoojiyo, isla markaana aysan lumin doorka istaraatijiga ah ee gobolka.

Waxay Shiinaha ka heshaa maalgashi iyo difaac, halka Mareykanka ay ka raadiso dhaqaale, sharciyad siyaasadeed iyo xiriir diblomaasiyadeed oo caalami ah.

Su aasha taagan ayaa ah sedee Mareykanka iyo Shiinaha isugu heynaysaa kheyraadka Pakistaan.?

Wasiir Jaamac oo si cajiib ah uga hadlay dhulka danta guud.

0

Axad  28 Sep 2025 {HMC}  Marka laga soo tago in dowladdu masuul ka tahay maamulka dhulka danta guud, xaqna u leedahay in ay ku tasarufto iyada oo la xaqiijinaayo dan qaran; waxaan halkan idin kula wadaagayaa dhowr arrimood oo ka dahsoon in badan oo dadka ka mid ah:

1- Dad in laga saaro xarun iyo dhul dowladeed waxey ka soo billaabatay Madaxtooyada qaranka, garoonka diyaaradaha iyo dekedda Xamar.

Dhammaan xarumaha iyo goobaha ay maanta dowladdu ku shaqeyso waxey soo mareen waqti ay deegaan u aheyd ama ay haysteen dad gaar ah duruuf la xariirta burburki guud ee ku yimid dowladdi dhexe 1991.

Waxaa taas ka sii muhiimsan in la ogaado in dhulka dowladda oo dhan uu asalkiisa hore ahaa dhul gaar ah oo la qarameeyay dadki lahaana laga qaaday, waxaana la rabaa in ay dadku ogaadaan in dowladdu iska daa dhulkeeda e, dowaddu waxa ay awood sharci u leedahay in ay qofka ka qaaddo dhulkiisa gaarka ah sifo sharci ah kana qarameyso

2- Dowladdi dhexe ee millitariga aheyd waxay ku dhisneyd aragti hanti wadaag iyo shuuciyad ku saleysan, oo aragti ahaan xoojineysa hantida guud aadna u xakameyneysa hantida gaarka ah, gaar ahaan dhulka caasimadda iyo guud ahaan degmooyinka dalka. Sidaa darteed, waxaa la qarameeyay dhul aad u fara badan oo waqtiga la joogo aysan dowladdu baahi badan u qabin.

3- Isbedelki dabiiciga ahaa ee ku yimid baaxadda caasimadda, cufkeeda deegaan iyo ganacsi iyo baahiyaha nolasha cusub ay la timid, waxaa dabiici ah in ay dowladdu dib u eegis ku sameyso qaab deegaanka xarumaheeda hadba sida markaa dadka iyo deegaanka u nacfi badan.

Caasimaddu si ay ula qabsato nolasha casriga ah waxa ay u baahan tahay Mall-al waaweyn iyo goobo laga dukaameysto oo dhul ballaaran u baahan, hoteello muunad leh oo heer sara ah, xaafado iyo estate-yo si hormarsan u qaabeysan, isbitaallo, iskuullo iyo jaamacado aad uga badan intii horay u jirtay, hadaba si adeegyadaas oo dhan loo helo, ganacsiga gaarka ahna loo dhiirigaliyo si ka duwan aragtidi hantiwadaagga iyo xukunki ciidamada dowladda waxaa waajib ku ah in bixiso dhulki adeegyadaas gaarka ah laga fulin lahaa.

4- Xaaladaha amni ee caalamka oo dhan ku cusub, gaar ahaan dalkeena, oo ay argagixisadu ugu horreyso iyaduna waxa ay qasbeysaa dhowr arrin oo ay ka mid tahay in xarumaha dowladdu is aruuriyaan inta laga helaayo awoodda dhaqaale ee lagu xaqiijin karo amniga xarumaha dowladda oo dhan, arrintaan oo dhalisay in xaruma badan oo dowladeed aanan dib loo howlgalin karaanka dowladda oo aan gaarsiisneyn dartiis.

Xaaladdaas waxaa ka dhashay in ay abuurmaan deegaanno isku raran ah oo aan la garaneyn waxa gala iyo waxa ka soo baxa, ka dib marki xarumihii iyo dhulalkii dowladdu isku bedeleen abasiibooyin aan amni ahaan la koontarooli karin gabbaadna ay ka dhigteen canaasiir argagixiso ah oo amniga khatar ku ah, meelaha qaarna ay ka dhex abuurmeen kooxo shufto ah oo shaqo ka dhigtay dambiyada abaabulan iyo ka ganacsiga daroogada oo ku dhex dhuumanaya muwaadiniinta danyarta ah ee goobahaas deggan.

