Home Blog Page 486

Maraykanka oo xiray nin Soomaali ah oo doonayay inuu usoo safro Soomaaliya si uu ugu biiro Daacishta?

0

Talaado, 30 Sep 2025 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa xirtay nin Soomaali ah oo ay xeer ilaalinta Minnesota ku eedeeysay inuu doonayay inuu ku biiro ururka Daacish.

Abdisatar Axmed Xasan, oo 23-jir ah, ayaa loo xiray markii hay’adaha ammaanku ogaadeen inuu baraha bulshada ku amaanay ururka ISIS, labo jeerna uu isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro, Daacish, isla markaana muujiyey rabitaan uu Maraykanka wax ugu dhimi lahaa.

Xeer-ilaaliyaha ku-xigeenka Mareykanka, Joe Thompson, ayaa yiri: “Cabdi Sataar wuxuu duubay calanka ISIS, una dabaaldegay weerarro lagu qaaday dalkiisa. Ma oggolaan doonno in Minnesota ay noqoto hoy ama meel aamin ah oo loo aado argagixiso doonaya inay fal galaan.”

Intii dacwaddu socotay, ninkan ayaa qirtay dambigiisa. Xukunkiisa ayaa la go’aamin doonaa dhowaan.

Wakiilka Gaarka ah ee FBI ee xafiiska Minnesota, Alvin M. Winston Sr., ayaa yiri:

“Qiyaasta xukunka maanta waxaa ka dambeeyey saacado badan oo shaqo adag ah oo ay fuliyeen wakiillada iyo falanqeeyayaasha FBI. Minnesota in laga ilaaliyo taageerayaasha ururada argagixisada ee dibadda loo calaamadeeyey sida ISIS iyo Al-Shabaab waa mudnaanta koowaad ee FBI. ISIS iyo Al-Shabaab waxay halis cad u yihiin dhammaan Mareykanka.”

Qoraallada Xasan ee baraha bulshada waxaa ka mid ahaa amaan loo jeediyey ISIS iyo weerarro argagixiso oo ay ku jirto weerarkii Janaayo 1, 2025, ee New Orleans, kaas oo lagu dilay 14 qof, isaga oo qofka weerarkaas fuliyay ku tilmaamay “halyeey.”

Bishii Febraayo, Xasan wuxuu baraha bulshada ku soo dhigay muuqaal muujinaya isagoo haysta calanka madow ee ISIS oo gurigiisa lagu sameeyey.

Baadhayaashu waxay qabteen taleefoonnadiisa gacanta waxayna heleen isweydaarsiyo qoraal ah oo uu la yeeshay qof u muuqday weriye, iyo faylal PDF ah oo qaar Faransiis/Carabi ku qornaa, kuwaas oo tilmaamaya sida loo sameeyo qaraxyada.

{DAAWO MUQAALKA} Booliska oo Gacanta kusoo Dhigay Dhalinyaro Falal Amni Daro Muqdisho ka Geeystay

0

Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Booliska oo Gacanta kusoo Dhigay Dhalinyaro Falal Amni Daro Muqdisho ka Geeystay

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Booliska oo Gacanta kusoo Dhigay Dhalinyaro Falal Amni Daro Muqdisho ka Geeystay

0

Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Booliska oo Gacanta kusoo Dhigay Dhalinyaro Falal Amni Daro Muqdisho ka Geeystay

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Booliska oo Gacanta kusoo Dhigay Dhalinyaro Falal Amni Daro Muqdisho ka Geeystay

0

Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Booliska oo Gacanta kusoo Dhigay Dhalinyaro Falal Amni Daro Muqdisho ka Geeystay

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Mareeykanka iyo israa’iil oo soo afjaray Dagaalka Qasa.

0

Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Mareeykanka iyo israa’iil oo soo afjaray Dagaalka Qasa

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

 

Booliska Soomaaliyeed oo Xiray toddobo dhalinyaro ah oo Naftooda Halis giliyay.

