Home Blog Page 526

Xasan Shire Abgaal: Haddii uu Deni mucaaradka keeno Puntland anaguna waxaan keenaynaa Dowladda?

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Wasiirkii hore ee maaliyadda Xasan Shire Abgaal oo maanta Garowe kusoo laabtay tan iyo markii looga guulaystay doorashadii madaxtinimada Puntland ee 2024, ayaa sheegay inuu Dowladda Federaalka keenayo Garowe, haddii uu madaxweyne Deni Garowe keeno mucaaradka dowladda.

Xasan Shire Abgaal oo lagu tiriyo siyaasiyiinta Puntland ee xiriirka dhow laleh Dowladda Federaalka, ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni inuu isagu si shakhsiyan ah u hor istaagan yahay mashaariicda horumarineed ee reer Punland uga xayiran Dowladda Federaalka

Siyaasi Abgaal wuxuu sheegay socdaalkiisa Garowe inuu daaran yahay in la dhiso Puntland cusub, isagoo isimada Puntland ugu baaqay inay isku yimaadaan oo ay iclaamiyeen shirweyne masiirka Puntland looga tashanayo.

Wuxuu sheegay dhammaan hay’adihii dowliga ahaa ee Puntland in ay hawlgab noqdeen, oo aysan jirin hal mid oo shaqa ka socoto, islamarkaana shaqaalihii iyo ciidamadii Puntland xuquuq la’aan yihiin in ka badan lix bilood, taasi oo keentay in ciidamadu waddooyinka xirtaan oo xannibaan gaadiidkii canshuur-bixiyaasha ahaa, kaddib markii ay xuquuqdoodii ka waayeen xukuumadda Deni.

“Waxaad ogtihiin maamulkii dowliga ahaa iyo hay’adihii dowladdu meeshay marayaan iyo siday yihiin maanta hal xafiis dowladeed oo shaqeeya ma jiro Puntland, guud ahaana shaqa socota ma jirto, waxaad ogtihiin mushaarooyinkii shaqaalaha iyo ciidamada waxaa ugu danbaysay mudda lix bilood ka badan, oo ciidamadii waddooyinkay isbaarooyin dhigteen, si ay xuquuqdooda u helaan” ayuu yiri mudane Xasan Shire Abgaal.

Xasan Shire wuxuu sidoo kale sheegay in mashaariicda u xanniban go’aaannada siyaasadeed ee xukuumadda Deni in ay sabab u noqdeen go’doon dhaqaale iyo mid nololeed oo ay wajahayaan shacabka Puntland, taasi oo dhibbane u noqday siyaasad-xumo iyo maamul-xumo, isagoo xusay in hadda kaddib madaxweyne Deni lagu la xisaabtamayo arrintaasi.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 18-09 2025

0

 

Khamiis 18, Sep 2025 {HMC}  Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 18-09 2025

 

HOOS KA DAAWO MUQALKA

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa lagu Abaal mariyay Ciidankii As ku jabiyay Ceel_dheer.

Khamiis 18, Sep 2025 {HMC}  Maxaa lagu Abaal mariyay Ciidankii As ku jabiyay Ceel_dheer.

 

HOOS KA DAAWO MUQALKA

{DAAWO MUQAALKA} Qorsho AS looga fogeynayo Ceel_dheer oo ka socda Furimaha Dagaalka.

Khamiis 18, Sep 2025 {HMC}Qorsho AS looga fogeynayo Ceel_dheer oo ka socda Furimaha Dagaalka.

HOOS KA DAAWO MUQALKA

{DAAWO MUQAALKA} MW Xasan sheekh oo sheegay inuu wada Hadal la sameynayo Maamul Goboleed Yada Jubaland iyo Puntuland

Khamiis 18, Sep 2025 {HMC}  MW Xasan sheekh oo sheegay inuu wada Hadal la sameynayo Maamul Goboleed Yada Jubaland iyo Puntuland

HOOS KA DAAWO MUQALKA

Haweeney Inkabadan $2 Milyan u aruusisay Shabaab oo xukun lagu riday?

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta 16 sano oo xabsi ah ku xukuntay Caasho Macallin Mursal Cali, kadib markii lagu helay eedeymo culus oo ku saabsan maalgelinta falal argagixiso, dhaqidda lacago sharci-darro ah iyo taageeridda kooxda Al-Shabaab.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in baaritaanada iyo caddeymaha la horgeeyay maxkamadda ay muujiyeen in eedeysanaha akoonkeeda la marsiiyay lacag dhan $2,120,621 (laba milyan, boqol iyo labaatan kun, lix boqol iyo kow iyo labaatan doollar) taas oo loo adeegsaday maalgelinta argagixisada, lacag dhaqid, iyo falal kale oo sharci darro ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku xukuntay:

Ganaax lacageed oo ah $20,000, In la baabi’iyo akoonkeeda, lana wareejiyo dawladda wixii hanti ah ee ku jirta.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa ku celiyay go’aankiisa ku aaddan dagaalka ka dhanka ah maalgelinta argagixisada iyo dhaqidda lacago sharci darro ah, isagoo sheegay in cid kasta oo ku lug yeelata arrimahaas sharciga hortiisa la keeni doono.