Sidaa dareed, dowladda waxaa waajib ku ah in ay dib u nidaamin ku sameyso dhulalka noocaas noqday si ay meesha uga saarto khatarta amni ee ku sugan. Waxaana qof walba u muuqata sida amniga caasimaddu u soo wanaagsanaanayo tan iyo inti la billaabay in deegaannada isku raranka ah la nidaamiyo.

Dhulka danta guud ee dowladdu dadka ka saartay waxa uu isugu jiraa dhowr qeybood oo kala ah: 1. Dhul iyo xarumo ay dowladdu dadki ka saartay si loogu qabto adeeggii dowladeed ee loogu talagalay ama adeeg dowladeed oo kale, dhulkaa waxaa ka mid ah xarumaha ay dowladdu maanta ku shaqeyso dhammaantood oo waqtiyo la soo maray ku jiray gacan gaar ah, laga soo billaabo madaxtooyada qaranka oo gacanta dowladda ku soo laabaty xilligi AUN madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waana inta ugu badan dhulalka iyo xarumaha ay dowladdu dadka ka saartay.

2. Dhul iyo xarumo ay dawladdu dadki ka saaratay oo ay heshiis kula gashay shirkado iyo adeegbixiyayaal soomaali iyo ajanabi isugu jira, si loo soo nooleeyo adeegyadii xarumahaas lagu qaban jiray oo aysan dowladdu tabar u hayn dadkuna u baahan yahay. Dhulalka iyo xarumaha noocaas ah waxaa u badan goobaha waxbarashada, isbitaallada iyo kuwa la midka ah.

3. Dhulal iyo Xarumo abasiibooyin iyo deegaanno isku raran ah isku beddelay, amnigoodana la sugi waayay, wasaaradihi iyo hay’adi lahaana ay caddeeyeen in ay ka kaaftoomeen oo ay dowladdu ku qasbanaatay in hadii dadka deggan ay diyaar u
yihiinna loo cabiro ayna iska bixiyaan khidmad yar marka loo fiiriyo beeca dhulalka caasimadda, ama lagu wareejiyo ganacsato dowladda lacag u celiya dhulalkana loo sharciyeeyo ka dib marka la nashqadeeyo oo abasiibooyinka meesha laga saaro.

Hadaba, Su’aasha macnaha sameyneysa ayaa ah: maxey tahay baahida ay dowladdu u
qabto nooca dhulalka ay iibso?

Dadka soomaaliyeed in badan oo ka mid ah ma oga in dakhliga ay soo xareyso DFS uu yahay oo kaliya $429.4 milyan (filashada dakhliga gudaha ee 2025) halka khaarashaadka uu yahay 1,342.5 bilyan, taa oo macnaheedu yahay in kharashku uu la eg yahay in ka badan seddex laabka dakhliga aya sameyso DFS! Marka ay sidaa tahay waxaa qof walba oo si sax ah u fekeraaya ku waajib ah in uu is weydiiyo, halka misaaniyadda dowladda laga kabo.

Dakhliga dowladda waxaa lagu kabaa deeqaha aan dibadda ka helno oo intooda badan ah mashaariic qoondeysan oo aan fulinno kaliya shuruudahooduna ay aad u adag yihiin.

Miisaaniyadeena kuma jirto lagac rasaas, hub, gaadiid dagaal iyo sahay ciidan lagu gado, marka waa in qof walba is weydiiyo dagaalka dalka lagu xoreynaayo muxuu ku socdaa? ciidamada macawusleyda ah ee meel walba ka halgamaayo maxaa lagu taageeraa?

Waxaad la socotaan inaan ku jirno dagaal dublumaasiyadeed oo caalami ah oo lagu difaacaayo midnimada dhuleed iyo badqabka badda iyo barriga soomaaliyeed, ma qiyaasi kartaan dagaalka intaas la eg oo wax qoonda ah aan ku laheyn miisaaniyadda sida loo maareeyo iyo waxa lagu halgamo oo wax lagu kala farsameeyo halka ay ka yimaadaan.

Waxaad la socotaan in madaxtooyada JFS ay ku jirto halgan qaran oo la isaga caabinaayo faragalinta shisheeyaha uu ku hayo siyaasaddeena arrimaha gudaha iyo dibadda labadaba, cadawgeenu waxa si joogta ah ugu howlan yahay abaabul lagu kala jarjaraayo dalka, lagu kala fogeynaayo umadda, laguna abuuraayo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni,
waxaa la rabaa in qofka dalkaan u naxaayo uu is weydiiyo maxaa dagaalkaas la isaga caabiyaa oo wax lagu kala farsameeyaa ama lagu kala sanceeyaa.

