Home Blog Page 528

{DAAWO MUQAALKA} MW Xasan “Dalkaan laguma imaan karo Baasaboor ajnabi ah oo aan fiiso la socon.”

0

qamiis 18, Sep 2025 {HMC} MW Xasan “Dalkaan laguma imaan karo Baasaboor ajnabi ah oo aan fiiso la socon.”

 

HOOS KA DAAWO MUQALKA

Tahriibayaal ku geeriyooay Dooni kula degtay xeebaha Liibiya.

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in kaliya 13 qof ay ka badbaadeen kadib markii doon siday 74 qof ku degay xeebta magaalada Tobruk ee bariga Liibiya.

Hay’adda ayaa intaas ku dartay in dad badan oo kale ay weli la la’a yahay, isla markaasna ay socdaan howlgallo lagu baadi goobayo.

Dadka saarna doonta ayaa inta badan dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Suudaan oo ay ka jiraan colaado iyo dagaal sokeeye, welina lama xaqiijin in ay ku jiraan Soomaali.

Dhawaan dooni kale oo siday Tahriibayaal uu dab ku qabsaday xeebaha Liibiya, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen in ka badan 50 ruux, sida ay sheegtay Hay’adda IOM.

Hay’adda ayaa sidoo kale xaqiijisay inay gargaar caafimaad siisay 24 qof oo ka badbaaday shilkaas.

UNHCR ayaa tilmaantay in musiibadan ay mar kale muujineyso khatarta ay wajahayaan dadka doonaya u tahriibaan dalalka Yurub ee maraya badweynta Militerinamka.

Sacuudiga iyo Pakistan oo wada gaaray heshiis Difaaca.

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Dowladda Sacuudi Carabiya iyo Pakistan ayaa kala saxeexday heshiis cusub oo dhanka amniga ah, kaas oo lagu sheegay in uu ka tarjumayo go’aanka labada dal ee ku aaddan xoojinta iskaashiga difaaca iyo ilaalinta nabadda gobolka iyo caalamkaba.

War-saxaafadeed ay soo saartay wakaaladda wararka Sacuudiga (SPA) ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu ku saabsan yahay horumarinta dhinacyada iskaashiga difaaca, iyo sidoo kale in labada waddan ay iska kaashan doonaan hanjabaad kasta oo ka dhan ah midkood.

Heshiiska ayaa si cad u qeexaya in “weerar kasta oo lagu qaado mid ka mid ah labada dal loo aqoonsan doono weerar lagu qaaday labada waddanba.”

Pakistan ayaa ah dal leh hubka Nukliyeerka, halka Sacuudiga uu kamid yahay dalalka Bariga Dhexe ee walaaca ka muujiyay weerarada ISRL.

Nin u ololeeye Falastiiiniyiinta oo la amray in laga musaafuriyo Mareykanka.

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Garsoore ka tirsan hay’adda socdaalka oo ku sugan gobolka Louisiana ee dalka Mareykanka ayaa amar ku bixiyay in Maxamuud Khalil, oo ah u ololeeye taageersan Falastiiniyiinta, laga masaafuriyo dalka laguna celiyo Algeria ama Suuriya, sababo la xiriira in uu ka tagay xog muhiim ah oo ku saabsan codsigiisa kaarka la yiraahdo green card.

Mr. Khaliil – oo ah qof si sharci ah deggenaasho ugu haysta Mareykanka – ayaa la xiray muddo ka badan boqol maalmood horraantii sanadkan, xilli maamulka Trump uu cadaadis saarayay mudaaharaadyada ardayda ee ka dhanka ah dhaqanka Israel ee marinka Qasa.

Qareenadiisa ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan go’aankaas. Mr. Khaliil ayaa sheegay inaysan “la yaab ku ahayn” in dowladda ay sii waddo aargoosiga kaga imanaya xorriyaddiisa hadalka.

XIGASHO BBC

Muhaajiriinta ka gudbay biyaha isku xira Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa ka badnaatay dhamaan Ciidamada Ingiriiska.

0

Khamiis 18 Sep 2025 {HMC} Muhaajiriinta ka gudbay biyaha isku xira Faransiiska iyo Ingiriiska shantii sanno ee La soo dhaafay ayaa ka badnaatay dhamaan Ciidamada kala duwan ee Ingiriiska.

Muhaajiriinta ka gudbay biyaha isku xira Faransiiska iyo Ingiriiska shantii sanno ee u dambeysay ayaa hadda ka badan ciidanka Ingiriiska , iyadoo 90% dadkaas ay yihiin rag , halka 67% ka mid ah ay gaareen dadka ay ku noqon karaan askar.

Tirada Muhaajiriinta la diiwaangeliyay ee ka soo galay biyaha Faransiiska ayaa la sheegay inay gaartay 181,326, taa oo ka badan dhammaan qeybaha ciidanka Ingiriiska oo ay ku jira kuwa dhulka, badda iyo xirka kuwaas oo wadartoodu tahay 180,779 askari.

 

 

Mareykanka oo war ka soo saarey duqeyn khasaare dhalisay oo ka dhacday gobolka Sanaag

0

Arbaco 17, Sep 2025 {HMC}  Dowladda Mareykanka ayaa markii u horreysay ka hadashay duqeyn diyaaradeed oo khasaare kala duwan dhalisay, taasi oo sabtidii ka dhacday deegaan hoos yimaada magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

War-saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee loo yaqaan AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka fuliyeen deegaan u dhow Badhan, iyagoo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya

“Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya duqeynta waxaan la bartilmaameydsanay ganacsade hub oo ka tirsan Al-Shabaab” ayaa lagu yiri Bayaanka AFRICOM.

Taliska AFRICOM ma sheegin magaca shaqsiga ay dileen, balse waxaa hore loo hayay xogta in duqeynta uu ku geeriyooday Nabadoon Cumar Cabdullaahi oo caan ka ahaa gobolka Sanaag.

AFRICOM ayaa sheegay in iskaashiga ay la leeyihiin Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliya ujeedkiisa yahay in la wiiqo awoodda AS.

Mareykanka oo taageeraya Dowladda Federaalka ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fuliya deegaannada iyo xarruumaha ay ku sugan yihiin AS iyo Daacish ee ku yaalla dalka.

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul wasaare Xamse iyo Safiirka Shiinaha?

0

Arbaco 17, Sep 2025 {HMC}   Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mr. FEI Shengchao.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in kulan looga hadlay Xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada Amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo binu aadanimada.

 

 

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa sheegay in Shiinaha ay la leeyihiin xiriir diblumaasiyadeed oo dhow oo la xiriira dhinacyada Amniga, dhaqaalaha iyo Binu aadanimada.

Dhankiisa, Danjire Shengchao, ayaa tilmaamay in ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo dhaqaalaha.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 17-09-2025

0

Arbaco 17, Sep 2025 {HMC}  Wararkii ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 17-09-2025

 

HOOS KA DAAWO MUQALKA

{DAAWO MUQAALKA} Howlgalo lagu Raadinayo Dadka dilalka geeystay oo ka socda Magaalada Gaalkacyo

0

Arbaco 17, Sep 2025 {HMC} Howlgalo lagu Raadinayo Dadka dilalka geeystay oo ka socda Magaalada Gaalkacyo

 

HOOS KA DAAWO MUQALKA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 17 09 2025

0

Arbaco,17 09 SEPTMPER 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Radio Hiiraanweyn merchandise
Radio Hiiraanweyn merchandise
Radio Hiiraanweyn merchandise

Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::cabdi nuur caraboow

HOOS KA DAAWO MUQALKA