Home Blog Page 525

Yaa ka Dambeeyay in u guuldarreysto mooshinkii ka dhanka ahaa Ilhaan Cumar.?

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Xisbiga Jamhuuriga ayaa sare u qaaday ololahooda ay ku doonayaan inay ku aamusiyaan dhaleeceynta taariikhda Charlie Kirk, iyagoo beegsanaya xildhibaanka Dimuqraadiga ee Ilhaan Cumar hadallo ay jeedisay ka dib toogashadiisa, waxayna ku baaqeen in laga xayuubiyo doorkeeda guddiga dowladda.

Wareysi ay bixisay usbuucii hore, Ilhaan Cumar waxay ku sheegtay inay “damqasho” u hayso haweeneyda uu ka dhintay Kirk, laakiin waxay ku dhaleeceeysay kuwa soo jeedinaya saameynta garabka midig “wuxuu rabay dood madani ah”.

Waxay sidoo kale dhaleecaysay xildhibaanka Jamhuuriga Nancy Mace, iyada oo ku eedaysay “inay dhibaatayso kuwa ay u aragto inay ka hooseeyaan”.

Mace ayaa hadda dib u soo jawaabtay qoraal ay soo dhigtay barta X: “Waxaan gudbineynaa qaraar ah in @Ilhan laga xayuubiyo hawlihii guddigeeda ka dib hadalkeedii foosha xumaa ee dilkii Charlie Kirk”.

Qoraalkaasi xigay ayay ku dartay: “Tallaabooyinka kala bar kuma filna, Ilhaan Cumar kuma filna qiyamka Mareykanka, boos kuma lahan Congress-ka, waana in la waaniyo”.

Ka gudbinta dalabkan ayey ku soo qaadatay wareysi uu la yeeshay wariye Medhi Hassan, kaas oo ay ku andacoonayaan in Ilhaan ay “magac dishay Charlie Kirk oo ay ku sheegtay inuu isagu mas’uul ka ahaa dilkiisa”. Waxa uu ahaa isla wareysigii ay Ilhaan ku dhaleeceeysay jawaabaha siyaasadeed tan iyo toogashadii.

“Waxa jira dad la mid ah Nancy Mace, oo si joogto ah u dhibaateeya, waad ogtahay, dadka ay u aragto inay ka hooseeyaan oo ay rabto inaysan ka jirin dalkan” Ilhaan ayaa sidaasi u sheegtay Hassan wareysiga uu kula yeeshay barnaamijkiisa Zeteo.

“Oo waad ogtahay waxaad haysataa dad sida Trump oo kale ah, kuwaas oo kiciyey rabshado ka dhan ah dadka aniga oo kale ah, waxaana muhiim noo ah inaan u yeerno iyaga, inaga oo dareemayno carr iyo murugo,” ayay tiri”.

Wareysiga Ilhaan waxa ay ku tilmaantay dilka Kirk mid “dhib dhalin kara”.

Waxa ay tiri: “Runtii aad ayaan uga naxay inaan maqlo warka, inaan daawado muuqaalka. Waad ogtahay, waxa kaliya ee aan ka fikiri karay waxay ahayd xaaskiisa, caruurtiisa, muuqaalkaasi wuxuu ahaan doonaa mid weligiis nala nool”.

Iyadoo ku qortay barta X, Mace waxay tiri: “Ma jiraan wax qalbiyadeenna diirinaya oo ka badan dadkii naga soo wacay degmada Ilhaan Cumar oo taageeraya tallaabadii aan ku canaananaynay oo aan uga xayuubinayno guddiyada”.

Ilhaan oo laga soo doorto Minnesota ayaa horay looga saaray Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka bishii Febraayo 2023 ka dib markii lagu eedeeyay inay sameysay hadallo yuhuud naceyb ah oo ay markii dambe raali gelin ka bixisay.

Laakin Ilhaan Cumar iyo siyaasiyiinta xisbigeeda Dimuqraaddiga ayaa sheegay in arrintaasi ay ahayd aargoosi ka dib markii labo xubnood oo Jamhuuriyiin ahaa laga saaray guddiyo ay ka tirsanaayeen 2020-kii, markaas oo Dimuqraadiyiintu ay haysteen aqlabiyadda Aqalka.

