Sabti 20 Sep 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan oo Madaxtooyadda bilad ku siiyay Ramla Cali.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Sabti 20 Sep 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan oo Madaxtooyadda bilad ku siiyay Ramla Cali.
Sabti 20 Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka xiddigta Soomaaliyeed ee caalamiga ah, Marwo Ramla Cali, oo si weyn ugu caan baxday ciyaaraha feerka heer caalami, isla markaana ku meteshay magaca iyo calanka Soomaaliya meelo badan oo dunida ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee ay Ramla Cali ka qaadatay kobcinta magaca Soomaaliya ee caalamka, gaar ahaan dhinaca ciyaaraha iyo isboortiga, Madaxweynaha ayaa xusay in Ramla Cali ay tahay tusaale wanaagsan oo dhiirrigelin u ah dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha, kuwaas oo ay u furtay albaabo cusub oo ay kaga qayb qaadan karaan ciyaaraha caalamiga ah.
Ramla Cali waa astaan muujinaysa dadaal, adkeysi, iyo waddaninimo, Waxaa sharaf weyn noo ah in ay magaca Soomaaliya ku metasho masraxyada caalamiga ah, Waa tusaale ay ku dayan karaan jiilasha cusub,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha ayaa gudoonsiiyey Ramla Cali Shahaado Sharaf Qaran, isagoo uga mahadceliyey doorkeeda muhiimka ah ee kor u qaadista sumcadda dalka iyo dhiirrigelinta ciyaaraha Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyey sida ay uga dhabeysay riyadeeda, iyada oo ka soo jeeda bulsho ay caqabado badan hayaan, haddana u istaagtay inay horseed u noqoto isbeddel wanaagsan.
Ramla Cali ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Madaxweynaha iyo shacabka Soomaaliyeed taageerada ay la garab taagan yihiin, waxayna sheegtay in ay sii wadi doonto dadaalka ay ugu jirto matalaadda wanaagsan ee Soomaaliya, iyo dhiirrigelinta dhalinyarada ku hamineysa horumar iyo guul caalami ah.
Sabti 20 Sep 2025 {HMC} Xildhibaano eedeeymo Culus u jeediyey gudoomyaha Golaha shacabka
Sabti 20 Sep 2025 {HMC} Imaaradka Carabka oo soomaaliya ka Rebay Dalalka loo Ogol yahay Fiisaha Dal ku Galka.
Sabti 20 Sep 2025 {HMC} Xildhibaanad Ilhaan cumar oo u jawaabtay madaxweyne Trump
Sabti 20 Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah uga codsaday hoggaanka Baarlamaanka in dib loo dhigo furitaanka kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Federaalka oo markii hore lagu waday inuu furmo maanta oo Sabti ah, sida uu horey u shaaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Farriin loo diray Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in furitaanka kalfadhigaas la qorsheeyay in dib loo dhigay ilaa 29-ka Sebtembar, taasoo ku beegan bartamaha toddobaadka soo socda.
Sida ku cad Qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ayaa leh masuuliyadda furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka, waxaana lagu wadaa inuu jeediyo khudbad ku saabsan waxqabadka dowladda intii lagu jiray fasaxa Baarlamaanka.
Dib-u-dhaca kalfadhiga wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Muqdisho ay ka socdaan hadal-heyn ballaaran oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay wadaan qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka, kuwaas oo la rumeysan yahay inay wadaan mooshin ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Tani waxay muujinaysaa in dowladda hadda jirta ay wajaheyso caqabado siyaasadeed oo soo food saaray, iyadoo kalfadhiga soo socda uu noqon doono mid xasaasi ah oo laga filayo dooddo adag iyo miisaamid siyaasadeed oo heer sare ah.
Go’aanka lagu dib dhigay furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka ayaa u muuqda mid la xiriira duruufaha siyaasadeed ee haatan taagan, iyo baahida loo qabo wadatashi dheeri ah oo u dhexeeya madaxda dowladda iyo xubnaha Baarlamaanka.
Sabti 20 Sep 2025 {HMC} Dalka Isutagga Imaaraatka Carabta oo Cusboonaysiin ku sameeyay Liiska Dalalka uu ka mamnuucay in ay helaan Dal ku galka dalkaas sanadka soo socda 2026 ayaa Soomaaliya kusoo daray sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Dowladdaas.
Liiska Dalalkaan ee Soomaaliya lagu daray waxa ay kala yihiin: 1-Afghanistan, 2-Libya, 3-Yemen, 4-Somalia, 5-Lebanon, 6-Bangladesh, 7-Cameroon, 8-Sudan & 9-Uganda.
Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ma bixin faah-faahin la xiriirta sababta dhalisay go’aankaan, waxaa jira warar la hadal hayo oo la xiriira dhinaca Amniga oo saamayn oo sal u ah rabshadaha ka jira Dalalkaan kusoo baxay liiskaan.
Soomaaliya waa ay uga duwan tahay Imaaraatka marka la eego Dalalkaan kale maadaama uu ka dhaxeeyo heshiisyo dhinacyo badan taabanaya sida Ganacsiga, Amniga & Siyaasadda inkasta oo aan la ogayn sida uu u saamayn karo.
Dowladda Soomaaliya weli ma bixin jawaab la xiriirta tallaabada Imaaraatka Carabta, waxaa la sugayaa in ay war kasoo saarto maadaama arrintaan ay muhiim u tahay isu socodka labada Dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya.
Sabti 20 Sep 2025 {HMC} Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka warcelisay weerarrada siyaasadaysan ee uga imaanaya Madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump iyo xubnaha taageersan oo marar badan haweeneydaan beegsaday isla markaana aanay waxba u yaraysan.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay ku faanayso in ay tahay Muslimad, ka dhalatay Soomaaliya noqotayna Ameerikaan, iyada oo Madaxweyne Trump & Xulufadiisa ku eedeysay in ay dhinac iska dhigayaan shuruucda dalkaas.
Waxa ay intaas ku dartay in aanay marnaba la aqbali Karin hadallada gurracan ee Madaxweyne Trump uu u adeegsanayo shaqsiyaddeeda iyo dalkeeda koowaad ee Soomaaliya, waxa ay si asluubaysan u fartay in uu aqristo nidaamka sharci dejinta oo si qaldan u fahmay.
Xildhibaannada Jamhuuriga oo ay la dhinac martay dusha waxa ay ku dhaliishay in aanay Madaxweyne Donald Trump barin xeerarka iyo nidaamka uu ku shaqeeyo aqalka Kongareeska oo ay xubin ka tahay Xildhibaan Ilhaan Cumar.
“Waan ku faanaa in aan Muslim ahay, waan ku faanaa in aan ka dhashay Soomaaliya, waana ku faanaa in aan ahay Ameerikaan, cidna wax igama baddeli karto” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar oo jawaab siinaysay Madaxweyne Trump.
Dagaalka Siyaasadeed ee Xildhibaan Ilhaan Cumar iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sii xooggaysanaya marba marka dambeysa iyada oo ay kusoo biirayaan xubno cusub oo la safan hoggaamiyaan sida aan wanaagsanayn dadka ula hadla.
Qamiis,18 09 SEPTMPER 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Ali Ahmed
Farsamadii ::cabdi nuur caraboow
Sabti 20 Sep 2025 {HMC} Shiinaha oo Soomaaliya ka caawinaya la dagaalanka AS