Home Blog Page 524

Somali police commander chairs meeting on security and service reforms

Friday 19 Sep 2025 {HMC}Somali Police Force (SPF) Commander Brigadier General Asad Osman Abdullahi chaired a meeting in Mogadishu on Thursday to review strategies for improving security operations and public service delivery.

The meeting, attended by senior police leadership including Deputy Commander Brigadier General Osman Abdullahi, focused on strengthening security measures, enhancing vigilance, and ensuring that all units comply with directives from the general command.

Discussions also highlighted the fight against dangerous narcotics, improving the appearance of police centers, and modernizing service processes to deliver faster and more efficient services to citizens.

“This meeting aligns with the government’s broader commitment to transparent governance and institutional reform,” General Asad said, urging police units to intensify their efforts to protect the public and strengthen cooperation with communities.

The SPF has recently stepped up operations in Mogadishu targeting drugs and insecurity, part of ongoing efforts to improve accountability and boost operational effectiveness.

Source Hiiraan Online

Ingiriiska oo Faransiiska dib ugu celinaya Nin u dhashay Eretareeya.

Jimco 19 Sep 2025 {HMC}Dowladda Ingiriiska ayaa maanta dib u celineysa Nin u dhashay Dalka Eretareeya oo sanadkii 2019kii isaga cararay dalkiisa kaddib markii uu sheegay in uu ka cabsaday qorshaha qasabka ah ee Xukuumadda Asmara u adeegsato Dadka u dhashay Dalkaas sida uu ku dooday.

Ninkkaan oo magaciisa la qariyay ayaa da’diisa lagu sheegay 25 sano, waxa uu saddex todobaad ku noolaa xero taalla Faransiiska, halkaas ayuu ka qaatay go’aanka uu ugu tahriibay Ingiriiska isaga oo maray xuduudda biyaha ah ee labadaas dal ka qaybisa.

Maxkamad ku taalla Magaalada London ayaa amartay in dib loogu celiyo Faransiiska balse qareennada difaacaya ayaa muddo isku dayay inay sifo sharci ah ku hor istaagaan arrintaan oo dhibaato nololeed ku noqon karta ninkaan magaciisa aan la shaacin.

Waaxda Dowladda Ingiriiska u qaabilsan dib u dejinta Dadka soogalootiga ah ayaa ku dooday in Ninkaan uusan kasoo gudbin shuruudihii loogu talagalay in uu ku helo degenaashiyaha Dalkaas sidaas awgeedna ay dib ugu celinayaan halkii uu ka yimid markii hore oo Faransiiska ah.

Dowladda Ingiriiska ayaa dhowaan ku dhaqaaqday go’aan qaraar oo la xiriira dib u celinta Afrikaanka dalkaas ku galay sifooyinka aan sharciga ahayn, Xukuumadda London ayaa tallaabadaas ku difaacday mid ay uga hortagayso qulqulka Dadka.

Deni oo qaadaya tallaabooyin uu u arko in uu ku gaari karo xilka Madaxweynaha Soomaaliya

Jimco 19 Sep 2025 {HMC}Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xoogga saaraya qorshaha uu ku saldhigayo musharraxnimadiisa xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ay sheegeen ilo ku dhow.

Saciid Deni ayaa billaabay kulamo uu la qaadanayo qaar kamid ah Wasiirradiisa si ay ugu yaraan u helaan qorshe waara oo uu ku gaari karo hamiga uu ka leeyahay in uu qayb ka noqdo tartanka Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, waxa uu xoogga saarayaa la kulanka wakiillada kala duwan ee Beesha Caalamka si loo helo dhabbihii lagu gaari lahaa heshiis isu soo dhaweynaya masaafada ay kala joogaan Dowladda Federaalka maadaama ololihiisa iyo arrintaan ay isku xiran yihiin.

Deni ayaa Madaxda Isutagga Imaaraatka Carabta oo xiriir dhow kala dhaxeeya kala kaashanaya arrintaan sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan, waxa uu ku dhaqaaqi doonnaa natiijo weliba oo uga soo baxda tallaabooyinka hordhaca ah uu qaadayo.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa u xusul-duubaya in Xildhibaannada Baarlamaanka 12aad ee xiga kan haatan jooga dib loogu celiyo dib usoo xulashada Dowlad-Goboleedyada si uu halkaas uga helo awood uu ku xulan karo xubnaha uu rabo.