Mace ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay “Ilhaan Cumar waxay na tustay qofka saxda ah ee ay tahay: waa qof difaacda rabshadaha siyaasadeed oo diidaysa inay cambaareyso khasaaraha nafeed ee aan waxba galabsan oo aysan ku habooneyn ajandaheeda, xitaa dilkii Charlie Kirk”.

Si kastaba ha ahaatee Xildhibaan Nancy Mace oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, lagana soo doorto South Carolina ayaa Arbacadii ku guul darraysatay mooshin ay ku doonaysay in ay ku aamusiso Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan xisbiga Dimoqaraadiga kaas oo ku saabsan hadallada dilkii Charlie Kirk ka dib markii afar ka tirsan Jamhuuriga ay ka soo horjeesteen soo jeedinteeda.

Codbixinta 214-213 ayaa soo afjartay dadaalkii Nancy Mace ay ku doonaysay inay Ilhaan Cumar ku canaanto oo ay ka xayuubiso dhammaan hawlihii guddiga ay ka tirsan tahay, ayadoo loo cuskanayo arrinta ku aadan dhaleeceynta ay u jeedisay u dhaq-dhaqaaqihii muxaafidka ahaa ee Charlie Kirk ee la toogtay. Ilhaan ayaa si adag u beenisay inay si toos ah u sheegtay faallooyinka ay soo xigatay Mace, iyadoo Dimuqraadiyiinta Aqalka Wakiilada ay taageereen.

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Gaashaandhigga DFS oo ka qeyb galay furitaanka 12-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Difaaca Beijing.

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qeyb galay furitaanka 12-aad ee Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Beijing Xiangshan Forum, oo ay isugu yimaadeen wasiirada gaashaandhiga iyo ergooyin ka kala socday in ka badan 100 dal.

Waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa furitaanka madashaan Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan, oo ka qeyb qaadatay kulammada iyo doodaha halkaasi ka dhacay.

Madashan, ayaa lagu soo bandhigay dooddo ku saabsan amniga caalamiga ah, iskaashiga milatari, iyo sidii loo wajahilahaa caqabadaha cusub ee nabadda iyo xasilloonida.

Halkudhigga shirkan ayaa ahaa: “Ilaalinta Nidaamka Caalamiga ah, iyo Dhiirrigelinta Horumarka Nabadgelyada si wadajir ah”.

Waxaa madasha ka soo qeyb galay in ka badan 1,800 ergo, oo isugu jira wasiirro, saraakiil ciidan, khubaro iyo wakiillo ka socda ururo caalami ah.

Ka qeybgalka Soomaaliya ee heerkan ayaa muujinaya sida dalkeenu si toos ah uga dhex muuqdo wadahadallada caalamiga ah ee ku saabsan mustaqbalka amniga iyo iskaashiga dalalka dunida.

 

Afgaanistaan oo War Deg deg ah Ka soo saartay Warka Sheegaa in Mareykanka uu dib ugu Laabanaayo Dalkooda.

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Saacado ka hor hadalka hadda ka soo baxay Trump, ee la xiriira inuu Mareykanka dib ugu laabanayo dalka Afgaanistaan, waxaa ay Al Jazeera waraysi la yeelatay wasiirka difaaca Afgaanistaan, Mullah Maxamed Yacquub Mujaahid oo ku sugan Dooxa, ma cadda in Qatar oo markii horeba dhex dhexaadisay Mareykanka iyo Taalibaan, in ay mar kale ku caawinayso Mareykanka inuu dib ugu laabto Afgaanistaan, si uu u helo saldhigga Bagram oo hadalka Trumpna uu salka ku hayo wada-hadallo ka socda Qatar.

Balse Al Jazeera, waxay waydiisay wasiirka difaaca Afgaanistaan, haddii ay wax xiriir ah la leeyihiin Mareykanka iyo isbahaysiga NATO iyo haddii Ruushka ama Shiinaha ay kula jiraan wax wada xaajood difaac ah, wuxuu yiri Mullah Maxamed”

“Wax xiriir milatari lama lihin NATO ama Maraykanka illaa hadda,wax horumar ahna kama dhicin jihadan.

Xiriirkeennu Maraykanka wuxuu ku kooban yahay siyaasad iyo dhaqaale, waxaana ku howlannahay in laga qaado cunaqabataynta saaran Afgaanistaan,taas ayaan xoogga saareynaa. Xataa ma lihin xiriirro milatari , hal dal oo xubin ka ah NATO….Xiriirro ama heshiisyo amni,milatari oo naga dhexeeya Shiinaha ama Ruushka, sidoo kale ma jiraan.”

