Home Blog Page 488

Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Masar oo Kulan Ku Yeeshay Qaahira, kuna Heshiiyey Xoojinta Iskaashiga Milatari?

0

Isliin 29 Sep 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan rasmi ah kula yeeshay magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, dhigiisa dalka Masar, Janaraal Cabdel Majiid Saqr, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dalkaas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee ka dhexeeya labada dal iyo taageeridda dadaallada lagu xasilinayo gobolka, si gaar ah Soomaaliya.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyey dowladda Masar kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadanayso nabadda iyo xasilloonida gobolka, isagoo xusay in Soomaaliya iyo Masar ay wadaagaan aragtiyo istaraatiiji ah iyo dano wadaag ah oo ku saleysan nabad iyo horumar.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga ee Masar ayaa xaqiijiyey diyaar-garowga dowladdiisa ee ku aaddan sii xoojinta xiriirka milatari ee labada dal, Waxa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Masar ee qaybta ka ah Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) la filayo inay si rasmi ah ugu soo biiraan howlgalka islamarkaana ay dhawaan tagayaan gudaha Soomaaliya.

Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee labada dal ku doonayaan inay ku dhisaan iskaashi amni iyo mid istiraatiiji ah oo waara.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 29-09-2025

0

Isniin 29 Sep 2025 {HMC}  Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 29-09-2025

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabaneeysa Baarlamaanka Soomaaliya u jeediyey

0

Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan sheekh oo khudbad dhinacyo badan taabaneeysa Baarlamaanka Soomaaliya u jeediyey

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 29-09-2025

0

Isniin 29 Sep 2025 {HMC}  Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 29-09-2025

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan sheekh ” Amniga magaalada muqdisho waxa uu gaaray heerkiin ugu wanaagsanaa”

0

Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan sheekh ” Amniga magaalada muqdisho waxa uu gaaray heerkiin ugu wanaagsanaa”

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

Ciidanka AUSSOM oo howlgal Amni ah ka sameeyay Jowhar

Insiin  29 Sep 2025 {HMC}Ciidamo katirsan Militariga Burundi ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal amni xaqiijin ah ka sameeyay Waddada isku xirta Garoonka Diyaaradaha Jowhar iyo Magaaladaas xarunta u ah Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.

Taliyaha guud ee qaybta 5aad ee Saldhigga Diyaaradaha Jowhar Gaashaanle Sare Oscar Hatungimana ayaa hoggaaminayay howlgalkaan roondada ahaa oo ciidamadu ku mareen waddada isku xirta Garoonkaas ay ka degtaan Diyaaradaha iyo Magaaladaas.

Waxaa howlgalka loogu magac daray “Badqabka isu socodka dadka iyo badeecadaha Magaalada Jowhar” waxa ay ciidamadu ku baareen hareeraha waddada si ay usoo saaraan haddii Miino halkaas la geliyay sida wararku sheegayaan.

Ciidamada Burundi waxa ay la howlgalaan ciidamo katirsan Ciidanka Federaalka iyo kuwa Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle, deegaanno katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayay ku sugan yihiin iyaga oo la howlgalla xiliyada qaar.

source hiiraan online

Puntland forces kill ISIS cell behind deadly landmine attack on Gen. Qalyare

Monday 29 Sep 2025 {HMC}    Puntland regional forces have killed members of the ISIS cell accused of planting the landmine that killed Brig. Gen. Qalyare, commander of the 2nd Brigade of the Puntland Dervishes, during an operation in the Calmiskaad mountains.

Operation Hillaac said in a brief statement on Sunday that seven ISIS fighters were killed and one captured in the Dhasan area of the mountains.

Independent sources confirmed to HOL that Puntland lost one soldier in the operation, while three others were injured. The bodies of the slain militants are expected to be displayed on Monday.

Gen. Mahmoud Faadhig, spokesman for Operation Hillaac, said the group was tracked down about 60 km from the site where Gen. Qalyare was killed. He described the battle as intense, adding that the ISIS cell was “destroyed.”

According to Gen. Faadhig, three ISIS members managed to escape and are being pursued by Puntland forces. He also noted that laying mines remains one of the group’s main tactics in its fight against Puntland.

Gen. Qalyare, one of Puntland’s senior commanders, was killed last week in a landmine explosion during ongoing operations in the mountains.

source hiiraan online

President Hassan Sheikh Mohamud opens 7th session of Somalia’s 11th parliament

Monday 29 Sep 2025 {HMC}   Somali President Hassan Sheikh Mohamud, who returned from the 80th United Nations General Assembly in New York, officially opened the 7th session of the country’s 11th Parliament on Monday.

In his address, President Mohamud commended lawmakers for passing key legislation focused on politics, security, elections, economic reforms, and army restructuring.

He praised the Somali National Army and international partners for recent military operations against al-Shabaab, pledging continued offensives to liberate remaining areas from the group.

“The government and its army fight militants on many frontlines. As you know, Somali pilots are now flying our planes in these operations, which is a big step for the army and the country,” the President said.