Haddii uu waayo qorshahaas isla markaana ay dhacdo si ka duwan doorashadii 2022 ee xulista Baarlamaanka waxa uu ka fakirayaa qorshihii uu samayn lahaa sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyada kala duwan ee la socda dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee Siciid Deni.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Siciid Deni uu ku howlan yahay shir uu isugu keenayo xubnaha mucaaradka ah ee siyaasad ahaan kasoo horjeeda Dowladda Federaalka si uu halkaas uga dhex helo isbahaysi siyaasadeed uu ku gaari karo hamigiisa ah xilka Madaxweynaha JFS.

Madaxweyne Trump oo Soomaaliya ku tilmaamay meel anay dowladi ka jirin .

Jimco 19 Sep 2025 {HMC}Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in Soomaaliya aanay lahayn dowlad dhexe, isla markaana ay halakeeyeen faqri, gaajo, argagixiso, budhcad-badeed iyo sannado badan oo dagaal sokeeye ah.Waxa uu sheegay in dadka reer Soomaaliya boqolkiiba 70% ku nool yihiin faqri aad u xun.

Trump wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay ka jirto cunto-yaraan daran, isla markaana ay kaalinta koowaad kaga jirto waddamada ugu musuqa badan adduunka oo dhan. Waxa uu ku sifeeyay Soomaaliya meel caan ku ah dowlad la’aan, laaluush iyo tuugonimo.

Trump, oo si gaar ah ugu jawaabayay Xildhibaan Ilhaan Cumar oo siyaasaddiisa kasoo horjeeda, ayaa ku eedeeyay in ay guursatay walaalkeed si ay sharciga Mareykanka ku hesho, isla markaana ay ka timid waddan aan xataa madaxweyne lahayn.

“Asal ahaan Soomaaliya ayay kasoo jeeda, waa side xaalkoodu? Dowlad ma leeyihiin? Madaxweyne ma leeyihiin? Baarlamaan ma leeyihiin? Booliis ma leeyihiin? Dadkan waan jeclahay,  waxay ka imanayaan meel aan waxba ka jirin. Hadda waxba ma haystaan, haddana waxay noo sheegayaan sidii aanu u maamuli lahayn dalkeenna,” ayuu yidhi Trump.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu Trump weerar afka ah ku qaado Soomaaliya. Dhawaan ayuu ku tilmaamay meel dowlad la’aan ah oo aan waxba ka jirin, halka sannado ka horna uu sheegay in Soomaaliya tahay meel qasan oo aan lahayn maamul iyo kala dambayn.

Mareykanka ayaa muddo dheer ka mid ahaa saaxiibada taageera Soomaaliya dhinaca dowlad-dhiska iyo la dagaallanka kooxaha xagjirka ah, isaga oo hadda ciidamada Soomaaliya ka taageera dhinaca cirka iyo tababarada.

Si kastaba ha ahaatee, Trump iyo kooxdiisu shakhsi ahaan ma jecla Soomaaliya. Siyaasiyiin badan oo u dhow maamulka Trump ayaa baraha bulshada ku dhaliila dowladda Soomaaliya iyo sida ay wax u waddo guud ahaan.

Dhanka kale, Somaliland ayaa isku dayaysa inay ka faa’iidaysato arrintan, iyada oo wadda olole ay aqoonsi kaga rabto maamulka Trump, maadaama xildhibaanno iyo siyaasiyiin badan oo Jamhuuriga ka tirsan ay aaminsan yihiin in Somaliland la aqoonsado.

 

{DAAWO MUQAALKA} FALAQEYN:-Seddex Sano ka dib Maxay la gaartahay Dowladda Madaxweyne Xasan.?

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Falanqeynteena Cawaa waxaan idinkugu soo gudbin doonaa seddex Sano ka dib Maxay la gaartahay Dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA FALAQEYN

 

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 18-09-2025.

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Dowladda Masar oo Safiir cusub u Magacaawday Dalka Itoobiya.