WAR DEG DEG AH: Mareykanka oo ku dhawaaqay in uu Dib ugu Laabanaayo Afgaanistaan.

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Trump, ayaa si cad u sheegay inuu Mareykanka ku laabanayo Afgaanistaan, wuxuu waxyar ka hor yiri; “Waxaan ku dadaaleynaa inaan dib u soo ceshanno saldhigga Bagram ee Afghanistan.

Waxaa laga yaabaa in tani noqoto war deg deg ah. Waxaan doonaynaa inaan saldhiggaas gacanta ku dhigno, waayo iyaguna waxay naga rabaan waxyaabo.

Annaga runtii waxaan rabnaa saldhiggaas in dib loo soo celiyo. Saldhigan wuxuu kaliya hal saac u jiraa meelaha Shiinuhu ku sameeyo hubkiisa nukliyeerka.”

Hadalka wuxuu muujinayaa inuu Mareykanka iskudayayo wadahadal uu la galo dawladda Afgaanistaan , oo waxyaabaha u horreya ee ay doonayso Taalibaan ay ku jirto in laga qaado cunaqabateynta oo la aqoonsado xukuumadooda, xilli Shiinaha uu isagana ku gudajiro iskuday inuu ku dhisayo xiriirka Afgaanistaan, halka Ruushka uu yahay dalka u horreyay ee aqoonsaday dawladda Afgaanistaan, tan iyo markii xukunka ay la wareegeen Taalibaan.

Taliye Asad Diyaano oo Kulan Deg deg ah La qaatay qeybaha Kala Duwan ee Ciidanka Booliska.

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sareeeye Guuto Cismaan Cabdullaahi ayaa shir gudoomiyey kulanka Hogaanada , Qeybaha iyo Fadhiyada Madaxa banaan oo Todobaadkan ay ka qeyb-galeen Taliyaasha Saldhigyada Gobalka Banaadir.

Kulanka ayaa looga hadlay kordhinta feejignaanta Ciidanka ee ka hortagga falalka lidka ku ah Amniga, Daadejinta farriimaha iyo awaamiirta Taliska guud, la dagaalanka maandooriyaha khatarta ku haya Bulshada iyo soo celinta bilicda xarumaha booliiska sida hagaajinta dhinaca Nadaafadda iyo derdergelinta wax kabadalka lagu sameeyey qaabka Shacabka loogu adeego.

 

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ballaaran ka fuliyay Gobolka Baay.

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ballaaran ka fuliyay tuulooyin hoos taga deegaanka Goof Gaduud Buurey ee gobolka Baay.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Abaanduulaha Taliska Qeybta 60-aad, Gaashaanle Dhexe Feysal Cabdullaahi (Beene), iyo Taliyaha Guutada 8-aad ee Qeybta 60-aad, Gaashaanle Cali.

Howlgalladaan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu xaqiijinaayo amniga gobolka Baay iyo ciribtirka Kooxda Al shabaab deegaanka.

{DAAWO MUQAALKA} Dhalinyaro u gafay Madaxweyne Xasan oo xabsiga la dhigay.

0

Khamiis 18, Sep 2025 {HMC} Dhalinyaro u gafay Madaxweyne Xasan oo xabsiga la dhigay.

 

HOOS KA DAAWO MUQALKA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka jira in Alhaan Cumar laga masaafurinayo Mareykanka.?

0

Khamiis 18, Sep 2025 {HMC} Maxaa ka jira in Alhaan Cumar laga masaafurinayo Mareykanka.?

 

HOOS KA DAAWO MUQALKA

{DAAWO MUQAALKA} Abuukate Dudaaye “Adiga oo madaafiic kugu socota kawaran hadii lagu diido gargaarka”.

0

Khamiis 18, Sep 2025 {HMC} Abuukate Dudaaye “Adiga oo madaafiic kugu socota kawaran hadii lagu diido gargaarka”.

 

HOOS KA DAAWO MUQALKA

{DAAWO MUQAALKA} Dadka Reer Falastiin oo maanta garab istaag looga muujiyay Muqdisho.

0

Khamiis 18, Sep 2025 {HMC}  Dadka Reer Falastiin oo maanta garab istaag looga muujiyay Muqdisho.

 

HOOS KA DAAWO MUQALKA