The President also welcomed the newly established Northeastern regional administration in Las Anod, describing it as the result of the people’s will. He called for strengthened security, reconciliation with neighboring administrations, and investment in basic services.

“The establishment of the Northeastern regional administration does not mean neighboring regions are no longer separate. The federal government will work to ensure coexistence and cooperation,” he added.

On the issue of prisoners, President Mohamud stated: “It is not Somali tradition to hold prisoners. Rather, it is our tradition to honor men captured in war and return them to their communities.”

The President further announced that Somalia will begin drilling its first oil well in the coming months, though he did not specify the date or location.

Addressing political divisions, President Mohamud reiterated his administration’s commitment to dialogue with federal member states that boycotted the recent National Consultative Council (NCC) meetings, namely Puntland and Jubbaland.

“We are working hard to talk to the brothers who rejected the National Consultative Council. Responsibility requires us to reach out to those with concerns, and we will continue to do so. We have chosen to resolve conflict through dialogue and consensus,” he said.

According to Article 90 of the Constitution, the President is mandated to open parliamentary sessions with a speech outlining the government’s performance during the recess.

The opening of the 7th session comes a day after President Mohamud returned from the UNGA, where he highlighted Somalia’s progress on security, governance, and constitutional reform.

source hiiraan online

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Shidaalka Soomaaliya Wuxuu Noqon Doonaa Iftiin Dhaqaale”?

0

Isnliin 29 Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu ka jeediyey Baarlamaanka ku sheegay in dowladda Federaalka ay si dhab ah u guda geli doonto ka faa’iidaysiga shidaalka dabiiciga ah ee dalka, kaas oo la xaqiijiyey inuu ka mid yahay keydadka ugu ballaaran ee shidaal ee laga heli karo caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in bilaha soo socda la bilaabi doono wax-soo-saarka ceelkii shidaalka ugu horreeyay, taas oo noqon doonta tallaabo weyn oo horumarineed oo dhinaca dhaqaalaha ah, Wuxuu hoosta ka xariiqay muhiimada ay arrintani u leedahay koboca dhaqaale, shaqo-abuurka, iyo isku-filnaanshaha Soomaaliya.

“Waxaan ka faa’iideysan doonnaa shidaalka dalkeenna oo la hubiyay in uu ku jiro keydkii ugu badan shidaal ee adduunka laga heli karo,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladda ay mushaar siiso ku dhawaad 100,000 oo qof oo isugu jira ciidamo, xildhibaano, macallimiin, iyo shaqaale rayid ah, mushaarkaas oo laga bixiyo canshuuraha gudaha laga ururiyo, Wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee si daacad ah u bixiya canshuuraha, isagoo carrabka ku adkeeyay in horumarka dalka uu ku xiranyahay wadajir iyo isla xisaabtan dhab ah.

Qodista shidaalka iyo dardar-gelinta canshuur ururinta ayaa loo arkaa tallaabooyin istiraatiiji ah oo wax ka beddeli kara mustaqbalka Soomaaliya, haddii loo fuliyo si hufan, daahfuran, lana hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay si toos ah uga faa’iideyso.

Hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujinaya rajo weyn oo laga qabo in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysato khayraadkeeda dabiiciga ah, isla markaana ay u beddesho fursado wax ku ool ah oo wax ka beddela nolosha shacabka.

Puntland oo xaqiijisay in ay dishay kooxdii Daacish u qaabilsanayd miino dhigista?

0

Isnliin 29 Sep 2025 {HMC} Puntland ayaa sheegtay inay dishay kooxdii Daacish u qaabilsanayd miino dhigista, kuwaas oo la sheegay in ay ka dambeeyeen qaraxii dhawaan lagu dilay Taliyihii Guutada 2-aad ee Daraawiishta Puntland, Gen. Qalyare.

Howlgal shalay ka dhacay deegaanka Dhasaan oo katirsan buuraha Calmiskaad ayaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan kooxdan, mid kalena gacanta ayaa lagu dhigay, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay howlgalka “Hillaac.”

Ilo madax-bannaan oo la hadlay HOL ayaa xaqiijiyay in Puntland ay hal askari ku weyday howlgalkaas, halka saddex kale ay ku dhaawacmeen. Waxaa la filayaa in maanta lasoo bandhigo maydadka xubnihii la dilay.

Afhayeenka howlgalka, Gen. Maxamuud Faadhig, ayaa sheegay in meel 60 km u jirta halkii qaraxa loogu dhigay Gen. Qalyare lagu helay kooxdii weerarka ka dambeysay, isagoo tilmaamay in dagaal culus oo dhacay lagu baabi’iyay kooxdii miino dhigayaasha Daacish.

Saddex kale oo ka tirsanaa Daacish ayuu sheegay in ay fakadeen, kuwaas oo uu sheegay in ciidamadu ku raad joogaan. Gen. Faadhig ayaa intaas ku daray in miino dhigistu ay mid kamid ah xeeladaha ay Daacish kula dagaalamayeen ciidamada Puntland.