0

Jimco 19 Sep 2025 {HMC} Magacaabista Danjiraha Cusub ee Masar ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli xiisadda labada dal ee biyaha webiga Nayl ay sii kordhayso.

Dowladda Itoobiya ayaa ka gudoontay waraaqadaha aqoonsiga Safiirnimo danjire, Amb. Aziza Geleta.

 

Iran Tijaabisay gantaallo Cusub Xili Laga Cabsi qabo in uu dib u qarxo Dagaalkii kala dhaxeeyay Israaiil.

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Tijaabada gantaallada Dowladda Iiraan ayaa socota wax ka badan 4 saac , sida ay Baahisay warbaahinta ku hadasho Afka Dowladda Iiraan.

Ma cadda in gantaaladan ay yihiin kuwa cusub, ama tijaabada gantaalladii hore , xilli dhawaan taliyaha guud ee ciidanka Iiraan uu shaaciyay inay soo saareen gantaallo leh awood wax burburin oo ka sareysa gantaalladii ay adeegsadeen dagaalkii Israa|l.

Iiraan ayaa maanta tijaabisay gantaallo ballistic ah , iyadoo dhaqdhaqaaqyo diyaar garow ay ka socdaan saldhigyada milatari ee Iiraan, xilli toddobaadkan guddiga amniga ee Baarlamaanka Midowga Yurub uu shaaciyay inay ku dhowyihiin Iiraan iyo Israa|l inuu dib uga dhex qarxo dagaal horleh oo ka dheer midkii 12 maalin socday , sida uu weriyay telefishinka Ruushka ee RT.

Yaa ka Dambeeyay in u guuldarreysto mooshinkii ka dhanka ahaa Ilhaan Cumar.?

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Xisbiga Jamhuuriga ayaa sare u qaaday ololahooda ay ku doonayaan inay ku aamusiyaan dhaleeceynta taariikhda Charlie Kirk, iyagoo beegsanaya xildhibaanka Dimuqraadiga ee Ilhaan Cumar hadallo ay jeedisay ka dib toogashadiisa, waxayna ku baaqeen in laga xayuubiyo doorkeeda guddiga dowladda.

Wareysi ay bixisay usbuucii hore, Ilhaan Cumar waxay ku sheegtay inay “damqasho” u hayso haweeneyda uu ka dhintay Kirk, laakiin waxay ku dhaleeceeysay kuwa soo jeedinaya saameynta garabka midig “wuxuu rabay dood madani ah”.

Waxay sidoo kale dhaleecaysay xildhibaanka Jamhuuriga Nancy Mace, iyada oo ku eedaysay “inay dhibaatayso kuwa ay u aragto inay ka hooseeyaan”.

Mace ayaa hadda dib u soo jawaabtay qoraal ay soo dhigtay barta X: “Waxaan gudbineynaa qaraar ah in @Ilhan laga xayuubiyo hawlihii guddigeeda ka dib hadalkeedii foosha xumaa ee dilkii Charlie Kirk”.

Qoraalkaasi xigay ayay ku dartay: “Tallaabooyinka kala bar kuma filna, Ilhaan Cumar kuma filna qiyamka Mareykanka, boos kuma lahan Congress-ka, waana in la waaniyo”.

Ka gudbinta dalabkan ayey ku soo qaadatay wareysi uu la yeeshay wariye Medhi Hassan, kaas oo ay ku andacoonayaan in Ilhaan ay “magac dishay Charlie Kirk oo ay ku sheegtay inuu isagu mas’uul ka ahaa dilkiisa”. Waxa uu ahaa isla wareysigii ay Ilhaan ku dhaleeceeysay jawaabaha siyaasadeed tan iyo toogashadii.

“Waxa jira dad la mid ah Nancy Mace, oo si joogto ah u dhibaateeya, waad ogtahay, dadka ay u aragto inay ka hooseeyaan oo ay rabto inaysan ka jirin dalkan” Ilhaan ayaa sidaasi u sheegtay Hassan wareysiga uu kula yeeshay barnaamijkiisa Zeteo.

“Oo waad ogtahay waxaad haysataa dad sida Trump oo kale ah, kuwaas oo kiciyey rabshado ka dhan ah dadka aniga oo kale ah, waxaana muhiim noo ah inaan u yeerno iyaga, inaga oo dareemayno carr iyo murugo,” ayay tiri”.

