Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Soomaaliya way Jilicsan tahay kaligeed ma qaadi karto culayska AS.
{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 29-09-2025.
Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY
Madaxweyne Putin, oo saxiixay sharci rasmi ah oo Ruushka uga baxayo heshiiskii uu kula jiray Yurub.
Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin , ayaa maanta saxiixay sharci rasmi ah oo Ruushka uga baxayo heshiiskii uu kula jiray Yurub oo mamnuucayay jirdilka dadka, kaasoo Ruushka uu ku biiray sannadkii 1998 , sida ay werisay Reuters.
Heshiiskan waxaa markii hore loogu talagalay in lagu hubiyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, gaar ahaan maxaabiista iyo dadka ku jira xarumaha xabsiyada iyo sugidda amniga, iyadoo la siinayo guddiyo madaxbannaan awood ay ku kormeeraan xaaladahaas.
{DAAWO MUQAALKA} Hooyo xabad lagu dul ridaayo uma dulqaadan karno xildhibaan cadar
Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Hooyo xabad lagu dul ridaayo uma dulqaadan karno xildhibaan cadar
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Wafdi uu Hogaaminayo Wabar Maxamed Wabar Axmed oo soo gaaray Baladweyne.
Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Wafdi uu Hogaaminayo Wabar Maxamed Wabar Axmed oo soo gaaray Baladweyne.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} ”Maanta maalin ay ka Liidato ma jirto Soomaaliya ”Xildhibaan Saciid Cali Muuse
Isniin 29 Sep 2025 {HMC} ”Maanta maalin ay ka Liidato ma jirto Soomaaliya ”Xildhibaan Saciid Cali Muuse
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
RW Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya.
Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Jarmalka u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Sebastian Groth, oo ay ka wada hadleen xoojinta iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa safiirka la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, oo ay kamid yihiin Kalluumaysiga, Warshadaha, iyo Xoolaha, kuwaas oo ay muhiim tahay in ay dowladda Jarmalku maalgashato, si ay uga wada faa’ideystaan labada dowladood.
Safiirka Jarmalka, Mudane Sebastian Groth, ayaa dhankiisa sheegay in ay dowladda Jarmalka ay Soomaaliya ku samaysan doonto maalgashi dhinacyo badan leh, dhowaanna ay dalka imaan doonaan masuuliyiin ka socda wasaaradda horumarinta iyo dhaqaalaha dowladda Jarmalka.

Soomaaliya way jlicsan tahay kaligeed ma qaadi karto culayska AS.
Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Magaalada New York ayaa lagu sheegay in weli aan xal laga gaarin maalgelinta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), taas oo mustaqbalka howlgalka mugdi gelisay.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, ayaa sheegay in Soomaaliya weli tahay dal jilicsan, isla markaana aysan kaligeed qaadi karin culayska dagaalka Al-Shabaab.
Mahmoud Ali Youssouf wuxuu sheegay in inkastoo Midowga Afrika uu laba jibbaaray taageeradiisa Sanduuqa Nabadda, hadana AUSSOM uu weli wajahayo ku dhowaad $180 milyan oo doolar oo ka maqan.
Youssouf ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo saaxiibada kale in ay la jaanqaadaan dadaalka Afrika, isagoo ku adkeeyay in howlgalka uusan ahayn mid aan xad lahayn.
Dhankiisa, Wasiirka Koowaad iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, Musalia Mudavadi, ayaa dhawaaan ka digay in farqiga dhaqaale ee sii kordhaya uu khatar weyn ku yahay AUSSOM, oo muddo xileedkiisu dhammaanayo bisha December.
Wuxuu ku baaqay in la hirgeliyo qaraarka Qaramada Midoobay ee 2719, kaas oo dhigaya in QM qayb ka qaadato maalgelinta howlgalada nabad ilaalinta ee Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in guusha AUSSOM aysan muhiim u ahayn Soomaaliya oo keliya balse ay sidoo kale saameyn ku leedahay amniga gobolka iyo kan caalamka.
UK, Talyaaniga, Japan, Koonfur Kuuriya iyo Spain ayaa kamid ah dalaka illaa iyo haatan ku dhawaaqay ballanqaadyo cusub oo lagu taageerayo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM.
Midowga Yurub ayaa sheegay inuu dhawaan shaacin doono taageero gaar ah oo dhinaca ciidan ah.
Finance Minister Meets Saudi Fund for Development CEO to Discuss Investment Opportunities
Monday 29 Sep 2025 {HMC} The Minister of Finance of the Federal Government of Somalia, H.E. Bihi Iman Egeh, held an important meeting with the Chief Executive Officer of the Saudi Fund for Development, Sultan bin Abdulrahman Al-Marshad.
During the meeting, the Somali Government presented the investment opportunities available in the country. It was agreed that the discussions would continue at a technical level to review priority areas and pave the way for broader economic cooperation and investment.
The Minister was accompanied by the Chairperson of the Somali Development and Reconstruction Bank, Ms. Hodan Aden Osman, the Director of the Mogadishu Port, Mohamed Ali Nur (Americo), and officials from the Somali Embassy in the Kingdom of Saudi Arabia, led by the Acting Ambassador, Abdi Aziz Ibrahim Hassan.
source sonna
Defence Minister meets his Egyptian counterpart, discusses strengthening military cooperation
Monday 29 Sep 2025 {HMC} The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, met in Cairo with the Minister of Defence of the Arab Republic of Egypt, General Abdel Majeed Saqr, along with senior officers of the Egyptian Armed Forces.
The meeting focused on strengthening military cooperation between the two countries and supporting efforts to promote peace and stability in the region.
Minister Fiqi commended Egypt for its significant role in advancing peace and stability, noting that both nations share a common vision on key strategic and mutual interests.
For his part, the Egyptian Minister of Defence expressed his country’s readiness to further enhance military cooperation between the two nations, and also confirmed that Egyptian troops contributing to the African Union Support and Stabilisation Mission in Somalia (AUSSOM) will soon be deployed to Somalia.
source sonna