0

Isniin, 29 Sep 2025 {HMC} Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga degmada Warta-Nabadda ayaa gacanta ku soo dhigay toddobo dhalinyaro ah, kuwaas oo ku kacay Falal halis galinaya naftooda iyo tan bulshada.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay digniin adag u dirayaan dhammaan dhalinyarada inaysan garoomada iyo goobaha kale ee bulshada la soo gelin wax kasta oo dhaawac ama dhibaato u horseedi kara naftooda iyo tan bulshada.

Tooreeyada, sakiimaha, iyo wixii lamid ah waa ka mamnuuc garoomada iyo goobaha kale ee dadweynaha, Qof kasta oo lagu helo isagoo ku kacaya fal khatar gelinaya naftiisa iyo tan dadka kale waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Maxeey ka wada hadleen Trump iyo Netanyahu.?

0

Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inay ka wada hadleen soo jeedin lagu soo afjarayo dagaalka ka socda Qaza.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanku uu dhex-dhexaadin doono wadahadal u dhexeeya Israa’iil iyo Falastiin, isla markaana 72 saacadood gudahood kadib marka Israa’iil ogolaato heshiiska, la sii deyn doono dhammaan maxaabiista Israa’iil.

Aqalka Cad wuxuu intaa ku daray in haddii labada dhinac ay ogolaadaan, dagaalku si degdeg ah u istaagi doono.

Sidoo kale Aqalka Cad ayaa sheegay in Israa’iil aysan qabsan doonin Qaza dhulkeeda, isla markaana aan cidna si khasab ah looga saari doonin magaalada.

Deema Fayyad oo ah Gabar Reer Falastiin oo ka hadashay Xaalada adag ee ay ku noolyihiin.

0

Isniin 29 Sep 2025 {HMC} ‘Markii ay Qasa gashay go’doomin dhab oo la joojiyay dhaqdhaqaaqa oo dhan, loona diiday inay wax cunto ah ay soo gasho , waxaa si dhaqso ah u bilowday inuu raashinku dhammaado, qoyskaygu waxay ku khasbanaadeen inay la yimaadaan xeelad ay ku sii noolaan karaan, si ay u helaan beddelka raashinka laga waayay suuqa.

Wax walba markii ay dhammaadeen, waxay dadku billaabeen inay hindisaan habab beddel u noqon kara cunada la waayay, iyadoo la adeegsanayo waxyaabaha yaryar ee laga heli karo suuqyada, waxaana nagu dhashay fikrado aan waligeen nagu soo dhicin, waxa ugu daran markii la waayay sareenkii iyo burkii oo ahaa waxa ugu badan ee dadka reer Qasa cunada u ahaa , markii uu sareenka naga dhammaaday waxaa bilowday hal abuur cusub, waa in baastada loo beddelo sida burka oo laga sameeyo rooti, waana xeelad ay adeegsadeen inta badan dadka Qasa.

Rootigu wuxuu udub-dhexaad u yahay cunnadayada maalin kasta, balse macaluushu waxay ka dhigtay suuqa mid ka dhammaada, miraha, khudaarta, ukunta, farmaajada, digaagga iyo hilibkaba meel kasta haddii aad tagtid lacag walba bixi ma ka helaysid Qasa.

Dadka halkan jooga waxay doorbidaan inay baasto u adeegsadaan sida burka ,halkii ay baasto cunto ahaan u karin lahaayeen.

Sababtu waa in rootiga laga dhigan karo qado, cashada iyo quraacda, halka baastada badanaa kaliya loogu talagalay qadada ama aanan marar is xigxigta la cuni karin.

Dadku sidoo kale inta badan marka ay rootiga cunayaan waxay aaminsanyihiin inay dhargayaan oo caloosha u buuxinayo si ka duwan baastada.

Bilowgii bishii June ee sannadkan, markii ugu horreysay ayaan isku daynay inaan ka sameyno rootiga baastada.

