Home Blog Page 508

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay shirka Astaynta dowladnimada Falastiin?

0

Talaado, Sep 23, 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

Ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir heer caalami oo looga hadlayay ictiraafka dowladnimada Falastiin iyo xaqiijinta xuquuqdooda taariikhiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujisay mowqifkeeda joogtada ah ee ah garab-istaagga shacabka iyo dowladda Falastiin, iyada oo ka mid ahayd Dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin, isla markaana taageero joogto ah u muujisay dadaallada lagu xaqiijinayo dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay dhiirigelinaysaa dalalka qaatay go’aanka taariikhiga ee ku aaddan ictiraafka dowladda reer Falastiin, taas oo xoojinaysa xasilloonida iyo nabadda gobolka, xaqiijinaysana xuquuqda taariikhiga ah ee dadka Falastiin.

Nuuraadiin Ibraahim Mubaarak oo Lagu Xukumay Ganaax Lacageed Sababo la Xiriira Canshuur-Diidnimo?

0

Talaado, Sep 23, 2025 {HMC} Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukun lacageed ku ridday ganacsade Nuuraadiin Ibraahim Mubaarak, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira canshuur-diidnimo iyo jebinta sharciga canshuuraha ee dalka.

Nuuraadiin ayaa lagu eedeeyay inuu ganacsi ku sameynayay qalabka dayactirka baabuurta isagoo aan si sax ah u bixin canshuuraha, taasoo keentay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka dacwad rasmi ah ka gudbiyo, Maxkamaddu markii ay dhageysatay caddeymaha, waxay ku qanaaxaday in dambigu dhacay, waxayna ku xukuntay ganaax lacageed oo u dhigma dambiga uu galay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa lagu sheegay in Nuuraadiin lagu daray diiwaanka dambiyada dalka, taasoo ah digniin cad oo loo dirayo ganacsatada kale ee aan si buuxda u bixin waajibaadka canshuuraha.

Xafiisku wuxuu si gaar ah u xusay in cid kasta oo ganacsi waddanka ka wadata laga doonayo inay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka canshuuraha, Haddii kale, waxaa la horgeyn doonaa maxkamad, waxaana laga yaabaa in lagu daro diiwaanka dambiyada, arrintaasoo si weyn u saameyn karta mustaqbalkooda ganacsi iyo mid shacabnimo labadaba.

“Dhammaan ganacsatada waxaan leenahay, canshuurta dalka waa masuuliyad laga rabo muwaadin kasta, Cidii ka baxda waajibkaas sharci ayaa ka dambeynaya,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska.

Nuuraadiin ayaa lagu eedeeyay inuu ganacsi ku sameynayay qalabka dayactirka baabuurta isagoo aan si sax ah u bixin canshuuraha, taasoo keentay in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka dacwad rasmi ah ka gudbiyo, Maxkamaddu markii ay dhageysatay caddeymaha, waxay ku qanaaxaday in dambigu dhacay, waxayna ku xukuntay ganaax lacageed oo u dhigma dambiga uu galay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa lagu sheegay in Nuuraadiin lagu daray diiwaanka dambiyada dalka, taasoo ah digniin cad oo loo dirayo ganacsatada kale ee aan si buuxda u bixin waajibaadka canshuuraha.

Xafiisku wuxuu si gaar ah u xusay in cid kasta oo ganacsi waddanka ka wadata laga doonayo inay si buuxda ugu hoggaansamaan xeerarka canshuuraha, Haddii kale, waxaa la horgeyn doonaa maxkamad, waxaana laga yaabaa in lagu daro diiwaanka dambiyada, arrintaasoo si weyn u saameyn karta mustaqbalkooda ganacsi iyo mid shacabnimo labadaba.

“Dhammaan ganacsatada waxaan leenahay, canshuurta dalka waa masuuliyad laga rabo muwaadin kasta, Cidii ka baxda waajibkaas sharci ayaa ka dambeynaya,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xafiiska.

Mid kamid ah saraakiishii Puntland ee hoggaaminayay dagaalka Daacish oo qarax lagu dilay?

0

Talaado, Sep 23, 2025 {HMC} Taliyihii Guutada 2aad ee ciidanka difaaca Puntland ee Daacish kula dagaalamaya Buuraleyda Calmiskaat, Gen. Axmed Cabdi Cali-Qarjab ( Gen. Qalyare), ayaa ku geeriyooday qarax miino.