Sow ma ogidiin in sideeda qeybood ee dakhliga sakada lagu bixiyo oo quraanku sheegay ay ka mid tahay (Mu’allafatu Quluub) oo macnaheedu yahay dad ay dowladdu iska maslaxeyneyso oo muxaafid in ay noqdaan shartoodana laga nabadgalo laga shaqeynayo. Wali miisaaniyadda ma ku aragteen madax lagu magacaabo “Mu’allafatu Quluub” oo quraanku jideeyay. Mise Wold Bank iyo IMF ayaa kula fahmayo kharashaad wax lagu sanceeyo?

Marka laga soo tago dagaalka aan ku jirno, waxaa garab socdo dhismaha ciidamada iyo hay’adaha amniga. Waxaad maqrqaati ka wada tihiin in aan si joogta ah hub, rasaas, gaadiid ciidan, diyaarado helicopterro ah, diyaarado daroon ah iyo dooman dagaal in aan ciidamadeena ku qalabeynayno marki ugu horreysay burburka ka dib, ma is weydiiseen halka laga maareeyo oo laga debbero.

Waxaad wada ogtihiin in waddoiyinka caasimadda meel walba oo ka mid ah ay ka taagan tahay kaamirooyin casri ah oo magaalada oo dhan laga daawado amnigana wax wayn ka qabatay si joogta ahna loo dayac tiro, yaa iga tusi kara miisaaniyadda meesha ay uga jirto.
Magaaladaan laga been abuuranaayo oo la leeyahay dadkeeda ayaa la dulmiyaa waxaa ka howlgalo kumannaan wiil iyo gabdho dharcad ah oo luuq walba habeen iyo maalin u fadhiyo iyagoo hubeysan in ay xaqiijiyaan amniga caasimadda.

Yaa ii sheegi karo meesha miisaaniyadda dalka looga daray ciidameyntooda, hubeyntooda, mushaarsiintooda iyo daryeelkooda.

Shidaal ayaan qodaneynaa, doorasho qof iyo cod ah ayaan ka shaqeyneynaa, garoomo iyo dekedo cusub ayaan dhisaneynaa, ballaarinti ugu weyneyd ayaan ku haynaa baahinta waxbarashada asaasiga ah, macallimiinti ugu faraha badnaa ayaan qaadanay marki ugu horreysay, golihi ammaanka aduunka ayaan xubin ka noqonnay oo aan ergo culus u
dirnay lacag adagna ku baxadaa. Waxaa oo dhan iyo in ka badan oo aan soo koobi karin ayaa madaxda qaranka dhabarkooda saaran oo xal ka suagayo.

Soomaaliyey nin weyn siduu wax u ogyahay uma sheego, hadii hannaanka maamulka maaliyaddeena oo si weyn loo saxay, hay’ado caalami ahna nagala shaqeeyaan uu wali wax dhaliil ah leeyahay, ciddi aqoon iyo khibrad u leh ha noo timaado hana nala toosiso diyaar ayaan u nahay.

Aabuhu marka qoysku uu dhaqaalo yar yahay waxbuu kala mijilaa (farsameeyaa), haddaad aragtaan madaxdiina oo wax kala mijileysa ha ku dambaabina ee u fahma in reerku dhaqaalo yaryahay, oo in xanjo iyo suuf laysku gunto aan laga maarmin.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha qaranka, Mudane Xasan Sh Maxamuud, waa oday soomaaliyeed oo 70 jir ah, ahlu diin ah, dhorsan, siyaasadda aan jabhadnimo iyo dhiig sokooye aanan ku soo galin, khiyaano iyo madax magacawday oo uu ka hoos guurayna aysan jirin, marki labaand lagu sharfay laguna cimaamaday in uu qaranka hoggaamiyo, hadana diyaar uma aha in uu aakhiradiisa iska dhaawaco ee yaan lagu dambaabin, isagu waa qof oo xitaa wixi dambi ka dhaco xanta iyo aflagaadada joogtada ah ee lagu haayo
ayaa ka dhaqeyso.

Kuwa ma gudbayaasha ah ee faraqa ku dheggan waxaan leeyahay, maxaad sameyn doontaan marka sanad ka dib shidaalkeenna la suuqgeeyo, oo mallaaygeenna la suuq geeyo, oo garoomo iyo dekedo caalami ah oo lacag adag na soo galiyo aan yeelanno, oo madaxweyne xasan sheekh shabaabkana ka adkaado idinkana doorashada idinkaga adkaado, oo midnimada dalka ee soo carfeysana la xaqiijiyo.

Mahadsanidiin

W/Q Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda JFS