 

Ra’iisul wasaare Xamse “Jubbaland ayaa dhawaan ka billaabeyna Diiwaan galinta dadweynaha ee Doorashada”?

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dhawaan deegaannada Maamulka Jubbaland ay ka billaabi doonaan Diiwaan dadweynaha ee Doorasho qof iyo cod ah.

Khudbad uu Ra’iisul wasaare Xamse ka jeediyay Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay in dhammaan dowlad goboleedyada dalka ay ka socoto diiwaan galinta dadweynaha Doorashada dowladaha hoose.

Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaraha in Jubbaland oo dhiman dhawaan laga billaabi doono deegaannada Maamulkaasi, si shacabka deegaannadaasi u helaan xaqooda dastuuriga ah.

“Jubbaland ayaa dhawaan ka billaabeyna diiwaan galinta Doorasho qof iyo cod ah, si shacabkaasi xaqooda u helaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Hadalka Ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli Dowladda Soomaaliya ay wado dadaallo bisha October dalka uga dhici laheyd Doorasho qof iyo cod ah oo goleyaasha deegaanka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh “Dalkaan laguma imaan karo Baasaboor ajnabi ah oo aan Fiiso la socon”?

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay nidaamka cusub ee dowladdiisa ku hirgalisay Barnaamijka E-visa ee maalmihii la soo dhaafay sida weyn u hadal hayeen bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo Xalay Khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabad Xukuumadda DanQaran kusoo bandhigtay guulaha ay gaartay muddadii saddex sano aheyd oo ay jirtay ayaa sheegay inaan la aqbali doonin in dalka uu soo galo qof sida Baasboor Ajnabi ah isagoo aanan wadan Visa.

Wuxuu tilmaamay madaxweyne Xasan Sheekh in dalka uu u socdo Dijital, islamarkaana is badal lagu sameeyay adeegyo kala duwan oo ay dowladda Federaalka hore u bixin jirtay.

“Baasaboorka Soomaaliga adiga oo Fiiso heysan dal kale kuma gali kartid, sidaasi si la mid ah ayaa qof Ajanabi ah ama dhalasho ahaan Soomaali ah oo wata Baasaboor ajnabi ah u imaan karin gudaha dalkeena isagoo aan wadan Fiiso” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in qofkii wata Baasaboorka Soomaaliga aanan looga baahneyn wax Visa ah, islamarkaana uu yahay muwaadin xaq u leh inuu bilaa Visa soo galo dalka.

“Qofka wata Baasaboor Ajnabi ah ah ama Somali ha ahaada ama cadaan ha ahaado waa isku mid mar haduuba qofka sido Baasaboor anjabiba kuwa leh Somali ayaa nahay ee hadana sita Baasaboor anjabi ah bal waxaan weydina Baasaboorka Somaliga ah bilaa Viso dal ajnabi ah oo aad ku tagi kartaan ma jira jawabta waa Maya, sidaas ayaana dalka loogu imaan karin bilaa Visa Baasaboorada Ajnabiga ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya, iyadoo 1-dii bishaan September dalka laga dhaqan galiyay barnaamijka E-Visa oo sharci looga dhigay dadka Ajanabiga inay dalka kusoo gali karaan dal ku galka Soomaaliya.

Prime Minister Barre: Success Rooted in Improved Laws, Unity, and Solidarity at Dan-Qaran Exhibition

Thursday 18 Sep 2025 {HMC} – Prime Minister Hamza Abdi Barre delivered a keynote address at the “Dan-Qaran Government’s Performance Exhibition (2022-2025),” asserting that the government’s numerous achievements are a direct result of improved laws, national unity, and solidarity. The Prime Minister’s remarks provided a foundational context for the exhibition, highlighting the core principles that have guided the administration’s progress over the past three years.

The exhibition, which showcases the accomplishments of various government ministries and agencies, served as a platform for both the Prime Minister and President Hassan Sheikh Mohamud to affirm their commitment to transparent governance. The Prime Minister stated that the successes achieved in security, political development, social affairs, and defense were made possible by a unified national vision and a focus on strengthening legal frameworks.

President Hassan Sheikh Mohamud, in his own address, commended the government’s efforts, stating that it has implemented critical plans and laws essential for the state-building of Somalia. His words reinforced the Prime Minister’s message, underscoring that the current administration’s progress is not accidental but is built on a solid foundation of coordinated policy and a shared national purpose. The event’s focus on showcasing tangible results reinforced the government’s commitment to accountability and its promise to serve the Somali people with integrity and a unified vision.

Source Hiiraan Online

Tababar Loo soo Xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed.

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa soo xiray Tababar tabta dagaalka iyo xirfadaha Ciidanka lagu baray

Munaasabadda Xiritaanka Tababarka waxaa goobjoog ahaa Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Kaniif, Saraakiil sare oo ka tirsan Booliska Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Australia, Safiirro iyo wakiillo ka kala socda Dowladaha Talyaaniga, Turkiga, Boqortooyada UK, Midowga Yurub iyo Wafuud kale oo Caalami ah.