Gen. Qalyare ayaa ka mid ahaa saraakiisha hoggaaminaysay dagaalka lagula jiro kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraleyda Calmiskaad.

Qaraxa lagu dilay taliyaha ayaa ka dhacay deegaanka Dhasaan, oo ka tirsan meelihii horey looga xoreeyay kooxda Daacish. Sidoo kale, waxaa qaraxaasi sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray qaar ka mid ah ciidamada la socday Gen. Qalyare.

Gen. Qalyare ayaa horey dhaawac fudud uga soo gaaray dagaalladii ka dhacay deegaanka Calmiskaad. Dhawaan ayuu dalka dibaddiisa uga soo laabtay arrimo la xiriira xaaladdiisa caafimaad, isagoo markaa kadib dib ugu laabtay furimaha dagaalka.

Ilaa hadda, Puntland kama aysan hadlin geerida taliyaha, iyadoo dilkiisa uu ku soo beegmay xilli ay Puntland lumiyeen saraakiil badan dagaalka ka dhanka ah Daacish, dagaal muddo ku dhow sanad ka socday buuraleyda Calmiskaad.

Kooxda Daacish ayaa haatan si weyn u adeegsanaysa qaraxyada lagu aaso wadooyinka, kaddib markii looga adkaaday dagaalka tooska ah ee fool-ka-foolka ah. kooxda ayaa sku uruursaday togga Baallade, halkaas oo ay kaga dhuumanayaan ciidamada Puntland.

Inkasta oo ay go’doon yihiin, haddana waxay helaan fursado ay ku dhigaan miinooyin iyo qaraxyo jidka lagu aaso, si ay u beegsadaan ciidamada iyo saraakiisha hoggaanka u ah hawlgalada ka dhanka ah kooxdan.

Madasha Samatabixinta oo ku dhawaaqday dacwado ka dhan ah Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumaddiisa?

0

Talaado, Sep 23, 2025 {HMC} Madasha Samatabixinta Qaranka iyo xildhibaanno ka tirsan labada gole ayaa ku dhawaaqay in ay dacwado sharci ah ka gudbinayaan Madaxweynaha Federaalka, xukuumaddiisa iyo saraakiil lagu eedeeyay tacaddiyo xuquuqul insaan, musuq iyo barakicinta qoysas sabool ah.

Dacwadahan ayaa la sheegay in laga furi doono maxkamadaha dalka iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo lagu saleynayo ku tumashada dastuurka, ku takri-falka awoodda iyo iibinta sharci-darrada ah ee dhulalka danta guud iyo kuwa shacabka.

Bayaan kasoo baxay Madasha Samatabixinta Qaranka iyo xildhibaannoka ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay ka baxday waajibaadkii dastuuriga ahaa, isla markaana ay wiiqday kalsoonida shacabka iyo nidaamka federaalka.

Madasha ayaa ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xukuumaddiisa in ay si sharci-darro ah u beddeleen dastuurka, dib u dhigeen doorashooyinka dowlad-goboleedyada, wiiqeen dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana xiriirka u jareen Jubbaland iyo Puntland.

Shacabka Soomaaliyeed ayay ugu baaqeen in ay abaabulaan bannaanbaxyo nabadeed gudaha iyo dibaddaba, si loo joojiyo waxay ugu yeereen musuqmaasuqa iyo ku takri-falka awoodda.

Madasha iyo saaxiibadeeda siyaasadeed iyo bulsho waxay sheegeen in shacabka Soomaaliyeed xaq sharci ah u leeyihiin difaacul-nafsi iyo in codkooda mideysan uu yahay furaha badbaadada iyo mustaqbalka dalka.

Soomaaliya iyo Serbia oo kala saxiixday heshiis iskaashi Diblumaasiyadeed?

0

Talaado, Sep 23, 2025 {HMC} Wasiiradda arrimaha dibadda dowladdaha Soomaaliya iyo Serbia Cabdisalaan Cabdi Cali iyo dhiggiisa dalka Serbia Marko Đurić ayaa heshiis cusub ku kala saxiixday magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Labada Wasiir ayaa ka mid ah wafdi sare oo labada dowladood uga qeyb galaya magaalada New York fadhiga guud ee 80-aad ee Golaha Qaramada Midoobay.