Wareysiga Ilhaan waxa ay ku tilmaantay dilka Kirk mid “dhib dhalin kara”.

Waxa ay tiri: “Runtii aad ayaan uga naxay inaan maqlo warka, inaan daawado muuqaalka. Waad ogtahay, waxa kaliya ee aan ka fikiri karay waxay ahayd xaaskiisa, caruurtiisa, muuqaalkaasi wuxuu ahaan doonaa mid weligiis nala nool”.

Iyadoo ku qortay barta X, Mace waxay tiri: “Ma jiraan wax qalbiyadeenna diirinaya oo ka badan dadkii naga soo wacay degmada Ilhaan Cumar oo taageeraya tallaabadii aan ku canaananaynay oo aan uga xayuubinayno guddiyada”.

Ilhaan oo laga soo doorto Minnesota ayaa horay looga saaray Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka bishii Febraayo 2023 ka dib markii lagu eedeeyay inay sameysay hadallo yuhuud naceyb ah oo ay markii dambe raali gelin ka bixisay.

Laakin Ilhaan Cumar iyo siyaasiyiinta xisbigeeda Dimuqraaddiga ayaa sheegay in arrintaasi ay ahayd aargoosi ka dib markii labo xubnood oo Jamhuuriyiin ahaa laga saaray guddiyo ay ka tirsanaayeen 2020-kii, markaas oo Dimuqraadiyiintu ay haysteen aqlabiyadda Aqalka.

Mace ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay “Ilhaan Cumar waxay na tustay qofka saxda ah ee ay tahay: waa qof difaacda rabshadaha siyaasadeed oo diidaysa inay cambaareyso khasaaraha nafeed ee aan waxba galabsan oo aysan ku habooneyn ajandaheeda, xitaa dilkii Charlie Kirk”.

Si kastaba ha ahaatee Xildhibaan Nancy Mace oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, lagana soo doorto South Carolina ayaa Arbacadii ku guul darraysatay mooshin ay ku doonaysay in ay ku aamusiso Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqaraadiga kaas oo ku saabsan hadallada dilkii Charlie Kirk ka dib markii afar ka tirsan Jamhuuriga ay ka soo horjeesteen soo jeedinteeda.

Codbixinta 214-213 ayaa soo afjartay dadaalkii Nancy Mace ay ku doonaysay inay Ilhaan Cumar ku canaanto oo ay ka xayuubiso dhammaan hawlihii guddiga ay ka tirsan tahay, ayadoo loo cuskanayo arrinta ku aadan dhaleeceynta ay u jeedisay u dhaq-dhaqaaqihii muxaafidka ahaa ee Charlie Kirk ee la toogtay. Ilhaan ayaa si adag u beenisay inay si toos ah u sheegtay faallooyinka ay soo xigatay Mace, iyadoo Dimuqraadiyiinta Aqalka Wakiilada ay taageereen.

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Gaashaandhigga DFS oo ka qeyb galay furitaanka 12-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Difaaca Beijing.

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeyb galay furitaanka 12-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Beijing Xiangshan Forum, oo ay isugu yimaadeen wasiirada gaashaandhiga iyo ergooyin ka kala socday in ka badan 100 dal.

Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa furitaanka madashaan Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan, oo ka qeyb qaadatay kulammada iyo doodaha halkaasi ka dhacay.

Madashan, ayaa lagu soo bandhigay dooddo ku saabsan amniga caalamiga ah, iskaashiga milatari, iyo sidii loo wajahilahaa caqabadaha cusub ee nabadda iyo xasilloonida.

Halkudhigga shirkan ayaa ahaa: “Ilaalinta Nidaamka Caalamiga ah, iyo Dhiirrigelinta Horumarka Nabadgelyada si wadajir ah”.

Waxaa madasha ka soo qeyb galay in ka badan 1,800 ergo, oo isugu jira wasiirro, saraakiil ciidan, khubaro iyo wakiillo ka socda ururo caalami ah.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee heerkan ayaa muujinaya sida dalkeenu si toos ah uga dhex muuqdo wadahadallada caalamiga ah ee ku saabsan mustaqbalka amniga iyo iskaashiga dalalka dunida.