Xaaska walaalkay Fady, oo la yiraahdo Doha, ayaa la xiriirtay qoyskeeda oo muddo ku noolaa habkan inay baastada u beddelaan rooti, waxayna waydiisay sida loo sameyn karo.

Doha oo ay caawinaysay hooyaday Saham ,waxay baastada ku qooyeen biyo illaa ay jilcday, kadibna waxay ku dareen bur yar, si fiican ayayna u qasheen illaa ay cajiin noqotay.

Aad buu u adkaa, waqti iyo dulqaad badan ayuu u baahnaa, rootiguna ma ahayn mid la mid ah kii burka laga sameyn jiray.

Kadib markii la sameeyay cajiinkii, walaalkay Fady oo 35 jir ah ayaa qaaday si uu ugu dubo foornada dadweynaha, halkaas oo uu saf ku jiray 30 ilaa 45 daqiiqo.

Markuu kusoo laabtay oo la soo dubay rootigii laga sameeyay baastada, wuxuu lahaa muuqaalka burka, xataa dhadhanka si ka duwan waxa aan fileynay wuxuu u muuqda in bur laga sameeyay, waxaan arkayay dhoolacadeynta qoyskeyga oo dareemayay in hadda ay heleen xal ay ku noolaan karaan muddo.

Laakin, hal abuurka in baastada loo adeegsado sida burka oo laga sameeyo rooti wuxuu wada gaaray Qasa, waxaana dhacday in baastadii ay suuqa gabaabsi ka noqoto oo qiimo sare lagu iibiyo, halkan ayay dhibaato kale nooga billaabatay, waana in qoyskeyga aysan heysan lacag ay ku iibsan karaan, dhoolacadeyntiina waxay isku rogtay murugo uusan qofna dooneyn inuu bannaanka usoo saaro.

Mar kale ayaan fikirnay waxaana iskudaynay hal abuur cusub, kaasoo ah in digirta cad aan ka dhigno sida burka oo la burburiyo kadibna la qaso, laakin way ka adkeyd baastada , halkii markii hore dumaashiday iyo hooyo ay ku filnaayeen baastada inay bur ka dhigaan, digirta waxaan ku qasbanaanan qof walba inuu mar xasho, markii si la mid ah sida burka baastada la geeyay foornada, waxaa noo soo noqday rooti ka duwan midkii hore oo afka markii la galiyo adag, dhadhankana noqday mid aan rooti loo qaadan karin, ma jirin dookh kale qof walbana wuxuu niyadiisa u sheegay inuu bur cunayo, maalmo markii burkan uu yaalana wuxuu noqonaya sida dhagixii oo waxaad u jajabinaysa sida inaad dhagax feenanayso.

Xaaladaa adag, waxaan go’aansanay inan digirta si toos ah u karino, halkii aan rooti ka dhigi lahayn.

Toddobaad kasta wuxuu hadda dhammaanaya iyadoo wax kasta oo aan heysanay ay dhammaadeen, xataa waxaan sameysanay cuno aan jirin annagoo niyada u sheegayna inan cuno sugeyno, ama sameynayna walxo kale, sababtoo ah waxaa dhammaaday waqtigan aan sheekadan soo gudbinayo baastadii iyo xataa digirtii, qiimo kastana waxba ma gooyaan oo ka heli maysid Qasa, wax aad dhuunta ka dejiso, waxaan ku jira marxalad wareer iyo dhulka ila wareeganayo, maxaa yeelay aad ayaan u gaajoonaya, waxaan dareemaya sida inan ruxmayo oo dhul gariir aan ku dhex jiro, madaxa wuxuu ii xanuunaya si aan horey u qiyaasin, waan dhididayaa xilli walba, carabkeygana waa mid qalalan oo aan la dhaqaajin karin, wax kale ma ahaa waan gaajoonaya, mana jirto qof aniga iga duwan oo aad Qasa ku arkeyso, qof walba ayaa gaajoonaya!
Marka go’doomintan iyo gaajada aan ka baxno , waxaan rabaa inaan cuno wax walba , laakin ma doonayo inan cuno baasto, digir iyo wixii aan cunay inta aan ku jiro xaaladan.