Labada dhinac ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiis is afgarad oo ka dhexeeya Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Akadeemiyadda Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Serbia.

“Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay kor u qaadidda iskaashi dhow oo ku qotama tababbarka diblomaasiyadeed iyo karti-dhisidda aqooneed” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee Soomaaliya iyo Serbia waxay horay u kala saxiixdeen heshiisyo kala duwan oo ku qotama dhinacyada caafimaadka, militariga, amniga iyo kuwo kale oo muhiim ah.

Ugu dambeyntii dowladda Serbia waxay ka mid tahay dalalka caalamka ee dowladda Soomaaliya ku garab siiya dib u dhiska hay’adaha muhiimka ah, waxaana sanadihii dambe ay dowladda Soomaaliya xoojisay xiriirka ay la leedahay Serbia.

Dembele oo ku guuleystay Abaalmarinta Ballon d’Or 2025?

0

Talaado, Sep 23, 2025 {HMC} Habeen taariikhi ah oo ka dhacday magaalada Paris, ayaa ciyaaryahanka reer France ee Ousmane Dembele ku guuleystay abaalmarinta ugu qiimaha badan kubadda cagta caalamka ee Ballon d’Or 2025, taasoo uu markii ugu horreysay noloshiisa ku hantiyey.

Munaasabadda ayaa lagu qabtay Aqalka Châtelet ee caanka ah, waxaana Dembele uu abaalmarinta guddoonsiiyay halyeygii xulka Brazil Ronaldinho, isagoo la guddoonsiiyay kadib xilli ciyaareed cajiib ah uu la qaatay kooxdiisa Paris Saint-Germain, taasoo uu kula guuleystay afar koob.

Dembele ayaa si weyn uga mahadceliyay kooxda PSG iyo tababarihiisa Luis Enrique, oo uu ku tilmaamay “sida aabbihiisi oo kale”.

Wuxuu sheegay in uu wali la yaaban yahay sida uu ku gaaray heerkan, isagoo yiri “Mahadsanidiin, waxay ii ahayd Xilli ciyaareed layaab.”

Dembele wuxuu noqday laacibkii lixaad ee Faransiis ah ee ku guuleysta Ballon d’Or, waxaana uu dalkiisa u keenay abaalmarinta sagaalaad, iyadoo Michel Platini uu saddex jeer ku guuleystay intii u dhaxeeysay (1983–1985), halka ciyaartoyda kale ay kala yihiin Raymond Kopa oo ku guuleeystay sanadkii (1958), Jean-Pierre Papin (1991), Zinedine Zidane (1998) iyo Karim Benzema oo ku guuleeystay sanadkii (2022).

Dhanka kale, xiddiga da’da yar ee Barcelona iyo Spain, Lamine Yamal, inkastoo uusan ku guuleysan Ballon d’Or, haddana wuxuu mar kale hantiyey abaalmarinta Kopa Trophy, oo la siiyo ciyaartoyga ugu fiican adduunka ee da’diisu ka hooseyso 21 sano, Tani waxay ahayd markii labaad oo xiriir ah uu Yamal ku guuleysto abaalmarintan.

{DAAWO MUQAALKA} Ciidanka Soomaaliya oo Dhulatus la Sameeyey Kuwa Midowga Yurub.

0

Talaado 23 Sep 2025 {HMC} Ciidanka Soomaaliya oo Dhulatus la Sameeyey Kuwa Midowga Yurub.

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 23 09 2025

Talaado 23 Sep 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::cabdi nuur caraboow

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu yahay Hishiiska ay kala Saxiixdeen Soomaliya iyo Serbia.?

0

Talaado 23 Sep 2025 {HMC} Muxuu yahay Hishiiska ay kala Saxiixdeen Soomaliya iyo Serbia.?

HOOS KA DAAWO MUUQAKA 

{DAAWO MUQAALKA} MW Xasan sheekh oo ka qeyb galay shir looga hadlayey Xaalada Falastiin

0

Talaado 23 Sep 2025 {HMC} MW Xasan sheekh oo ka qeyb galay shir looga hadlayey Xaalada Falastiin

HOOS KA DAAWO MUUQAKA