Waxaan doonayaa gaajada igu riday wareerka iyo tabar darada magdhowgeeda oo ah inaan cuno badan cuno oo ay ku jiraan khudaar, miraha, ukun ama hilibka oo aanan helin iyo inaan helo cuno kasta oo ay ku jiraan wixii aan doonayay inan helo mar kasta oo aan gaajoonayay.’

XIGASHO Iman Jamac

Rag ku Edeysnaa in ay Masjid ka dhaxtuuri Rabay Bom F1 oo La Xukumay.

0

Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Maankeey), ayaa iska Diwaan Geliyay Safka argagixisada, isaggoo qaatay tababaro kala duwan oo lagu barayay adeegsiga hubka noocyadiisa kala duwan, kagana sii gudbay Qeybta Jabhadaha ku dhuumaaleysta goholka Shabeellaha Hoose.

Soddon Dollar oo mushaar ahaan uu u qaadan jiray, ayaa isku beddeshay Afartan Dollar, Waxaana loo soo wareejiyey magaaladda Muqdisho.

Xoogsade dhismaha guryaha ka shaqeeya ayuu gabbaad ka dhigtay, waxaana ka hoos socday indho indheyn uu ku soo sameyn jiray baraha hubinta Ciidamada Amniga.

Labaatan iyo labadii bishii maarso ee sanadkaan, ayaa lagu soo qabtay isaggoo isku dayey Xilli Ramadaan ah in uu Bam F1 ah ka dhex tuuro Masjidka Dabaqa ah ee Xaaji Bashiir oo ku yaalla Degmadda Deyniile, Mid ka mid ah Jameecada Masjidka ayaa gacanta ula tagay Dhagarqabaha, kuna simay laamaha amniga.

Ibraahin Isaaq Aadan Cali (Dawiil) waxa uu 2018 ka mid noqday argagixisada, Waxaana uu Tabbar hal bil ah u qaatay isticmaalka Hubka noocyadiisa kala duwan.

Si la mid ah Eedeysanaha koowaad Jabhad ku dhuumaaleysata Shabeellaha hoose qeybo ayuu kamid ahaa, isaggoo la galay dagaalo lala galay ciidanka Xoogga dalka.

Mar danbe ayaana loo soo beddelay kooxda dilalka gaadmada ah ka fulisa caasimada, Bakaaro ayeyna Khawaarijta uga Camireen miis Gabbaad ah uu ku iibinayay Ookiyaalaha Xaragada iyo Saacadaha, Mushaar Ahaana waxa uu u qaadan jiray 30 Dollar bishii.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Kow iyo Labaatankii Bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Maankeey) Toban Sano oo Xabsi Argagaxiso ah, halka Ibraahin Isaaq Aadan Cali (Dawiil) isna lagu xukumay Lix Sano oo xabsi Argagaxiso ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Turkiga oo maraakiib Dagaal u diray biyaha caalamiga si uu u difaaco Muwaadiniintiisa u Safray Qasa.

0

Isniin 29 Sep 2025 {HMC} Dowladda Turkiga ayaa labo markab oo dagaal u diray biyaha caalamiga ah ee Mediterranean-ka , halkaa oo ay ku socdaalayaan in ka badan 50 doomood oo ku socda marinka Qasa , si ay u jebiyaan go’doominta ay Israa’iil ku heyso.

Muwaadiniinta ugu badan ee doomahan la socda ayaa ah Turkiga ay ku jiraan xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Turkiga , iyagoo weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn kala kulmay Israa!l, illaa hadda howlaha maraakiibta ayaa caawimaad iyo gargaar ku kooban, balse Turkiga ma dammaanad qaadin inuu difaaci doono haddii ay Israa|l soo weerarto,

mana gaari doonaan maraakiibtan biyaha Qasa oo ay doomaha ku socdaan, xilligaa oo ah marka ay u baahanyihiin cid ka difaacda Israa|l, sida ay werisay TRT.